cookie

Sizning foydalanuvchi tajribangizni yaxshilash uchun cookie-lardan foydalanamiz. Barchasini qabul qilingยป, bosing, cookie-lardan foydalanilishiga rozilik bildirishingiz talab qilinadi.

avatar

๐Ÿ“šBOOK ฤฐLA AKHRฤฐ ๐Ÿ“š

Book Ila Akhri waa madal aan ugu talagalay inaan ku booriyo akhris wadareedka, waa madal u abaabulan is-jecleysiinta wax-akhriska, oo aan ku shiilno afkaaraha aqoonta iyo xogta, maadaama aan nool nahay Casriga warbixinta ( Information age).

Ko'proq ko'rsatish
Reklama postlari
1 344
Obunachilar
+2724 soatlar
+1937 kunlar
+33730 kunlar

Ma'lumot yuklanmoqda...

Obunachilar o'sish tezligi

Ma'lumot yuklanmoqda...

Photo unavailableShow in Telegram
BAARITAAN ISKU SAMEE! MA OGTAHAY haddii aad badeeco iib gaynaysid waa in aad si fiican u taqaanid badeecadaada oo aad ka warcelin kartid waxii waydiimo ah. Sidaas oo kale waa in aad taqaanid naftaada. TALO tan ugu wanaagsani waa midda oranaysa "Naftaada si fiican u baro". Waa in aad taqaanid waxyaalaha aad ku wanaagsan tahay iyo waxyaalaha aad ku liidatid si aad ugu kabatid ama isaga tirtirtid. #BookIlaAkhri ๐Ÿ“š Xorriyad ayaad dareemi doontaa, markaad barato akhriska! ๐Ÿ“š
Hammasini ko'rsatish...
๐Ÿ‘ 2
Photo unavailableShow in Telegram
MA OGTAHAY dadka kuwa ugu aqoonta badan in ay yihiin kuwa ayagu wax isbara. Aqoonyahan in la noqdo waa ay ka wayn tahay in school la dhammeeyo. Aqoonyahanka dhabta ahi waa kan aqoontaย  u leh sida uu ku heli karayo waxa uu doonayo noloshiisa asaga oo aan cidna dhaawicin. Waxbarashadu ma aha barashada wax badan balse waa adeegsiga waxa aad baratay. Dadka waxa lagu mushaar siiyo ma aha aqoontooda ee waa waxa ay ku qabtaan aqoontooda. #BookIlaAkhri ๐Ÿ“š Xorriyad ayaad dareemi doontaa, markaad barato akhriska! ๐Ÿ“š
Hammasini ko'rsatish...
๐Ÿ‘ 6๐Ÿ”ฅ 1๐Ÿ’ฏ 1
Photo unavailableShow in Telegram
Dhammaan bahda akhristayaasha iyo guud ahaan ummadda muslimka ah, waxaan leeyahay iid wanaagsan. Rabbi muraadka muslimiinta, kiisa Rabbi raalida ka yahay, ha u wada rumeeyo. Ummadda Soomaaliyeed, kuwooda la il-daran colaadaha Rabbi ha ka dulqaado, kuwii abaari hayso ha siiyo roob, kuwii cudurro hayaan ha ka bogsiiyo, kuwii dawlad xumaani hayso ha siiyo mid wanaagsan. Rabbi iiddan, iideeda ha innagu gaadhsiiyo, nabad, caafimaad, barwaaqo iyo camal wacan. Eebboow waa habeen khayr badan ee hawlaha adduun ee is daba yaalla noo hagaaji, kuwa aakhiro ee lama huraanka ahna nooga dhig qaar aad raali ka tahay. Rabbi, is naca, qabyaaladda, ceebaha iyo nidaam la'aanta ha ka dulqaado Soomaalida oo idil. Aamiin. IID WANAAGSAN MARKALE. ๐Ÿ“š Xorriyad ayaad dareemi doontaa, markaad barato akhriska! ๐Ÿ“š
Hammasini ko'rsatish...
๐Ÿ‘ 8โค 1
