en
Feedback
Qalbiyada la daayacay.πŸ’”πŸ˜’

Qalbiyada la daayacay.πŸ’”πŸ˜’

Open in Telegram

Chenalkani waa mid public ah oo aanu ugu talo galnay dadka qalbiyadoodu jabeen bal in un inay dhaymo ka helaan.

Show more
1 252
Subscribers
+1124 hours
+377 days
+12630 days

Data loading in progress...

Attracting Subscribers
December '24
December '24
+38
in 0 channels
November '24
+148
in 0 channels
Get PRO
October '24
+149
in 0 channels
Get PRO
September '24
+121
in 0 channels
Get PRO
August '24
+131
in 0 channels
Get PRO
July '24
+93
in 0 channels
Get PRO
June '24
+79
in 0 channels
Get PRO
May '24
+98
in 0 channels
Get PRO
April '24
+68
in 0 channels
Get PRO
March '24
+96
in 0 channels
Get PRO
February '24
+79
in 0 channels
Get PRO
January '24
+59
in 0 channels
Get PRO
December '23
+56
in 0 channels
Get PRO
November '23
+23
in 0 channels
Get PRO
October '23
+26
in 0 channels
Get PRO
September '23
+20
in 0 channels
Get PRO
August '23
+33
in 0 channels
Get PRO
July '23
+16
in 0 channels
Get PRO
June '23
+25
in 0 channels
Get PRO
May '23
+11
in 0 channels
Get PRO
April '23
+23
in 0 channels
Get PRO
March '23
+10
in 0 channels
Get PRO
February '23
+19
in 0 channels
Get PRO
January '23
+24
in 0 channels
Get PRO
December '22
+17
in 0 channels
Get PRO
November '22
+32
in 0 channels
Get PRO
October '22
+55
in 0 channels
Get PRO
September '22
+30
in 0 channels
Get PRO
August '22
+47
in 0 channels
Get PRO
July '22
+49
in 0 channels
Get PRO
June '22
+57
in 0 channels
Get PRO
May '22
+63
in 0 channels
Get PRO
April '22
+124
in 0 channels
Get PRO
March '22
+262
in 0 channels
Date
Subscriber Growth
Mentions
Channels
12 December+5
11 December+5
10 December+3
09 December+5
08 December+4
07 December+5
06 December+3
05 December+3
04 December+2
03 December0
02 December+2
01 December+1
Channel Posts
"Sidaad tahay jiidhkaygiyo Jeex wadnaha kuyaalaa Laykaa jaxaasee Nacabkay ha ii jabin"πŸ’”πŸ₯Ί
"Sidaad tahay jiidhkaygiyo Jeex wadnaha kuyaalaa Laykaa jaxaasee Nacabkay ha ii jabin"πŸ’”πŸ₯Ί

