ch
Feedback
Hanti iyo Horumar🤑🥇

Hanti iyo Horumar🤑🥇

前往频道在 Telegram

Halkaan Waxaad Ka Heleysaa cilmi nafsiga , Cilmi-nafsiga iyo horumarinta nafta. Sido Kale Waxeynu Bixina Laba course oo Free Ah Hadii Aad Rabtid igala soo Xariir : @Mrxoosh ╭─═┅🌷┅┅🌷┅┅═─╮ https://t.me/cilminafsi ╰─═┅🌷┅┅🌷┅┅═─

显示更多

📈 Telegram 频道 Hanti iyo Horumar🤑🥇 的分析概览

频道 Hanti iyo Horumar🤑🥇 (@cilminafsiga) 索马里语 语言赛道中的 是活跃参与者。目前社区聚集了 13 824 名订阅者,在 心理学 类别中位列第 1 538,并在 索马里 地区排名第 569

📊 受众指标与增长动态

невідомо 创建以来,项目保持高速增长,吸引了 13 824 名订阅者。

根据 28 六月, 2026 的最新数据,频道保持稳定运转。过去 30 天订阅人数变化为 -230,过去 24 小时变化为 -10,整体触达仍然可观。

  • 认证状态: 未认证
  • 互动率 (ER): 平均受众互动率为 3.17%。内容发布后 24 小时内通常能获得 N/A% 的反应,占订阅者总量。
  • 帖子覆盖: 每篇帖子平均可获得 438 次浏览,首日通常累积 0 次浏览。
  • 互动与反馈: 受众积极参与,单帖平均反应数为 12

📝 描述与内容策略

作者将该频道定位为表达主观观点的平台:
Halkaan Waxaad Ka Heleysaa cilmi nafsiga , Cilmi-nafsiga iyo horumarinta nafta. Sido Kale Waxeynu Bixina Laba course oo Free Ah Hadii Aad Rabtid igala soo Xariir : @Mrxoosh ╭─═┅🌷┅┅🌷┅┅═─╮ https://t.me/cilminafsi ╰─═┅🌷┅┅🌷┅┅═─

凭借高频更新(最新数据采集于 29 六月, 2026),频道始终保持新鲜度与高覆盖。分析显示受众积极互动,使其成为 心理学 类别中的关键影响点。

13 824
订阅者
-1024 小时
-457
-23030
帖子存档
Nolosha aad dib u dhigato waligeed ma timaaddo.🤚 Goorma ayaad bilaabi doontaa waxyaabihii aad muddada dheer rabtay inaad sam
Nolosha aad dib u dhigato waligeed ma timaaddo.🤚 Goorma ayaad bilaabi doontaa waxyaabihii aad muddada dheer rabtay inaad samayso? Goorma ayaad bilaabi doontaa jimicsiga? Goorma ayaad qaadan doontaa buug oo aad akhrin doontaa? Ama aad koorsooyin baran doontaa? Ama aad Qur'aanka xifdin doontaa? Dhammaan kuwani waa arrimo aad dib u dhigaysay marba marka ka dambaysa. Xaqiiqduse waa in nolosha dib loo dhigay aysan waligeed iman. Sida uu yiri qoraaga caanka ah ee (baplo Coelho) "Waxaad mar walba tiraahdaa: 'Maalin uun ayaan samayn doonaa', laakiin maalintaas 'maalin uun' ah waligeed ma timaaddo." Adigu cimrigan hal mar oo keliya ayaad noolaanaysaa, haddana waxaad dib u dhigaysaa noloshaadii iyo riyooyinkaagii. Ha sugin berri si aad u bilowdo waxa maanta aad qaban karto. Waxaa laga yaabaa in tallaabada yar ee aad maanta qaaddo ay ka qiimo badan tahay boqol qorshe oo aad berri u dhigato. 🤍 @mizki_maxamuud

Asc dhalinyaro group ka dhanka discussion waxaa jira dad soo dhiga waxyaalo xun xun (porn) waxaan go,aan ku gaaray inaan xiro qeybtaas marka sababtaas darteyd ayaan u xirey . Kheyr badan . @mrxoosh

﴿لَن تَنَالُوا الْبِرَّ حَتَّىٰ تُنفِقُوا مِمَّا تُحِبُّونَ﴾ "Ma gaari doontaan wanaaga dhammaystiran ilaa aad wax ka bixisaa
﴿لَن تَنَالُوا الْبِرَّ حَتَّىٰ تُنفِقُوا مِمَّا تُحِبُّونَ﴾ "Ma gaari doontaan wanaaga dhammaystiran ilaa aad wax ka bixisaan waxa aad jeceshihiin." (Suuradda Aala-Cimraan: 92) @mizki_maxamuud

