en
Feedback
Ismaaciil abukhaalid2

Ismaaciil abukhaalid2

Open in Telegram

Kanaalkaan daaci suldaan waa kanaal aad ka heli doontaa wax walba oo ku saabsan arimaha diinta iyo wax kasta oo idin raali geliya Fadlan kusoo biir : ╭══💜════════ღ❦ღ══╮ @ismaaciil abuukhaalid ╰══ღ❦ღ════════💜══╯

Show more
4 000
Subscribers
No data24 hours
No data7 days
+130 days
Posts Archive
Repost from Abuukhaalid1
Dumarku waa qaali sidaad moodeyso ma ahan wadaadow ninbaa xoolo dhan oo uu kaa heestay 100 halaaad dareeriyay siduu u heli laha gabar. Nabigu صلي الله عليه وسلم waa tii uu saaxibigii faqiirka aha ku yiri war bal xita faraati dahab ah raadi saanu xal ma ahe halka maanta na leeyahay gabadha ayada lacag ha aruursato oo haku doonato nin aanan waxba heysan. https://t.me/abuukhaalid1

Repost from Abuukhaalid1
Qofka Muslimka ahi ma wax Ilaahey, rasuulkiisa ﷺ iyo diinta ka weyn oo muqaddas ah ayuu leeyahay? Kuwaasi haddii aysan muqadd
Qofka Muslimka ahi ma wax Ilaahey, rasuulkiisa ﷺ iyo diinta ka weyn oo muqaddas ah ayuu leeyahay? Kuwaasi haddii aysan muqaddas (lamataabtaan) u ahayn, oo uu caadi u arko in la caayo, weliba uu qofkii aflegaaddaynayay la shaqaynayo oo dad uu cayda gaarsiiyo la raadinayo, maxay yihiin waxa qofkaas agtiisa muqaddaska ka ahi?! Haddii uusan Ilaahey agtaada lamataabtaan ka ahayn yaa ka ah? Haddii uusan nebigu ﷺ agtaada lamataabtaan ka ahayn oo aad qofkii caayay buunbuuninayso, “Macallin, ustaad, maktabad” ku hayso, ama aad iskala kaftamayso oo iskala socoto qof diinta ama nebiga ﷺ aflegaaddeeyay yaa agtaada muqaddas ka ah? Subxaanallaah! Ilbaxnimada iska keenkeenka ahi dhibkaan ayay leedahay, intaad isleedahay aqoonyahan Haarfaad ka baxay iska dhig ayaad Ilaahey, diinta iyo nebiga ﷺ ka mujaamalaynaysaa. https://t.me/abuukhaalid1

Repost from Abuukhaalid1
In Badan Oo Dadka Ka Mid Ah Waxey Sameyaan Acmaal Wanaagsan Oo Ajir Badan Lagu Kasban Karo ....... Lkn Camalkaas Ay Sameeynayaan Waxaa Inta Badan Cuuryaamiya Cudur Halis Ah Oo La Yiraahdo IS TUS TUS Allaahumma Kasaar Quluubteena Camal Walba Oo Aan Raali Ahaanshahaada Lagu Sameyn. https://t.me/abuukhaalid1

