en
Feedback
Abdi'rizaak ALI🦁

Abdi'rizaak ALI🦁

Open in Telegram

Geesiga Dhulkiisa Guusha U Horseeda

Show more
6 920
Subscribers
+324 hours
+287 days
+20630 days
Posts Archive
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle ayaa kormeer ku tegay deegaano hoos taga
+5
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle ayaa kormeer ku tegay deegaano hoos taga degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe. Taliye ayaa kormeeray deeganada laga saaray kooxda Khawaarijta, kuwaas oo kala ah Jnbaluul, Daniga-baalow, Baqdaad iyo tuulooyin dhaca xuduuda gobollada Shabeellada Dhexe iyo Shabeellada Hoose. Taliyaha ayaa ciidanka xoogga dalka ee ku sugan degaanadaas ku booriyey in ay sii laba jibaaraan dardar-gelinta howlgalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Ciidamada gorgor oo howlgalo sameyay deegaano ku dhaw baraag Ismaaciil
+7
Ciidamada gorgor oo howlgalo sameyay deegaano ku dhaw baraag Ismaaciil

Xukunka Dil ka dhashay Muran salka ku haayay Siyaasad.. Dable Xoogga Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Tookiyo) ayaa loo soo xiray dil bareer ah uu u geestay Marxuum Cabdijabaar Maxamed Xasan Labo iyo Tobankii bishii Augost 2022, falkaas oo ka dhacay maqaayad lagu shaaho ee kutaal isgooska Tarabuunka ee degmada Hodan. Muran salka ku haayay Siyaasad oo soo kala dhaxgalay Marxuumka iyo Cabdiraxmaan ayaa gaartay gacan ka hadal uu midi kaga dhuftay Wadnaha iyo Daanka. Eedesanaha oo baxsad ka ahaa gacmaha sharciga ayaa soo gacan galay Sideed iyo Labaatankii bishii January ee Sanadkan. Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday qaadista kiiskan waxaana laga ogolaaday Sideed iyo Tobankii bishii February ee Sanadkaan. Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siiyay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku xukuntay Dable Xoogga Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Tookiyo) Dil toogasho ahna qisaasta Marxuum Cabdijabaar Maxamed Xasan. Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada.

photo content

Maxkamadda Ciidamarda Jubbaland ayaa maanta u fariisatay dhagaysiga garmaqalka wajiga labaad ee kiis uu eedeysane ka yahay Ug
+7
Maxkamadda Ciidamarda Jubbaland ayaa maanta u fariisatay dhagaysiga garmaqalka wajiga labaad ee kiis uu eedeysane ka yahay Ugaas Aadan Maxamed Geedi Cabdi oo ka tirsanaa kooxda Argagixisada islamarkaana gacanta lagu soo dhigay isaga oo dagaalmaya sanadkii 2021-ka. Eedeysanahan ayaa siyaabo kala duwan ula soo shaqeeyay kooxda Khawaarijta waxa uuna u ahaa xubin muhiim ah sida ay u aaminsanaayeen iyagoo kolba xilal kala duwan u dhiibayay. Xeer ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamadda Jubbaland G/le Dhexe Ismaaciil Cabdi Cali ayaa Maxkamadda ka hor akhriyay eedeha loo haysto Ugaas Aadan iyo cadaymo muujnaya sida uu muhiim ugu ahaa Argagixisada. Gabagabdii Maxkamadda Ciidamadda Jubbaland ayaa xukun kasoo saartay eedda loo haysto Ugaas Aadan Maxamed Geedi Cabdi kaas oo ugu dambayn lagu xukumay dil toogasho ah waxaana xukunka ku dhawaaqay Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Jubbaland.

Taliyaha Ciidanka XDS, s/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa kulan looga hadlayay sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah
+7
Taliyaha Ciidanka XDS, s/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa kulan looga hadlayay sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah Argagixisada la yeeshay Hogaamiyaasha Macaawisleyda Sh/dhaxe oo si weyn ula dagaalamaya Cadawga maafiyada ah. Hogaamiyaasha Macaawisleyda Ee ayaa lagala hadlay inay qaataan kaalintooda ku saabsan dagaalka ka dhanka ah kooxda Argagixisada ah, ayna u diyaar garoobaan duulaanka ka dhanka kooxda maafiyada ah Ee dalka lagu xureynayo. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa wada dadaallo xoogan oo lagu doonayo in dalka looga xureeyo Argagixisada, waxaana socda abaabulka beelaha si garab weyn ay u siiyaan ciidamada Milateriga Soomaaliya.

Wareysi gaar ah: Madaxa wacyi-gelinta ciidanka xoogga dalka Xidigle Sheekh Abuukar Macalin oo ku sugan furimaha dagaalka ee Sh/Dhexe.

