Abdi'rizaak ALI🦁
Open in Telegram
6 920
Subscribers
+324 hours
+287 days
+20630 days
Posts Archive
6 920
Ciidanka Xoogga iyo Geesiyaasha reer Xarardheere ayaa xalay hawlgal gaar ah ku khaarajiyay horjoogayaal sare oo ka tirsanaa Khawaarijta, kaas oo ku soo dhamaaday guul.
Howlgalkan ayaa gudaha loogu deegaanno ay Khawaarijtu joogtay, iyagoo ku duulaya xogo sirdoon oo si wayn la isugu dubbariday, bartilmaameedka howlgalka ayaa ahaa Horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta Mudug iyo Galguduud oo ku lug lahaa weeraro horay uga dhacay goballadaas.
Ciidanka ayaa galay waddo ay ku safrayeen Horjoogayaasha oo xogtooda la hayey, kuwaas oo marayay deegaanka Dumaaye, waxaana halkaas lagu khaarajiyey Horjoogihii ay beegsanayeen, kaas oo ahaa ku xigeenka madaxa Jabhadaha Khawaarijta ee Mudug iyo Galguduud.
Horjoogahan oo lagu magacaabo Maxamed Isaaq Aw-raage (Maracadde) ayay Ciidamadu u daba socdeen ficiladii uu horay u gaystay iyo kuwa hadda uu qorshaynayay, iyagoo isla goobtaas ku dilay horjooge kale oo Ajinabi ah oo la socday Maracadde iyo Shan-maleeshiyaad ah oo ilaalo u ahaa, waxayna kasoo furteen Hubkii iyo Agab kale oo dagaal oo dhagarqabayaashaasi ay wateen.
Geesiyaasha fuliyay hawlgalkan qorshaysan ayaa si nabad ah dib ugu soo laabtay fariisinkooda oo ahaa degmada Xarardheere ee koonfurta gobolka Mudug.
6 920
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa booqday Isbitaalka Erdogan ex Digfeer ee magaalada Muqdisho, si uu ugu kuurgalo xaaladda caafimaad ee mas’uuliyiin iyo muwaadiniin Soomaaliyeed ee ku dhaawacmay weerarkii ay kooxda argagaxisada Khawaarijta ku qaaday hotel SYL.
Ra’iisul Wasaaraha oo mid mid u dul istaagay ayaa alle uga baryey inuu caafimaad degdeg ah siiyo, isagoo ka waraystay maamulka isbitaalka xaaladaha ay ku sugan yihiin bukaannada iyo dhawaacayada lagu daawaynayo Isbitaalka, islamarkaa uga mahadceliyey dhakhaatiirta Isbitaalka Erdogan shaqada wanaagsan ee ay bulshada Soomaaliyeed u hayaan.
6 920
Geeshiyaasha Kumaandooska Danab Bandhigii ay kaga qeyb galeen Carbis military ee ka dhacay Dalka keenya iyagoona kaalinta 1aad ka Galay carbiskaan.
6 920
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyed gaar ahaan Guutada 8-aad qeybta 60-aad ayaa maanta howlgal qorsheysan oo laga sii war hayay ku fashiliyay deegaanka Haween ee Gobolka Baay, dhagar ay soo maleegeen khawaarijta.
Howlgalkaas ayaa Khawaarijta looga dilay 7-maleyshiyaad ah halka looga gubay ilaa 5 kamid ah Mootoyinka Feekonka loo yaqaano oo ay adeegsanayeen.
6 920
Ciidamada Amniga ayaa toogtay dhammaan kooxdii Khawaarijta ahayd ee soo weerartay Hotel SYL.
Faahfaahinta oo dhamaystiran sida ay halkaas wax uga dhaceen goordhaw ayaan idinla wadaagi doonaa.
6 920
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutooyinka 14-ka October iyo Gorgor ayaa ku guuleystay inay damiyaan dab ay koronto dhalisay oo maanta ka kacay suuqa degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Dabka oo si xooggan uqabsaday qeybo kamid ah suuqa Awdheegle ayaa geystay khasaaro hantiyeed, waxaa gebi ahaan ku basbeelay guri iyo goob ganacsi oo dadkii ku sugnaa ay kasoo badbaadiyeen geesiyaasha qarankeenna oo gurmad deg deg ah goobta la gaaray.
