ar
Feedback
Khaalid Baarleex

Khaalid Baarleex

الذهاب إلى القناة على Telegram

Ku soo dhowoow boggan. ✍️ Halkan waxa aan ku soo gudbiyaa waxyaabaha aan is dhaho dheef ayey leeyihiin, hanoqoto war, maqaal ama muuqaal manfac leh courses-ka iyo suuqyada online-ka ah. 🔥 @https://t.me/khalidbaarleex

إظهار المزيد
6 234
المشتركون
-724 ساعات
-437 أيام
-15530 أيام
أرشيف المشاركات
Reer Holland waxaa dhaqan u ah haddii ardayga uu Examka dugsiga sarre ku baaso uu albaabka hore gurigooda la soo suro calanka
Reer Holland waxaa dhaqan u ah haddii ardayga uu Examka dugsiga sarre ku baaso uu albaabka hore gurigooda la soo suro calanka iyo boorsadii uu iskoolka ku aadi jiray. Gurigii calaamadaas lagu arko macnaheeda waa in uu joogo arday examka ku baasay waxaa loola ordaa hadiyado iyo hambalyo. Maantay natiijada examka ayaa la shaaciyey. —Abdi Omer. ✍️

Astaamaha Qaangaarnimada waxaa ka mid ah: 1. In aad su'aal geliso wararka, sheegashooyinka shucuureed iyo wax kasta oo laguu sheego iyada oo aan caddayn ku filan loo hayn. Waa qodobka ugu horreeya koritaanka masaxeed aasaaska u ah in qofku wax iska shaandheeyo. 2. In aad kala shaandhayso oo su'aalo iska waydiiso fikradahaaga iyo dareennadaada, adigoo aqoonsanaya in wax badan oo aad aaminsan tahay ay ka dhasheen duruufahaaga, degaankaaga, waayahaaga iyo waaya-aragnimadaada; ee aysan mar walba ka turjumayn xaqiiqo biyo-kama-dhibcaan ah. 3. In aad danaynta iyo xiisaha siiso ogaanshaha waxa runta ah, halkii aad raadin lahayd waxa naftaada raalligelinaya. 4. In aad garato in fal kasta oo aad dadka ku cambaarayso uu yahay fal ay fududdahay in aad adiguna samayn karto haddii aad wajahdo duruufaha iyo xaaladaha ku riixay. Waxana ay ku bartaa isdhuldhig iyo mahadnaq. 5. In aad joojiso in aad doodahaaga qiiro ku xoojiso, halkii aad xaqiiqooyin iyo xigashooyin maangal ah cuskan lahayd. 6. In aad fahanto in xanaaqaaga iyo ka xumaanshahaagu aysan si toos ah kuu xaq siinayn. In iswaal wax lagu raadiyaa waa astaanta dhallaanka. 7. In aad yeelato awoodda ah in aad tiraahdo: "Waan qaldanaa." "Iga raalli ahaw" iwm. 8. In aad fikradaha ku qiimayso saxnimadooda, ee aadan ku qiimayn qofka sheegay. 9. In aad ogaato in aqoontu aysan ahayn in aad wax walba taqaan, balse ay tahay in aad garato oo qiradid inta aadka u badan ee aadan aqoon. 10. In aad aqbasho in koritaanku bilawdo marka uu qabkaagu joojiyo difaacidda khaladaadkaaga, ee uu bilaabo saxiddooda iyo hagaajintooda. Qaangaarnimadu da' lama socoto. Waa marka qofku billaabo in uu xaqiiqada nolosha wajaho xitaa haddii ay isaga ku liddiyayso. Waa ogaal qabka iyo dhalanteedkaaga daboolka ka qaada. Waa marka qofku kala garto qabka iyo runta. —Bashiir Mahad. ✍️

