SNA RADIO
前往频道在 Telegram
📈 Telegram 频道 SNA RADIO 的分析概览
频道 SNA RADIO (@codkacqs) 索马里语 语言赛道中的 是活跃参与者。目前社区聚集了 18 551 名订阅者,在 新闻与媒体 类别中位列第 12 159,并在 索马里 地区排名第 467 位。
📊 受众指标与增长动态
自 невідомо 创建以来,项目保持高速增长,吸引了 18 551 名订阅者。
根据 28 六月, 2026 的最新数据,频道保持稳定运转。过去 30 天订阅人数变化为 -480,过去 24 小时变化为 -18,整体触达仍然可观。
- 认证状态: 未认证
- 互动率 (ER): 平均受众互动率为 9.95%。内容发布后 24 小时内通常能获得 N/A% 的反应,占订阅者总量。
- 帖子覆盖: 每篇帖子平均可获得 1 846 次浏览,首日通常累积 0 次浏览。
- 互动与反馈: 受众积极参与,单帖平均反应数为 24。
📝 描述与内容策略
作者将该频道定位为表达主观观点的平台:
“Warbaahinta Ciidamadda Qalabka Sida”
凭借高频更新(最新数据采集于 29 六月, 2026),频道始终保持新鲜度与高覆盖。分析显示受众积极互动,使其成为 新闻与媒体 类别中的关键影响点。
18 551
订阅者
-1824 小时
-1177 天
-48030 天
帖子存档
18 551
+9
"Daawo: Sawirradda Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad Katirsan Khawaarijta oo Lagu Dilay Jubbada Hoose"
18 551
Sawirada qaarkamid ah meeydadka khawaarijta lagu laayay degaanka Ceelka-Nuurgadoow oo hoostaga degmada Al-koowsar ee gobolka Shabeellaha dhexe.
18 551
Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ayaa maanta guul weyn ka gaaray dagaal culus oo ay la galeen kooxaha argagixisada Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay deegaanka Abooreey ee gobolka Hiiraan.
Howlgalka oo si qorsheysan loo fuliyey ayaa lagu jebiyey khawaarijta, iyadoo looga qabsaday hubkii ugu badnaa ee ay haysteen. Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in tiro badan oo ka tirsan argagixisada lagu dilay dagaalka, halka qaar kalena lagu dhaawacay ama ay ku firxadeen.
Guushan ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee lagu xoreynayo deegaannada wali gacanta ugu jira kooxaha nabad-diidka ah, iyadoo shacabka deegaanka ay si weyn u garab taagan yihiin ciidamada.
18 551
+8
Ciidamada Maamulka Puntland oo howlgallo ka wada Togga Miiraale ayaa kahelay aagga Bocol 'Meydadka tiro kamid ah argagixisada Daacish, kuwaas oo lagu dilay duqeymihii u dambeeyay ee ka dhacay Togga Miiraale ee buuraleyda Cal-miskaad.
Taliska Howlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland ayaa xaqiijiyay in sidoo kale goobta loogu tagay Drones, qaraxyo iyo agab kale oo ay lahayd argagixisada Daacish.
"Ciidanka oo Howlgal kasameeyay Bocol oo ka tirsan Miirale waxay heleen maydadka Argagixisada Daacish ee lagu dilay duqeymihii u danbeeyay, Drones, Qaraxyo iyo agabkale oo Argagixisadu isticmaalaysay."
Dhanka kale, Saaxiibada ee Soomaaliya ayaa xalay duqeymo culus ka fuliyay labo goobood oo katirsan Togga Miiraale, waxaana lagu dilay xubno kamid firxadka argagixisada Daacish.
18 551
+9
Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland ayaa maanta guul weyn ka soo hooyay howlgal ballaaran oo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo lagu beegsaday kooxaha Khawaarijta.
Howlgalkan oo si taxaddar leh loo qorsheeyay ayaa lagu bartilmaameedsaday goobo ay kooxda Khawaarijtu kaga sugnaayeen deegaanka Qabri Shariif.
tiro badan oo ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay, halka kuwo kalena ay baxsadeen iyaga oo dhaawac ah.
Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkan ayaa sheegay in la burburiyay goobihii ay kooxdaasi kaga dhuumaalaysanaayeen deegaanka, isla markaana laga hortagay khataro ay qorsheynayeen in ay fuliyaan.
