SAMEWADE ACADEMY
Kusoo dhawada samewade Academy channel kan waa madal aad ka heli doontid Dhamaan Cashirada aan soo gudbino si free ah.
Show more📈 Analytical overview of Telegram channel SAMEWADE ACADEMY
Channel SAMEWADE ACADEMY (@samewade) in the Somali language segment is an active participant. Currently, the community unites 17 406 subscribers, ranking 11 604 in the Education category and 489 in the Somalia region.
📊 Audience metrics and dynamics
Since its creation on невідомо, the project has demonstrated rapid growth, gathering an audience of 17 406 subscribers.
According to the latest data from 20 June, 2026, the channel demonstrates stable activity. Although there has been a change in the number of participants by -147 over the last 30 days and by -7 over the last 24 hours, overall reach remains high.
- Verification status: Not verified
- Engagement rate (ER): The average audience engagement rate is 4.16%. Within the first 24 hours after publication, content typically collects 1.07% reactions from the total number of subscribers.
- Post reach: On average, each post receives 725 views. Within the first day, a publication typically gains 187 views.
- Reactions and interaction: The audience actively supports content: the average number of reactions per post is 0.
📝 Description and content policy
The author describes the resource as a platform for expressing subjective opinions:
“Kusoo dhawada samewade Academy channel kan waa madal aad ka heli doontid Dhamaan Cashirada aan soo gudbino si free ah.”
Thanks to the high frequency of updates (latest data received on 21 June, 2026), the channel maintains relevance and a high level of publication reach. Analytics show that the audience actively interacts with content, making it an important point of influence in the Education category.
Soomka maalinka Caashuura waa mid kamid ah Bisha illaahay ee Muxarram tirsigeeda 10 - 1 - 1445 kuna beegan maalinta barri ah Jimcaha .
● WAA MAXAY CAASHURA?
Sida aynu kor kusoo xusnay waa maalinka 10 aad ee bisha muxarram .
Waa maalinkii illaahay Swt nabi Muuse Cs ka badbaadiyay Fircoon iyo colkiisa ee rabbi fircoon iyo kuwii la socday ku qarqoomiyay ( Haligay ) Badda .
● FAAIIDOOYINKEEDA
Nabi Muxammed CSW markii uu soo galay magaalada Madiina ayaa waxa uu arkay Gaalada Kiristanka ( Nasaarada ) oo soomaya maalinkani aadka u qaaliga ah , Rasuulku waxa uu waydiiyay " Maxaa uu yahay maalinkan aad soomaysaan ", waxay ay ugu warceliyeen " Waa maalinkii illaahay Swt badbaadiyay Nabi muuse iyo Dadkii raacay ee illaahay Swt Halligay fircoon iyo kuwii raacsanaa , markaa illaahay ayaanu ugu mahad naqaynaa soomka maalinkan ", Rasuulku waxaa uu ugu warceliyay " Haddaa annaga ayaa idiinka xaq mudan Nabi muuse in aanu illaahay ugu mahadcelino badbaadintaasi " .
Maalinkaasi ka dib rasuulku waxaa uu dadka muslimiinta ah in ay soomaan .
Marka kale yaa rasuulka la waydiiyay " Rasuulkii illaahayow , Gaaladu waa ay soomaan maalinkan e, maxaanu kaga duwanaanaa? " . Rasuulku waxa uu ugu werceliyay " Maalinka 9aad 'TAASUUCA' Ayaynu soomaynaa , Haddii aan Gaadho Sanadka danbe waan soomayaa sidoo kale maalinkaasi 9aad iyo 10aad ".
- Nabi muxammed waxaa uu yidhi " Soomka maalinta Caashuura waxaan illaahay kaga rajaynayaa in uu ku dhaafo danbiyada sanadkii horre " .
● CASHARADA KU SUGAN CAASHURA
1- Mahadnaqa illaahay Swt Xaalad walba oo Qofku ku jirro .
2- Allah in uu yahay Badbaadiyaha iyo u hiilayaha Adoomihiisa dhibaataysan iyo Abaalmariyaha kuwa Qooqa ee kibra xadkiisana dhaafa .
3- Aaminida illaahay iyo ku kalsoonaan tiisa , talasaarashadiisa ay tahay Badbaadada & Badhaadhaha , Guusha Aduun iyo Aakhiro .
Haddaba Akhriste waxaa innoo caddaatay Fadliga iyo Ajriga ay leedahay maalinkani qiimaha leh ,
Miyay tahay in aynu ka qadno fadligaas ?
--------------------- !
● QAABKA LOO SOOMAYO
Shareecadeenna islaamku waxay innoo cadaysay in soomku uu kamid yahay cibaadooyinka ugu waawaayn ee illaahay Swt loogu dhawaado .
Xadiis ka sugnaaday rasuulka csw waxa uu yidhi " Illaahay ayaa waxa uu yidhi 'Soomka anigaa iska leh anigaana ka abaalmarinaya adoonka ' " .
- QOFKA SOOMAYA MAXAA LA GUDBOON ?
1- Waa in uu niyeysto ( Qalbiga ku qabsado in uu soomayo caashuura ) .
2- Waa in uu suxuurto si uu u helo barakada soomka .
3- Gabadha muslimada ah ee soomaysa waa in ay Daahir ahaato .
4- Ducada oo la farabiyo gaar ahaan waqtiyada
•Suxuurta • Salaadaha dabadooda • Waqtiga Afurta ka hor wax yar .
5- Qur'aanka aqriskiisa in aad loo badiyo , Wardiga , xuska illaahay , Salliga Nabiga CSW , Sadaqada
•••
Allah ha inna waafajiyo Acmaasha wanaagsan , ikhlaas iyo Aqbalaadna ha inna siiyo .
《FAAFINTA KHAYRKA WAA QOF SAMEEYAY OO KALE AJARKIISA 》
#Shere_Faafi_شارك_مع_أصدقائك
Alhidaaya center for islamic studies and development | مركز الهداية للعلوم الشريعة وتطوير الدعوة
https://t.me/Alhidaayacenter
Available now! Telegram Research 2025 — the year's key insights 
