en
Feedback
Darren🥹

Darren🥹

Open in Telegram

Dawo weeye heesuhu Nafta lagu dabiibee Hay dayso murugtuye Cumar dhuule iidaar.😭💔

Show more
Finland2 138The category is not specified
2 720
Subscribers
No data24 hours
+17 days
+130 days
Posts Archive
Wan ka sheekeyn doona ‘! Haa wan dayacay, xiligii ay ugu baahida badned ayan dayacay oo aan cidleyay, maan oofin balamihii oo dhan, maan noqon ninkii aan iskugu sheegay,uman muujin wanaagii aan lahaa maalimihii aanu isku cusbeen. waan xasuustaa waxay ahayd boqorad, waxay ahayd qof adag oo aan si suduud loo heli karin, laakiin aniga ayaa helay, mana xejisan iyada, waxay lahayd waji, cajaa’ib ah, faraxad iyo wanaag badana ka muuqdo, “wayba ahayd qof wanagsane” abuur anan hore u arag qof la mida ayay ahayd, sacadaha aan la joogo ayay noloshaydu heli jirtay cadceed cusub, waligeed qof aan aniga aheyn may aaminin, way i maseeri jirtay, wayna i cabsan jirtay oo kaligay ayay i haystay aduunkaba, alla nasiib xumiyaa”. Wan ka qoomameynayaa, in aan ka sheekeeyo qofka xun ee aan noqday, wan xishooda marka aan arko iyada oo meelahasi soo dhigaysa,inay faraxsan tahay, laakiin anigu wan aqanaa ma faraxsanaa, “haa wan hubaa” ma faraxsana, sidee ayay u farxaysaa, qof wayay wixii aay adkuunka ugu baahida badneed, side ayay farxadeedu u dhameys tirnanaysaa, qof wayay qof siraheeda oo dhan hayay, ogaa waxay ka baqato, ogaa waxa ay jeceshahay, ogaa waxa ay nacdo iyo waxaay ku hamiyaysaba. May lahayn saaxiib aan aniga ahayn, mana ayna jecleen in ay qofna aaminto oo ay saaxib ka dhigato, waxaay ahayd qof amuus badan, laakiin hadii ay hadasho aadba ilaawayso wax aad ku hadasho, “aftahanad” ayay ahayd, waxay ahayd qof aanan kasoo helaynin, aduunkan hadan kaso raadiyo qof la mida. Wan hubaa, muuqeedu ama quruxdeedu maha kuwo baa’bayaa, laakiin qalbigeedi iyo maskaxdeedi way badalmeen, wan hubaa, way adag tahay inay dib i aaminto, “haa” ima aamini karto mar kale, intaan aayar iska baxay, ayanan xataa inyar eegin sida aay dabadeey noqon doonto,cida aay aniga dabadeey ku kalsonan doonto, wan ka dilay kalsoonidii, wan ka aamin bixiyay in wax jacayl la idhaa una jirin. side ayay suurta gal u tahay intana hor tago, in aan ku idhaahdo wan ku jeclahay, mar dambena kama tagayo, sidee ayan ugu sheegaa oo aay u aaminaysaa, in iyadoo i jecel intaan ka tagay, hadana aan uso noqday iyadoo jacayl iyo nacayb midka ay i hayso anan aqoonin,sidee ayay ku aqbali kartaa nin, tusay daciif in ay tahay, Ima aaminayso oo wan hubaa. Iyada wan jecladay markan ka tagay, haa wan jecladay, waxaan ogaaday inay ahayd meesha kaliya ee aan farxad dhameys tiran ka hele jiray, waxaan ogaday inay ahayd hooyadeyda labaad, kartidayda in ay ahayd, in ay ugu canan jirtay shaqayso, ka kac fadhiga, sida qayrka wax uun qabo, xata ha hoosaysee wax aad qayrka ugu faanto uun bal qabso, tuko oo illahay ka ag dhawoow, waxaan xasuusta in ay mar kaste oo ay mustaqbal ka hadasho in ay odhan jirtay, waxaan raba nolol xalaal ah, orad mustaqbal aynu sameysane dhinac uun u dhaqaaq wan ku sugayaa xata haday tobanan sano qaadatee. Maanta ma sheegi karo in ay wali i sugayso, Iyo in ay iga rajo dhigtay, iyo in aay badashay fikirkii aay igu doortay markii horaba, kolay way badashay oo aniga ayaa sabab u ahaa. Maanta hortada maso hor istaagi karo oo wan kaa cabsoonayaa, mana awoodo in aan ku dan sheegto, oo aan sabab u raadiyo waxan kugu soo noqday iyada oo aan markii hore ku baxay bila sabab, laakiin wan dareemay, iqaabtad martay oo dhan, maanta waxaan taaganahay xagad shalay taagneed, sidii aad u doonaysay in aan mustaqbalkaga noqdo oo aad marwo i noqoto, ayan anaa maanta raba in aan xaas ka dhigto laakiin ma awoodo, oo wan ka xishoonayaa in aan hortada soo istaago , hore ayan isaga soo xidh xidhay wadooyinkii aan kuso mari lahaa adiga. laakiin waligay waan ku jeclaan doona, kun qof hadan la kulmana wan kaga sheekayn doona inaad ahayd abuur cajiiba.