Ciidanka XDS iyo kuwa Jubbaland ayaa maalmihii ugu dambeeyay wado howllgalo khawaarijta lagu naafeeyay.
18 551
Dhagarqabe ka tirsan kooxda Khawaarijta ayaa caaw fal arxan darro ah ku diley qof, balse shacabka Muqdisho oo caro ka qaaday arrintaas ayaa u guntaday sidii ay cadaaladda u marsiin lahaayeen.
Kadib dilka, dadweynaha ayaa si dhaqso leh uga falceliyay, iyagoo daba galay dhagarqabihii. Ugu dambeyn, waxay ku guuleysteen inay qabtaan isagoo nool, isla markaana dhiig ka da’ayo. Tani waxay fariin cad u tahay kooxaha Khawaarijta, taasoo muujinaysa in shacabka Muqdisho aysan u dulqaadan doonin falalka guracan ee lagu waxyeelleynayo dadkooda.
18 551
Ciidanka Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland oo Gaadhay Godka Aleelo-yar ee Togga Miiraale, Buuralayda Calmiskaad
18 551
+9
Ciidanka Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Maamulka Puntland ayaa maanta gudaha u galay Godka Aleelo-Yar ee Miiraale, halkaas oo habeen hore ay duqeeyeen saaxiibada caalamka ee Soomaaliya. Ciidamada ayaa halkaasi ku arkay maydadka dagaalyahannada Daacish oo burburka hoostiisa ku jira, waxayna gacanta ku dhigeen hub kala duwan, drones loo adeegsado qaraxyada, baasabooro ajaanib ah, iyo kaarar bangiyo caalami ah.
Hawlgalka ka socda buuraleyda Calmiskaad ee lagu ciribtirayo Daacish ayaa haatan maraya wejigiisii saddexaad. Deegaanka maanta la weeraray, Togga Miiraale, ayaa ah goob ay firxadka Daacish ku dhuumaaleysanayeen. Ciidamada Maamulka Puntland ayaa sii wada baacsiga kooxaha argagixisada ah.
18 551
Ciidanka Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa guul ka gaaray howlgallo ka dhan ah kooxda Daacish, gaar ahaan xubno ka shaqeynayay dhigidda miinooyinka waddooyinka.
Howlgalka ayaa ka dhacay deegaanka Guryosamo oo hoostaga Buqo, halkaas oo ciidamada Puntland ay ku dileen 4 ka mid ah maleeshiyaadka Daacish. Sida ay saraakiisha ciidamadda sheegeen, xubnahaan la dilay ayaa ku howlanaa falal argagixiso, waxaana laga furtay hub iyo agab kale oo ay adeegsanayeen.
Sidoo kale, ciidamada Puntland ayaa burburiyay xarun weyn oo kooxdu ku diyaarin jirtay miinooyinka qarxa. Taliska ciidamada Puntland ayaa sheegay in howlgalkaan uu qeyb ka yahay dadaallada ay ku ciribtirayaan kooxaha argagixisada.
18 551
Howlgal qorshaysan oo ay ciidanka amniga degmada Berdaale ka fuliyeen deegaanka Kooney ayaa lagu dilay Macalin Qaddiid, oo ahaa horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta, islamarkaana madax ka ahaa ururinta waxa ay ugu yeeraan Sakaawaadka oo ah lagacaha baada ah ee ay ka qaadaan shacabka ku nool deegaanada hoos yimaada degmada Berdaale ee gobolka Baay.
Sida ay saraakiisha ammaanka sheegeen, howlgalka ayaa yimid kadib markii la helay xog sirdoon oo ku saabsan halka uu ku sugnaa Macalin Qaddiid iyo xubno kale oo la socday. Ciidamada ayaa si taxaddar leh u weeraray goobta, iyagoo halkaas ku dilay horjoogahan, halka xubnihii kale ay qaarkood baxsadeen.
18 551
+1
UPDATE: Ciidamada Amniga Baardheere ayaa toogtay dhagarqabe rabay inuu dil geysto, labo qof oo shacab ah ayaa dhaaawac ka so gaaray isaraaseynta dhacday. Ciidamada ayaa ka furtay bistoolad uu ku fulin rabay falka.
现已上线!2025 年 Telegram 研究 — 年度关键洞察 
