Koryaal
Open in Telegram
Koryaal TV 📺 Warar 📰 | Madadaalo 🎭 | Dhaqan 🌍 | Siyaasad 🏛 | Ganacsi 💼 | Dhaqaale 💰 | Wacyigelin Diini 🕌 Geeska Afrika, Afrika & Caalamka 🌐
Show moreFinland837The category is not specified
2 988
Subscribers
No data24 hours
No data7 days
No data30 days
Posts Archive
2 988
Waxaa la yiri hadii aad maqasho buur hebel ayaa dahab laga helay oo dadkii dhan dahab ayay doonteen, adigana dahab haka daba doonan ee waxaad buurta agteeda ka furataa meherad lagu iibiyo qalabka dhulka lagu qodo.
Hadda farsamadaas waxaa qaadatay shirkadda Nvidia oo markay aragtay in aduunka oo dhan artificial intelligence u kala cararaayo iyadana waxay tidhi aniga ayaa idinka iibinaya graphic cards awood badan oo xawaare sare leh.
Nvidia lixdii bilood ee sanadkan u horeeyay waxay faaiiday oo ay jeebka gashatay 8 bilyan oo doolar.
2 988
Lixdan dabeecad imisa ayaad si joogta ah u leedahay? imisa ayaana kaa maqan mise waxaba waad ku dhaqantaa?
2 988
Ku baraarugsanaw:
Caadooyin si aayar ah kuu dilaya:
#Saamalaylka iyo hurdo yaraanta xad dhaafka ah.
#Saddex aad cunto moodo laakiin sun ah sonkorka,saliida iyo millixda saa'idka ah.
#Fadhiga faraha badan iyo jimicsi la'aanta joogtada ah.
Saddexduba waa dilaa aamusan oo adiga oo aan dareemin ku dilaya jidh ahaan iyo maskax ahaanba.
Sidaa markay tahay waa hubaal in aad naftaada si buuxda u daryeeshay marka aad saddex la dagaalanto.
2 988
WAAR MAAD KA DEYN!
Ma wuxuu la doonaayay mise waxay la doonayso!
Wallee ina raggoow talo adduun taada uun ma aha!
2 988
"Feedhku wuxuu ii keenay lacag iyo magac, laakiin waligey farxad iima keenin" Mike Tyson🐐
#miketyson #ironmiketyson
2 988
In aad wax badan akhridaa waxa ay kaa caawinaysaa in aanad ka dhicin nolosha casrigan oo dhinac kasta oo ka mid ahi uu xawaare aad u sarreeya ku socdo. Wax akhris keliya ma’aha ee waa in aynu si dhaqso ah wax u akhrinno si aynnu fursad ugu helno in aynnu wax badan akhrinno. Waa sida keliya ee aad iskaga ilaalin karto in adiga oo waxbarasho sare leh haddana aanad noqon warmooge aan ka aragti iyo fikir sarrayn qofka aan waxba baran.
Saajid Al-Cabdali ayaa buuggiisa (القراءة الذكية) oo soo baxay 2006 waxa uu isku dayayaa in uu ka jawaabo sababta uu qofku ugu baahan yahay in uu si dhaqso ah wax u akhriyo?
“50 kun oo buug iyo 10 kun oo majaladood ayaa Maraykanka oo keliya ka soo baxa sannad kasta. Dunidana daqiiqad kasta waxaa la qoraa 300 oo maqaal cilmiyeed, maalin kastana waxaa soo baxa 7 kun oo daraasado cilmiya ah.
Culuumta cusub iyo xogta dunida ku soo korodhay 50 kii sanno ee u dambeeyey, waxa ay ka badan tahay xogta ku soo korodhay shantii kun ee sanno ee ka horrreeyey. Xaddiga aqoonta iyo xogta duniduna laban-laab ayaa ay korodhaa shanti sanno ee kasta.