{كَيْفَ تَصْبِرُ عَلَىٰ مَا لَمْ تُحِطْ بِهِ خُبْرًا} Sidee baad ugu samri kartaa wax aadan aqoon buuxda u lahayn? Way ku ada
{كَيْفَ تَصْبِرُ عَلَىٰ مَا لَمْ تُحِطْ بِهِ خُبْرًا} Sidee baad ugu samri kartaa wax aadan aqoon buuxda u lahayn? Way ku adag tahay bini’aadamka, caqligiisa xaddidan iyo qalbigiisa walwalsan, inuu fahmo wax kasta oo ku dhacaya. Inuu garto xikmadda ku duugan dib-u-dhac daaliyay, murugo qalbigiisa cuslaysay, ama imtixaan u yimid isaga oo aan garanayn sababta uu u yimid. Annagu waxaan aragnaa oo keliya qayb yar oo sheekada ka mid ah, halka Alle uu arko sheekada oo dhan, isaga oo ku eegaya naxariistiisa iyo xikmaddiisa dhamaystiran. Imisa arrimood ayaan u malaynay inay shar yihiin, dabadeedna markii dambe ogaanay inay ahaayeen naxariis qarsoon. Imisa albaab ayaa wajiyadeenna laga xidhay, halka Alle noo furayay jid ka xasilloon, kana khayr badan wixii aynu rajaynaynay. Waxaa hubaal ah in qorshaha Alle uu ka qurux badan yahay qorshaheenna, naxariistiisuna ay ka ballaaran tahay fahamkeenna. Sidaas darteed, ku kalsoonow Rabbigaaga . @mizki_maxamuud

Highest rating I ever get in chess, 200 Elo is coming. Is there anyone who play chess!!
Highest rating I ever get in chess, 200 Elo is coming. Is there anyone who play chess!!

Hal caado (habit) oo haddii aad sameysid aad guuleysaneyd waa inaad maskaxda gashato in bari (tomorrow) luguu balan qaadin. Seexo caawa adoo maskaxda ku haya weedha die empty. Dhimo saxiib Adoo maran oo gaaray, plan kasta iyo raali galinta rabigaa . Seexo saaxiib, adoo ka jawaabay su'aasha ah: "Did I improve today?" "Yes, I did." Waxa ugu xun ee uu qof ku jawaabo maalinta aakhiro marka uu Eebbe ku weydiiyo "Maxaad ku bixisay dhalinyaronimaadaadii?" waa: "TikTok baan daawanayey!" Balanteenu waa die empty. @mrxoosh

“Ha quudhsan naftaada. Is-dullaynta iyo yasidda naftu waa dhaqan khaldan. Dadka qaar waxay u maleeyaan in haddii ay naftooda
“Ha quudhsan naftaada. Is-dullaynta iyo yasidda naftu waa dhaqan khaldan. Dadka qaar waxay u maleeyaan in haddii ay naftooda hoos u dhigaan ay ka fogaanayaan kibirka, balse taas sax ma aha. Qofka naftiisa quudhsada wuxuu geli karaa dabeecad aad u liidata oo ah inuu aqbalo dullinimo iyo hoosaysiin. Sidaas darteed qofku ma aha inuu naftiisa liido ama necbaado. Nabigu scw wuu inaga reebay arrintaas isagoo yiri: ‘Qofkiinna yuusan odhan: naftaydu waa xun tahay…’ Ka fogaanshaha kibirka laguma gaaro yasidda nafta, balse waxaa lagu gaaraa in qofku ogaado qiimihiisa dhabta ah, xadkiisa, isla markaana ku dadaalo hagaajinta naftiisa.” @mizki_maxamuud

“Dhimashadu way xanuun badan tahay, Wacadey… laakiin waxa ka sii xanuun badan waa kuwa nagu dhex dhinta iyagoo weli nool. Sid
“Dhimashadu way xanuun badan tahay, Wacadey… laakiin waxa ka sii xanuun badan waa kuwa nagu dhex dhinta iyagoo weli nool. Sidee bay u fool xun tahay in qalbiga qofku uu noqdo qabrigii qof weli dhulka ku socda!” — buugga ليطمئن قلبي @mizki_maxamuud

Casar wanaagsan dhamaantii🌻 @mizki_maxamuud
Casar wanaagsan dhamaantii🌻 @mizki_maxamuud

Taxanaha Dumarka iyo islaamka qeybta koowad.pdf4.83 KB

Xoriyada dumarka, waa addoonsiga gabar kale. Kaba soo qaad: gabar baa loo ogolaaday inay shaqeysato oo ciyaalkeeda ay ka tagto, aabihiina uu baxo. Ciyaalka waxa ay u baahan yihiin qof ilaaliya oo dharka u dhaqa. Marka, waa in gabar yar oo aan wax baran la addoonsado oo beerka ay kaga kaga istaagaan sida aynu ku aragno dumarka ,caruurta u shaqeeya saas uma Ilaaliyaan oo weey xumeeyan Isla markiina, gabar xaafada laheed nin kale beerka kaga istaagaya oo boss u ah oo amraya; laga yaabaa inuu shaqo adag u diro. @mrxoosh