Repost from Abuukhaalid1
Waxaa la isoo kiciyey iyadoo quraac diyaarineysa, waan quraacday oo labistey iyadana sidoo kale, iskuul ayey ada anigunah hawlahayga shaqo jadwalkayga malinlaha ah ayan raacda, markaan so wada rawaaxno anigu asxabtayd ayan bashaal iyo sheeko la qabsada laakiin iyadu guriga ayey usoo carartey si ay u caawiso Hooyo macaan. Saacadii qadada baan imid anigoo xaragoonaya markaan dharkii iska bixiyey waxaaba ii diyaarsan cuntadii, waan qadeeyey oo gacmihii dhaqdey anigoo kor u haya labada gacmood baa hooyo tiri "Naayaa aaway istiraashadi gacmo tirkii" wey lasoo carartey aniguna intaan is nadiifiyey baan ka istaagey oo qolkeygii u nasasho tagey. Galabtii waxaan aaday sheeko iyo shaah cab, laakiin iyadu gurigii bey hagaajineysaa kadibna waxa sugaya casho karis iyo firaashka sariirtii aan kasoo toosay, markaan fiidkii imaado waa casho macaan iyo qol diyaarsan laakiin iyadu howsheedii ma dhamaan weli oo alaab dhaqoow iyo cajiin qasoow baa usii harsan. Sidii bey ku seexatey iyadoo daalan, maalinta kalenna waa uun isla sidii maanta waxaana usii dheer Jimcada aan fasaxa wada nahey iyada waa u shaqo iyo dhar dhaqoow iyo xataa marti hadey timaado soo dhaweyn, aniga laakiin waa ii farxad iyo ciyaar. Abaayo macaan waxaad i dareensiisay inaan ahey Boqor ku nool qasrigiisa dunida adigoo waxba igu xujeynin, lacag iga qaadan ama igu abaal sheegan, ma ihi nin gudi kara abaalkaaga laakiin waxaad qasri ku leedahey qalbigeyga waxaana adduunka u necebahey qofkii ku dhiba ama kaa ooysiiya, rabbiyow ku xifdi adiga, adinka iyo guud ahaan Gabdhaha Soomaaliyeed , doqonkii ku gardaroodana ku ciqaab adduun iyo aakhiro oo cibaaro kasoo saaa Ninkii ay Gabar walaal ah la dhalatey wuu dareemi karaa qiimahooda nacasta mooyaane... ✍️Ismaaciil Cabdulaahi https://t.me/abuukhaalid1

Repost from Abuukhaalid1
"Qofka jecel in Alle qalbiga u furo, xikmadna ku arsaaqo; Cidladda ha badsado, cuntadana ha yaraysto, laba qolona yaanu raacin (dadka maan-gaabka ah iyo culimada kuwa aan anshaxa iyo caddaalada lahayn)" الإمام الشافعي رحمه الله تعالى https://t.me/abuukhaalid1

Repost from Abuukhaalid1
Bn cabdil-barri رحمه الله ayaa yiri: "waxaa la yiraahdaa lixu hadday ku dullaystaan waxba yaan maradu kugu dhegin adaa is dhigay meeshee: ① xeero aan lagaa wicin haddaad safka iska gasho, haddii gacanta lagu qabto, waxba ha yaxyixin adaa dhuuni ahaaye. ② maamuus iyo manfac haddaad nacas ka doonto,haddow kugu digto ama si dullinimo ah kuula dhaqmo adaa is dhigaye, waxba nafta ha hiifin. ③ laba sheeko wadata haddaad ku dhexdhaco sida tisxigii, maxaa kaaga jira haddii lagu jiraa, waxba yaan maradu kugu dhegin adaa isku dhigaye. ④ haddaad madaxda isku taagto adaa naftaada meel cidlo ah dhigay, haddaad isu dullaysana markay kaa dan gaaraan dabada laad lagaa geliyaan, waxba tolbeelay ha soo dhihin. ⑤ goob aadan mudneyn haddaad tagto magac xumadii kaa soo raacda adaa isku dhigay. ⑥ hadal aan lagaa rabin haddaad la soo oroddo, ee lagaa soo qaadi waayo, waxba ha is xumeyn, adaa haad-haadkaadu badnaaye". ‏قال ﺍﺑﻦ ﻋﺒﺪﺍﻟﺒﺮ رحمه الله : "ﻛﺎﻥ ﻳﻘﺎﻝ: ﺳﺘﺔٌ ﺇﺫﺍ ﺃُﻫﻴﻨﻮﺍ ﻓﻼ‌ ﻳﻠﻮﻣﻮﺍ ﺃﻧﻔﺴﻬﻢ : ① ﺍﻟﺬَّﺍﻫﺐ ﺇﻟﻰ ﻣﺎﺋﺪﺓ ﻟﻢ ﻳُﺪﻉَ ﺇﻟﻴﻬﺎ . ② ﻭﻃﺎﻟﺐ ﺍﻟﻔﻀﻞ ﻣﻦ ﺍﻟﻠﺌﺎﻡ . ③ ﻭﺍﻟﺪﺍﺧﻞ ﺑﻴﻦ ﺍﺛﻨﻴﻦ ﻓﻲ ﺣﺪﻳﺜﻬﻤﺎ ﻣﻦ‏ ﻏﻴﺮ ﺃﻥ ﻳُﺪﺧﻼ‌ﻩ ﻓﻴﻪ . ④ ﻭﺍﻟﻤﺴﺘﺨِﻒّ ﺑﺎﻟﺴﻠﻄﺎﻥ . ⑤ ﻭﺍﻟﺠﺎﻟﺲ ﻣﺠﻠﺴﺎً ﻟﻴﺲ ﻟﻪ ﺑﺄﻫﻞٍ . ⑥ ﻭﺍﻟﻤﻘﺒِﻞ ﺑﺤﺪﻳﺜﻪ ﻋﻠﻰ ﻣﻦ ﻻ‌ ﻳﺴﻤﻊ ﻣﻨﻪ ﻭﻻ‌ ﻳﺼﻐﻲ ﺇﻟﻴﻪ". ﺍﻵ‌ﺩﺍﺏ ﺍﻟﺸﺮﻋﻴﺔ ﻻ‌ﺑﻦ ﻣﻔﻠﺢ (ﺹ 347) https://t.me/abuukhaalid1

