Cali Daacad CD
Open in Telegram
Xikmadaha, sheekooyinka, dhiirigalinta iyo waxbarashada ayaan xoogga saaraa. Waxaan jecelahay inaan arko dadkayga oo hormar aqooneed sameynaayo Created by 3 June 2021
Show more5 148
Subscribers
No data24 hours
-197 days
-8130 days
Posts Archive
5 148
"6K Nooga Hadhay 100K Isbucaan Nagu Cimaamada Nagu Tuura,
https://youtu.be/lSD4FVJ-lAU?si=yjDTYyw7EH8iI5kH
5 148
10K Nooga hartay 100K Nagu tageer In aan gaarno 100K.
https://youtu.be/RSQuNo0-x7A?si=AkRdITlTy8a3tIw3
5 148
قال الإمام علي بن أبي طالب:
"احذر ثلاثة أنواع من الناس:
حسن الوجه قبيح القلب،
وجميل القول خبيث الفعل،
وسليم الجسد مريض النفس."
Imaam Cali bin Abii Daalib wuxuu yiri:
"Ka digtoonow saddex nooc oo dad ah:
1. Qof wejigiisu qurux badan yahay balse qalbigiisu xun yahay,
2. Qof hadalkiisu qurux badan yahay balse ficilkiisu xun yahay,
3. Qof jirkoodu caafimaad qabo balse naftiisu jirran tahay (ama xanuunsan tahay ruux ahaan)."
5 148
Ka Qeyb Qaado Hormarinta Channelkeena Oo Nagu Tageer In aan Gaarno 100K Subscribe.
https://youtu.be/RBYgJ-gtmp8?si=1qPdKgHNxJoPMbXK
https://www.youtube.com/@OGAALBULSHO
5 148
Wuxuu yiri abwaankii
Geeridu qof bay kaa dishaa
Kugu gadaamnaaye
Gacal iyo mar buu kaa baxaa
Guurto midhaheede
Godka nimaad u quudheen
Ayaad geli xabaashaa
5 148
Ka Qeyb Qaado Hormarinta Channelkeena Oo Nagu Tageer In aan Gaarno 100K Subscribe.
https://youtu.be/RBYgJ-gtmp8?si=1qPdKgHNxJoPMbXK
https://www.youtube.com/@OGAALBULSHO
5 148
Iskaabulannimada waad ku daahday ee guurso ayaa lagu soo celceliyay. Gabadhii uu guursan lahaa ayuuna baadigoob u galay. Gabar ay Facebook iska barteen ayuu maalmo la sheekeystay. Sawirradeeda ayay la wadaagtay. Waa qurux badan tahay ee yaysan kaa fakan ayuuna is yiri. Kulan ayuuna u ballansaday.
Wiil walaalkiis ah oo isaga ka yar ayaa galabta arkay isagoo kulankii isu diyaarinaya. Wuxuuna ku yiri “Waraa waa aniga naagta galabta kuu ballansan, sawirrada aan kuu soo dirayna Ai ayaan ku sameeyay, sidaasna naag laguma helo ee bal sida isu dhaan.”
Xirasho xuseen sabrie
Online dating is more dangerous than you think
5 148
الحمد لله رب العالمين
Telegram iska daba gareeg dheer kadib aa ii shaqeeyey hadduu jiro qof cilladaas cml la kulmayaya ama of ay haysana waxay uga xiran tahay lacag oo Telegramka wxuu keenay inay qasab tahay inaad lacag kusoo furato
5 148
Asc asaxaabay telegramki ayaan rabay inaan Mobile cusub u guuro sidaas ayaana dhaafsii waayey ee dad caqabadan la kulmay hafday jiraan ama ku xeel dheer fadlan ila soo wadaaga xalka
Qof aan sidoo kale telegram cusub u sameyn rabay sidaan cml ayuu i dhahay
Bahalkii ma lacag baa laga dhigay misa somaliya laga joojiyey sidaas ayuu lacag ku sheegayaa
5 148
Waxa aadan door siinin
Si dar dara u eeg eegin
Deyr adag ku ood oodin
Dajaraba ma keenaane
Dusha saaro hawshaada
Dayacaadna ka ilaali
5 148
https://vm.tiktok.com/ZMA5xsQR5/
Saaxibayaal gabadhaas ha loo follow gareeyo waxay iibisaa dharka dumarka mar gabdhow ha loo shido kuna xirma
5 148
Ka Qeyb Qaado Hormarinta Channelkeena Oo Nagu Tageer In aan Gaarno 100K Subscribe.
https://youtu.be/RBYgJ-gtmp8?si=1qPdKgHNxJoPMbXK
https://www.youtube.com/@OGAALBULSHO
5 148
"Hadafkeenu Waa Kobcinta Garaadka Bulshadeena Waxan Halkan Ku Kulminay Kanaalada Ugu Sareeya Uguna wanaagsan Iyo Qaar Kamid Ah Dhalinta Udiyaarsan Sidii Ay Bulshadooda U Dhiirigalin Lahaayen.
