en
Feedback
EctoBooks Team ⚙️

EctoBooks Team ⚙️

Open in Telegram

👉 Halkaan waxaa kugu diyaar ah Courses Waxtar leh iyo Skills lahubo Website aad xirfadaha online-ka ka baran karto markasta iyo meelkasta . Training, Development , Mentoring Selling digital assets.📦 Support Team la xiriir: @Hindise70

Show more
4 179
Subscribers
+224 hours
-57 days
-230 days
Posts Archive
Follow 👉👉👉@TheSomaliTraders

Jaceylku waa dareen Wuxuu ka bilaawda isha kadibna dhagta kadibna wuxuu daga qalbiga hadu qalbiga garana waxaan geeri aheyna kama bixin karo. Sidas darteed waxaad arkeysaa inuu jaceylka indhoole yahay Waxaad arkeysaa nin qurux badan hadana jecel gabar fool xun an qurxoonen Waxaad arkeysaa gabar qurxoon hadana jecel nin fool xun an qurxoonen Waxaad arkeysaa nin hantiile ah hadana jecel gabar faqiir ah Waxaad arkeysaa gabar hanti leh hadana jecel nin faqiir ah Sababto ah qofkas ma jeclaan jir qurxoon iyo timo dhaadheer ee wuxuu jeclaaday waa nafta ama ruuxda. Jaceylku kuma dhasho kadis ama qofaad si kadis ah isku aragtaan Jaceylku wuxuu soo maraa marxalado iyo heerar Farqiga u dhaxeyo raga iyo dumarka xaga jaceylka Xaga iyo jaceylka dumarka ku fiican ugu daacadsan marka loo fiiriyo raga Qalbiga haweenta ma guur guuro yacnii marba nin ma jeclaado kaliya wuxuu ku egyahay hal nin Sidas darteeda raga loogu ogolaaday iney guursadan afar dumar ah sababto ah qalbiga ninka wuxuu qaadi karaa jaceylka hal haween ka badan Lakiin qalbiga haweenta ma xamili karo jaceylka hal nin ka badan Dumarka ugu badan cishqiga iyo jaceylka iyo daacad nimada Lakiin taariikhda lagama haayo haween u dhimatay jaceyl dartiis amaba u waalatay jaceyl dartiis xaga nimanka Waxaan ognahay cantara iyo qeys iney u waashen jaceylkooda . Lkn lama haayo haween jaceyl dartiiis u waalatay xita qur'aanka laguma haayo Taariikhda nabi yuusuf Allah marku timaamayay zuleykha wuxuu yiri "قد شغفها حبا" Jaceylkiisa qalbiga ka galay Yacnii qalbiga zuleykha waxaa daboolay jaceylka nabi yuusuf oo ma aragto cidaan asaga aheyn Lakiin mararka qaar Jaceylka haweenta waa mid qarsan oo cidna ma ogaato halka jaceylka raga uu muuqdo . Lakiin raga qaar jaceylkooda maso muujisan karaan sababto ah waxey is dhahaan amey kugu daadataa oo lagugu soo celiya Lakiin iney ku jecel yihiin wey ku dareensiiyan. Badanaa marka la fiiriyo dadka jaceylka waxaa sheegto raga Waxaan rabaa inan su'aal weydiiyo dumarka Maxaa adinka jaceylka u sheegan weydeen? Jawaabta waa adinka raba.

SHEEKO QOSOL BADAN: Nin xooluhu ka dhamaadeen oo Hargeisa ku noolaa qarnigii 20-aad, ayaa ingiriisku u iibiyey digaag uu dhaqado, waxaana uu bartay erayo ingiriisi ahaa. Habeen, ayaa xoor ama daba cadeeye usoo dhacay, waxa uu cunay laba digaagadood ninkii waxa uu u tagay badhasaabkii Hargaysa, si uu ugu sharaxo wixii xalay dhacay. Waxa uu yidhi" last night xoor came two chickens waaq waaq i threw my budh, badhasaabkii oo an fahmin hadalkiisii ayaa yidhi" what's Hoor? isna waxa uu yidhi" Xoor look like Cat, but ka yara afdhuuban".😂😂😂 @Soomalibooks

The Somali Traders Channelka Waxaad kaheli Doontaa Xaalad Walba oo Ku Saabsan Forex . Sidoo Kale Waxaan Sogalin Doonaa Signalada Suuqa https://t.me/TheSomaliTraders Fadlan Share Garee Groupka Mahadsanid