Taas ma aha mid idinka qarsoon oo u baahan inaa qalin kan u qaato, labo jirka xitaa waa og yahay arrinkaan. Mid ka mid ah dadka ka shaqeeya Suuriya waxa uu si daacad ah u qoray oo uu yiri: "Si uu horumar u gaaro mustaqbalka dalka Suuriya, waxay ku xiran tahay in la baro dumarkooda." Tusaale waxa ka soo qaadaa intaa: Furato qol yar ah oo aad ku maalgashatay $10, oo waxa marfashka kuu saaran uu yahay wax gooya $10, oo uu ku soo waco Elon Musk uu ku yiraahdo "Anaa ku maalgashanaya". Taasi miyaanay ahayn arrin u baahan in lagu fiiriyo il gaar ah? Sidaas si la mid ah, iskuullo ku yaala Beirut oo ahaa iskuullo dumarka u gaar ah (xitaa ma ahayn iskuullo guryo dhisan ku yaal), waxaa maalgashi u soo diray kooxo diinta Masiixiga ah faafiya oo dhahaya "Anaa idinka caawinayna waxbarashada". Suaasha waxay tahay: Sabab?? Haddaba, sidee ayaa loo isticmaali karaa dumarka iyagoo laga hor keenaya Diinta Islaamka loona isticmaalayo sidii qalab (Tool)? Reer galbeedku waxay dumarka ku diraan Diinta Islaamka waxayna ka dhigayaan kuwo u cadhooday diintooda. Waxay u sheegaan inay ka maqan tahay xaquuq. Waxay isticmaalaan marmarsiiyooyin been ah. Waxay odhan: "Islaamku ma siin dumarka xaqii ka maqnaa oo dhan", taas oo ka dhigeysa inay dumarku raadiyaan xaquuqda ka maqan kana dhigaysan mid careysan. Ka dib marka uu ku guuleysto inuu ka careysiiyo, wuxuu ku abuuri qalbigooda jacayl ay u qabaan reer galbeedka. Dumarka ayaa aamini doona in nidaamka reer galbeedku uu ilaalin karo xaquuqdooda, ilaalin karo sharaftooda, siin karo sinnaan buuxda oo ay la leeyihiin ragga (equal rights). Inta lagu gudo jiro habkaan, dumarka muslimiinta ah waxay noqdaan 3 shay: 1. Marka hore: Waxay noqotaa mid la dagaalanta Islaamka. 2. Marka labaad: Waxay noqotaa qalab diyaar u ah in la isticmaalo oo ay adeegsadaan reer galbeedku si ay ku fuliyaan qorshahooda. 3. Ugu dambeyn: Waxay noqotaa mid faafisa afkaarta iyo qiyamkooda. Waxaa ila imagine-gareysaa askari la qabtay, ka dib laga dhigay jaajuus. Hadda, jaajuuskaas wuxuu dagaal kula jiraa isla ciidankiisii iyo dadkiisii, weyna ku faraxsan yihiin. Waa sidaas oo kale, walaashey. Saas ayaa socota maalmahan. Ogow, walaashey, haddii aad beddesho waxa ay hooyadu aaminsan tahay, hooyadu waxay bari doontaa caqiidadaas carruurteeda. Carruurtu waxay ku korayaan caqiidooyinkaas. Haddaba, dhalinyaro, waxa aynu isla baran doonnaa mowduucaas maalmaha soo aadan, Insha Allaah. Isla socod wanaagsan. Inshallah maalintiiba maqaal ayaan soo dhigi . @mrxoosh