2. Avocado (The Brain Butter) Avocado-ku waa mid ka mid ah cuntooyinka dhifka ah ee leh dufanka caafimaadka qaba ee si toos ah ugu adeega wadnaha iyo maskaxda. Dufanka ku jira Avocado-ku wuxuu caawiyaa in jirkaagu nuugo nafaqooyinka kale ee khudaarta (sida Vitamin A, D, E, K). Haddii aad khudaar cunayso, mar kasta ku dar Avocado si aad faa'iidada khudaartaas 4-laab uga dhigto. 3. Lowska (The Hormone Builders) Lowska (haddii uusan cusbo iyo sonkor midna lahayn). Wuxuu hodan ku yahay Zinc iyo Selenium, kuwaas oo fure u ah soo saarka hormoonada taranka iyo caafimaadka qanjirka Thyroid-ka. Faa'iidada Saddexdan Ka Helayso Tamar aan dhammaan: Ma dareemaysid daal subaxdii iyo galabtii waayo sonkorta dhiiggaaga ayaa deggan. Maskax furan: Xusuustaada iyo fahamkaaga ayaa kordhaya madaama maskaxdu heshay dufan tayo leh. Ilaalinta Miisaanka: Cuntooyinkani waxay ku dareensiiyaan dhereg muddo dheer, taas oo kaa caawisa inaad iska yarayso miisaanka adigoon gaajoon. Sirta Mawduucan: Jirkaagu kuma weydiisto cunto, wuxuu ku weydiistaa nafaqo. Markaad siiso nafaqada uu rabo, wuxuu joojiyaa inuu ku dareensiiyo gaajo iyo daal labadaba ma dareemaysid Dr Waahin Sabriye. ✍️

Shidaalka Nolosha iyo Cuntooyinka Mucjisada ah Cuntooyinka u shaqeeya sidii shidaal tayo sare leh oo loogu talagalay maskaxda
Shidaalka Nolosha iyo Cuntooyinka Mucjisada ah Cuntooyinka u shaqeeya sidii shidaal tayo sare leh oo loogu talagalay maskaxda, murqaha, iyo firfircoonida guud ee jirka. Dadka badankiisu waxay cunaan cunto ay ka dhergaan (Calories), laakiin jirkoodu wuxuu u baahan yahay nafaqo (Nutrients). Sirta halkan ku jirta waa inaad xoogga saarto cuntooyinka leh "Nafaqada is-biirsatay"—kuwaas oo xitaa haddii aad in yar ka cunto, jirka siiya wax kasta oo uu u baahan yahay. 1. Ukunta (The Multi-Vitamin of Nature) Ukuntu maaha kaliya borotiin; waa cuntada kaliya ee adduunka taal ee leh dhammaan fiitamiinnada jirku u baahan yahay. Qaybta Jaallaha ah ukunta (Yellow part) waxaa ku jira maaddo la yiraahdo Choline oo muhiim u ah xusuusta iyo dhismaha unugyada maskaxda. Cunista 2 ukun oo la karkariyey subaxdii waxay joogteysaa tamartaada ilaa duhurkii, waxayna kaa yaraysaa rabitaanka sonkorta. ….

Waxaan rajeynayaa inaadan nacas ahayn oo aadan u maleynayn inaan bilyaneer ka noqday tufaaxyadaas aan waddooyinka ka urursan jiray, balse maalmahaasi waa maalmo aanan jeclayn inay dib usoo laabtaan.!! _______+ Sheekeeye.

Bilyeneerkii reer Mexico David Michel waxa uu xusuus qorkiisa ku leeyahay: “Ha ka quusanin shaqo kasta oo aad qabato, waayo h
Bilyeneerkii reer Mexico David Michel waxa uu xusuus qorkiisa ku leeyahay: “Ha ka quusanin shaqo kasta oo aad qabato, waayo hanti urursigu waxa uu ka yimaadaa waxyaabaha ugu fudud ee aanay dadka kale danta ka lahayn, sidaa awgeed, anigu waxa aan ahaa keliya 9 jir markii aan bilaabay in aan hanti urursado. Marka aan ku socdo dugsiga, waxa aan ururin jiray tufaaxa kasoo daata gawaadhida suuqa geyneysa, waan nadiifin jiray oo dib ayaan dadka ugasii iibin jiray weliba qiimo jaban. Xiligaas dad badan ayaa igu qosli jiray oo ay majaajilo u ahayd xaaladan aan ku jiro, waxaan iibin jiray tufaax tiro yar, waan u sabri jiray maadaama aan lahaa yididiilo fog. Ugu danbayn ganacsigaygii wuu horumaray waxaanan bilaabay in aan beeralayda si toos ah tufaaxa ugasoo iibsado. 35 sano markii aan jiray ayuu geeriyooday adeerkay oo aan guursan wax carruur ahna aan dhalin. Wuxuu ahaa bilyanneer ka ganacsada daroogada, dhammaan hantidiisiina aniga ayaa dhaxlay sidaasna waxa aan ku noqday Bilyaneer.