Soddonkii sanno ee u dambeeyey oo keliya, boqolkiiba 90 ayaa ay kobceen dhammaan cilmiyda kala duwan ee dunidu”
FG:
Buugtu waa il xogeed iyo dar aqoonta laga helo oo muhiimad weyn iyo qiimo badan leh, laakiin ogow buuggu ma’aha sida keliya ee xog waxtar leh lagu helo. Marar badan xogta aad ka hesho wargeys, majallad, qormo waxbarasho ama aqooneed, cilmibaadhis, maqaal iwm. ayaa ka faa’ido badan xogta aad ka helayso buuggaag badan, ama ugu yaraan waxa aad ka helaysaa xog ku kala firidhsan buuggaag badan oo akhriskoodu waqti u baahanyahay, ama aanad adigu isla doonateen.
Kamaal Marjaan
2 988
Maalintii oo dhan waxaa kujira kaliya 1,440 daqiiqo, dadka oo dhan noockasta oo ay ahaadaan Taajir, faqiir, Sheekh, Dhaqtar, Injineer, waxay haystaan 1,440 daqiiqo
Qayaas ahaan dadku maxay waqtigooda ku bixiyaan maalinkii.
1. Maalintii waxaad hurdo ku bixisaa 528 daqiiqadood celicelis ahaa.
2. Waxaad 40 daqiiqo maalintii hortaagantahay Ilaahay oo waxad tukanaysaa 5ta salaadood, celcelis ahaan.
3. Waxaad 36 daqiiqo ku bixisaa inta aad sugayso in cunto laguu keeno.
4. Waxaad cunto cunis ku bixisaa maalintii 70 daqiiqo.
5. waxaad 28 daqiiqo ku bixisaa inaad dhar raadsato oo aad labisato
6. Celcelis ahaan waxaad 20 daqiiqo ku bixisaa inaad guriga hagaajiso
7. waxay 21 daqiiqo maalintii kaaga baxdaa inaad wax iibsato.
8. Waxaad celcelis shaqeynaysaa 130 daqiiqo (rag iyo dumar)
9. Aaalamiinto iyo cayaar waxaad ku bixisaa 17 daqiiqo maalintii celcelis ahan
10. Waxaad maalintii Suuliga isticmaasha celcelis ahaan 23daqiiqo.
11. Waxbarasho iyo waxaqris waxaad ku bixisaa 30 daqiiqo maalintii
12. sidoo kale 13 daqiiqo maalinkii waad isla hadashaa oo waad maqantahay oo waxbaad ka fikirtaa
13. waxaa kale oo aad 20 daqiiqo ku bixisaa salaan iyo iswaraysi dadka aad iska soo hor baxdaan.
14. Sheeko iyo shaah waxaad ku bixisaa maalintii 40 daqiiqo.
15. Maalintii waxaad socod ama aad gaadhi saarantahay 43 daqiiqo
16. Waxaad maalintii telifoon ku hadashaa 25 daqiiqo celcelis ahan
17. Waxaad Telefishan, Mobile, youtube, tiktok ku bixisaa 250 daqiiqo
18. Waxaad isqurxin kubixisaa maalintii 14 daqiiqo
19. Waxqabad kale waxaad ku bixisaa 92 daqiiqo.
Maxaan ka tagay?
caseer
2 988
Sadaxdan xirfad waa muhiim inuu qofku barto, qarniga 21-aad.
1. Sida loo fikiro, dadku intooda badan ma yaqaanaan sida loo fikiro, waxkasta oo loo sheego "haye" ayay iska dhahaan marka waxaad u baahantahay inaad barato sida loo fikiro waxna laysku weydiiyo. Waxaad u baahantahay inaad dhihi karto “sidee ku dhacaysaa? Maxaa sababi kara? Sidee loo xalin karaa?”
2. Baro sida wax loo barto! Aduunka hada aqoontu way buuxdaa oo waalagu dhex wareerayaa marka inaad waxbarato ayaa u baahan inaad isbarto.