Repost from Abuukhaalid1
"Dhalinyaraa Tihiin Muruqiin iyo xoggiina yuusan idin sirin, Ilaahey haloo laabto o hala towbad keeno.. Nin walba intuu yaryahay Jaaniska haka faaiideysto hada oo aad xoog badan tihiin ilaahey markaad xasuusataan, Markaad dabacdaan ilaahey waa idin naxariisan, waa idin fara godayaa, Axad wax la abaalsado oo wax la deynsado Allaa ugu wanaagsan Subxaana-watacaala... Sh Xassaan Xusseen. https://t.me/abuukhaalid1

Repost from Abuukhaalid1
Xanuunka ku dhaca jirka bini-aadam ka midka ugu badan ee Quraanka lagu xusay waa xanuunka ku dhaca Qalbiga, Waa xanuun aad u
Xanuunka ku dhaca jirka bini-aadam ka midka ugu badan ee Quraanka lagu xusay waa xanuunka ku dhaca Qalbiga, Waa xanuun aad u halis badan Oo aan si sahlan lagu ogaan karin waana xanuun aad u faafa Oo saameeya dhamaan jirka kale ee bini-aadamka, فِي قُلُوبِهِمْ مَرَضٌ فَزَادَهُمُ اللَّهُ مَرَضًا Xanuunkaasi Qofkii ka bad baada waa qofka ugu nasiibka badan dunida balse inta ka bad baada ayaa aad u yar Rasuulka scw talooyinkii baa kamid ahaa in Qofka jirkiisa ka ilaaliyo xanuunkaasi, قال رسول الله صلى الله عليه وسلم أَلاَ وَإِنَّ فِي الْجَسَدِ مُضْغَةً إِذَا صَلَحَتْ صَلَحَ الْجَسَدُ كُلُّهُ، وَإِذَا فَسَدَتْ فَسَدَ الْجَسَدُ كُلُّهُ‏.‏ أَلاَ وَهِيَ الْقَلْبُ، Xanuunkaani qoraal laguma soo koobi karo saamayntiisa iyo sifaadkiisaba balse inta wax ka qortay waxaa ugu fiican Ibnu Qayim kitaabkiisa الداء والدواء Ama isla kitaabka magaciisa kale الجواب الكافي لمن سأل عن الدواء الشافي. t.me/abuukhaalid1