Maanta waxaa soo baxay baaris ay samaysay warbaahinta Reuters taasoo ku saabsan qoyska madaxweynaha Maraykank Donald Trump iy
Maanta waxaa soo baxay baaris ay samaysay warbaahinta Reuters taasoo ku saabsan qoyska madaxweynaha Maraykank Donald Trump iyo Crypto. Warbixinta baaristu waxay sheegtay in 2dii sano ee Trump xilka joogay ay isaga iyo qoyskiisu crypto ka sameeyeen lacag ka badan $2.3B. 4 mashruuc oo ay xaafadu leedahay ayey lacagtaas badankeed ka soo xarootay iyagoo maalgashadayaashii habaaska uga tagay. 1. World liberty financial WLF waxay ka heleen $1.1B 2. ⁠memecoinkii caanka ahaa ee Trump waxay la heleen $616M 3. ⁠Alt5 sigma waxay ka heleen $538 4. ⁠American Bitcoin waxay ka heleen $19M Dhamaan lacagtaas waxay si isugu jirta insider Trading, IPO iyo rugpull uga heleen jeebka maalgashadayaasha aaminay xaafada xoolaha iyo xilka haysata ee ay is lahaayeen idin ma damaacin doonaan. Soomaalida dhexdeeda waxaa aad caan uga noqday Memecoinka Trump oo waxaan xusuustaa in xitaa baadiye la iga soo wacay oo la i yiri “Trump baa lacag qaybinayaa la yiri war ma ka haysaa”. —Asad Gaaciye. ✍️

Today Dow’s: “Diiradda saar horumarinta naftaada, ha ku mashquulin inaad dadka u caddayso qofka aad tahay.”
Today Dow’s: “Diiradda saar horumarinta naftaada, ha ku mashquulin inaad dadka u caddayso qofka aad tahay.”

🌍⚽ Ma ogtahay in Afrika ay markii ugu horreysay taariikhda 10 xul ku yeelan doonto Koobka Adduunka 2026? Tani waa rikoor cus
🌍⚽ Ma ogtahay in Afrika ay markii ugu horreysay taariikhda 10 xul ku yeelan doonto Koobka Adduunka 2026? Tani waa rikoor cusub oo muujinaya kororka awoodda kubadda cagta Afrika, iyadoo 10 dal ay calanka qaaradda ka dhex taagi doonaan masraxa ugu weyn ee kubadda cagta dunida.  Su’aashu waa: Xulkee ayaad u aragtaa inuu Afrika taariikh cusub u sameyn karo? 🌍🏆⚽

Dalalka ay muwaadiniintoodu si gaar ah ugu adkaan karto gelitaanka Mareykanka xilligan waxaa ka mid ah: Afghanistan, Myanmar (Burma), Chad, Congo Republic, Equatorial Guinea, Eritrea, Haiti, Iran, Libya, Somalia, Sudan, Yemen, Burkina Faso, Mali, Niger, Sierra Leone, South Sudan, Syria iyo Laos. Sidaa darteed, kiiska Cumar Cartan waa arrin la xiriirta siyaasadaha socdaalka iyo xayiraadaha jira, mana aha cabbir lagu qiimeynayo awoodda ama tayada baasaboorka Soomaaliya.