Dumarka iyo Islaamka Hordhac Waan idin salaamay, dhalinyaro. Mudo fog ayaa igu dambaysay inaan qalin u qaato arrin, balse waxaan jeclaystay inaan bilaabo taxanahaas magacaas leh. Runtii, waxaa nagu soo aadan khatar aad u weyn, waxaana muhiim ah in aynu ku qaadno weerar la mid ah midka ay nagu soo qaadayaan. Waan ka daalnay is-difaacida, balse hadda annaga ayaa weerarka ah. Waxa aynu bur burin doonnaa gurigooda daciifka ah ee ka samaysan caar-caarada. Dhalinyaro, sharciyada uu Islaamku dhigay ee ku saabsan dumarka ma aha wax cusub; waa sharciyo jiray xilligii Nabiga (SCW). Ma aha wax ku xiran waqti, oo way jireen, wayna jiri doonaan. Sidaas ay tahay sharciyadaas, iyagoo intaas qarni jiray, ma jirin cid ka tabanaysa oo wax ka sheegaysa. Ma jirin cid dhahaysa: "Dumarka xaquuq ayaa ka maqan; waa inaannu u soo dhicinnaa." Laakiin waxaan waxa ay bilowdaan waqtigan casriga ah. Ma aha in dadkii hore aysan caqli badnayn, oo aysan ku mashquulin dumarka iyo howlahooda. Ma jirin xaquuq ka maqnayd; ee sharciyadan la dajiyey waxay ahaayeen mid dan ugu jirta. Ma arkeysid taariikhda, gaal iyo Muslimba, qof ka cabanaya oo wax ka sheegaya sharciyadaas ee uu dajiyey Islaamka? Haddaba, suaasha meesha taalla ayaa ah: Maxay tahay sababta ay u bilaabeen dadka in ay waqtigan wax ka sheegaan Islaamka? Maxay dadkii hore loo arki waayey iyagoo ka tabanaya Islaamka iyo sharciyadiisa ee ku aaddan dumarka? Sababtu waxay tahay: Xilliyadii hore, reer galbeedku ma ahayn mid awood badan, kaas oo awood u leh inuu qorsheeyo dagaallo ku aaddan Islaamka. Sababtoo ah xiliyadaas reer galbeedku iyagaa isku mashquulsanaa. Hadda, laakiin, wuu xoogeystay, xaliyey dhibaatooyinkiisa, wuxuu mideeyey dadkiisa, wuxuuna hal meel kaga soo jeestay Islaamka—halka Islaamku uu joogo meesha ugu daciifsan waligeed. Waxaad qiyaastaa qof doqon ah oo raba inuu ku garaaco , oo raba inuu kaa qaato hantidaada iyo xoolahaada, laakiin wuu rabitaan lee, ma aha mid awood badan; waa daciif, wuu xanuunsan yahay. Waqti xaadirkaas makula dagaallami karaa? Oo tiisaba ayuu la yaaban yahay (tiisa daryeelaa, tu kale ku dara). Laakiin mudo ka dib, adigoo daciif ah , oo awood la’aan aad isaga dhici karto qofkaas doqonka ah, halka awoodaadu hoos u sii socoto—isagu gym-ka ayuu tagay, wuxuu dhisay awood iyo muruq uu kugu burburin karo. Hormar fiican ayuu sameeyey doqonkii. Ma rabo inaad lugahaaga ku istaagto; wuxuu kuu arkaa inaad tahay awooda kaliya haddii ay ku istaagto lugaheeda burburin karta. Xitaa adiga haddii aad ku mashquulsanayn oo damba aysan kaa galin, wuxuu kuu arkaa inaad tahay khatar, beri ka maalin ku noqon karta caqabad. Sidoo kale, Islaamka marka la fiiriyo wuxuu heystaa waddamada ugu hantida badan uguna qanisan. Taas ayaa reer galbeedka ka dhigtay mid baahi badan u qaba hantidaas. Waa sida adigoo guri ag maraya oo kuu soo carfay cunto aad u macaan; xitaa haddii aysan gaajo ku hayn, markaas saa ay kugu soo carafto waxaa ku qabanaya gaajo hor leh iyo rabitaan xoog leh oo ku aaddan cuntadaas. Haddaba, dhalinyaro, reer galbeedku wuxuu geed gaaban iyo mid dheerba u fuulay sidii u jabin lahaa darbiyadii iyo qasrigii kaasoo difaacayey Islaamka. Darbigaas wuxuu ahaa mid Islaamka ka ilaaliya cadowga ahaana mid nabad ka ah dhibka kasta iyo khatar kasta oo kaga imaanaysa reer galbeedka. Dhalinyaro, darbigaas waa Diinteenna suuban ee Islaamka. Waa hagaha cad ee toosan kaasoo noo sheegaya waxa aynu nahay ka bini-aadam, meesha aynu ka nimid, iyo ujeeddada nagala leeyahay, iyo sida uu caalamku u shaqeeyo. Waxaa ku qarsoon sharciyo cad oo aan lahayn laab-laab; waxay u sheegtaa qof kasta sida uu u dhaqmi lahaa, rag iyo dumarba. Sharciyadaas iyo dhaqamadaas wanaagsan ayaa umadda Islaamka ka dhigtay mid dhista ilbaxnimo horumarsan (advanced civilization). Reer galbeedku markay daraaseeyeen waxay go'aansadeen in iskuullada iyo waxbarashada ay tahay goobta ugu habboon ee ay ku fulin karaan ajendahooda (qorshahooda). Waxay kaloo ogaadeen in dumarka ay yihiin qalabka ugu fiican ee ay u isticmaali karaan si ay u fuliyaan qorshahooda.

