en
Feedback
EctoBooks Team ⚙️

EctoBooks Team ⚙️

Open in Telegram

👉 Halkaan waxaa kugu diyaar ah Courses Waxtar leh iyo Skills lahubo Website aad xirfadaha online-ka ka baran karto markasta iyo meelkasta . Training, Development , Mentoring Selling digital assets.📦 Support Team la xiriir: @Hindise70

Show more
4 179
Subscribers
+224 hours
-57 days
-230 days
Posts Archive
MARTI-QAAD AROOS! Waxaa La Iga Wacay Xaflad Aroos Markii Aan Galay Hoteelka Waxaa Iga Hor Yimid Laba Albaab Oo Ay Ku Qorantah
MARTI-QAAD AROOS! Waxaa La Iga Wacay Xaflad Aroos Markii Aan Galay Hoteelka Waxaa Iga Hor Yimid Laba Albaab Oo Ay Ku Qorantahay. 1) Qaraabada Arooska 2) Qaraabada Aroosadda .kadib Waxan Galay Albaabkii Qaraabada Arooska Waxaa Iga Soo Hor Baxay Laba Albaab Oo Ay Ku Qorantahay 1) Ragga 2) Dumarka Waxan Galay Albaabka Ragga, Hadana Waxaa Iga Soo Hor Baxay Laba Albaab Kale Oo Ay Ku Qorantahay. 1) Dadka Haddiyad Wada 2) Dadka Aan Hadiyad Wadin. Waxan Galay Kii Labaad Ee Dadka Aan Hadiyadda Wadin Kadibna Bannaankii Hoteelka Anoo taagan baan Is Arkay Oo Albaabkaas Ayaa Bannaanka U Furnaa Derbiga waxaa ku qornaa zxb maxaa soodoontey hadadan hadiyad wadin 🤣🤣 @Sheekoyin

Sheeko Xiso leh ayaan Hayaa maso galiya?
Anonymous voting

"Gabalkan yar ee saxarada ah miyaa saan u oraaya? Waxay ugu Jawaabtey "Saxarana Yaraan uma uriweeydo, Naagna Yaraan uma Dhaliweydo. Ka Dib Maxa Dhacay? Isweydii Adigu! Sheekadan Arooskii Lama Xiriirto waatii Jumcaha lol.😁🤭

Nin Odoya Ayaa La aqal Galay inan yar oo Hadda Guudka Loo Dabay, Habeenkii Arooska Ayuu Saluugey da,da Gabadha iyo ineysan Ga
Nin Odoya Ayaa La aqal Galay inan yar oo Hadda Guudka Loo Dabay, Habeenkii Arooska Ayuu Saluugey da,da Gabadha iyo ineysan Gaarin xilli ay furaashka ku Qanciso wuxuuna Qaatay Go,aan ah inuu inanta iska Dhinac seexdo inta ay Qaan-gaar ka Noqonayso. Inanta oo u Hamuun Qabtey iney u Bilaabato Asbuucii Malabka Ayaa Qaadan Weyday Go,aanka Saygeeda, Waxayna Dareentey Culays Badan, Wey ka xishootay iney saygeeda la Wadaagto Dareenkeeda Dhabta ah Waxayna Iswiidiisey Bal iney Sikale oo Sarbeeb ah wax ugu Tusto Suu uga Jebiyo kamiinka Daashadey. Waxay Qori yar ku soo Qaaday Gabal saxaro ah waxayna Dhigtay Guriga Geeskiisa, Saygeeda Ayaa Dareemay ur aan wanaagsanayn oo Saaqay, Xaaskiisa Ayuu weydiiyey waxa sababay arinta urkan? Waxayna uga Jawaabtey garanmayo! Urku Hadba Marba Marka ka Dameeya waa uu sii batay! Mar Labaad Ayuu Weydiiyey Xaaskiisa Bal iney Guriga Baarto si Loo Ogaado waxa uraya! Waxay soo Qaaday Qorigaa Xaarka Lahaa ee ay Meesha Dhigtay waxayna Tiri kan ayaa uraya! Wuxuu ugu Jawaabay saygeedu ..