Dad badan ayaa isku khaldaya arrinta loo diiday Garsoore Cumar Cartan inuu galo Mareykanka iyo awoodda baasaboorka Soomaaliya
+1
Dad badan ayaa isku khaldaya arrinta loo diiday Garsoore Cumar Cartan inuu galo Mareykanka iyo awoodda baasaboorka Soomaaliya. Xaqiiqadu waxay tahay in dhacdadan aysan si toos ah ula xiriirin awoodda baasaboorka Soomaaliya. Gelitaanka Mareykanka waxaa go'aankiisa ugu dambeeya leh saraakiisha socdaalka iyo amniga xuduudaha, xitaa haddii qofku haysto fiise sax ah ama baasaboor diblomaasiyadeed. Sidoo kale, arrintan waxay kusoo beegmaysaa iyadoo maamulka Madaxweyne Donald Trump uu xayiraado iyo xaddidaado socdaal kusoo rogay dalal badan. Caqabadahaas ma aysan saameyn oo keliya Garsoore Cumar Cartan, balse waxaa la soo wariyay in ciyaartoy, saraakiil kooxeed iyo shaqaale kale oo ka socday dalal kala duwan ay iyaguna la kulmeen dhibaatooyin la xiriira fiisayaasha iyo gelitaanka Mareykanka.

Garsooraha Soomaaliyeed ee caanka ah, Cumar Cabdqaadir Cartan (Omar Artan), ayaa si rasmi ah looga saaray garsoorayaasha ka q
Garsooraha Soomaaliyeed ee caanka ah, Cumar Cabdqaadir Cartan (Omar Artan), ayaa si rasmi ah looga saaray garsoorayaasha ka qaybgelaya Koobka Adduunka 2026 kadib markii loo diiday inuu galo Mareykanka. FIFA ayaa Isniintii xaqiijisay in Cumar Cartan uusan ka qayb geli doonin tababarrada iyo garsooridda tartanka, kadib markii saraakiisha socdaalka Mareykanku ay u diideen gelitaanka dalka isagoo ka degay garoonka Miami International Airport. FIFA waxay sheegtay in arrinta socdaalka iyo fiisayaasha ay tahay go’aan ay si buuxda u leeyihiin dowladaha martigelinaya tartanka, islamarkaana aysan awood u lahayn inay beddesho go’aankaas.

Qof kasta oo dhalinyaro ah waxaan kula talin lahaa inuu podcast-kaas dhagaysto oo weliba dhamaysto, hubaal wacyigaaga caafima
Qof kasta oo dhalinyaro ah waxaan kula talin lahaa inuu podcast-kaas dhagaysto oo weliba dhamaysto, hubaal wacyigaaga caafimaad kor ayuu u kici doonaa. Muhiimadda ay leedahay inaad iska eegto waxa aad cunayso ee jirkaaga galaya inta aad tahay before 20s, halista Xanuunada macaanka, dhiigkarka, cayilka, jimicsiga iyo murqo dhisida. Kasoo daawo Abdijaliil show. https://youtu.be/ILIcv1Wc2cM?si=o0cezrlmneWzq3XX