2
Hanbalyo dhamaantiin, caawa waxaynu gaadhnay Hal Kun oo qof, waan idiin mahadcelinayaa Dhamaantiin saaxiibayaal, guusha aynu caawa gaadhnay idinka ayaa u sabab ah.
420
3
sticker.webp
414
4
"Haka shalaynin qof aad jeclaatay oo ku gooyay ee kashalaay qof ku jeclaaday oo aad goysay."πŸ’”πŸ₯Ί
417
5
Maxaa ka qadhaadh hadallada sagootinta ah, Maxaa ka qadhaadh bilowga colaadaha, Maxaa ka qadhaadh geerida ugu timiday kediso ruux aad jeclayd, Maxaa ka qadhaadh hilowga aad u hilowgid qof aanad dib u heli karin, intaas oo dhan waa qadhaadh waxa ayna ka qadhaadh yihiin wax kasta oo qadhaadh. - Sekerie Haldoor
529
6
Waan ku tabay oo waan kui xiisay dushayda waad ka aragtaa isbaddalka nololeed ee la'aantaa aan la darsay. "Haddaan idhi bidhaantaada Uma xiisin waa beene Ma anaa qof booskaaga Heli karaya ii buuxsha? Ma anaan u boholyoobin Kulankiyo bilkheyrtaada? Waxa igu bannaanaatay Halkii aad ku beegnayde Sida eeg bal muuqayga U bedelay iswaageenu Kaalay arag buseelkaagu Siduu iiga dhigay beylah. Illintaydu baaq weeye Bog ku jeceli hayn waayay, I dareen bal ii fiirso Oo billaahi way guule Ii fur buugga naxariista! "_Aamiin Samaddoon Fu'aad Xaruur
531
7
"II FUR BUUGGA NAXARIISTA" Waan kuu xiisay. Xiiso ka xeel fog inta aan afka ka leeyahay. Kala dheeraanteennu waxa ay igu abuurtay dhibaato aanan ka soo kabsan karin illaa aad iga kabto mooyaan e. Maalmihii quruxda badnaa miyaanay dabar kuu noqonayn in aad dhinacahayga u soo jalleecdo? Miyaynnu xabaalnaa xidhiidhkii aynnu ku tacab iyo tiirba beelnay ee sannadaha soo taxna? Rejadii aan ka lahaa la jooggaaga iyo la jirkaagaba ma dhado meel ku da'ayda ayaan ka soo qadaa? Naf qaybsigii aan shuruudda lahayn, riyo aan ka toosay miyaan ku xisaabiyaa? Farxaddeenniina miyaan u arkaa waddo aan u soo marayay xanuunka murugtan? Waa su'aalo aanan rabin dhammaantood in aad kaga jawaabto HAA balse u baahan ereyga MAYA. Waan dareemayaa muddada aynnu kala maqnayn in ay badan tahay balse anigu waan yeelan waayay awoodda maaranka. Waa run oo waan maarmi kari wayaay! Dhammaan xusuusaha aad agtayda kaga tagtay midhmidh ayay iigu leeyihiin micno khaas ah. Xusuustu waxa ay ii furtaa dareen anaan ka soo gayoon karin. Daqiiqad walba oo aan u baahdo in aan nolol cusub abuurto waa dabarka i xidha ee aanan ka tallaabsan karin anigu. Haa ma jirto cid aan dunida ka fahmayo oo aan adiga ahayn. Kumannaan qof oo kale ayaa si fudud ugu soo biiray noloshayda, dhammaanse waxa aan saaray halbeegga qofeed ee aad ii dhiibtay adigu. Dabeecadaadii, farxaddaadii iyo dhaqankaagii intaba waan ka raadiyaa, xataa xanaqaagii. Hal sifo oo aad lahayd marka aan ka waayo gabi ahaanba boos iima buuxin karo oo noloshayda daqiiqad kuma sii raago. Aniga ayaan rabinba cid aan adiga ahayn. Sida caadiga dadku way is wayaan, wayna isaseegaan, laakiin kala tageennu wuu ka duwan yahay is waaga dadka kale sababta oo ah jacaylkeennu wuu ka duwanaya ka dadka kale. Adiga ayaa markhaati ka ah noloshii aynnu soo wada qaadanay iyo maalmihii quruxda badnaa ee aynnu wadaagnay. Si aad iigu marag furto qiimaha jacaylkeenna inna mari aan dib kuu celiyo oo aynnu tagno habeenkii Khamiista ahaa ee aynnu joognay magaaladii aynnu kusoo barbaarnay labadeenuba. Waxa aan xasuustaa dharkii aan xidhnaa iyo kuwii aad ku lebbisnayd habeenkaa. Shaadh midab caddaan xigeen ah, iyo surwaal bunni ah waxa ii raacayay jaakeed suudh oo madow. Kabaha midabkooga saxda aqoon fiican uma lihi, laakiin hummaagga madow ayay u muuqdeen. Gacantayda bidix waxa ku jirtay saacaddii aad hadiyadda iigu keentay oo uu ka horreeyo fargalkii xarafka magacaaga ugu horreeya ku xardhanaa. Haa si fiican ayaan u xasuustaa. Xasuus aan marnaba iga go'ayn. Daqiiqado kooban ayaan kugu sugayay halkii aynnu ku ballansanayn. Cirka laguma oga midh daruur ah, umase ciil qabine waxa uu ku xinnaystay safaf ceeryaan ah oo dayaxu narba mid u gudbayo. Xidiguhuna waxa aad moodaysay in ay ka badnaayeen sidii hore. Laydh qabow oo aan dhaxan ahayn jawigana saxaysa ayaa la dareemayay. Miyaad ilowday wadigii kasoo baxay albaabkiinna adiga oo lagu moodo xuuralcayn. Dharka gabigiisuba wada madow ayaad ku labisnayd. Quruxda dabiiciga ah marka lagu daro ta dad sameega ah waa