EctoBooks Team ⚙️
Open in Telegram
👉 Halkaan waxaa kugu diyaar ah Courses Waxtar leh iyo Skills lahubo Website aad xirfadaha online-ka ka baran karto markasta iyo meelkasta . Training, Development , Mentoring Selling digital assets.📦 Support Team la xiriir: @Hindise70
Show more4 179
Subscribers
+224 hours
-57 days
-230 days
Posts Archive
4 179
Gabar baa so qortay ninkeyga wa wadankeyga macnaha sida wadankeyga cml aa ujclhy
Gabar kaloo comment ka bixisaa wxey tiri"wadanka Waan Wada Leenahy"
@Sheekoyin
😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂
4 179
Mid doqon ah baa dhaqtar u tagay, miisaankiisa kordhaayay uu ka sheeganaayay, marka dhaqtarkii baa wuxuu u qoray in uu ordo 5km maalin walbo alamiinto cml.
Todobaad kadibne ii soo noqo baa lagu dhahay doqankii, saaxibkaa isbuuc kadib uu soo wacay dhaqtarkii waxuuna dhahay, "Digtoore waan kaxumahay maanta ma imaan kari KISMAAYO ayaan sii marooyaa"
@Sheekoyin
@Dhirigaliye
😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂
4 179
Dhiirigaliye
Kanaalka Dhiirigaliye Waa Meel aad Ka Heli Karto Xikmadaha , Dhiirigalinta Iyo Qisooyinka Saameenta Leh.
https://t.me/Dhirigaliye
4 179
Jimco Iyo Sheekoyin Qosol Badan .
👍 Taabo Hada Ka Heshay
👎 Taabo Hadaadan Ka Helin Sheekoyinka Qosolka
4 179
Hada Kahor Nin Cabtooy ah Ayaa Gabar Buuran Jelaaday. Markii uu Kasoo Doontay Cideedii ayaa gabadha Aabaheed Wuxuu Dhahay " Gabadha Maherkeeda Waa 20 kun oo Dollar "
Ka Dib Ninkii Walnaa intuu Qalin Jeebka Kala soo Baxay Kulahaa " Adeer Calaa Kiilo Meeqa iigu Dhufatay "
😂😂😂😂
@Sheekoyin
4 179
Wiil: Sawirka kuu saaran foolxumo waaye
Gabar: Hooyadaa ayaa foolxun
Wiil: Hooyadeey way dhimatay
Gabar: waan ka xumahay saas ulama jeedin.
Wiil: Hooyadeey markay sawirkaaga aragtay ayey qosol la dhimatay.
@Sheekoyin
😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂
4 179
Wiilkeyga ayaa igu dhahay "Aabe markaan weynaado waxaan guursanayaa ayeeyadeey"
Markaasaan dhahay "Hey wiilow hooyadeey ma guursan kartid "
Markaasuu igu dhahay "Maxaa diidaayo ileen adigaba Hooyadeey ayaad guursatee".
@Sheekoyin
😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂
4 179
SHEEKO GAABAN OO QOSOL LEH
Mid Ciyaalka xaafada ah oo tabliiq raacay baa lagu qoray inuu ka wacdiyo masjidka salaadda kadib, Xarfaankan aqoontiisa diini ma badneyn, waase la qasbay markuu soo istaagey ayuu wacdigii ku bilaabey sidaan:
"Akhyaarey diinteena inaba caadi maaha, Ilaahey naxariistiisana maba dhamaaneyso adinkaaba yaabeysiin, laakiin waa idin tuugaa danbiga aan gab ka dhahno, ajirkana sidey tahay ugu yaacno..!
xarfaaney waa inaad adkeysatiin oo xaliimo raadiska ka dhacdiin, aakhiro waxa idinkaga horeeyo bajaqyaal holac ah, laakiin hadaad marax ku noqotiin diinta.. ogaada in Ilaaheyna idinku daadinaayo, oo cadaab roobka idin kaaga dhigayo, ee waa idin baryaayaa aynu caadi iska dhigno !
kuwii loo wacdinayey ayaa qosol kala joojin waayey.. Markaasuu inta joojiyay wacdigii ku yidhi: "xarfaaney ha idiin macaato Jannada!