ayayna kala qaateen, balse gabadhu waxay u maleysaa in ay bariis iyo mallaay wadato. Markii uu guriga tegay ayuu wacay, wuxuuna ku yiri: abaayo kabalyeerigu dalabkaadii in uu aniga i siiyay ayaan u maleynaa oo bariis iyo kalluun ayaan wataa, ee adiga miyuu dalabkeygii kugu qalday? Inta furtay ayay ku tiri: haa aboowe. Aniga ayuu i soo siiyay cambuuladii aad awoowe u dalabtay. Wuxuuna ugu jawaabay: sorry. Awoowahey wax aan cambuulo aheyn afka ma saarayo, aniguna waan casheeyay, adiguna iima dhowid ee hadda bariiskaan iyo kallunkaan see yeelaa sharafey? Waxaa iigu dambeysay isaga oo cambuuladiisii cunaya, oo ku heesaya: nin lagu seexdoow ha seexan😂😂😂 Haddii aad ka heshay Asxaabtaada la-wadaag (Shere) W/Q: Xuseen Sabriye.

Facebook ayay iska barteen. Caawa ayay maqaayad isu raaceen, casho fudud ayay ka cuneen, isaga ayaana qarashkii bixiyay. Mark
Facebook ayay iska barteen. Caawa ayay maqaayad isu raaceen, casho fudud ayay ka cuneen, isaga ayaana qarashkii bixiyay. Markii ay soo bixi rabaan ayay ku tiri: abbaayo Caasho ayaa casho ii soo dirsatay gacaliye, ee aaway kabalyeerigii? Kadibna waxay dalbatay haaf bariis ah iyo kalluun girille ah oo safaari ah. Yarkii oo dareemaya in uu lacagtaas isagu bixin doono ayaa isaguna ku yiri: abbaayo anigu xitaa awoowehey ayaan casho u qaadi rabaa, wuxuuna dalbaday haaf cambuulo ah oo safaari ah. Markii uu kabalyeerigii ka tegay ayuu istaagay isagoo iska dhigaya qof taleefan ku hadlaya. Kadibna inta baxay ayuu kabalyeerigii u tegay, wuxuuna waydiiyay qiimaha cashada. Kabalyeerigu wuxuu sheegay in bariiska iyo kalluunku yihiin $12, cambuuladuna $1. Wuxuuna ku yiri: saaxiibow iska dhaaf dalabka bariiska iyo kalluunka ah ee labadaba cambuulo ka soo dhig, wuxuuna hormaris ugu diray lacagtii cambuulada oo isku noqotay $2. Kadibna gabadhii ayuu la soo fariistay. Kabalyeerigii ayaa dalabkii keenay, labadii cambuulo ayay

Jumca Mubarak Sheeko. "Imaamka masaajidka ayaa istaagay, salaadii subax kadib wuxuuna yiri ayaantan islamihii Walaga joogi layahay. Ee ninkii islaantiisu dhib kuhayso ha istaago , oo farta hataagto si aan talo usiiyo. Odayaashii dhan way istageen, marka laga reebo hal oday. Imaamkii baayiri bal inta aantalo idinsiin, wadaad kaa fadhiya aan islaantisa uduceyno ileen dhibkuma haysee. Odaygii inta kor uqayliyay yiri iimam laysma weydiinayo miyaa macnaha aan la amusay.🤣 Suuye maxa kugu dhacay. Odaygii ba yidhi xalay bay tib (kal xawaaji) Ayay lugaha iiga garaacday wana istaagi la,ahay Oo masjidka gurguurasho ayan ku imid. Ee talada hayga reebin qoodha iyo xeradaa. Kaftan😁😁😁😁😁😁😁😀👊 @Sheekoyin @Soomalibooks #Share dheh