Sheeko Xiiso Leh Booyaasadii Boqnaha Goysay Barni. Qeybta 1aad Waa Subaxnimo Talaado ah Saacaduna Ku Beegan Tahay Abaaro 06:00 Aroornimo ee Xiliga Dalka Soomaliya, Waana Xili ay Cadceeddu Wax Xoogaa Yari Baalka Lasoo Baxday, Axmed Yare isaga oo Deg Degsan Ayuu Sheedda Kore Ka Arkay Barni oo Xiliga isgoyska Cali Kamiin Ka iibsaneyso Wargeyska Caawiyaha Nolosha oo ah Wargeys Ka Faalalooda Arimaha Qoyska oo Xiligaa Aad Looga Jeclaa Magaalada Muqdisho Tifaftirana uu Ka Ahaa ustaad Cumar Faaruuq. Barni iyada oo Ku Mashquulsan iibsiga Wargeyskaas Ayunbey Ka Warheshay Gaari Lagu Ag Qabtay iyo Nin Dhahaya inanta Waan Kusulaamay, Gadaal Bey usoo Bidhaansatay uguna Jawaabtay Kaa Qaaday Kadibna Wargeysyadii Maalintaas Soo Baxay ee Wiilashu iibinayeen ayeey Xooga isku Yara Mashquulisay. Axmed Yare Waa uu Dareemay in Gabadhu Xoogaa Dib isu Dhigayso isna iskama Waaline Gaarigiisii ayuu isku Dayay in Wax Xoogaa Laamiga uu Ka Yara Bixiyo oo uu Marshibiyeedka Saaro Si uu Halkaas Ugu Suga inanta Barni ah. Balse intii uusan Marshibiyeedka Fuulin Ayaa Gaari Kale oo Xawaare Kusocda Ku Yimi.... Fariin ayuu Qof Waliba Dhinaciisa Ka Qabtay ilaah Amarkii Wax Shil ahi Ma Dhicin Laakin Axmed Yare Dhagaha ayaa Qeyla Looga Shubay ......... inan Yar Baa Tahay Hadii Aadan Gaariga Wadi Aqoon Maad Meel iska Dhigtid Ama Si Wanaagsan Usoo Baratid........ Axmed Yare isagoon Wax Jawaab ah Celin Ayuu Ninkii Ku Qeylinayay oo Nin Oday ahaa Dhaqaajiyay....Axmed indha ayaa Kasoo Haray Waxa uuna Bidhaansaday Halkii ay Barni Taagneyd. iyana Markii ay Aragtay Ninkii Salaanta Daandaansiga Waday oo Shil Ku Sigtay Laba luuq ayeey Ka Laabatay oo Gadaalba Meysan Soo Fiirin ilaa ay Ka Gashay Guriga Habaryarteed oo kuyaalay Saraha if iyo Aaqiro. isna Gaariga inta Kasoo Dagay ayuu Kusoo Laabtay Wiilashii Wadada Wargeysyada Ku iibinayay, Midkii ay Wargeyska Ka iibsatay Barni Ayuu Gooni ula Baxay Si uu ula Faqo Meel Gees oo Darbi ah ayeey isku Giijiyeen Waxa uuna Weydiiyay Gabadha Halka ay Dagan Tahay, isna Wiilka iskama Waaline Waxa uu Yiri:- ' inanta Si Dhab ah Hooygooda uma Garanayo Laakiin Waxaan u Badinaya ineey Dagan Tahay Saraha if iyo Aaqiro, oo Aanagu Wargeys unbeey Naga iibsataa....Ganacsigaas ayaa Naga Dhexeya, Lakiin Maalin Walbo oo Talaado ah Halkaan ayeey Kalyanti Ka Tahay, Wax intaa Dhaafsiisan oo Tafaasiil ahna Haddii aan Kuu Sheego Walalo Been Baan Darduurtay "" Axmed Yare isaga oo Boor isku Qaris ah Jecelna inuu Madaxa Ciida Ka Ceshta ayuu Wiilkii Ku Yiri:- Please Lambarkeeda iisoo Raadi, Aniga uma Baahni Laakiin......... Maxaa xigay....😨😨😨 Lasoco Qeybta 2aad Caawa insha llh Fadlan Sii Share Gareey @Sheekoyin

Channelka Waxaad kaheli Doontaa Xaalad Walba oo Ku Saabsan Forex . Sidoo Kale Waxaan Sogalin Doonaa Signalada Suuqa https://t.me/TheSomaliTraders

Asxaabteyda aad ayaad u Mahadsantihiin Insha llh Dib ayaan U bilaabi Doona Shekoyinka Iiga barateen