Repost from Abuukhaalid1
Askarta Guantanamo qaarkood intay noo imaaddaan ayay si ixtiraam leh noo salaami jireen , iyagoo odhanaya “Welcome Great Lion
Askarta Guantanamo qaarkood intay noo imaaddaan ayay si ixtiraam leh noo salaami jireen , iyagoo odhanaya “Welcome Great Lions”. Mid kamid ah ayaa maalin i weydiiyay “Sidee Maraykan ugu dhiirateen ? Maraykan oo aduunyaddu u rukuucday sidee idin-ku ugu dhiirateen inaad iska celisaan ?!” Anigoo aan u jawaabin ayuu intuu isoo eegay igu idhi : “Geesiyadda iyo geed adaygyadda waan ixtiraamayaa cadawgayga haba ahaadaan'e , fulay-ga iyo gocor-kana waan xaqirayaa saxiibadday haba ahaadaan'e . Waan idin ixtiraamaa se waan idin necebahay ” — Dr Faa'is al Kandari , kadeed kii Guantanamo , safaxadda - 186 , 187 . https://t.me/abuukhaalid1

Repost from Abuukhaalid1
"Astaamaha danbiyada oo dhan qofka mu'minka waa mid laga heli karo, balse beenta iyo khiyaanada mu'minka kama suurtooban". https://t.me/abuukhaalid1

Repost from Abuukhaalid1
marka dagaal ay ciidamo iskaga horyimaaddaan, waxa diintani ay ku badbaadi jirtay seefta Khaalid, Abu Cubayda iyo Musanaa. Marka dagaalka fekerka ahi uu oogsadana, diintani waxa ay ku badbaadi jirtay maansooyinka Xasaan Ibnu Saabit. Khaalid waxba kama qaban karo halka uu Xasaan wax ka tarayo! Dhammaan maansooyinka Xasaanna ma buuxin karaan kaalinta hal seef oo Khaalid uu cid ku dhufto! Qodobka aan uga socdaa saaxiib, waa in diintani ay leedahay albaabo kala duwan, qof kasta oo inaga mid ahina uu albaab buuxiyo, ee kaalintaada waligaa ha dhayalsan. Mar haddii uu Ilaahay ku siiyay hubka erayga iyo aftahannimo, cibaadadaadana aad ku dheggan tahay oo aadan dhayalsanin, waxa uu kuu xil saaray albaab ka mid ah albaabada diinta, ee ka soo bax masuuliyaddaas oo ha isyasin! Suugaanyahanka iyo abwaanka waxa lagu beegay albaabka ilaalinta caqiidada, raddinta shubahaadka iyo sheegista erayga xaqa ah! Dagaalyahanka dagaalka! waxa lagu beegay albaabka dagaalka! Macalinka waxa lagu beegay albaabka dhismaha jiilka soo kacaya! Hooyada waxa lagu beegay albaabka barbaarinta iyo tarbiyadaynta halyeeyada! Saxafiga waxa lagu beegay albaabka ah in uu diinta ka ilaaliyo in hadal dhabarka lagaga toogto! Marka saaxiib boosaska aad diinta wax ugu qaban karto waa badanyihiin ee midkii aad aqoonteyda leedahay diinkada wax ugu qabo. Ismaaciil Abdullaahi https://t.me/abuukhaalid1