1. Sharciga Raadinta Booska (The Desperation Repels) Cilmi-nafsiga aadamuhu wuxuu u dhisan yahay qaab yaab leh: wixii aad aad ugu daba ordo, dib ayay kaaga cararaan. Markaad qof u muujiso inaad boqolkiiba boqol u baahan tahay joogitaankiisa, maskaxdiisa hoose waxay durbadiiba u xisaabinaysaa in qiimahaagu hooseeyo. Awooddu waxay ku dhalataa marka aad muujiso inaad adigu naftaada ku kalsoon tahay oo aad isku filan tahay. 2. Iska Ilaali Inaad Si Degdeg Ah U Jawaabto (The Urge to Please) Qofka baahidu ka muuqato wuxuu had iyo jeer ku jidbaysan yahay inuu dadka kale raaligeliyo. Marka fariin loo soo diro, ilbiriqsi gudihiis ayuu ugu jawaabaa; marka ballan laga baajiyona, wuxuu yiraahdaa "wax dhib ah ma leh" isagoo gudaha ka gubanaya. Zakariya Cabdi wuxuu ku xasuusinayaa: waqtigaaga oo qaali noqda wuxuu kor u qaadaa miisasankaaga iyo ixtiraamka ay dadku kuu hayaan. 3. Awoodda Inaad Meesha Ka Tagi Karto (The Power to Walk Away) Xeeladda ugu weyn ee gorgortanka u dhaxaysa dadka waa awoodda ah inaad "Maya" dhihi karto marka shuruudaha hortaada yaalla ay wax u dhimayaan sharaftaada. Haddii aad tahay qof ka baqaya cidlo, waxaad aqbalaysaa xaalad kasta oo lagugu dhaso. Marka dadku ogaadaan inaad leedahay go'aan aad meesha kaga tegi karto (walk away), durbadiiba waxay bilaabayaan inay kuu muujiyaan ixtiraam dheeraad ah. 4. Ha Weydiisan Ammaan iyo Ansixin (Stop Begging for Validation) Marnaba ha weydiin dadka agtaada jooga su'aalo muujinaya in kalyahaaga ay ku xiran yihiin ra'yigooda. Robert Greene wuxuu leeyahay: markaad dadka weydiisato inay ku ammaanayso ama ku ansixiyaan, waxaad gacanta u gelisay xukanka naftaada. Samee shaqadaada adoo kalsooni qaba, naftaadana ha ku ammaan-gadin si aad dadka u farxad geliso. 5. Maamulista Caadifadda iyo Cabsida (Emotional Self-Reliance) Kalsooni-darrada (Insecurity) waxay dhalataa marka aad deganaantaada gudaha ku xirto waxyaabaha bannaanka yaalla—sisi tirada dadka ku jecel ama ra'yiga saaxiibada. Qofka raba inuu saameyn yeesho wuxuu dhisataa deganaan gudaha ah. Sida aan had iyo jeer ku falanqeyno Xog-Raadis, guushu yaanay ku kibrin, guuldarraduna yaanay ku niyad-jibin. Deganaanta wejigaaga ayaa ah hubkaaga ugu weyn. 6. Sirta Aamusnaanta iyo Xakameynta (The Eloquence of Silence) Dadka baahan badanaa waxay hadlaan wax aad u badan iyagoo isku attempt-gareynaya inay is sharraxaan ama ay dadka ku qanciyaan in ay wax yaqaanaan. Aamusnaanta iyo hadalka kooban waxay abuuraan jawi sharaf iyo haybad leh. Markaad hadal yar tahay, dadka kale waxay bilaabayaan inay dhuuxaan eray kasta oo afkaaga ka soo baxa. 7. Noqo Qof Leh Yool Loo Socdo (Be Driven by a Mission) Habka ugu rasmiga ah ee aad uga bixi karto inaad u muuqato qof baahan waa inaad leedahay yool (mission) aad u weyn oo aad nolosha ka leedahay oo habeen iyo dhawrba kugu kiciya. Markaad mashquul ku tahay dhisidda mashaariicdaada iyo barashada xirfadahaaga cusub, maskaxdaadu heli mayso waqti ay ku walwasho fekerka dadka kale. Baahidu waxay dhalataa marka aad firaaqo tahay, laakiin marka aad yool leedahay, dadka kale ayaa adiga kuu baahanaya.

ISKA JIR INAAD U MUUQATO QOF BAAHAN: NEVER LOOK NEEDY! Falanqayn xeeladeed oo laga soo qaatay casharrada cilmi-nafsiga adag e
ISKA JIR INAAD U MUUQATO QOF BAAHAN: NEVER LOOK NEEDY! Falanqayn xeeladeed oo laga soo qaatay casharrada cilmi-nafsiga adag ee qoraaga caanka ah ee Robert Greene, barnaamijka ay soo saareen kanaalka Sleek ee cinwaankiisu ahaa "Stop Letting Insecurity Ruin Your Power waxaan idiin soo dhuuxay 7 cashar oo dahab ah oo kaa caawinaya inaad disho kalsooni-darrada, soona celiyo awooddaada dabiiciga ah:

1. Sharciga Raadinta Booska (The Desperation Repels) Cilmi-nafsiga aadamuhu wuxuu u dhisan yahay qaab yaab leh: wixii aad aad ugu daba ordo, dib ayay kaaga cararaan. Markaad qof u muujiso inaad boqolkiiba boqol u baahan tahay joogitaankiisa, maskaxdiisa hoose waxay durbadiiba u xisaabinaysaa in qiimahaagu hooseeyo. Awooddu waxay ku dhalataa marka aad muujiso inaad adigu naftaada ku kalsoon tahay oo aad isku filan tahay. 2. Iska Ilaali Inaad Si Degdeg Ah U Jawaabto (The Urge to Please) Qofka baahidu ka muuqato wuxuu had iyo jeer ku jidbaysan yahay inuu dadka kale raaligeliyo. Marka fariin loo soo diro, ilbiriqsi gudihiis ayuu ugu jawaabaa; marka ballan laga baajiyona, wuxuu yiraahdaa "wax dhib ah ma leh" isagoo gudaha ka gubanaya. Zakariya Cabdi wuxuu ku xasuusinayaa: waqtigaaga oo qaali noqda wuxuu kor u qaadaa miisasankaaga iyo ixtiraamka ay dadku kuu hayaan. 3. Awoodda Inaad Meesha Ka Tagi Karto (The Power to Walk Away) Xeeladda ugu weyn ee gorgortanka u dhaxaysa dadka waa awoodda ah inaad "Maya" dhihi karto marka shuruudaha hortaada yaalla ay wax u dhimayaan sharaftaada. Haddii aad tahay qof ka baqaya cidlo, waxaad aqbalaysaa xaalad kasta oo lagugu dhaso. Marka dadku ogaadaan inaad leedahay go'aan aad meesha kaga tegi karto (walk away), durbadiiba waxay bilaabayaan inay kuu muujiyaan ixtiraam dheeraad ah. 4. Ha Weydiisan Ammaan iyo Ansixin (Stop Begging for Validation) Marnaba ha weydiin dadka agtaada jooga su'aalo muujinaya in kalyahaaga ay ku xiran yihiin ra'yigooda. Robert Greene wuxuu leeyahay: markaad dadka weydiisato inay ku ammaanayso ama ku ansixiyaan, waxaad gacanta u gelisay xukanka naftaada. Samee shaqadaada adoo kalsooni qaba, naftaadana ha ku ammaan-gadin si aad dadka u farxad geliso. 5. Maamulista Caadifadda iyo Cabsida (Emotional Self-Reliance) Kalsooni-darrada (Insecurity) waxay dhalataa marka aad deganaantaada gudaha ku xirto waxyaabaha bannaanka yaalla—sisi tirada dadka ku jecel ama ra'yiga saaxiibada. Qofka raba inuu saameyn yeesho wuxuu dhisataa deganaan gudaha ah. Sida aan had iyo jeer ku falanqeyno Xog-Raadis, guushu yaanay ku kibrin, guuldarraduna yaanay ku niyad-jibin. Deganaanta wejigaaga ayaa ah hubkaaga ugu weyn. 6. Sirta Aamusnaanta iyo Xakameynta (The Eloquence of Silence) Dadka baahan badanaa waxay hadlaan wax aad u badan iyagoo isku attempt-gareynaya inay is sharraxaan ama ay dadka ku qanciyaan in ay wax yaqaanaan. Aamusnaanta iyo hadalka kooban waxay abuuraan jawi sharaf iyo haybad leh. Markaad hadal yar tahay, dadka kale waxay bilaabayaan inay dhuuxaan eray kasta oo afkaaga ka soo baxa. 7. Noqo Qof Leh Yool Loo Socdo (Be Driven by a Mission) Habka ugu rasmiga ah ee aad uga bixi karto inaad u muuqato qof baahan waa inaad leedahay yool (mission) aad u weyn oo aad nolosha ka leedahay oo habeen iyo dhawrba kugu kiciya. Markaad mashquul ku tahay dhisidda mashaariicdaada iyo barashada xirfadahaaga cusub, maskaxdaadu heli mayso waqti ay ku walwasho fekerka dadka kale. Baahidu waxay dhalataa marka aad firaaqo tahay, laakiin marka aad yool leedahay, dadka kale ayaa adiga kuu baahanaya.