3. Keydinta iyo soo gudbinta wixii aad baratay, waa inay jirtaa qaab aad usoo bandhigi karto waxkasta oo aad baratay ama aad akhrisay haddii kale waxkasta oo aad soo kordhisay way kaasii baxayaan. Hadii aad Quraanka tafsiirkiisa baratay, waa inaad sidoo kale barataa sida aad ugu dhaqmi lahayd.
caseer
2 988
Saddexdaan sifo way iskabaan, badanaa qofku midba xoogaa inuu ka haysto bay u badan tahay, balse dhan buu u badan yahay. Way dhacdaa in dadka qaar ay si fiican iskugu raacdo labo ama saddexda sifaba, waana nooca ugu khatarsan bani’aadamka qofka saddexdaba si fiican u leh; qofka aqoonyahanka ah, caqliga u dhashay, haddana xariifka ah.
Midka aad is leedahay waad u badan tahay ogaal u yeelo oo awoodda saar; ma intellectual baa tahay, mise intelligent, mise smart? Mid kasta oo aad is leedahay wuu kugu yar yahay waad kordhin kartaa, ama waad u badan kartaa dhankiisa ilaa in door ah.
***
Sifo afraad ayaa jirta oo aanan qoraalkaan ku darin, sababta oo ah waa mid ka qoto dheer in liiskaan lagu daro – waa xikmadda ama qofka xikmadda leh “wise person”. Xikmaddu waa nuxurka u danbeeya ee micnaha in aad hesho, waxa ay dadka kale ku daalayaan in si fudud fahankeeda aad u hesho. Xikmaddu ma ahan faahfaahin dheer, tusaale ahaan cilmiga fiisikiska xikmadda kujirta oo dhan baa qof meel miyi ah ku khilaawaynaya heli karaa ! Waa arrin jaad gooni ah oo aan qoraalkaan iyo liiskaan dhex ordi karin, sidaas ayaan uga reebay.
Raadreeb
2 988
Bani’aadamka: Garaadka, waxtarka iyo fahanka
Badanaa bani’aadamku saddex qaybood ayay u qaybsamaan marka laga hadlayo garaadka, waxtarka, iyo fahankooda.
Qof aqoonyahan ah “intellectual”, kaas oo ka dhigan qof cilmi bartay ama macluumaad ku quudiyay maskaxdiisa, deedna go’aannadiisa iyo hadalkiisa cilmi ku dhisa. Qofka noocaan ah waxa uu haystaa khayraad badan oo maskaxeed, waxa uu na kugu dilayaa macluumaadka uu hayo, waxa uu ku hubaysan yahay caqli dad kale iyo garasho ay qoreen. Waxaa laga yaabaa in uusan caqli badnaan isagu u dhalan, balse waxa uu xanbaarsan yahay dad caqli badan aqoontood, iyo macluumaad koodii. Waa dadka badanaa takhasusaadka gaarka ah looga danbeeyo, sababtoo ah waxay wax u bartaan si qoto dheer maadaama aysan caqligooda kaliya kalsooni badan ku qabin ee cilmiga ay isku hubaan. Haddii aysan cilmi hayn ama macluumaad, micne kale ma yeelanayaan si iskood ah. Waa dadka cilmiga looga danbeeyo oo wakhtiga galiya, sidoo kalana dadka bara. Badanaa dadkaan waxay noqdaan khabiirro fannigooda ka soo dhalaala, oo ku shaqeeya. Xitaa haddii aan dhaqankii Soomaalidii ree miyiga ahayd tusaale uga soo qaadanno, waxaa jiray qof la oran jiray (haddii aanan khaldanayn) suugaan-dhaadhi – waa qof isagu aan halabuur ahayn balse dusha ka wada xafidsan wixii suugaan carrada laga tiriyay, wixii sheeko iyo murti ahaa, kuna sheekeeya, dadka danbana hadhaw u gudbiya dhaxal ahaan. Sideedaba booskii aqoonta wixii markaas kujira ee carrada kajira qofka loogu imaanayo ayaa tusaale u ah “intellectual”.
