Maanta waxaan idiin la wadaagayaa 20 cashar oo kala duwan oo aan ka bartay sannado aan ka shaqeynayay shaqooyin gaar loo leeyahay iyo kuwo dowladeed. Kuma jiraan kala horeyn gaar ah.
1. Shaqo adag waa muhiim, laakiin in lagu arko oo lagu ogaado waa sidaas oo kale. Shaqo fiican oo aad aamusan ku qabato mar walba kuma filna. Dadku waa inay ogaadaan qiimaha aad shaqada ku soo kordhiso.
2. Kulamada, dhegeyso hadalka la sheegayo, balse sidoo kale eeg dhaqdhaqaaqa jirka. Jirka wax badan ayuu sheegaa. Baro sida loo fahmo.
3. Arrin kasta waxay leedahay sawir guud iyo faahfaahin yar. Mar walba labada dhinacba maskaxda ku hay.
4. Dallacsiinta mar walba ma helaan dadka ugu kartida badan. Badanaa waxay helaan kuwa hadli kara, xiriir dhisan kara, isla markaana is muujin kara.
5. Xirfadaha ayaa kaa caawinaya inaad shaqo hesho, laakiin dabeecadda iyo akhlaaqda ayaa kaa caawinaya inaad sii haysato. Daacadnimo, waqti ilaalin, iyo la-qabsiga isbeddelka waa arrimo aad u muhiim ah.
6. Adiga ayaa mas’uul ka ah horumarkaaga shaqo. Haddii aad sugto in lagu ogaado, waxay qaadan kartaa waqti dheer. Mararka qaarkood iska hadal oo is muuji.
7. Marka aad sare u kacdo, shaqadu way is beddeshaa. Waxaad ka yaraaneysaa qabashada hawlaha, waxaadna u leexanaysaa hoggaamin, talo bixinta, iyo hagidda dadka.
8. Mararka qaar qofka codkiisu dheer yahay ayaa go’aanka saameeya, xitaa haddii uusan sax ahayn. Kalsooni, hadal cad, iyo xeelad baa inta badan guuleysta.
9. Iimeylku waa caddeyn. Had iyo jeer hay iimeylo iyo qoraallo kuu yaalla. Mar dambe ayaad u baahnaan kartaa.
10. Qor arrimaha xafiiska ee muhiimka ah, adigoo xusaya taariikhda. Qoraalladu waxay kaa caawinayaan inaad aragto dabeecado soo noqnoqda, maadaama xusuusteennu mararka qaar na khaldo.
11. Ha u tegin maamulahaaga adigoo kaliya leh dhibaato. U gee dhibaato iyo talooyin xal ah. Noqo qof wax xallin kara.
12. Dadaalku waa fiican yahay, laakiin natiijada ayaa ka muhiimsan. Shaqadaada ku muuji wax-soo-saar iyo natiijo dhab ah.
13. Dunidu si degdeg ah ayay isu beddeshay, AIguna hore ayuu u soo baxay. Baro isticmaalka AI (artificial intelligence) si aad ugula jaanqaaddo waqtiga.
14. Noqo qof wax u qorsheeya. Ka fikir waxaad sameyneyso, sida aad u hadleyso, iyo cidda aad la xiriireyso. Wax walba si ujeeddo leh u samee.
15. Bar xirfaddaada si qoto dheer. Ma garan kartid wax xun ilaa aad taqaan wax fiican. Isku day inaad ka mid noqoto dadka ugu wanaagsan waxa aad qabato.
16. Dhibaatooyinka waa la iska gudbaa. Marka aad ka gudubto caqabado, waad adkaaneysaa. Dadka gaara meel sare badanaa waxay maraan waddada adag.
17. Dad badan ayaad la shaqeysaa, laakiin maamulahaaga waa qof aad muhiim u ah. Bar sida si fiican loola shaqeeyo oo loola wadaago xog cad.
18. Si xikmad leh u dooro dagaallada aad gasho. Mar walba in aad saxdo qiimo ma leh. Ogaaw goorta la hadlayo iyo goorta la iska dhaafayo.
19. Ku dhiirrigeli dadka aad la shaqeyso—kuwa kaaga sareeya iyo kuwa kaaga hooseeyaba. Dadka ku reeb dareen wanaagsan.
20. Shaqadaada wax sii, waqtina geli, laakiin mar walba xasuusnow qoyskaaga waa ka muhiimsan yahay. Shaqo waa lagu beddeli karaa, qoys se si fudud laguma beddelo.
Anigu dhammaan casharradan si fiican uguma fiicnayn, balse waxa ay ka yimaadeen waayo-aragnimadayda iyo tan dad aan la shaqeeyay.
Maalin walba waxaan ku dadaaleynaa inaan noqono dad ka wanaagsan sidii shalay.
W/Q Maye Omar