وتلك الأيام نداولها بين الناس 💫 "Maalmuhu waa meerto dadka dhexdooda" “Qof kasta oo wax dhiba, wuu la kulmi doonaa dhib—waa
وتلك الأيام نداولها بين الناس 💫 "Maalmuhu waa meerto dadka dhexdooda" “Qof kasta oo wax dhiba, wuu la kulmi doonaa dhib—waa sida ay maalmahu u socdaan.” Qof kasta oo wax siiya (wanaag ama xumaan), waxaa lagu siin doonaa wixii uu bixiyay. Rabbiguna cidna ma dulmiyo. Dunidu way wareegtaa… muuqaalladii way soo noqdaan… doorarkuna way is beddelaan… Qofkii dulmi sameeyay, waa la dulmin doonaa, qofkii waxyeelleeyay, waa la waxyeelleyn doonaa, qofkii gefay, waa la gefi doonaa, qofkii dadka ceebaystay, isagaa lagu imtixaami doonaa. Ilaahay wuu sugaa (dib u dhigaa), balse ma ilaawo qofna wuxuu samyey . Maalin uun ayaad fahmi doontaa in dunidu wareegto, dabadeedna ay kugu soo noqoto— si ay kuugu samayso wixii aad dadka kale ku samaysay. “Sida aad wax u falayso, ayaa laguu falayaa.” @mizki_maxamuud

Ciid mubaarak dhamaantii intaanu halkan ku midawnay Ilaahay akhcmaasheenii bisha rabadaanka ha inaga aqbalo wixii aynu shaqaynsanay ducooyinkeeniina haka soo jawaab celiyo si aynu ku faraxno oo khyr ah aamiin Tanaheenii aynu soo wadnayna ilaahay ha inagu anfaco aadna waan idiibka raali galinayaa inaan intii hadhay awoodi kari wayey inaan idiin dhamaystiro xalado aan galay awgood hadana Khatmo wanaagsan Baan idiin rajaynayaa halkaas khyr iyo cibaadooyinka ka sii wada ilaahay rabadaanka wuu joogaa hadana iyo mar waliba ogaada @mizki_maxamuud

Musaylama, ayaa xanaaqay, isaga oo wejiga ururinaya nimankii agfadhiyay ku yidhi: " Jidhkiisa qaybqayb u googooya!" Nimankii Xabiib ayay u jeesteen qayb jidhkiisa ka mid ah ayay Seef ku gooyeen. Dabadeed, Musaylama ayaa u yimid Xabiib o ku yidhi: "Ma qiraysaa in Muxammed Rasuulkii Alle yahay." Xabiib baa yidhi: " Haa, waan qirayaa in Nebi Muxammed Rasuulkii Alle yahay." Musaylama, ayaa yidhi: "Ma qiraysaa in aan Rasuulkii Alle ahay anigu?" Xabiib baa yidhi: " Dhegahaygu way ka awdanyihiin dhegaysiga waxa aad leedahay." Haddana, wuxuu amray in jidhka Xabiib badh loo googooyo. Waa la gooyay illaa qayb jidhka ka mid ahi dhulka ku dhacday. Markasta Musaylama, wuu ku soo laabanayay oo wuxuu wayddiinayay wayddiimahaas hore oo kale. Xabiib na wuu diiday inuu ninkaa u qiro Nabinnimo. Waa la googooyay illaa dhawr qaybood loo googooyay. Sidaas ayuu isna ku geeriyooday. In la dilay, oo si xun loo dilay Xabiib ayaa loo sheegayhooyadii. Way murugootay Hooyadii, se Alle ayay ajar ka filatay. Dagaalkii Yamaama ee lala galay Musaylama, waxyaabaha Saddiiq ajandaha ugu jiray waxa ka mid ahaa in loo aaro Xabiib. @mizki_maxamuud