Xarardheere

Maxamed Cabdulaahi Maxamed oo ka soo goostay Khawaarijta ayaa isku soo dhiibay Ciidamada Booliska Degmada Hobyo ee Gobolka Mu
Maxamed Cabdulaahi Maxamed oo ka soo goostay Khawaarijta ayaa isku soo dhiibay Ciidamada Booliska Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Kumaandooska Gorgor oo ku afuraya duleedka xarardheere oo howlgalp culus ah ka wadaan

photo content
+9

Taliye ku xigeenka ciidanka Dhulka Gen C/laahi Aden Xusein (Ciiro) ayaa xilka u kala wareejiyay Taliyihii Hore ee Ciidamada Guutada 27-aad ee Abuu Dujaana G/le Nuurdiin Xuseen Macalin iyo Taliyaha Cusub ee Guutada 27-aad ee Abuu Dujaana G/Le Maxamed Nuur Maxamed Cabdi oo dhawaan uu Taliska Xoogga Dalku u soo magacaabay Guutadaan. Xil wareejinta oo ay isu soo dubarideen Gudiga xil wareejinta oo uu hogaaminayay G/sare Yoonis Maxamed Cali oo ahaa Gudoomiyaha gudiga Xil wareejinta Guutada Abuu Dujaana ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Taliye xigeenka la wadaagay shaqadii ay soo qabteen iyo tiro koobka, ciiddanka Guutada, Hubka iyo Gaadiidka, taas oo lagu soo aruurshay Galka xil wareejinta. Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka Gen C/laahi Aden Xusein Ciro oo xil Wareejinta ka dib la dardaarmay Taliyaha Cusub ee Saraakiisha la shaqeynaysa ayaa sheegay in looga fadhiyo xoojinta Dagaalka lagula jiro kooxda Khawaarijta oo ay door weyn ku leeyihiin Ciidamada Guutada 27-aad ee Abuu Dujaana.

Argagixisada dhowr jaho ayaa weerar uga bilaawday waxaana la gaaray xilligii ay dabar Go’ayeen ‘’Taliye ibraahim Sheekh Muxudiin’’.

kooxda arxanka daran ee khawaarijta oo ku fashilmay fagaarayaasha dagaalka Ayaa xoog ku soo afduubtay caruurtaan yar yar oo beeraleyda ah si ay dagaalka ugu shubaan.

Dib u bilaabashada Dagaalka wajiga 2aad iyo Taliyaha CXDS ibraahim Sheikh Muxudiin oo ciidamada XDS kula afuraya Furimaha dag
+2
Dib u bilaabashada Dagaalka wajiga 2aad iyo Taliyaha CXDS ibraahim Sheikh Muxudiin oo ciidamada XDS kula afuraya Furimaha dagaalka.

Saliga nabiga nnkh iyo Mujaahidiinta ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed Cidanka qalabka sido Xafidulaah

Ciidanka dib u xoreynta deegaanka ee ka howlgala aagga degmada Xarardheere ayaa saakay qaaday howlgallo ay dhowr deegaan uga
+3
Ciidanka dib u xoreynta deegaanka ee ka howlgala aagga degmada Xarardheere ayaa saakay qaaday howlgallo ay dhowr deegaan uga sifeeyeen maleeshiyaadka Argagixisada ah ,si Bulshada looga dulqaado dhagartooda. Deegaanka Galcad-jiimo iyo deegaano kale oo hoostaga Degamada Xarardheere ee Gobalka Mudug ayey Ciidanku Kala wareegeen khawaarijta, Kuwaasi oo nabadiidka u ahaa goobo ay si dhuumaaleysi ah ku tagaan kadibna dadka shacabka ah ku dhibaateeyaan. Cabduqaadir Kadiido oo ka tirsan Saraakiisha hogaamineysay Ciidanka deegaanka ee maleeshiyada ka sifeeyay deegaanadaasi, ayaa tilmaamay in howlgalada Ciidanka ee ka dhanka ah Nabadiidka ay sii wadi doonaan inta laga ciribtirayo cadowga caadeystay daadinta dhiiga dadka Muslimiinta ah. Waxaa uu tilmaamay howlgalada ka socda aaga degamada Xarardheere khawaarijta lagu gaarsiiyay jab xoogga horjoogayaal iyo maleeshiyaad kalena lagu dilay.

Saliga nabiga nnkh iyo Mujaahidiinta ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed Cidanka qalabka sido Xafidulaah

Koofur Mudug Khawaarijtii ayaa Casharo dheeraad ah loogu dhigayaa galabta. Kadib duqeyn adag oo Saldhigyadii Khawaarijta lagu aqseeyey waxaa cadowga laga saaray Degaanada Qeycad iyo Tuulo sanbuur oo hoos taga Degmada Bacaadweyne waxaana gudaha u galay Ciidanka Kumaandooska Danab iyo xoogagga deegaanka. Khasaare xoogleh ayaa Khawaarijta lagu gaarsiiyey howlgalka socda, deegaano kale oo uu ka mid yahay Jeex jeexa ayaa sidaas oo kale duqeyn lagu naafeeyey Cadowga.

Wafdi ka socda dowlada Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Jeneraal Cabdiraxmaan Tuuryare ayaa gaaray magaalada Riyadh e
+2
Wafdi ka socda dowlada Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Jeneraal Cabdiraxmaan Tuuryare ayaa gaaray magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga si ay uga qeyb galaan shirka Isbaheysiga Ciidanka Wadamada Islaamka ee la dagaalanka argagaxisadda. Shirka ayaa diirada lagu saari doona hindasiyaasha la dagaalanka argagaxisadda. Isbaheysigan oo la yagleelay 2015 ayaa waxaa uu ka kooban yahay 42 dal waxaana Soomaaliya ay ka mid tahay aasaasa yaasha.