ashqaraar dabiciici ah. Wada jir ayaynnu u tagnay bannaanka magaalada. Kalsoonidaada dheddignimo ee aad igu qabay ayaa sabab u ahayd in aynnu jewi qurux badan qaadanno. Saacadihii iga yaraa daqiiqaduhu waxa ay ku dhammaadeen innaga oo gacmaha wada jir isku haysanna. Kaftan iyo sheeko naxariis goosgoos ahna wadaagayna. "Gacaliye saw weligeen sidaa uma faraxsanaan doonno?" Waaa su'aashii aad i waydiisay ee aan sida kafiirsasho la'aanta ah aan ugaga jawaabay HAA waynnu wada faraxsanaan doonnaa. Laakiin way beenowday ee oo farxad badan innagamay dambayn habeenkaa. Malaha intii innoo dhinnayd habeenkaa ayaynnu laacnay oo aynnu laasannay. May wali rejo weyn ayaan ka qabaa in aynnu markale wax badan wadaagi doonno. Intaasi miyaanay kuugu filnayn si aan u midowno markale? Haa, oo keliya ayaa innaga xigta in aynnu hore u sii dhaqaaqno, oo jacaylka xididkiisa oo qudhi nolol yar haysto aynnu dib u abqaalno, kaddibna aynnu ka dhigno geed midho dhala. Fadlan ila dareen oo si deeqsinimo leh ii qabso gacanta. Buslaylkan iyo xiisahan aan kuu qabo.
463
8
"Walow Axdigii dhamaaday Walow Dhowr sanno lajoogo Kolkaad wacadkii dhantaashay Dharaar qudha Kuma hilmaamin. Dhibaatadda aan la noolay Xusuuso I dhallan rogaaya Aduunyo Dhir baaxadeedda Qof Dhaawici uusan qaadin Ayay ku dhamaatay Ruuxdu."
378
9
"Nafkuu boholyow day oo Dartaa u busayshay oo Bukaan kuu noqotay baan Adkaysiga aan baraa"πŸ˜­πŸ’”
394
10
"Rugtii aad u guurtay Haday raasqabow tahay Ka durduuro raaxada Kaa raali baan ahay. Rajadii aan kuu qabay Iyo rubad go'aagii Ruuneey habeen hore Inta layga raray baa Raadkiina iga lumay Raasamaal aduunyiyo Hadaad raacday xiisaha Rixin goys inaad tahay Inan yahay ra'yiga gali Hana soo rogaal celin Rayn rayn ku nooloow"😭
464
11
β€œMa tihid mid iga fog, si’aan kuu arko. Mana tihid mid ii dhaw, si’aan kuula kulmo. Mana tihid qofkaygii si’aan u xasilo. Mana tihid mid la iga xaraantimeeyay, si’aan kuu ilaawo. Adigu wax kasta waxa aad kaga jirtaa badhtamaha.” -Mahmoud DarwiishπŸ’”
435
12
β€œMaxay noloshu macno leedahay haddii aynu kala tagnaybaπŸ’”.”
β€œMaxay noloshu macno leedahay haddii aynu kala tagnaybaπŸ’”.”
526
13
β€œWaxaan kuu jeclaaday hab aan jeclaan lahaa in qofi ii jeclaado.” - Maxamed DarwiishπŸ’”
508
14
"Ilintaydu baaq weeye Bog ku jeceli hayn waayay I dareen bal ii fiirso Oo bilaahi way guulle Iifur buuga naxariista"πŸ’”
507
15
β€œMaxay faa’ido leedahay in aad i jeclaato haddana aanad i fahmayn, aad ii xiisto haddana aanad isoo raadin, aan ka mid noqdo noloshada waxyaabaha ku jira balse aanan ahayn ta ugu muhiimsan.” - Nizaar qabbaani.πŸ’”
523
16
"Iid wanaagsan boqortooyo Si balaadhan waxa kuu leh Niyad aad ka bixi wayday Hase moodin boholyowga Bariidadda ku hoos duugan Mid badhaadhe keenaaya Xidhiidhkeeni beennoobay Go'aankaan ku kala baadnay Barbarkayga kama laaban Qalbigayga kuu baahan Waxa baqasho galinaaya Burburkii shalay gaadhay Boqol sano hadaan joogo Kuuma soo bandhigi doono Dib u baano ruuxdaydda Bog cusayb ah ila soo rog Iyo hadalo beer qaad ah Kuma nicinse badankaygu Cishqigaygu waa buurre Waa mid baaxadiisii leh Waa mid aan ahayn baylah Boggaygaan ku kaydshaaye Bil khayrtaadda iyo guushu Igu filan bidhaantaaddu Iid wanaagsan boqortooyo Si balaadhan waxa kuu leh Niyad aad ka bixi wayday" Fadxi cabdi Xasan.
580
17
"Ciid wanaagsan Saaxiibayaal, Jaalleyaal iyo Walaaleyaal-ba. Nabad qab iyo caafimaad Ku ciida Dhamaantiin. Ilaahay tan teeda kale nabad qab iyo caafimaad haydinku gaadhsiiyo. Bishii barakaysnayd ee aad soo soonteena mid acmaasheeda laydinka aqbalo alle haka yeelo. Kulu caam Wa antum Bil-khayr"❀️
482
18
β€œHaddii ay ahaan layayd warqad waan jeex jeexi lahaa, haddii ay ahaan lahayd quraarad waan jebin lahaa, haddii uu ahaan lahaa
β€œHaddii ay ahaan layayd warqad waan jeex jeexi lahaa, haddii ay ahaan lahayd quraarad waan jebin lahaa, haddii uu ahaan lahaa gidaar waan dumin lahaa, laakiin wuxuu ahaa qalbigayga.” - Mahmoud Darwiish.πŸ’”
526
19
Haddii ay taydii noqoto oo aynaan weligeen kulmin, ha iloobin in aan aad u jeclaa in aan kula kulmo. - Maxamuud Darwiish.πŸ’”
520
20
Fariintayda oohintu kuma soo gaadhi doonto, waayo dabayshu ma qaado warqad qoyan. πŸ˜₯πŸ’” -Unknown.
531