Qof caqli badnaan u dhashay “intelligent”, kaas oo ka dhigan qof abuur ahaan garaad u dhashay oo maskaxdiisu awooddo in ay mas’alada markaas taagan xallin karto iyada oo aan cilmi badan iyo macluumaad ku dhisin. Qofka noocaan ah waxaa laga yaabaa in uusan cilmi badan lahayn ama uusan xog hayn, balse garaadkiisa dhaladka ah ayaa u muujin kara in uu aqoonyahan yahay mararka qaarkood. Waa qof fahankiisu sarreeyo, mufeker ah abuuris ahaan, noloshana si iskiis ah wax uga baran kara isaga oo aan la hagin ama wax baran. Haddii uu cilmi helo, macluumaad, ama hagitaan, wuu ka khatarsanaadaa kii hore ee cilmiga kaliya hayay, sababta oo ah cilmiga ma uu quuto kaliya ee wuu rogrogaa, wax aanan horey dadka ugu muuqan ayuu ka soo dhex saaraa. Waa dadka badanaa cilmiga wax ku kordhiya haddii ay galaan badwaynta cilmiga. Waa qof si guud micnaha nolosha u raadinaya, ee aan noloshiisa kaliya ku mashquulsanayn. Haddiiba ay dhanka aqoonta wakhti galinayaan takhasusaad gaar ah wakhtigooda kuma lumiyaan, ee waxyaabo badan bay ogaal ka doonaan, maadaama ay faduul (curiosity) hagayso. Dadka noocaan ah badanaa waxay noqon karaan faylasuufyo, mufekeriin, saynisyahanno, iwm. Dadka noocaan ah haddii laga faa’idaysto waxay noqon karaan kuwo curiya aragtiyo cilmi ah, kuwa nololeed, iyo wax dhaxalgal noqda.
Qof xariif ah “smart”, kaas oo ka dhigan qof sida ugu habboon u adeegsan kara khayraadka uu helo, cilmiga uu helo, ama macluumaadka uu helo. Qof yaqaan sida looga faa’idaysto fursadaha, waxa uu helo, ama uu haaban karo. Qofka noocaan ah waxa uu xigaa dhanka caqliga dadka u dhashay, balse caqligiisu wuxuu ku jihaysan yahay dhanka fulinta ama dhaqangalinta, ka faa’idaysiga, iwm. Maleh caqliga mufekernimada ama fahanka sare looga baahan yahay, balse waxa uu leeyahay midka fulinta. Waa qof xariif ah oo isaga oo aan caqli qoto dheer lahayn, cilmi badanna hayn, haddana fursadda soo marta ka faa’idaysan kara, iyada oo dadkii caqliga iyo cilmiga lahaa aysan wali far dhaqaajin. Wuxuu nolosha u fahansan yahay in ay waxqabad tahay, muhiimaddana ma uu siiyo faduul iyo hawlo aan noloshiisa wax muuqda ku soo celinayn. Wuxuu abbaaraa waxa isaga micnaha u leh, ama shaqada uu hayo micnaha u leh. Dadka noocaan ah waxay noqon karaan siyaasiyiin ama hoggaamiyayaal awood badan, maadaama ay diiraddoodu tahay fulin, iyo soo bixid. Sidoo kale waxay noqon karaan ganacsato guuleysata, iwm.
2 988
SIRTA GUULEYSTAYAASHA:
_______
Kaynta dhexdeeda:
1. Maroodiga ayaa ugu weyn;
2. Gerigu waa kan ugu dheer;
3. Dawaco ayaa ugu caqli badan; iyo
4. Haramcadka ayaa ugu dheereeya;
Haddana, Libaaxu waa BOQORKA kaynta xataa iyada oo aan midna sifaadkan midna lahayn.
