Dumarka iyo Islaamka
Hordhac
Waan idin salaamay, dhalinyaro. Mudo fog ayaa igu dambaysay inaan qalin u qaato arrin, balse waxaan jeclaystay inaan bilaabo taxanahaas magacaas leh.
Runtii, waxaa nagu soo aadan khatar aad u weyn, waxaana muhiim ah in aynu ku qaadno weerar la mid ah midka ay nagu soo qaadayaan. Waan ka daalnay is-difaacida, balse hadda annaga ayaa weerarka ah. Waxa aynu bur burin doonnaa gurigooda daciifka ah ee ka samaysan caar-caarada.
Dhalinyaro, sharciyada uu Islaamku dhigay ee ku saabsan dumarka ma aha wax cusub; waa sharciyo jiray xilligii Nabiga (SCW). Ma aha wax ku xiran waqti, oo way jireen, wayna jiri doonaan.
Sidaas ay tahay sharciyadaas, iyagoo intaas qarni jiray, ma jirin cid ka tabanaysa oo wax ka sheegaysa. Ma jirin cid dhahaysa: "Dumarka xaquuq ayaa ka maqan; waa inaannu u soo dhicinnaa." Laakiin waxaan waxa ay bilowdaan waqtigan casriga ah.
Ma aha in dadkii hore aysan caqli badnayn, oo aysan ku mashquulin dumarka iyo howlahooda. Ma jirin xaquuq ka maqnayd; ee sharciyadan la dajiyey waxay ahaayeen mid dan ugu jirta. Ma arkeysid taariikhda, gaal iyo Muslimba, qof ka cabanaya oo wax ka sheegaya sharciyadaas ee uu dajiyey Islaamka?
Haddaba, suaasha meesha taalla ayaa ah: Maxay tahay sababta ay u bilaabeen dadka in ay waqtigan wax ka sheegaan Islaamka? Maxay dadkii hore loo arki waayey iyagoo ka tabanaya Islaamka iyo sharciyadiisa ee ku aaddan dumarka?
Sababtu waxay tahay: Xilliyadii hore, reer galbeedku ma ahayn mid awood badan, kaas oo awood u leh inuu qorsheeyo dagaallo ku aaddan Islaamka. Sababtoo ah xiliyadaas reer galbeedku iyagaa isku mashquulsanaa. Hadda, laakiin, wuu xoogeystay, xaliyey dhibaatooyinkiisa, wuxuu mideeyey dadkiisa, wuxuuna hal meel kaga soo jeestay Islaamka—halka Islaamku uu joogo meesha ugu daciifsan waligeed.
Waxaad qiyaastaa qof doqon ah oo raba inuu ku garaaco , oo raba inuu kaa qaato hantidaada iyo xoolahaada, laakiin wuu rabitaan lee, ma aha mid awood badan; waa daciif, wuu xanuunsan yahay. Waqti xaadirkaas makula dagaallami karaa? Oo tiisaba ayuu la yaaban yahay (tiisa daryeelaa, tu kale ku dara). Laakiin mudo ka dib, adigoo daciif ah , oo awood la’aan aad isaga dhici karto qofkaas doqonka ah, halka awoodaadu hoos u sii socoto—isagu gym-ka ayuu tagay, wuxuu dhisay awood iyo muruq uu kugu burburin karo. Hormar fiican ayuu sameeyey doqonkii. Ma rabo inaad lugahaaga ku istaagto; wuxuu kuu arkaa inaad tahay awooda kaliya haddii ay ku istaagto lugaheeda burburin karta. Xitaa adiga haddii aad ku mashquulsanayn oo damba aysan kaa galin, wuxuu kuu arkaa inaad tahay khatar, beri ka maalin ku noqon karta caqabad.
Sidoo kale, Islaamka marka la fiiriyo wuxuu heystaa waddamada ugu hantida badan uguna qanisan. Taas ayaa reer galbeedka ka dhigtay mid baahi badan u qaba hantidaas. Waa sida adigoo guri ag maraya oo kuu soo carfay cunto aad u macaan; xitaa haddii aysan gaajo ku hayn, markaas saa ay kugu soo carafto waxaa ku qabanaya gaajo hor leh iyo rabitaan xoog leh oo ku aaddan cuntadaas.
Haddaba, dhalinyaro, reer galbeedku wuxuu geed gaaban iyo mid dheerba u fuulay sidii u jabin lahaa darbiyadii iyo qasrigii kaasoo difaacayey Islaamka. Darbigaas wuxuu ahaa mid Islaamka ka ilaaliya cadowga ahaana mid nabad ka ah dhibka kasta iyo khatar kasta oo kaga imaanaysa reer galbeedka.
Dhalinyaro, darbigaas waa Diinteenna suuban ee Islaamka. Waa hagaha cad ee toosan kaasoo noo sheegaya waxa aynu nahay ka bini-aadam, meesha aynu ka nimid, iyo ujeeddada nagala leeyahay, iyo sida uu caalamku u shaqeeyo. Waxaa ku qarsoon sharciyo cad oo aan lahayn laab-laab; waxay u sheegtaa qof kasta sida uu u dhaqmi lahaa, rag iyo dumarba. Sharciyadaas iyo dhaqamadaas wanaagsan ayaa umadda Islaamka ka dhigtay mid dhista ilbaxnimo horumarsan (advanced civilization).
Reer galbeedku markay daraaseeyeen waxay go'aansadeen in iskuullada iyo waxbarashada ay tahay goobta ugu habboon ee ay ku fulin karaan ajendahooda (qorshahooda). Waxay kaloo ogaadeen in dumarka ay yihiin qalabka ugu fiican ee ay u isticmaali karaan si ay u fuliyaan qorshahooda.