Ramadaan Mubarak 27/30🌙 Asc Kitaabka milicsiga sooyaalkii saxaabada nabi maxamed Qisada 26 Xabiib Binu Sayd Al Ansaari Xabiib, aabbihii waxaa la odhan jiray Sayd Binu Caasim. Waxa uu ka mid ahaa toddobaatankii qof ee xaadiray heshiiskii CAQABA. Nabiga ayuu la baayactamay, oo waxaa la socday xaaskiisii, iyo carruurtiisii. Dadkii hore u soo islaamay ayuu ka mid ahaa Sayd. Xabiib, hooyadii waxaa la odhan jiray Ummu Camaara, waxa ay ahayd gabadhii ugu horraysay ee hubka qaadatay iyada oo Diinta Alle iyo Nebi Muxammed SCW difaacaysa. Xabiib, walaalkii Cabdillaahi Binu Sayd, dagaalkii Uxud Nabiga ayuu difaacay, oo laabtiisa ayuu uga dhigay hubka, illaa Rasuulkuna SCW yidhi: " Allah ha idin barakeeyo qoyskanoow... Alle ha idiin naxariisto." Xabiib wuu islaamay. Dagaalkii Beder na kama qaybgelin. Waayo, wuu yaraa. Dagaalkii Uxud ayuu ka qaybgalay. Dhammaan dagaalladii danbe ee Nabigu SCW galay ayuu kala qaybgalay. Sannadkii Sagaalaad ee Hijrada Islaamku wuu awoodaysay, oo caga'adag ayuu ku istaagay. Wafdiyo badan oo Carbeed ayaa socdaal dheer u soo galay qaadashada Diinta oo Madiina yimid. Dadka xilliyadaas yimidwaxa ka mid ahaa Wafdi ka socday reer Banii Xaniifa. Wafdigii markii uu yimid Madiina waxa ay geeloogii fadhiisiyeen magaalada hareeraheeda. Raggaas waxaa ka mid ahaa nin la odhan jiray Musaylama Binu Xabiib Al Xanafi, oo Nabiga u tagay, isaga oo Islaamnimadiisa ogaysiinnay, korna u qaadaya. Waa la soo dhaweeyay, Musaylama. Waxyar ka dib Musaylama Islaamnimadii wuu ka laabtay, dadkana wuxuu ogeysiiyay 'Inuu yahay Nebi la soo diray, oo loo soo diray reer Banii Xaniifa sida Nebi Muxammed ba loogu soo diray Qureysh." Tolkii way difaaceen, illaa ay qaarkood yidhaahdeen: Waxa aan qiraynaa in Muxammed run sheegayo; Musaylamana beenaale yahay. Se Beenaalaha reer Rabiica jecelnahay ayaannu ka runsheegaha/runlowga reer Mudir." Musaylama, markii uu awood yar isbiday, waxa uu waraaqad u diray Rasuulka SCW. Waraaqaddu waxa ay ku bilaabmaysay 'Ka socota Musaylama, kuna socota Muxammed, nabadgalyo korkaaga ha ahaato. Intaas ka dib, anigu arrinta waan kula wadaagaa, annagu qayb dhulka ka mid ah ayaannu leennahay; Qureyshna qaybta kale ayay leedahay. Balse, Qureyshi waa qolo xadgudub badan." Laba nin ayuu farriintaas u soo dhiibay Musaylama. Nebiga ayay waraaqaddii Musaylama soo qoraydhiibeen labadii nin. Markii loo akhriyay waxa waraaqadda ku qoran, Nebigu wuxuu ku yidhi: " Labadiinnani maxaad ka leedihiin?" Waxa ay yidhaahdeen: Wuxuu Musaylama, ka yidhi ayaannu ka leennahay." Nebigu wuxuu yidhi: Wallaahi haddii ay Rusushu wax dili lahaayeen qortaan idinka goyn lahaa." Dabadeed, waraaqad ayuu Rasuulku SCW u qoray Musaylama. Bisinka ayuu ku bilaabay, wuxuu na yidhi: Ka socota Muxammed, kuna socota Musaylama. Nabadgelyo korkeeda ha ahaato ciddii hanuunka raacda. Intaas ka dib, dhulka Alle ayaa iska leh, cidda uu doono oo addoomadiisa ka mid ah ayuu dhaxalsiinayaa. Cidhibta danbana kuwa Alle ka cabsada ayaa iska leh." Laba nin ayuu waraaqadda ugu dhiibay. Xabiib, waraaqaddii ayuu qaaday. Wuu socday isaga oo sida waraaqaddii Nebi Muxammed u dhiibay. Wuxuu gaadhay guryihii Reer Banii Xaniifa, waraaqaddii ayuu u geeyay Musaylama. Musaylama, waxa uu u sheegay inuu maalinta xigta barqada u keeno waraaqadda. Markii maalintii xigtay la gaadhay, Musaylama waxa dhinacyadiisa midig iyo bidix iska soo fadhiisiyay kuwii isaga caabudayay. Xabiib, wuxuu amray inuu u soo galo. Xabiib baa soo galay. Musaylama, ayaa ku yidhi: " Ma qiraysaa in Nebi Muxammed SCWyahay Rasuulkii Alle?" Xabiib baa yidhi: "Haa, waan qirayaa in Nabi Muxammed SCW yahay Rasuulkii Alle." Musaylama, ayaa yidhi: " Ma qiraysaa in aan anigu Rasuulkii Alle ahay?" Xabiib baa si dheeldheel leh u yidhi: " Waxa aad sheegayso waan ka dhegala'ahay/ ma lihi dhego aan ku dhegaysto waxa aad sheegayso."