Sameyso Brokerka an isticmaalo oo swap Free ah Raac linkigaas Si aan u Caawiyo Wadna iso waydiin karta Wixi Su aal ah insha llh @omaradeFx https://www.fxprimus.com/int/referrals/?atoken=ENV1DI3PW5QX83GR

Hada ka hor nin Reer Mudug ah ayaa nin kale oo isla reer MUDUG ah ALAAB u dhiibtay oo yiri ninyohow waa kugu amaano Ninkii waayahay ayuu yiri. Mudo kadib ayaa ninkii u baahdey Alaabtiisii kadib inta uu ninkii u yimid ayuu ku yiri sxb waxaan u baahnahay Alaabtii amaanada kugu ahayd oo aan kuu dhiibtay? Saxiibkaa ii soo noqo ayuu yiri mudo badan kadib sidii oo kale ayuu yiri saaxiibkaa alaabtii mar hore ayuu ku yaacay oo waxba ma uu hayo😂 Nimanku tuulo ayey isla joogeen tuuladana waxaa dhaqan ka ah qofkii ugu horeeya ee masaajidka lugta soo galiya ayaa salaadaas iimaam ka noqda oo tujiya dadka. Waxaa salaadii MAQRIB ugu soo hormarey odeygii xoolaha ay ka maqnaayeen waxa uu safka hore ku arkey ninkii Alaabta amaanada ah uu u dhiibtay😂 Saxiibkaa markuu arkay ninkii uu xoolaha u dhiibtay in uu safka hore ku jiro labadii ragco ee ugu horeeyey waxa uu ku tujiyey Aayado qur'aan ah oo ka hadlaya AMAANADA in la dhawro oo la ilaaliyo oo ay khatar ku tahay qofka hadii laga waayo ama uu cuno😂 Saxiibkaa horey ayuu ka fahmay in asaga lagu dhaga hadlayo kadib cishihii ayuu isaguna ugu soo hor galay masaajidka odeygii kalena safkiisa ayuu iska soo galay Saaxiib labadii ragco oo hore waxa lagu tujiyey Aayado qur'aan ah oo ka hadlaya SAMIRKA oo uu leeyahay Ina laaha macasaabiriin😂 Saaxiibkaa asagana waa lala hadlay markiisa😂 Wuuna iska samray😂 Waa qiso dhab ah oo ka dhacdey Tuulo Bayra la dhaho 😁😁😁😁😁😁😁😁😁😁😁😁😁 @Sheekoyin

sticker.webp0.17 KB

Nin xishood badan ayaa jeclaaday gabdh nin kadhintay oo carmal ah in muda ah ayuu Ka baqayay inuu la'hadlo. Maalintii danbe a
Nin xishood badan ayaa jeclaaday gabdh nin kadhintay oo carmal ah in muda ah ayuu Ka baqayay inuu la'hadlo. Maalintii danbe ayuu kusoo dhiiraday inuu lahadlo markuu salaamay ayuu khalkhalay oo intuu wuxuu kuhadlo garan waayay ayuu yidhi walaal marxumkii wax kasoo warama ma aragtay. 😂😂😂

Macallin Xalay oo dhan Qaad ku dhafray, ayaa Fasal soo galay. ul ayuu Miiska soo saartay Ardaydiina waxa uu ku yiri: kii shanqar yar sameeyo, 10 ul ayaan ku dhufanayaa, Kursigii ayuuna gadaal gadaal ugu seexday. Ardaydii oo wada Aamusan iyo isagii oo khuurinayo ayuu Maamulihii Dugsiga oo Dul taagan ku soo toosay. Mar kaliya ayuu indhaha kala furay, kuna yiri Ardaydii: Ma fahamteen Qisada Asxaabul kahfi ee Qur’aanku noo sheegay. Siidaa ayeey Asxaabul kahfi u hurdayeen 300 Sanno. 😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂 @Sheekoyin

Bari baa waxaa jiray Nin tuug ah oo beennaale ah, tuugii maalin maalmaha kamida ayuu waxuu soo maray meel waxuu arkay geed shini ay malab ku diyaarsatay oo ay dad lahaayeen, tuugii intuu fakaray ayuu waxuu go'aan saday sidii uu ku qaadan lahaa malab-ka. Tuugii waxuu soo qaatay, masaar, cawas iyo qori dab ah, markii uu geedkii fuulay ayaa waxaa ugu yimid ninkii meesha ku diyaarsaday shinida si ay malab ugu dhasho, ninkii ayaa waydiiyay ? War nin yahoow maxaad geedka dushiisa ka haysaa ? Tuugii beennaalaha ahaa waxuu yiri '' waxaan doonayaa in aan ku layrsado geedka dushiisa, ninkii ayaa haddana yiri oo masaartana maxaad u wadataa ? Tuugii waxaan doonayaa in aan laamaha geedka iskaga jaro,ninkii ayaa haddana way diiyay oo cawskana maxaad u sidataa ? Tuugii waxaan diidayaa inay maryahay iga wasaqoobaan, ninkii ayaa yiri oo qoriga dabka ahna maxaad u sidataa ? Tuugii waxuu yiri taas jawaab uma hayo''. 😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂 @Sheekoyin

YAA QALDAN LABADAAN KALA SASRA. Wiil ayaa soo galay maqaaxi wuxuuna arkay gabar iyadoo kaligeed fadhida. Wuxuu ku yiri ”ma kula fadhiisan karaa?” Cod dheer oo ay dadka maqashiinayso ayay ku tiri ”waan kula seexanayaa maxaad ka waddaa yaad ii malaysay? Ma kuwa jirkooda ka ganacsada?!!” Dadkii oo dhan ayaa soo wada eegay. Isagoo aad u khajilsan oo xishoonaya ayuu kursi kaligiis meel gooni ah ku fariistay. Xoogaa kaddib ayay inta hilhilatay u tagtay oo agtiisa intay fariisatay ku tiri ”waxaan bartay cilmi nafsiga, waxa rabey inaan ogaado marki lagu dulmiyo sida aad noqoneyso.” Intuu istaagay ayuu cod dheer ku yiri: $3000 oo doollar ma bixin karo hal habeen kuma rabo ee iga tag. Hadana dadkii oo dhan baa iyadii soo eegay gabadhii iyadoo la leeyahay ”waaba run illeen, waaba u tagtay ma u jeedaan oo lacag ayayba ka rabtaa tan caadi maba aha. Isna inta afka dhagta u saaray ayuu ku yiri; ”Waxan bartay QAANUUNKA waxaan ahay qarreen oo waxaan aqaannaa sida loo soo dhacsado xaqa iga maqan, marka raalli noqo!” 😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂 @Sheekoyin

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Jabbaan Yoshi Morri ayaa wuxuu qorsheynayey kulan uu la lahaa madaxweyihii hore ee Maraykanka Mr. Bill Clinton. Madaama uusan luqadda Ingiriiska ku fiicneyn Ra’isul Wasaaruhu ayaa waxay tarjumaanaadiisa u sheegtay in uu hadalku kubilaao “How are you?” oo la macno ah “Sidee tahay?”, Clintona uu ku jawabi doona “I am Fine” oo ah “Waan fiicanahay”, dabadeedna wuxuu raacin doonaa “And You?” oo ah “Adiguna?” kolkaas waxaad ku jawaabtaa “Me too” oo ah “Aniguna sidoo kale”. Intaa wixii ka dambeeya howsha anagaa sii wadi doona ayey tarjumaanadiisii ku yiraahdeen Ra’isul wasaare Yoshi Morri. Mar alla markii ay kulmeen Ra’isul Wasaarahii iyo Bill Clinton oo ay markaa la socotay xaaskiisa Hillary ayaa waxaa uu Ra’isul Wasaaruhu si khalad ah u yiri “Who are you?” oo macnaheedu uu yahay “Kumaa tahay” balse uu ula jeeday “How are you?”, Clinton oo yaaban , dhinacyadana fiir fiirinaya xaaskiisuna ay garab taagan tahay ayaa isagoo kaftamaya ku jawaabay “I am Hillary’s husband” oo ah “waxaan ahay odaygii Hillary (Xaaskiisa)” wuxuuse u raaciyey “And you?”, Ra’isul Wasaaraha oo sugayey ereygaas dambe ayaa ku jawaabay “Me too” oo la micno ahayd “anigana sidoo kale”, jawaabtan dambe waxay si aad uga yaabisay Mr. Clinton oo u fahmay in uu ra’isul wasaraha leeyahay “anigana waxaan ahay odagyii Hellary”. 🤣 @Sheekoyin @soomalibooks @dhirigaliye