Waa maxay sababtu?
Sababtoo ah:
1. Libaaxu waa geesi, waa geesi, kalsooni buu ku socdaa, wax walba wuu ku dhiiradaa, marna ma cabsado.
2. Libaaxu wuxuu aaminsan yahay inaan la joojin karin.
3. Libaaxu waa halis.
4. Libaaxu waxa uu aaminsan yahay in xayawaan kasta uu cunto u yahay.
5. Libaaxu waxa uu aaminsan yahay in fursad kasta ay mudan tahay in la tijaabiyo oo aanu waligiis u ogolaan in ay ka siibto gacantiisa.
Markaa...
1. Uma baahnid inaad noqoto kan ugu dheereeya.
2. Uma baahnid inaad noqoto kan ugu caqli badan.
3. Uma baahnid inaad noqoto kan ugu dheer
4. Uma baahnid inaad noqoto kan ugu ifka badan.
5. Waxa kaliya ee aad u baahan tahay waa geesinimo
6. Waxa kaliya ee aad u baahan tahay waa rabitaanka inaad isku daydo.
7. Waxa kaliya ee aad u baahan tahay waa iimaanka si aad u rumaysato inay suurtogal tahay.
8. Waxa kaliya ee aad u baahan tahay waa in aad naftaada rumaysato, in aad samayn karto.!!
Libaaxu waxa uu seexdaa 20 saacadood waxa uu shaqeeyaa 4 saacadood oo haddana waxa uu cunaa hilib.
Laakiin Maroodigu wuxuu shaqeeyaa 24 saacadood wuxuuna cunaa cawska.
Istaraatiijiyada noloshaada ayaa ugu muhiimsan habka aad u wajahayso duruufaha & xaaladaha si aad mar walba u noqoto horyaal ama guuleyste.
Ku joog niyadda libaaxa! Taasi waa niyadda loogu talagalay guuleystayaasha."
2 988
𝗘𝗿𝗲𝘆-𝗯𝗶𝘅𝗻𝘁𝗮 𝗔𝗺𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗲𝗲 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝗱𝗮
6:00 𝒂𝒎 = 𝑾𝒂𝒂𝒃𝒆𝒓𝒊
7:00 𝒂𝒎 = 𝑨𝒓𝒐𝒐𝒓
8:00 𝒂𝒎 = 𝑩𝒂𝒓𝒒𝒐-𝒚𝒂𝒓/𝑩𝒂𝒓𝒊𝒊𝒔𝒐
9:00 𝒂𝒎 = 𝑿𝒊𝒈𝒔𝒊𝒏
10:00 𝒂𝒎 = 𝑩𝒂𝒓𝒒𝒐-𝒌𝒖𝒍𝒖𝒍/ 𝑩𝒂𝒓𝒒𝒐- 𝒅𝒉𝒆𝒆𝒓
11:00 𝒂𝒎 = 𝑯𝒂𝒅𝒉-𝒔𝒐𝒐- 𝒌𝒐𝒓
12:00 𝒑𝒎 = 𝑯𝒂𝒅𝒉-𝒈𝒂𝒍
13:00 𝒑𝒎 = 𝑯𝒂𝒅𝒉𝒊𝒎𝒐
14:00 𝒑𝒎 = 𝑮𝒂𝒍𝒂𝒃
15:00 𝒑𝒎 = 𝑮𝒂𝒍𝒂𝒃-𝒅𝒉𝒆𝒆𝒓
16:00 𝒑𝒎 = 𝑮𝒂𝒍𝒂𝒃- 𝒈𝒂𝒂𝒃𝒂𝒏
17:00 𝒑𝒎 = 𝑮𝒂𝒃𝒂𝒍-𝒅𝒉𝒂𝒄
18:00 𝒑𝒎 = 𝑭𝒊𝒊𝒅-𝒄𝒂𝒘𝒍
19:00 𝒑𝒎 = 𝑿𝒊𝒓𝒂𝒂𝒅
20:00 𝒑𝒎 = 𝑪𝒂𝒘𝒆𝒚𝒔𝒊𝒏