Ramadaan Mubarak 26/30🌙 Asc Kitaabka milicsiga sooyaalkii saxaabada nabi maxamed Qisada 25 Bilaal Binu Rabaax Bilaal, waxa uu ka mid ahaa asxaabtii Nabiga kuwii ugu waaweynaa, ee ugu akhyaarsanaa. Waxa uu ahaa Mu'addinkii Nabi Muxammed SCW. Cod macaan ayuu lahaa Bilaal. Bilaal, waxa uu dhashay 43 sannadood ka hor hijrada. Waxa dhalay Aabbo la odhan jiray Rabaax.' Hooyadiina waxaa la odhan jiray 'Xamaama.' Agoonnimo ayuu ku koray Bilaal. Markii Nabi Muxammed SCW soo baxay, Bilaal, waxa uu ahaa dadkii ugu horreeyay ee Rumeeyay Nabiga. Dadkii la dhibay, ee Islaamnimada daraaddeed loo dhibay ayuu ka mid ahaa. Wuu ku samray, oo u adkaystay. Gabadhii ugu horreysay ee Shahiidday ee SUMAYA, markii la cadaabayay, Bilaal na aad baa loo cadaabayay. Bilaal, meel kulul oo bacaada ayaa la dhigay, beerka ayaa dhulka loo dhigay, waxa lagu lahaa 'Muxammed cay' isaguna wuu diiday, se marka ay aad u cadaabaan ayuu isaga oo qalbiga sidii saxda ahayd ka aaminsan waxa ay rabaan lahaa. Ninkii kibray ee la odhan jiray Ummaya Binu Khalaf, oo addoonsan jiray Bilaal misana waqtigaas ahaa nin qooqay ayaa Bilaal inta uu qoorta xadhig kaga xidho carruurta u dhiibi jiray, markaas ayuuamri jiray inay la wareegaan buuraha Maka. Bilaal, wuu adkaysan jiray, oo wuxuu odhan jiray 'Alle kaliya ayaa jira.' Abuubakar, ayaa ninkii addoonsan jiray Bilaal ee Umaya Binu Khalaf u soo bandhigay inuu ka iibiyo. Umaya, wuu yeelay oo wuu iibiyay Bilaal. Abuubakarna wuu gatay. Lacag qaaliya oo ah Sagaal Awaaq oo Dahaba ayuu ka siiyay. Abuubakar, waxa uu yidhi: lahayd, oo aad odhan lahayd 100 iga sii, waan kaa siisan lahaa." Haddii aad diidi Markii uu soo iibsaday Abuubakar, isla markiiba wuu xoreeyay. Wuxuu yidhi: "Rasuulkii Alloow, waan wuxuu u xoreeyay." Rasuulku SCW, oggolaaday Bilaal inuu Magaalada Madiina u hijroodo. Bilaal, wuu hijrooday. Isaga, Siddiiq, iyo Caamir Binu Fihr, waxa ay dageen guri kaliya. Nimankii kaneeco ayaa cuntay. Wuu dadaalay, Bilaal. Rasuulka ayuu la saaxiibay. Marka uu Tukanayo wuu la tukan jiray, marka uu dagaal galayana wuu la geli jiray. Markii Nebi Muxammed SCW Masaajidkiisii dhisay, Bilaal waxa uu noqday Mu'addinkii ugu horreeyay. Boqorkii Najaashi oo Xabashida maamulayay waxa uu Nebiga u soo hadiyeeyay Saddex Waran. Saddexdii Waran mid Nebiga ayaa naf ahaantii qaatay, mid waxa uu u hadiyeeyay Cali Binu Abii Daalib, midkii kalana waxa uu siiyay Cumar BinuKhaddaab. Kiisii uu naf ahaantii qaatay ayuu Bilaal siiyay. Salaadaha Ciidaha, Roobdoonta, IWM Nabiga ayuu la tukan jiray. Dagaalkii Beder, ayuu Bilaal wuxuu arkay Abuu Jahal, iyo Ummaya Binu Khalaf, oo Seeftii Muslimiintu ku dhacayso. Markii Rasuulku SCW uu furtay Maka, Bilaal wuu la socday oo garabkiisa ayuu ahaa. Markii Nebigu Kacbada galayayna saddex nin ayaa la saaxiib ahaa. Waxa ay kala ahaayeen: 1- Cusmaan Binu Dalxa oo ahaa hayihii furayaasha Kacbada Sharafta leh. 2- Usaama Binu Sayd, oo ahaa kii uu Rasuulku SCW jeclaa, iyo kii uu jeclaa inankiisii. 3- Iyo Bilaal Binu Rabaaxa oo ahaa Mu'addinkii Rasuulka SCW. Markii Rasuulku dhintay ee la keenay Masaajidka, Bilaal ayaa Eedaamay isaga oo Nabigii Sharafta lahaa Maydkiisii meel ku daboolanyahay. Markuu gaadhay Eedaanka 'Ash'hadu anna Muxammada Rasuulalaal' Bilaal wuu ooyay. Sii wadiddii Eedaankana wuu kari waayay. Markasta oo uu Eedaanka halkaas gaadhana wuu ooyi jiray. Mardanbe ayuu geeriyooday, Bilaal. Alle ha u naxariisto. @mizki_maxamuud