Asxaabta Shekooyinkii Ma Uxiisten
Anonymous voting

sticker.webp0.44 KB

❇️Ninkii Juxa la odhan jiray oo sheekooyin badan ay ka soo wariyaan, ayaa maalin isaga oo qaybta sare ee gurigiisa saaran nin tuugsada ahi u yimi. Wuxu u sheegay in uu soo dego. Juxa wuu soo degay. Ninkii, waxa uu Juxa waydiistay in uu xoolaha ilaahay siiyay wax ka siiyo. Juxa wuu kaxeeyay ninkii, qaybta sare ee gurigiisa ayuuna korsiiyay. Markii ay dusha tageen, ayuu ninkii oo xoolo sugaya ku yidhi: “Allah haku siiyo wxa aad u baahantahay !” Ninkii oo xanaaqsan: “Oo maxaad markaan hoosta joognay ii odhan wayday sidaa ?” Juxa: “Oo haddaa adiguba intaanad i soo dejin, maxaad iigu sheegi wayday in aad wax i waydiisanayso.” 😂 Horta Juxa nin jira ma ahaa? Sheekooyinkiisa se teebaa ka xasuusataa tallow? @Sheekoyin @Soomalibooks

✅📖 Xulka sheekooyinka -somaliyeed 🦋 ➠Channel: @soomalibooks 🦋 ➠Channel: @XaqiiqoOnline 🦋 ➠Channel: @Sheekoyin ⭕️⭕️Buug Ma haysaa? ⭕ @Inapoqor7

Sheekoyin Xul ah oo Pdf ah oo Run ahaanti iga Yaabiyay Maada iyo Murtida Ku Jirta Ka bogosho Wanagsan

Mid Ayaa Aabihiis u Kiciyay Salaada Subax Si Ow Utukado Wuu Soobaxay Wuxuuna Seexday Barandada (balakoonka) Marki uumaqlay In
Mid Ayaa Aabihiis u Kiciyay Salaada Subax Si Ow Utukado Wuu Soobaxay Wuxuuna Seexday Barandada (balakoonka) Marki uumaqlay Inu Aabihiis soosocdo Wuu istaagay Wuxuuna Gashaday Cabaayada Hooyadiis Wuuna Sujuuday si Ow u mujiyo Inu tukanayo Aabihiis ayaa yimid Laad (darbo) Ayuu Dabada Kageliyay Wuxuuna Yiri: xali markaan kuu yeeray Waxaad ileedahay Miyaa Caado Aya iijoogto Been Leey.😂😂😂

Ila Qosol Oday Ciyaalka Xaafada ah ayaa Gaari BL/ BUS ah kasoo raacey KM4 asagoo kusii jeedo Xaafada Mcmacaanka Ee Degmada Ma
Ila Qosol Oday Ciyaalka Xaafada ah ayaa Gaari BL/ BUS ah kasoo raacey KM4 asagoo kusii jeedo Xaafada Mcmacaanka Ee Degmada Madiina Gaariga oo buuxay dartiis ayuu odaygii gees ka qabsadey gaariga. Isagoo UL dhuuban oo uu watey Kilkisha ku qabsadey, Nasiib xumo Baakooradii ayaa ku aadey Gabar hortiisa fadhiday 2-deeda Lugood dhexdooda, Gaarigii oo aad u cariiri ahaa iyo Wadada uu marayey oo xumeed ayaa sababtey in Ushii aysan ku ekaan halkeedii oo ay meelo kale oo qaldan usii dhaadhacdo, Gabadhii oo yaaban ayaa Dulqaad badan muujisay balse ugu dambeyntii Dulqaadkii Intuu ka dhamaadey Bey Ku tiri Adeer intaan ka badan intee u socotaa?.. Odaygii ayaa si kalsooni badan ay ku jirto ugu jawaabey Gabadhii ''Adeer meel dheer uma socdo Macmacaanka Leen Usocdaa Asagoo ka Wado Xaafada Macmacaanka Gabadhii Naxdin iyo Dhidid Iyo Xishood Ahahahahahahahahahhahaha @Sheekoyin