21:00 𝒑𝒎 = 𝑴𝒂𝒓-𝒇𝒖𝒓𝒂𝒅
22:00 𝒑𝒎 = 𝑺𝒂𝒒-𝒅𝒉𝒂𝒃𝒐/ 𝑺𝒂𝒓𝒅𝒉𝒂𝒃𝒐
23:00 𝒑𝒎 = 𝑺𝒂𝒒-𝒃𝒂𝒅𝒉
12:00 𝒂𝒎 = 𝑺𝒂𝒒-𝒅𝒉𝒆𝒙𝒆
1:00 𝒂𝒎 = 𝑴𝒊𝒓-𝒌𝒂𝒄
2:00 𝒂𝒎 = 𝑯𝒊𝒓𝒂𝒂𝒃
3:00 𝒂𝒎 = 𝑱𝒊𝒊𝒅𝒉𝒂-𝒘𝒂𝒂𝒃𝒆𝒓𝒊/𝑶𝒐𝒈𝒐-𝒉𝒐𝒓𝒆
4:00 𝒂𝒎 = 𝑯𝒊𝒊𝒓𝒕𝒂-𝒘𝒂𝒂𝒃𝒆𝒓𝒊/𝑶𝒐𝒈𝒐-𝒅𝒉𝒆𝒙𝒆
5:00 𝒂𝒎 = 𝑺𝒂𝒈𝒂𝒍-𝒘𝒂𝒂𝒃𝒆𝒓𝒊/𝑲𝒂𝒂𝒉
Xigasho: Muuqaal uu duubay Abwaan Ismail Jiheeye
2 988
Buugaan sida ka muuqato cinwaankiisa waxaa la yiraa "Dhimo adigoo faaruq ah" ha dhiman adigoo banaanka keenin aqoonta aad heeso, ha dhiman adiga oo aan sameen wixii aad dooneesay in aad sameeso, dhimo adiga oo faaruq ah, qoraaga buuga ayaa weediiyey dad halkeed uma leeneesaan in ay tahay meesha dhulka ugu hodansan, markasey dhaheen qaarkood Khaliijka waaye, markaasuu dhahay maya kaddib markii jawaabo kala duduwan la bixiyey, wuxuu yiri dhulka ugu hodansan waa qabuuraha oo, waayo meeqaa dhimatay ayaga oo aan dadka lawadaagin aqoonta ay hayaan, ayaga oo aan banaanka keenin waxa maskaxdooda iyo qalbiyadooda ku jira. Qabriga waa meesha kaliya wixii galo aysan kasoo noqon, waa meel aqoontii gasho aan dib loo heleenin, aan banaanka keenno wax walba oo aynu maanka ku hayno, annaga(Soomaalideena) ayaaba ugu daran, war kanoow/Kaneey waxaad ka dhalatay dad sabool ka ah Maanka,waxaad ka dhalatay dad laga yaabo in ay anfacdo wax maankaaga ku jira se aadan banaanka banaanka keenin oo aad qabriga la gashay.
DIE EMPTY!!!!
2 988
Marka aad ka soo gudubto marxalad adag oo noloshaada ah, ee dhammaystir nolosha adoo badbaado ah, ee ha u noqon dhibane noloshaadii hore .
2 988
Whatsapp wuxuu soo kordhiyay inaad hadalada qaar qarsan karto oo hadana password lagu xidhan karo!
Featurekan muxuu soo kordhin karaa baad isleedahay 😂
2 988
Dharka iyo sida uu sameeyo waqtiga kulaylka wu ku caawinya jaantuskan!
Huruudda iyo cadaanka ugu wangsan xiliga kulayla inad xirato🧊