Ramadaan Mubarak 25/30🌙 Asc Kitaabka milicsiga sooyaalkii saxaabada nabi maxamed Qisada 24 Cuqba Binu Caamir Al Juhani Nabigu wuu soo hijrooday, oo waxa uu yimid magaalada Madiina. Dadkii magaalada joogay si wanaagsan ayay u soo dhaweeyeen iyaga oo ku farxaya. Carruur iyo Cirroole looma kala hadhin soodhawaynta Nabiga SCW. Dadka soo dhawaynta aan iman waxa ka mid ahaa Cuqba oo magaalada degganaa. Balse, maalintan waxa uu Cuqba u baxay Miyiga oo uu adhigiisa ku raacanayay. Mardanbe ayuu Nabiga la kulmay. Markii uu Nabiga la kulmay ayuu ku yidhi: " Rasuulki Alloow ila baayactan?" Nebiga ayaa ku yidhi: "Adigu yaad ahayd?" Wuxuu ku yidhi: " Waxa aan ahay Cuqba Binu Caamir Al Juhani." Dabadeed, wuu la baayactamay, oo adhigiisii ayuu iskaga laabtay. Toban nin oo ah kuwa adhiga miyiga ku eegta ah, oo Cuqbana ka midyahay ayaa soo islaamay. Tobankii nin ee adhiilayaasha ahaa way shireen, waxa ay isyidhaahdeen 'Midkeenba maalin ha tago Madiina oo hasoo fahmo, oo ha soo dhegaysto Wacdiga Nebiga SCW lagu soo dejiyay; kuwa kalana adhiga ha sii eegaan..." Sidaas ayay ku heshiiyeen oo qofba maalin ayuu u tagaa.Cuqba maalintiisii ayuu tagaa. Ragga kalana maalintooda ayay tagaan. Qofkasta waxa uu maalintaa soo maqlo ayuu ururka la wadaagaa, oo uga sheekeeyaa. Halkaas ayaa muddo lagu falanqeeyaa, oo wax la iswayddiiyaa. In muddo ah markii ay hawshii socotay ayuu Cuqba fekeray. Wuxuu isyidhi: "Ma dhawrkan Laxaad ayaad la saaxiibidda Rasuulka kaga mashquuli?" Ugu danbayn wuxuu isku qanciyay inuu Nabiga u tago, oo adhigan iskaga tago. Nebiga ayuu u yimid Cuqba. Barashada Diinta ayuu bilaabay. Si wanaagsan ayuu u bartay. Wuxuu ka mid noqday asxaabtii kuwii Diinta aad u bartay. Quraan xaafid ayuu noqday, waxa kale oo uu noqday badhasaab badhasaabyadii Muslimiinta ka mid ah. Cuqba, waxa uu la saaxiibay Nebiga SCW. Markasta oo uu soconayo Nebigu waxa uu hoggaanka u qaban jiray baqashiisa, oo meesha uu doono ayuu u kaxayn jiray. Maalin ayuu Baqashii Rasuulka SCW Cuqba hoggaanka qabtay, meel ka mid ah kaymaha Madiina. Nabiga ayaa ku yidhi: "Cuqboow, maanad fuulayn?" Cuqba, waxa uu yidhi: " Waxa aan doonay in aan idhaahdo 'Maya' se waxa aan ka baqay in taasi macsi noqoto. Oo waxa aan ku idhi 'Haa, Nebigii Alloow.'..." Dabadeed, Nebiga ayaa baqashii ka soo degay, Cuqbana wuu fuulay isaga ooamarkiisa fulinaya. Nabigu wuxuu ku yidhi: “ Cuqboow, ma ku baraa Laba Suuratood noo adiga horta aannu qofna arag?" Cuqba 'Haa' ayuu yidhi. Rasuulku waxa uu akhriyay, oo baray Labada Suuradood ee Qul Acuudu Birabbilfalaq, iyo Suuratu Naas. Cuqba, waxa uu yidhi: " Noloshayda oo dhan waan akhiyayay wixii maalintaa ka danbeeyay." Cuqba, yoolkiisa ugu wayn waxa uu ka dhigay laba arrimood: 1- Aqoon. 2- Jihaad. Dhinaca aqoonta meel heersare ah ayuu ka gaadhay. Wuxuu noqday qaari, Muxaddis, faqiih, dhaxalyaqaan, suugaanyahan, aftahan, iyo gabayaa. Dadka Quraanka ugu wanaagsan ayuu ka mid ahaa. Waxa uu ku akhriyi jiray cod macaan, oo cidkasta oo maqashaa way Khushuuci jirtay. Cumar, ayaa maalin u yeedhay Cuqba. Waxa uu ka dalbaday inuu Kitaabka Alle wax uga akhriyo. Wuu yeelay Cuqba. Aayado Quraana ayuu u akhriyay. Cumar ayaa ooyay, illaa ilmadii gadhkiisa gaadhay. Dhinaca dagaalka, Cuqba waxa uu galay dagaallo badan. Dagaalkii Uxud wuxuu la galay Nebiga SCW. Furashadii Masar goobjoog ayuu ka ahaa @mizki_maxamuud