Waana ka dhaqaaqey isagoo leh
"Anagaaba dhoorayaal waqti isaga luminey.. 😂
@Sheekoyin
4 179
Maalin maalmaha kamid ah ayaa nin bariis aad u kulul cantuugay. markii uu afkii ka gubtay ayuu is yidhi hadii aad bariiska soo tufto dadka ayaa kula yaabi doona. markaas ayuu ku adkaystay inuu bariiska kulul afka ku celiyo oo kulaylka iska xamilo. ninkii ayaa xanuun awgii ilmeeyay. Markaas ayaa wadaad soo hor fadhiyaa yaabay oo ninkii waydiiyay waar maxaa ku helay ood la ilmaynaysaa. Ninkii ayaa wadaadkii ugu jawaabay. nebiga ayaan yara xasuustay oo waan qiirooday!
@Sheekoyin
4 179
Midbaa hooyadii america geeyay
Maalmo kadib ayuu hooyadii suuqa
Usoo kaxeeyay markaasee nin cadaan
Ah aragtay isagoo wiilkeedu hi
Ku lee yahay see tiiri wiilkeygiyow hi
Maxa laga wada kadibne wiilki wuxu yidhi maamo asalamu calaykim oo laso Gaabiyay
Waye kadiba Guriga ayee ku labteen waqtigi
Salaada kadibne marke salada kasii
Bixi rabtaya ayay dhahday hi Hadane hi
Salanta soo gaabi ayay islaheed.
@Sheekoyin
😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂
4 179
Sadax gabdho ayaa waxee aaday barkada lagu dabbaasho dharka ayee iska siibeeyn weyna galeen waxaa u yimid nin wato sakeel markaasu dhahay meesha kasoo baxa, waxee dhaheen aqli inaa na aragto aa rabtaa miyaaa masoo baxeyno ilaa aa adg baxdo markaasu dhahay war hooy aniga aragtidiina uma imaan xiisana iguma heyso ee waxaan u imaady inaan quudiyo Yaxaasyaasha meesha igu jiro
gabar waliba iyadoo qeylineyso ee furdug kasoo dhahde meeshiii.
@Sheekoyin
😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂
4 179
Qeeybtii Todobaad 007
ama macalin in uu dhugmo u yeesho ardayda uu wax u dhigayo in uu waraysto ardayga dhibaatada jirta.
:- GUNAANAD
Waa dhanbaal ku socda waalidka iyo macalllinka oo tilmaamaysa in uu ilmihiisa/ardaygiisa daryeelo oo uu ogaado in ay qayb ka tahay horumarka ardayga guriga oo uu daryeel iyo deganaansho ku helo.
@Sheekoyin
4 179
Qeeybtii Lexaad 006
uu ugu mahad celinayo sidii ay u soo garab istaagtay.
Muddo ka dib oo sannaddo badani ka soo wareegeen waxaa sanduuqa boosatada gurigeeda ugu soo dhacday warqad casuumad ah in ay ka qayb gasho xaflad qalin jabin ah oo lagu qabanayo jaamacadda gaar ahaan kuliyadda Caafimaadka waxayna uga timi Casuumaddu Ahmed oo ay tahay xafladisii qalin jabinta.
Macalimadii iyada oo ku labisan hadiyadii silsiladii yarayd ee Ahmed u keenay ayey ka soo qayb gashay xafladii qalin jabinta ardaygeedii Ahmed.
Ahmed wuxuu noqoday Dhakhtar caan ah oo ku takhasusay daaweynta cudurka kansarka, oo ah cudurkii hooyadii u dhimatay.
Tolow imisa arday ayaa macalinkiisu qayb ka ahaa in uu ka dhigo damiin, dhibaato jirtay oo markaa la daweyn kari lahaa haddii caqli loo adeegsado awgeed.Imisa Caruur ah ayaa xaalad la soo daristay aawadeed doqon ka dhigtay, ama uu waxbarashadisii ku waayey, waa dhanbaal ku socda qof kasta oo bare ah,
Lasoco Qeeybta 7aad oo ah Qeeybta Ugu Dambeysa Sheekada
@Sheekoyin
4 179
Qeeybtii Shanaad 005
meelna uu dhigtay oo uu ku ilaashan jiray, sidaas daraadeedna markii ay macalamidiisii isku shubtay uu soo xasuustay urtii iyo cadarkii hooyadii.
Maalintaa wixii ka danbeeyey macalimadii waxa ay guda gashay in ay aad u daryeesho Ahmed, wuxuuna bilaabay Ahmed in uu dadaalkiisii dib u soo celiyo murugadii iyo walbahaarkiina ka yaraado, sannad dugsiyeedkii markuu dhammaaday Ahmed wuxuu ka mid ahaa ardaydii ugu darajada sarreysay.