Repost from Abuukhaalid1
Ma is weydiisay sababta ay muslimiinta u guulesan la yihiin gaalada iyadoo uu alle leeyahay: وَلَنْ يَجْعَلَ اللهُ لِلْكَافِرِينَ عَلَى الْمُؤْمِنِينَ سَبِيلًا] ١٤١ Sababtoo ah annagu Muslimiin baannu nahay, laakiin Mu'miniin ma nihin. Muslimiinta maanta jirtaa waxay gutaan cibaadooyinka sida; salaadda, soonka, xajka iwm., laakiin aad bay u liitaan. Waxay ka liitaan dhinacyada dhaqaalaha,arrimaha bulshada, aqoonta, awoodda millateriiyo dhan kasta oo nolosha ku saabsan. Muslimiinta maanta joogtaa ma aanay gaarin darajada "Mu'miniin". Bal aannu u fiirsanno arrimaha soo socda: Haddii ay Mu'miniin dhab ah ahaan lahaayeen, Alle ayaa u gargaari lahaa. Waxa taas daliil u ah: [٤٧ سورة الروم : ] {وَكَانَ حَقًّا عَلَيْنَا نَصْرُ الْمُؤْمِنِينَ} Haddii ay Mu'miniin yihiin, ummadaha iyagaa ugu xoog iyo horumar badnaan lahaa. Waxa taas daliil kuugu ah: سورة آل ) [ وَلَا تَهِنُوا وَلَا تَحْزَنُوا وَأَنتُمُ الْأَعْلَوْنَ إِن كُنتُم مُّؤْمِنِينَ] 139. (عمران Haddii ay Mu'miniin yihiin, cadawgoodu ma aanu xukumeen mana uu gumaysteen, waxana daliil u ah: سورة النساء: [وَلَن يَجْعَلَ اللهُ لِلْكَافِرِينَ عَلَى الْمُؤْمِنِينَ سَبِيلًا] ١٤١) . Haddii ay Mu'miniin yihiin, Alle ayaa mar kasta la jiri lahaa, waxana daliil u ah: (۱۹) سورة الأنفال ) [ وَأَنَّ اللَّهَ مَعَ الْمُؤْمِنِينَ] Hase yeeshee, waxay iskaga kaaftoomeen marxaladda "Muslimiin", mana aanay u gudbin marxaladda "Mu'miniin". Alle waxa uu yiri: (۱۰۳ سورة الشعراء : ( وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُم مُؤْمِنِينَ ] https://t.me/abuukhaalid1

Dadka ugu liita waa kuwa aan awoodin inay dib u habeyn ku sameeyaan naftooda. 🍂🙂
Dadka ugu liita waa kuwa aan awoodin inay dib u habeyn ku sameeyaan naftooda. 🍂🙂

📨 Dadow ogaada in dhamystiranka diintu tahay cilmi doon iyo ku camal falid. 🙏🏼☺️
📨 Dadow ogaada in dhamystiranka diintu tahay cilmi doon iyo ku camal falid. 🙏🏼☺️

Ducada marnaba ma noqoto micno la'aan, Ducada waqtigeeda waxaa maamula alle inoomana banaana waxaan ahayn inaan sugno oo sii badino ducada Rasuulka ﷺ Sanadii 10aad ee soo saaristii nabbinimo ka dib ayuu ducaystay waana sanadii ugu murugada iyo kurbada badnayd ee soo marta nolashiisa Ducadiisana waxaa la aqbalay 3 sano kadib waliba asagoo ah noolahii ugu Qiimaha badnaa ee dunidaan soo mara. Marka ha is dhihin maxa ducadaada lo aqbali la yahay oo haka quusan baryada alle joogtey maalin uunba alle ducadada aqbali doona idin alleye https://t.me/abuukhaalid1

Rasuulka ﷺ waxuu inagula talinayaa inaan ducada badsano oo in badan alle barrino markaan doonayno inaan xaqiijino arin aan ku haminaynay oo aan hiigsanayno gaarideeda قال رسول الله ﷺ إذا تمنَّى أحدُكُم فليستَكْثِرْ ، فإنَّما يسألُ ربَّهُ عزَّ وجلَّ رواه أحمد وإبن حبان، Sidoo kale Rasuulka ﷺ waxuu inagula talinayaa inaynaan deg degin oo ducada iyo alle barriga ka caajisin oo aynaan dhihin alle baan baryay oo baryay misena ducaystay mana layga a aqbalin ducada قال رَسُول اللَّهِ ﷺ : يُسْتجَابُ لأَحَدِكُم مَا لَم يعْجلْ: يقُولُ قَد دَعوتُ رَبِّي، فَلم يسْتَجبْ لِي. متفقٌ عَلَيْهِ. وفي رِوَايَةٍ لمُسْلِمٍ: يَقُولُ: قَدْ دعَوْتُ، وَقَدْ دَعَوْتُ فَلَم أَرَ يَسْتَجِيبُ لي، فَيَسْتَحْسِرُ عِنْد ذَلِكَ، ويَدَعُ الدُّعَاءَ، https://t.me/abuukhaalid1