Haduu aduunka dhan ku cidleeyo, anigu waxaan ahaan doona wehelka kaliye ku hadhaa adiga 💗🫂
Haduu aduunka dhan ku cidleeyo, anigu waxaan ahaan doona wehelka kaliye ku hadhaa adiga 💗🫂

Daneyn la’aantadu waa mid i cadeynaysa inad i lumisay inna dayacday Hadalkaguna waa mid i sheegaya inad i ilaashanayso inna j
Daneyn la’aantadu waa mid i cadeynaysa inad i lumisay inna dayacday Hadalkaguna waa mid i sheegaya inad i ilaashanayso inna jeceshahay labada ficil eed sameynayso dhexdooda wan ku lumay ugu dambeyntii 💔

In walow xalada aan ku jiray, iyo xiliguba ayna sax ahayn, Waxaa kaliya een hubaa waxa weeyi, Inaad adigu noqotay qofkaygii s
In walow xalada aan ku jiray, iyo xiliguba ayna sax ahayn, Waxaa kaliya een hubaa waxa weeyi, Inaad adigu noqotay qofkaygii saxda ahaa❤️🫂

Way i khiyaantay geeridu Anigoo cadho darteed seexan kari waayaay ayan dib u xasuustay meesha kaliya ee aan farxad kaso heli Karo, wan baxay waxan qaday wado dheer oo cidlo ah, waan biqi lahaa laakiin wehel ayaa ila socda wana ciilka iyo dhibaatada i haysta, ma aqaano meel aan culayska intan leeg aan iskaga soo qaado, ma lihi saaxiib, walaal, iyo Jacayl aan wax u sheegto. Dhaxanta dhacaysaa jidhkayga ma dhibayso ,Meesha madow ee aan marayaa naftayda ma Cabsi galinayso, wan gaajoonayaa hadana waxaan dareemayaa in afkaygu uu u bahan yahay in uu dharag dhacsado oo uu raadinayo dhego u dhagaystaa si aada, ka dibna ila ooya oo dareemaya waxan xiligan dhulka madow i meeraysiinayaa. Markaan cabaar socday ayan is waydiyay!’ gurigaad ka timii miyaanu horta ahayn ka dhibtan oo dhan kugu hayaa, kan aad ciilkiisa dartii aad indhahagii quruxda badnaa u casadeen ? Miyaanu ahayn ka adigoo qof ku nool ah aad ku dhex gaajoostay, ee dibnahagii qarqarxeen ? Miyaanu ahayn kaad ka wayday hal qof oo kula dareema xanuunkan iyo gumaysigan lagugu hayo? Oo imka maxaad sameyn hadii lagu ogaado inad baxday waa lagu eri doonaaye ?! Allaa ma iska noqdaa Mise wan sii socdaa talow maxaan sameeyaa ? Allaa aan iska noqdo ‘ kolayba islaantaa habada ii ahayd i deyn maysee aroortay afarta i kicino Shaqo iyo cay igu bilaabaysaaye,! Mayaa wan iska joogayaa, wan ka daalay cananteeda iyo hadalkeeda kulule !! oo xageed joogi guri Hooyada iyo aabaha leeyihiinba ma jire ! Maya iska sii soco markii horaba gurigii hooyada ku asneyd baad tagaysaye xagaasiba iska joog, oo maalintiina magalada ka dawarso, habeenkiina xabasha hooyada iska ag seexo ila intaad hooyada iyo aabaha uga tagayso ee aad la kulmayso, ileen cid kale ma haysatide.! Geeridu way i khiyaantay may i sheegto markay iga kaxeysanaysay hooyaday iyo abahay wan raaci lahaye ?,😭😭💔

