Hamse Ducaale
Open in Telegram
I'm Hamse Ahmed Suleiman, I'm The CEO and founder of Ducaale International Book-shop (DIBS)."My Vision is to promote Islamic Religion and be beneficial to the community " Raad Reeb Inta Aanad Dhiman " اترك أثرا قبل الرحيل- Leave an impact before you "die
Show more334
Subscribers
No data24 hours
No data7 days
No data30 days
Posts Archive
10 ka mid ah nimcooyinka Rabbi inagu galaday oo inteenna badan aynaan qiimahooda ku baraarugsanayn, kana mahad naqin.
"لإن شكرتم لأزيدنكم ولإن كفرتم إن عذابي لشديد"
Nimcooyinkaas waxay u baahan yihiin "Appreciation" iyo in looga faa'iidaysto wax qofka adduunkiisa iyo aakhiradiisa anfacaya.
1. Waqtiga
2. Caafimqadka
3. Amniga
4. Hurdada fiican
5. Xasilooni qofeed (Inner peace)
6. Biilkaaga maalin laha ah (قوت يومه)
7. In shuruud la'aan lagu jecel yahay (Belonging)
8. In aad si xor ah u safri kartid
9. In aad leedahay xorriyad doorasho (personal choice)
10. Xiriir xalaal ah (reer iyo caruur leedahay)
Dr. Mohamoud A Mohamoud
Waxaa jira xeer la yiraahdo "1 in 60 rule" oo inta badan ay adeegsadaa duuliyaasha diyaaradaha.
Haddii aad jihada diyaaradu u socoto aad ka leexatid hal digrii "1°", markasta oo ay diyaaradu socoto "60 miles" waxay "target"-keegi gafaysaa ama ka leexanaysaa "1 mile". Haddii duulimaadkaagu ahaa "600 miles", in aad "1°" ka khaldantid jihada waxay ku kallifaysaa in aad "target"-kii gaftid "10 miles".
Khaladka yar ee aad samaysid bilowga dariiqa ee jihadu kaa khaldanto ama "process"-ka aad u maraysid waxay kugu bixinaysaa in aad yoolkaagi aad si weyn uga leexatid ilaa ayba suurtageli waydo in aad haleeshid.
Hadafka iyo yoolka in uu fiican yahay ama saxan yahay waa muhiim ... waxaa kasii muhiimsan in "process"-ka iyo dariiqada lagu xaqiijinayo ay saxan tahay oo uusan qalooc ku jirin.
"Routine"-ka iyo "System"-ka aad adeegsanaysid waa in uu ku gaarsiinayo hadafkii iyo natiijadii aad u baahnayd. Haddii aad si khaldan u baratid sida biraha loo qaado ... marna natiijadii jir dhiska aad rabtay gaari maysid.
Dr. Mohamoud A. Mohamoud
1 in 60 Rule
==========
Qofkastaa wuxuu leeyahay hammi ku weyn iyo riyo uu rabo in ay u rumowdo. Wuxuu dhigtaa yool iyo hadaf weyn oo ay tahay in uu xaqiijiyo, kana dhabeeyo.
Dadka naajixiinta ah, marka ay yoolka xadiditaan kadib kuma mashquulaan yoolka ee waxay xoogga saaraan waddadii iyo "process"-kii ay ku xaqiijin lahaayeen. Waa in jihada iyo dariiqada lagu xaqiijin lahaa ay saxnaato. Haddii jihadu kaa khaldanto si kasta oo yoolkaagu u fiicnaa, u weynaa marna gaari kari maysid.
Haddii kor laga eego, wuxuu u muuqanayaa qof bulshaawi ah, dabeecad fiican oo cidna aysan is qaban, hayin aan waxba "maya" oran, dad la dhaqan iyo dad-fahan leh ...
Laakiin marka hoos loo eego ... waa qof gudaha ka gubanaya, is-hiifaya, iska haysta suurad hoose (low self-image), aan ra'yigiisa iyo abbaartiisa cabbiri karin, murugaysan, aan isku kalsoonayn.
Aad bay u kala duwan tahay in dadka loo dabac sanaado, danahooda iyo xawaa'ijtooda loo istaago oo weliba aad dantaada shakhsi ka hormarisid ... iyo in aad noqotid hayin iska hoggaansan oo aan waxba diidin, qalinka la marsado, ra'yigiisa aan cabbiri karin ...
In aad abbaartaada sheegatid "Assertiveness" macnaheedu ma ahan in aad isticmaashid hadal qallafsan, ama u geftid dadka ee waa in aad xujadaada iyo doodaada si maangal ah oo ixtiraam iyo qaddarin leh u sheegatid, dhegaysatid darafka kale, garawsatid wixii lagaaga saxan yahay, dabecsanaana muujisid.
Xiriir ma la leedahay "Childhood trauma" iyo koriinkii hore ee qofka? Waa arrin weli aan meel la dhigin.
Fawn Response & People Pleasing
============================
Dad la dhaqanka iyo in dadka loo dabacsanaado, la caawiyo, loo dhibriyo waa sifooyin iyo akhlaaq aad u wanaagsan oo diinta suubban ee Islamku ina fartay.
"وخالق الناس بخلق حسن"
Sidoo kale in baahida walaalkaa iyo dadka kaa tabar yar ama aad ka roontahay aad ka hor marisid baahidaada gaar ka ah ee shakhsi waa khuluq iyo khaslad Rabbi ku ammaanay dadka sida runta ah u rumeeyey ...
"ويؤثرون علي أنفسهم ولو كان بهم خصاصة"
"الله في عون العبد ما كان العبد في عون أخيه"
Sifaadkaas wanaagsan ee la soo sheegay waxaa ka duwan in aad tahay qof wax ma diida ah oo had iyo jeer raadinaya saaxiibadiis, dadka uu la shaqeeyo, bulshada uu ku dhex nool yahay in uu wax kasta ku raaco si uu u raali geliyo, aysan uga xanaaqin, u dhibsan xitaa haddii isagu saxan yahay ama xaqa ku joogo. Qofkaas waxaa loo yaqaan "People pleaser".
7 Lessons from the book "Balanced Accountability: Create a Culture of Ownership" by Hernani Alves :
1. Clarify Expectations: Clearly define roles, responsibilities, and expectations. When everyone understands what is expected of them, it fosters accountability and ensures that tasks are completed effectively and efficiently.
2. Provide Consistent Feedback: Regular feedback helps employees understand their performance and areas for improvement. Constructive feedback should be timely, specific, and balanced, highlighting both strengths and areas needing development.
3. Empower Employees: Empowering employees to make decisions and take ownership of their work increases their engagement and accountability. Providing the necessary resources and authority enables them to perform at their best.
4. Lead by Example: Leaders must model the behavior they expect from their team. Demonstrating accountability and ownership in your actions sets a standard and inspires others to follow suit.
5. Foster a Trusting Environment: Create a culture where trust is foundational. When employees feel trusted, they are more likely to take initiative and responsibility for their work, leading to higher accountability.
6. Recognize and Reward Accountability: Acknowledge and reward employees who demonstrate accountability. Positive reinforcement encourages repeat behavior and motivates others to adopt a similar mindset.
7. Open Communication: Promote a culture of open and honest communication. When employees feel safe to express their ideas, concerns, and feedback, it leads to better problem-solving and a stronger sense of ownership.