Waxa aad tahay waxa aad aaminsantahay: 1- Ha odhan ‘ Haa’ haddii aanad ku qanacsanayn oo raalli ku ahayn. 2- Adigu waxa aad tahay celcelis dadka aad waqti la qaadatid ee inta badan ag joogtid. 3- Caafimaadkaaga maalgeli: Cunto dheellitiran cun, hurdo wanaagsan seexo, jimicso, jidhkaaga ilaali, timaha iska jar- saamayntaas waxa aad dareemi doontaa marka aad da’ noqotid. 4- Ku hammi in aad noqotid qofka ugu fiican 1% hal shay, ama noqo qof waxyaabo badan ku fiican 10%. 5- Baro sidii aad si wanaagsan ugu dhisi lahayd fekradahaaga- haddaa xirfaddan baratid dadka waad saamayni. 6- Samayso keyd dhaqaale oo aad isku hallayn kartid si aad fursad ugu heshid in aad khatar u badheedhi kartid 30 jirkaaga iyo 40 jirkaaga. 7- Ha isku dayin in aad dadka oo dhan wada farxad gelisid, hana ka werwerin waxa dadka kale kaa aaminsanyihiin. 8-Waxa aad sidoo kale la mid noqotaa celceliska warbaahinta iyo xogaha aad waqtiga ugu badan ku bixisid daawashadooda ama dhageysigooda. 9- Naxariistu waa lacagla’aan. 10- Ha ku mashquulin la kulanka lataliye markasta haddii ayna wax faa’iido ah kuu lahayn. Taa baddelkeeda wax baro adigoo qabanaya shaqooyin xiiso leh. 11- Raac jidkaaga iyo qorshahaaga kuu gaarka ah, iskana dhaaf 99% talooyinka laguu sheegayo, xitaa tan hadda laguu sheegayo. Wax badan ayaad hore u taqaannay oo ogayd. W/Q: The Dark Mentor 0.2 Turjumid: Cabdirisaaq Sandheere

Waayo badan kadib waxaad ogaanaysaa inaysan jirin cid ku daawanaysay oo kuu fiirsanaysay, aadna samayn kartay wax walboo aad rabtay. Paulo coelho.

Isku dheeli tirka kasha iyo laabata.! Kal iyo laab waa laba kalmadood oo badanaa la isku sidko tilmaamayana muhiimada ay jiri
+1
Isku dheeli tirka kasha iyo laabata.! Kal iyo laab waa laba kalmadood oo badanaa la isku sidko tilmaamayana muhiimada ay jiritaanka biliaadanka u leeyihiin laabta waxa ku jira uurku jirta , beerka iyo qalbiga oo ah halka dareemada jacaylka nacaybka iyo qiiradu iyo dareemada kaleba ay ka yimaadaan , kasha oo ay ku jiraan xangulaha , maskaxda waliba qaybta u sareysa waa barta garata xogta ay gudbinayaan dareen wadayaashu.! Fahanka aan soo dhoweeyee marka aad aragto qof wax khaldaya isku dheelitirka labadan ayaa ka dhiman marka aad wax sameyneyso u eeg oo sii mari maskaxdaada dareenkaaga oo kaliya ha dhageysenin ! sidoo kale maskaxdada oo kaliyana ha maqlin ee dareemadaadana adeegso.!inaga waxa inagu badan dadka dareemadooda oo kaliya raaca maalinkasta waxaan aragnaa qof qabiil dartii ama arimo aan wax faa'iido ah u keeneyn sameenaya waayo dareenkiisa ayuu raacaya qiirada oo kaa badata ama dareemadaada ood kaantarooli kari weydo hoog iyo halaag ayay kuu horseedayaan !❤️ #Maymun