JOIN US 🫵👇❤️💯
https://youtube.com/@ogaalbulsho?feature=shared
5 148
Dhamac weeyi dunidane
Uu dhibkeedu badan yahay
Dhan markay ka wacay tahay
Dhan kaleey ka tahay dhibe
U adkeeyso dhagaxyada dhibka iyo waxyeellada
5 148
Wuxuu yiri
Alla doqonsanaayaa
Markaan kuu durbaan tumay
Jeceylow dab kuu shiday
Daacad kuugu hagar baxay
5 148
Markii uu Nelson Mandela jaamacadda ka baranayay sharciga, mid ka mid ah macalimiintiisa, oo ahaa nin caddaan ah oo la odhan jiray Prof Peter, ayaa aad ayuu unecbaay. Maalin maalmaha ka mid ah, Professor Peter ayaa qado ka cunayay maqaaxida jaamacadda, Nelson Mandela ayaa u soo dhowaaday isaga oo qadadiisa wata oo soo ag fadhiistay. Professor Peter ayaa yiri, "Mandela, uma malaynayo inaad fahamsan tahay in doofaarrada iyo shimbiruhu iyagoo wax cunaya aysan wada fadhiisan." Mandela intuu eegay ayuu si deggan ugu jawaabay, "Ha werwerin Professor, goor dhow waan kaa duuli doonaa." Markaasuu aaday miis kale oo fadhiistay. Professorkii ayaa u adkeysan waayay jawaabta Mandela, wuxuuna go’aansaday inuu ka aarguto.
Maalintii xigtay, Professor Peter waxa uu Mandela fasalka dhexdiisa ku weydiiyey su’aal: "Mr. Mandela, haddii Adiga oo jidka maraya aad ka heli lahayd sanduuq ay ku jiraan laba boorso oo midda koowaad ay lacag ku jirto, ta labaadna ay xikmad ku jirto, keebaad dooran lahayd?" Isaga oo aan ka laba labaynin, ayuu Mandela ku jawaabay, "Dabcan waxaan qaadan lahaa boorsada lacagta." Barafasoorkii oo dhoola cadeynaya ayaa si jees jees ah u yiri, "Haddaan Adiga ahaan lahaa, waxaan qaadan lahaa boorsada xigmadda." Mandela waxa uu ugu jawaabay si qabow oo deggan, "Qof kasta waxa uu qaataa waxa ka maqan."
Professor Peter, markale ayuu aad u xanaaqay, ilaa uu warqaddii imtixaanka ee Mandela uu ku qoray "doqonnimo" una dhiibay. Mandela, waxa uu qaatay warqaddii imtixaankiisa, waxa uuna isku dayay in uu is dejiyo isaga oo fadhiyay miiskiisa. Daqiiqado ka dib, Mandela wuu istaagay, wuxuuna u soo dhaqaaqay dhanka Professor-kii, wuxuuna si asluub leh ugu yiri, "Professor Peter, waxaan ku saxiixay warqadda magacaaga, laakiin ima aadan siin wax calaamad ah."
Gunaanadka sheekada: Weligaa qofna ha u ogolaanin inuu dilo kalsoonidaada iyo hankaaga, xitaa haddii uu yahay Professorkaaga oo ku qiimeeya, ama madaxaaga oo shaqada kaa eryi kara, sababtoo ah naftaadu way ka qaalisan tahay wax kasta oo kale
5 148
Erayga *bilyan dhaan*
Oo ay gabdhuhu la baxaan adi maxaa ka fahantay 😆😆😆
Mid baa laga sheegay *waxaan diidi jiray bay dani yeel ileedahay
5 148
"Hadafkeenu Waa Kobcinta Garaadka Bulshadeena Waxan Halkan Ku Kulminay Kanaalada Ugu Sareeya Uguna wanaagsan Iyo Qaar Kamid Ah Dhalinta Udiyaarsan Sidii Ay Bulshadooda U Dhiirigalin Lahaayen.
JOIN US 🫵👇❤️💯
https://youtube.com/@ogaalbulsho?feature=shared
