en
Feedback
Wasaaradda Arrimaha Dibadda πŸ‡ΈπŸ‡΄

Wasaaradda Arrimaha Dibadda πŸ‡ΈπŸ‡΄

Open in Telegram

Kannaalka rasmiga ah ee Telegram ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. https://www.mfa.gov.so/

Show more
5 209
Subscribers
No data24 hours
-307 days
-16130 days
Posts Archive
Waaxda Jaaliyadaha iyo Qurbajoogta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa maanta oo Khamiis ah agaasintay dood wadaag lagaga hadlay kaalinta qurbajoogta ee difaaca dalka, iyadoo madasha uu furay Xoghayaha Joogtada Wasaaradda, Mudane Xamsa Aadan Xaadow, oo ka hadlay qiimaha midnimada iyo wadajirku leeyahay, ayaa waxba kama jiraan baadhil ah ku tilmaamay aqoonsiga sharci-darada ah ee Isaariil ay huwisay (Maamulka Somaliland) ee gobolka Waqooyi galbeed ee dalka Soomaaliya.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KHUDBAD U JEEDIYEY BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA Muqdisho, Diseembar 28, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyey Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareeyey xadgudubka ka dhanka ah Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ku kacay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil , kaas oo si bareer ah ugu tuntay shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah. Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay naf iyo maalba u horayaan ilaalinta qarannimadooda iyo midnimadood, waxa uuna adkeeyey muhiimadda ay leedahay in xilligan loo wada istaago ka hortagga halista ku aaddan jiritaankeenna Soomaalinimo, xasilloonida iyo nabadda gobolka. β€œTallaabada Netanyahu waa mid aan marnaba la aqbali karin, waxayna ka dhigan tahay duullaan cad oo lagu soo qaaday qarannimada, madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Gobollada Waqooyi ee Jamhuuriyadda, ee loo yaqaan Somaliland, waa qayb aan kala go’ lahayn oo ka mid ah Soomaaliya. Mowqifkeena ma isbeddeli doono, waxaana ka digeynaa isku-day kasta oo lagu kala qeybinayo dalka.” Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo bogaadiyey garab istaagga heer gobol, heer Carbeed, heer Afrika iyo heer caalam ee ku aaddan adkaynta iyo difaaca midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa adkeeyey mowqifka soo jireenka ah ee shacabka iyo Dowladda Soomaaliya ay ku garab taagan yihiin walaalaha Falastiin ee la nool xadgudubyada joogtada ah. β€œSoomaaliya ma oggolaan doonto in dhulkeeda loo adeegsado dagaallo iyo fitno, waxaan diyaar u nahay in aan kaalin muuqata ka qaadanno nabadda iyo xasilloonida gobolka iyo caalamka. Waxaan sidoo kale si mabda’ ahaan u diiddanahay barakicinta khasabka ah ee shacabka Falastiin". Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay dalalka saaxiibada ah, kuwa walaalaha ah iyo hay’adaha caalamiga ah in ay garab istaagaan Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed dadaallada diblomaasiyadeed iyo kuwa sharci ee lagu difaacayo madaxbannaanida, midnimada iyo jiritaanka Qaranka Soomaaliyeed. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya E-mail: media@presidency.gov.so

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo hadal ka jeediyay banbaxa Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda Muqdisho, 23 December, 2025 - Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed Cumar, ayaa maanta oo Talaado ah hadal ka jeediyay banbaxa agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda oo ka soconaya Muqdisho maalintii labaad, isaga oo kula dardaarmay in la horumariyo howl-qabadka, lana xoojiyo shaqo-gudashada. Banbaxa, oo billowday shalay oo Isniin ahayd, kuna beegnayd 21 December, ayaa lagu wadaa in maalinta beri oo Arbaco ah la soo gaba-gabeeyo, waxaana iskugu yimid saraakiisha sare ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo ay dib ugu eegayaan waxa uga qabsoomay shaqooyinka loo igmaday, xoojinta wadashaqaynta, isku-duwidda, iyo dejinta waxyaabaha mudnaanta u leh howlaha la qabanayo mustaqbalka. ->###<- Waaxda Warbaahinta Communications Department #Soomaaliya #Soomaali #Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kaga qeybgalaya Qaahira Shirka labaad ee Madasha Wax-wadaagga Ruushka iyo Afrika Cairo, 19 December, 2025 - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Jimce ah soo gaaray Magaalada Qaahira si uu uga qeybgalo Shirka labaad ee heer Wasiir ee Madasha Wax-wadaagga Ruushka iyo Afrika, oo socon doona maalmaha 19-20 December. Labada cisho ee shirku socon doono ayaa waxaa isku imaan doona Wasiirrada Arrimaha Dibadda Afrika iyo qaar ka mid ah Wakiillada Urur goboleedyada. Iyadoo la eegayo natiijooyinka shirkii koowaad ee heer Wasiir ee madashani ay ku yeelatay Sochi, Ruushka, bishii November 2024, ayaa waxa uu shirkani diiradda saari doonaa iskaashiga ganacsiga, maalgashiga, tamarta, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. ->###<- Waaxda Warbaahinta Communications Department #Soomaaliya #Soomaali #Russia #Russian #Africa #Cairo #RussiaAfrica

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Yemen qoto-dheereynta xiriirka Muqdisho, 17 December, 2025 - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Arbaco ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Safiirka Jamhuuriyadda Yemen u qaabilsan Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Fadl Ali Ahmed Al-Hanak, isaga oo kala hadlay hannaanka lagu xoojinayo xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, laguna horumarin karo iskaashiga labo geesoodka. Kulanka ayaa la iskula soo hadal-qaaday sare u qaadidda xiriirka labo dhinaclaha ah ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah iyo soo ban-bixinta hababka lagu horumari karo iskaashi wadaagga, iyadoo intii wadahadalku socday lagu adkeeyay xiriirka taariikhiga ah ee muddada dheer soo jiray iyo fursadaha daaha looga rogayo dhinacyo hor leh oo lagu dardargelinayo wax wadaagga Soomaaliya iyo Yemen. ->###<- Waaxda Warbaahinta Communications Department #Soomaaliya #Soomaali #Muqdisho #Yemen #Yemeni