Ahmed sannad dugsiyeedkii markuu dhammaaday wuxuu u qoray macallimaddiisii warqad uu ugu mahad celinayo uguna sheegayo in ay tahay macallimaddii ugu wanaagsanayd ee soo martay intuu waxbarashada ku jiray, waxayna macallimaddiisii ugu jawaabtay warqad kale oo ay ugu mahad celinayso, waxayna ugu qortay, waxaad i bartay sidaan u noqon lahaa macallimad wanaagsan, oo aan ku egaan uun waxbarista ee weliba daryeesha aradayda.
Ahmed muu illaawin macallimaddiisii markii uu ka gudbay dugsigii sare warqad ayuu u soo qoray.
Lasoco Qeeybta 6aad
@Sheekoyin
4 179
Qeeybtii Afaraad 004
Arrintaasi macallimaddii raad ayey ku reebtay, ardaydiina waxay galeen in ay ku qoslaan Ahmed iyo hadiyadiisa foosha xun, hadiyada Ahmed waxay ahayd silsilad yar oo qoorta la sudho iyo quraarad ama dhalo cadar ah oo kala baran ama aan buuxin.
Si lama filaan ah ayaa ardaydii qosolkii u joojiyeen markii ay macallimaddii hadiyaddii ka guddoontay Ahmed , isla markaana u sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay, si diiranna ugu mahad celisay, kadibna silsiladii yarayd ayey markiiba xidhatay, cadarkiina way isku shubtay, ”buufisay”.Wixii maalintaas ka danbeeyey Ahmed marka iskuulka laga baxo toos gurigooda uma tagi jirin, wuxuu sugi jiray intay macalimaddiisu soo baxayso, maalintii danbe ayuu ku yiri, “Maanta waxaan kaa urinayaa hooyaday, oo aan kaa dareemayaa”, Markii uu intaas ku yiri macalimaddii oohin ayaa indhaheeda ilmo ka soo daadatay, waayo Ahmed wuxuu u sheegay in Cadarkii kala badhka ahaa ee uu hadiyadda ugu keenay in hooyadii isku shubi jirtay,
Lasoco Qeeybta 5aad
@Sheekoyin
4 179
Qeeybtii Sadexaad 003
, xaaladda gurigooda ama aqalkooda ka jirtaana raad weyn ayey ku yeelan doontaa, haddaan arrintaas wax looga qaban si deg deg ah”.
Macalinkii Fasalka afaraad ayaa isaguna ka qoray. ” Ahmed waa wiil isku maqan oo intaa fekeraya, wax niyad ah uma hayo waxbarashada, saaxiibo uu la sheekaystana fasalka kuma leh, wuuna seexdaa xilliga casharada lagu jiro ee wax la baranayo“.
Halkaa markay warbixinihii ay macallimaddu akhriyeysey la marayaan ayey ogaatay oo garawsatay dhibaatada jirta, waxayna dareentay in ay ku xad gudubtay wiilka,wayna isku khajishay ama isku xishootey oo is canaanatay.
Xaalku macallimada wuxuu ugu darnaa markii ardaydii ay hadiyado waraaqo qurux badan ku jirta u keeneen, marka laga reebo wiilka Ahmed, oo isagu ku soo duuduubay waraaqaha caadiga ah ee dukaammadu dadka adeega ugu laabaan macaamiisha.
Lasoco Qeeybta 4aad
@Sheekoyin
4 179
Qeeybtii Labaad 002
Xaaladda wiilku ku sugan yahay markay aragtay ayey maalintii danbe waxay codsatay Faylashii iyo warbixinahii laga qori jiray sannaddadii hore , waxayna guda gashay in ay ka soo bilowdo sannadkii uu ku jiray fasalka koowaad, iyada oo akhriyeysa ayaa waxa ay aragtay arrin ay u qaadan weyday oo lama filaan ku noqotay!
Macalinkiisii sannadkii koowaad waxa uu Ahmed ka qoray, in uu Ahmed yahay wiil caqli badan, oo dadaala, hiba Ilaahay siiyey, shaqada loo diro si wanaagsan u qabta, si wanaagsan u habeeya casharada. Macalinkii Fasalka Labaad ayaa isaguna waxa uu ka qoray warbixin odhanaysa; Ahmed waa wiil wanaagsan oo ay jecel yihiin saaxiibbadii, hase yeeshee wer-wer iyo wal-bahaar ayaa ku soo kordhay ka dib markii hooyadii cudurka Kansarku ku dhacay.
Macalinkii Fasalka Sadexaad ayaa isaguna waxa uu ka qoray, ” Ahmed geerida hooyadii ku timi waxay u taabatay si adag, wuu dadaalay laakiin aabihii ma ahayn mid daryeela wiilka oo ihtimaam siiya,
Lasoco Qeeybta 3aad
@Sheekoyin