Asc Asxaabta Caawa Sheekoyin Badan oo Qosol ah ayaan Soo Dhignay Hadad Kaheshay like Saar Hadii aadan kahelina Dislike Saar Si aan U Ogaano Fikradiina insha llh Haben Wangsan🙏 Siina Share Gare Groupka @Sheekoyin @Soomalibooks @Dhirigaliye

Sheeko gaaban Xajigediibay kutidhi oo barigii aynu wada sheekaysan jirnay hadyad baad iikeeni jirtay oo waad idalxiis gayn ji
Sheeko gaaban Xajigediibay kutidhi oo barigii aynu wada sheekaysan jirnay hadyad baad iikeeni jirtay oo waad idalxiis gayn jirtaye maxaa kugu dhacay iminka?? Kulahaaa naa heedhe wali maad aragtay musharax doorashada markuu ku guulaysto wali ololaha siiwada!! 😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂 @Sheekoyin @soomalibooks @dhirigaliye

Gabadh ayaa waxa ay guursatay nin chinese ah ka dib hooyadeed ayaa ka cadhootay oo ku tidhi "Maxad ku fashay ninkan chinese-k
Gabadh ayaa waxa ay guursatay nin chinese ah ka dib hooyadeed ayaa ka cadhootay oo ku tidhi "Maxad ku fashay ninkan chinese-ka ah" waxay ku dhahday"hooyo waxan rabaa inaan caruur qurux badan dhalo" mudo kadib ayay hooyadeed kusoo noqotay waxayna waydiisay "naa mee uurkii aad lahayd" waxay ku tidhi hooyo ilmihii wuu iga soo dhacay islaantii kulaha "Awalba waan ogaaa in alaabta chinese-ku aanay tayo lahayn"😀😀😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂 @sheekoyin @soomalibooks @dhirigaliye

Mid reer mudug eh oo carona ka xanaqsan ayaa yiri janadiiina hawo iyo nabii Adam geed ha cunina LA dhahay ayey cuneen Ayaan o
Mid reer mudug eh oo carona ka xanaqsan ayaa yiri janadiiina hawo iyo nabii Adam geed ha cunina LA dhahay ayey cuneen Ayaan oga soo baxnay Adunkiina mid shenis eh kibili uu cunay dartii Ayaan oga bixi rabnaaa Mar walbo AF aan anaga laheen wax lagu cunay man sabab sanaaa Istaqfurullah 😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂 @Sheekoyin @Soomalibooks

Mid ree fiiqed ah Oo Yurub ta jooga ayaa hooyadi Oo Fiiq Joogta so wacay Wiilki ayaa yiri hooyo coronahii ma idin so gaadhey
Mid ree fiiqed ah Oo Yurub ta jooga ayaa hooyadi Oo Fiiq Joogta so wacay Wiilki ayaa yiri hooyo coronahii ma idin so gaadhey Hooyadii ayaa tiri maya hooyo ee yad noogu so dhiibtay kkkk 😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂 @Sheekoyin @Soomalibooks