Ragu waa isku wada mid !! Intee oo jeer ayaad aragtay qof dumara oo ku leh ragu waa isku wada mid ? Gabadhu iyada oo uu kasoo burburay xidhiidh hore, nin horana uu balan been ah iyo niyad jab uso ge’aystay, Lana daala dhacaysa oo muuqeedii iyo jidhkeediiba is badalay, oo dadka ka baqata wehelna ka dhigataa heesaha iyo qolkeeda madow ee aanay cidna arkaynin ooyinteeda iyo is badalkeeda, dawooyin ay cuntana ayna jirin, muhiimada oo dhan siisa xasuusta qofkii ka tagay ee dhaawacay. Iyada oo xalada noocasi ku sugan, ayuu qof iyada jecel ama damac kaga jira laso hadlayaa, way dhibsanaysaa intay la hadlayso, laakiin waxay tusaysaa wanag iyo in ay raali ka tahay in ay wada hadlan, wakaaso isagiina damaciisii wuu sii baladhay’ oo wakaa maalino dhan soo garacay ee u sheekeyay, haday doonaana balamay ee isku raacay caweys” iyo casho. Waxaa laga yaaba inay qofkaasi ay ka aragto naxariis iyo wanaag badan, iyo inuu wakhti ay dhawaceedi ku iloowdo uu siyay, farxad iyo maalimo qurux badana ay wada qaateen, ayay qofkaasi ka aqbashaa in uu nolosheeda kuso biiro, waxaayna u sheegta in qof hore soo xumeyay oo anay rabin in ay mar kale niyad jabto ama dhawacanto ee uu ilaashado. Isaguna wuxuu balan ku qadayaa in uu ilaashan doono,, wuxuu u balan qaadayaa isagoo u sheegayaa In uu noqon doono mid si fiican qalbigeeda iyo nolosheedaba u ilaalin doona, wax kaste oo ay soo martayna ay ku ilaawi doonto faraxada iyo jacaylka uu siin doono isagu, dadkuna ayna isku mid ahayne isaga qalbigeeda ay siiso, waxbana ayna ka hagrane ay aamintoo isaga. Iyaduna wataas oo way aamiintay ileen waa dumare, “dumarku waa sida ilmo yar oo intaad dishay hadana aad ka oohisay, hadana aad laabta galisay, ee Wixii aad ku sameysay oo dhan iska ilaaway “ Waxaa u bilaama maalimo aad u qurux badan, rajo iyo yididiidlo ayaa mar labaad qalbigeeda ku abuurma,dalxiisyo iyo jawiyo xasuus leh ayaa la wada galayaa iyagoo wada jira , intaa maalimahaa farxada leh lagu jiro wataa balamo iyo arimo meel laysa dhigay ee wax walba u eekaden wax waaraya oo dhaboobayaa, gabadhiina wataa aamintay ee mar kale hami iyo damac galay ee qof fiican inay heshay mooda , wataa niyadeedi iyo nolosheediba qofkaasi u hibeeysay,si kalsooni lehna waxay u qadatay in uu hogaamiyaha nolosheeda uu yahay . Marka ay lix bilood ama sanaad,ama labo sanaba iska dheh, si fiican loo soo wada socday oo faraxad iyo maalimo xasuuso lehba la wada qatay , ayaa wiilkii iska tagayaa ‘ bilaabayaa inuu dib u gurasho sameeyo, balamihii iyo wixi uu sameyn jiray oo dhanba is badalaya, wuxuu si cad hal mar u burburinayaa rajo uu ku beeray qalbi si shuruud la’aana u jecladay oo u aaminay , Inantiina xaaladii ay markii hore ku jirtay mid ka daran ayay galaysaa , qofkii hore oo ay ilowday ayay soo xasuusanaysaa wuxuu ku sameyay iyo kan dambena waxa uu ku sameyay “ Wataaa iyadoo garan la’a waxay tiraahdo hal mar si xaqiiqa u aaminaysa kalmada : ragu waa isku wada mid Xagaa waxay ku joojinaysaa in ay nin dambe aaminto waayo, kuwii dahab iyo luulba tahay odhan jiray ee niyadeeda yididiilada iyo rajada ku beerayba wakuwaa dhawacay ee ka tagaye, Mar kaste oo ay la kulantana qof iyada uso dhawanayaa waxay ogaataa oo ay soo xasuusataa in ragu isku wada mid yihiin . Hadad la kulantaan gabadh, idin leh ragu waa isku wada mid ha la yaabina, waa runteed oo ragba kuwii ay ka aragtay ayaa noqday kuwiinii ugu xumaa, waa kuwii ka qaatay farxadeedi , kalsoonideedi, dadnimadeedi ay cid walba tusi jirtay, waa kuwii ka dhigay inay dadka ka dhex baxdo oo kali socod ay noqoto, Qalbiga dumarku waayuhu ma dooriyaan, xilliyadana islama baddelo, qalbiga haweenayda wax badan ayuu diriraa balse ma dhinto , oo Isago kun jeer dhawacmay ayay hadana rajo kale sugaysa, Marka dareemada dumarka ragow ha la ilaaliyo.🥹 Macalsalaama

Inaad mushaki tahay waxaa ku cadeynaysaa,Adigoo qofkaad xidhiidhka leedihiin ku idhi wan seexanayaa, ina anad wali seexan ee
Inaad mushaki tahay waxaa ku cadeynaysaa,Adigoo qofkaad xidhiidhka leedihiin ku idhi wan seexanayaa, ina anad wali seexan ee aad eegayso inuu wali online yahay iyo in kale. 😂😭💔

Ma garanayo sababta igu kalifaysa in aan ku xiiso oo aan ku sugo, Isagoo maqnaashahagu i sheegayaa in anad soo noqon doonin .
Ma garanayo sababta igu kalifaysa in aan ku xiiso oo aan ku sugo, Isagoo maqnaashahagu i sheegayaa in anad soo noqon doonin .🥹