Aargoosi adiga oo awooda aad Ilaahay dartii isaga cafido, isdareensii in uu yahay ganacsi aad ku macaashtay. Xumaanta laguu geystay ee aadan ka fal celin adiga oo awooda, isdareensii in ay tahay badeecad aad ku macaashtay. Markasta cafis badne noqo. https://t.me/abuukhaalid1

Repost from Abuukhaalid1
Dimuqraadiyada micnaheeda waa xukunka shacabka awoodana shacabka gacanta loo galiyo oo meeshii shacabka u bato la raaco. Allaahna quraankiisa wuxuu ku leeyahay; "وَلَا يُشْرِكُ فِي حُكْمِهِ أَحَدًا" (Lama wadaago xukunkiisa qofna" Sidoo kale Allaah wuxuu yiri; (إِنِ الْحُكْمُ إِلاَّ لِلّهِ أَمَرَ أَلاَّ تَعْبُدُواْ إِلاَّ إِيَّاهُ) (Xukunka oo dhami uma sugnaanin cidaan Allaah aheyn, wuxuu amray ineydnaan caabudin isaga mooyee). Ogoow hal aayad oo quraanka ku jirta inaad iska dhago tirto ayaa gaalnimo kuugu filan. ✍️@Abukhaalid1

Repost from Abuukhaalid1
10kaan beri hala badiyo welibaSalatu leylka halagu dadaalo, kitaabka allena maalinkii wax uun ka aqri, sadaqada bixinteeda ku dadaal. Sh Hassaan husein aadam https://t.me/abuukhaalid1

Jimcaha Akhriso Suuratul Kahf, badina saliga “ أَكثِروا الصَّلاةَ عليَّ يوم الجمعةِ “ Salliga Nabiga (Scw) Faa’iidooyinka laga helo waxaa ka mid ah in laguu Danbi dhaafo, in wixii aad ilaahay waydiisatay lagu siiyo, in murugada lagaa qaado, in ilaahay kugu saliyo(naxariisto) iyo in malaa’gtuna kugu saliso( Alla kuu baryaan)… Haye aan ku Sallino xabiibkeenii ﷺ Jumca wanaagsan akhyaareey “ilaahay iyo Malaa'igtiisu waxay ku sallin (amaani) Nabiga, ee kuwa (xaqa) rumeeyow ku Salliya korkiisa oo salaama Salaan” Suurada Al-ahzaab (aayada 56) ﴿ ﷽ ﴾﴿ إِنَّ اللَّهَ وَمَلَائِكَتَهُ يُصَلُّونَ عَلَى النَّبِيِّ يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا صَلُّوا عَلَيْهِ وَسَلِّمُوا تَسْلِيمًا ﴾ قال رسول الله ﷺ : أَكثِروا الصَّلاةَ عليَّ يوم الجمعةِ وليلةَ الجمعة فمن صلَّى عليَّ صلاةً صلَّى اللَّهُ عليْهِ عشرًا ." Nabigu swc wuxuu yiri “ Badiya Salliga maalinta jimce iyo habeenkeeda, Qofkii igu saliya aniga (nabiga ah) hal Salli wuxuu ilaahay ku saliyaa toban (10) jeer ( salliga Alle waa naxariis) اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكَ عَلَى سَيِّدِنَا مُحَمَّدٍ وَعَلَى آلِهِ وَصَحْبِهِ #جمعة_مباركة #النصيحة