6 920
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqday Isbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho oo lagu dabiibayo qaar ka mid ah dhaawacyada, mas’uuliyiin iyo muwaadiniin Soomaaliyeed ee ku wax yeeloobay weerarkii argagixisada Khawaarijta ee ka dhacay hotelka SYL. Madaxweynaha oo mid mid u dul istaagay dhaawacyadan ayaa Alle u weydiiyay caafimaad degdeg ah
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn kormeer ku tagay xarunta hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka NISA, halkaasi oo uu ku dhageystay warbixino horudhac ah oo ku saabsan weerarkii argagixiso ee hotel SYL.
6 920
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN KU SAABSAN AMNIGA DALKA IYO CIRIBTIRKA KHAWAARIJTA LA QAATAY HAY'ADAHA AMNIGA DALKA
Muqdisho, Maarso 14, 2024: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan ku saabsan dardargelinta howlgallada xoreynta dalka waxa uu kula qaatay xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Saraakiisha hoggaaminaya howlgallada,Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda JFS.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyey naf-hurnimada geesiyaasha Soomaaliyeed ee u istaagay xoreyta deegaannada ay argagixisadu kaga harsan yihiin dalka, waxa uuna xusay in si adag la isugula xisaabtamayo arrimaha la xiriira dagaalkan, maadaama uu aasaas u yahay jiritaanka dowladnimada Soomaaliya.
“Mar walba cadowga waa la jabiyaa. Markaan waxaan rabnaa in aysan dib u soo laaban khawaarijta deegaannnada lagu jabiyo, waxaan dooneynaa in cadowga goobaha laga saaro la hubiyo si aysan dib ugu soo noqon”.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in dowladda ay ka go’an tahay ciribtirka argagixisada, dadaalladdii looga miro dhalin lahaana ay bud dhig u yihiin hoggaan wanaagga Saraakiisha hurmuudka u ah howlgallada, waxa uuna sheegay in iskaashiga iyo la shaqeynta shacabka ay door weyn ka qaadaneyso dagaalka dalka lagu xoreynayo iyo sugida amniga caasimada iyo deegaanada ku hareeraysan
6 920
Maxaa ka ogtahay Xasuuqii Khawaarijta loogu gaystay Tuulada Iji ee Gobalka Hiiraan.?
6 920
Shacabka Muqdisho oo nabad ku afuray habeenkii 3-aad ee Ramadaanka iyo ciidamada amniga oo meel kasta heegan uga jira | Warbixin.
6 920
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, qeybteeda Galmudug oo dil toogasho ah ku xukuntay Askari dilay Taliyihiisii.
6 920
Ciidanka Nabad Sugidda oo howlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyey gudaha iyo daafaha degmada Baraawe.
6 920
Gen Xasan jaamici waa sargaalka kaliya ee ku suntan geesinimo iyo hal adeeg marka la hadlayo hugaamiyaasha ciidanka somalida ee dagaalka kula jira Khawaarijta.
Mudo laba sanno ah ma uusan arag reerkiisi iyo caruurtiisi, intaas waxa uu ku jiray farunta dagaalka, waxa uu horseed u ahaa guulihii cadowga looga saaray deegaano badan oo Galmudug ka tirsan si gaara deeganada Reer xaaji.
Lkn nasiib darro ciidankii oo waayay waxyaabihii ay u baahnaayeen iyo farsamo xumo ayaa keentay in dhamaan laga soo wada baxo faruumihii dagaalka.
Kuwa meelaha dayacada la taagan ee taliyaha wax ka sheegaya kuwa qamaar moog ah, xaqiiqada ayaasa ah in Gen Jaamici dhiiga u shubay reer Xaaji iyo Galmudug intaba.
6 920
Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo maanta Midowga Yurub kala wareegay gaadiid dagaal oo loogu tala-galay guutada 14-ka October.