Dagaalkii Gaalkacyo Sadex Askari oo ka qayb galay Gaalkacyo ayaa is waraystay iyaga oo la kala yiraahdo 1. Jiidahore 2. Dhaawac qabe 3. Marxuum. wuxuuna waraysigu u dhacay sidan; Jiidahore: Dhaawac qabe xaalada caafimaad kawaran ma heshay dawo iyo goob caafimaad oo lagugu daryeelo? Xageese wax kaa gaareen? Dhaawac Qabe: haa, waxaa dhakhtarku ii qoray dhiigjoojin iyo Faleembooyin waxaana hooyo ii sheegtay in dhakhtar fiican laygayn doono. Lugna waa I go’day madaxana xabad ayaa igaga taal. Dagaalkii kawaran dhulkii ma xorayseen? Jiidahore: dagaalkii waa socdaa wali waxaan joognaa meeshayadii waxaana sugaynaa in naloo keeno cunto iyo biyo. Waxaa nala soo hadlay afhayeenka madaxwaynaha oo yiri dagaalka sii laba jibaara. Ninkii geesiga ahaa ee marxuum waa naga tegay, Alla muxuu rag madaxa ka tooogtay? Marxuum: sxbayaal ii warama soo xor dalkii ma noqon oo ragii iskama aydin dhicin? Dhaawac Qabe: Maya, waxaa la filayaa in heshiis lagaaro oo shacabku sidooda u wada noolaadaan. Waxaa keliyah oo is bedelay Hooyadaa ayaa tacabkeedii khasaaray oo wiilkeedii wayday, Xaaskaagiina asay ayaa loo saaray? Caruurtaadiina Iskuulkii waa ka Qaxeen. Adigu soo janadii ma gelin? Marxuum: Hooyo! Xaas! Akhiro! Om Om - - - Afhayeenka Dawlada: waxay dawladu soo dhawaynaysaa heshiiska laga gaaray dagaalkii, waxaana ugu baaqaynaa shacabka in kaalmeeyaan dadka ku waxyeeloobay dagaalka, walaalahooda soo barakacayna soo dhaweeyaan. Dhakhtarkii: Dhaawac qabe waxaa lagaa rabaa Biilkii Dawada oo dhan $5000, waxaana bukaanka u sheegaynaa in dalka waxba lagaaga qaban Karin berina laga saaro cisbitaalka. Hooyo: Dictoore lacagta waan soo ururinayaaye labo maalmood ii qabo. Ilaahow Nabadbaan kaa barinay ma Walaalkaybaa maanta Wiilkaygii dilay? Ma dagaalkii 1991kii aan odaygaygii ku waayey ayaa maanta walaalkay ku dhintay oo wiilkaygii ku lugo beelay. Gabadha Madaxwaynaha: Aabe Yurub waan ku caajisay ee aniga iyo Hooyo waxaan rabnaa in aan dalxiis u tagno Canada ee la soco. 😥😥😥😥😥😥😥😥😥😥😥😥 @Sheekoyin

Sheeko kooban Professor ayaa wuxuu kula socdaalay bad maaxa Doon. Marki ay sii socdeen, ayuu professerki badmaaxii weydiiyay: “Ma taqaan Biology, Ecology, Zoology, Geography, Physiology? Badmaaxi ayaa yiri, Maya ma aqaan dhamaan. Professor: Maxaad marka Aduunkan taqaan. Adigoo Jaahil ah ayaad dhimaneysaa. Wax aad taqaan ma leh. Cabaar markay socdeen, ayaa doonti bilowday inay degto Badmaxi ayaa weydiiyay Professor-ki, Ma taqaan Swimology & escapology from sharkology? (Oo uu ula jeeday, ma taqaan sida loo dabaasho oo looga baxsado Libaax-badeedka). Professor-ki ayaa yiri, “Maya ma aqaan” Badmaaxi: “Hagaag, sharkology & crocodilogy ayaa madaxaada cunaya, waxaadna u dhiman doontaa your mouthology. Cidkastaba wax ugaaraa ayay taqaanaa🤘☝👆 @Sheekoyin

sticker.webp0.16 KB

sticker.webp0.44 KB

Haweeney ayaa ninkeeda habeen ka soo daahay markaas aa hooyadeed oo la joogta ku tiri: Waxaan ka baqayaa inuu naag kale ku ma
Haweeney ayaa ninkeeda habeen ka soo daahay markaas aa hooyadeed oo la joogta ku tiri: Waxaan ka baqayaa inuu naag kale ku maqanyahay! Duqdi waxay tiri: Shar laguma fikiree kheyr niyada u sheeg waxaa laga yaabaa inuu shil gaari galee. @Sheekoyin 😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂

Gabar baa so qortay ninkeyga wa wadankeyga macnaha sida wadankeyga cml aa ujclhy Gabar kaloo comment ka bixisaa wxey tiri"wad
Gabar baa so qortay ninkeyga wa wadankeyga macnaha sida wadankeyga cml aa ujclhy Gabar kaloo comment ka bixisaa wxey tiri"wadanka Waan Wada Leenahy" @Sheekoyin 😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