Repost fromย Somali Books ๐Ÿ“š
ุฃุฏุนูŠุฉ ูŠูˆู… ุนุฑูุฉ Ducada maanta waa aqbal ku dadaala , gaar ahaan saacadaha danbe ee galabta i.a ... Magaca Buuga : Ducooyinka maalinka Carafo Bogga : 5 Bogg Kanaalka : @Somalibooks @Albaanichannel252
Hammasini ko'rsatish...
ุงุฏุนูŠุฉ ูŠูˆู… ุนุฑูุฉ -2.pdf1.87 MB
Photo unavailableShow in Telegram
Si qurux badan ayuu caawa inoogu soo dhammaaday gorfaynta buugga WAX AKHRISKU WAA HAB-NOLOLEED, Waxaan u mahadcelinaynaa walaalaha ka qeyb qaatay doodda wiilal iyo hablaba. Buugga Xigga waaย  WABAR (THE PRINCE). waxaana la gorfayn doonnaa 01/July /2024 insha'allah. Fadlan akhri maalintiiba 11 bog oo kaliya. ๐Ÿ“š Xorriyad ayaad dareemi doontaa, markaad barato akhriska! ๐Ÿ“š
Hammasini ko'rsatish...
โค 3
Photo unavailableShow in Telegram
Fadlan kasoo qeyb gal kulanka caawa..!   Buuggaan ( Wax Akhrisku Waa Hab Nololeed), waxuu xambaarsan yahay mabaadii culus oo na baraya sidaan u dhisi lahayn caado wax akhris, dardaaran iyo tilmaamo wanaagsan oo ku saabsan buugaagta aan akhrin lahayn. Fadlan haddaad dhameysay akhriska dhiganahan, soo qor waan dhammeeyay... waxaaan si gaar ah kuugu casuumi doonnaa xubnaha gorfayn doonna buuggan. Mahadsanid. Goorfaynta dhiganahan Caawa waxaa lagu qaban doonaa Channelkan weyn ee @SomaliBooks insha'allah. Gorfaynta Dhiganihii 1-aad ee bisha June. Buuga: Wax Akhrisku Waa Hab Nololeed. ๐ŸŽ™Soo jeedintii: ...Hooda Nuur ๐Ÿ—“Taariikhda: 14/June/2024 โฐLive : 21:30 P.M--fiidnimo. ( waqtiga Geeska Afrika. Insha'allah. ๐Ÿ“š Xorriyad ayaad dareemi doontaa, markaad barato akhriska!
Hammasini ko'rsatish...
โค 1
Akhriska iyo Adduunka ganacsiga Ma rumeysaneysaa in 85% milyaneerada iyo bilyaneerrada Adduunka ay yihiin jiilkii kowaad (first-generation) ,halka15% kaliya ay yihiin kuwa hantidaas ku helay hab dhaxal ah (inheritance way). Haddaba waxaa maalqabeenadaas lawaydiiyay sideed ku gaarteen guulo dhaqaale oo intaas leโ€™eg waliba mudo yar gudaheed? waxayna jawaabtu noqotay in ay akhriyaan buugaagta. Su'aashu waxaa weeye imisa buug ayay akhriyaan? Qiyaastii 50 buug ayay sanadkii akhriyaan, Tasoo macnaheedu yahay in todobaadkiiba ay akhriyaan 1 buug. Sidoo kale Waxa la waydiiyay buugaag noocee ah ayaad akhrisaan? Waxayna yiraahdeen "waxaan akhrinaa buugagta naf dhiska ah (self-help books). Waa maxay sababta ayaa la weydiiyay. Waxeyna ku jawaabeen. "waxay buugaagtaas kuu qaabaynayaan inaad noqoto qof ka horumarsan qofkii uu shalay ahaa ,sidoo kale waxaad ka heli kartaa hal fikrad oo wanaagsan oo qiimaheedu yahay hal milyan oo dollar ama fikrad qiimo wayn kuu soo saari karaysa markii la maalgaliyo.ย  Su'aashuse waxay tahay, imisa fikradood ayaan u baahanahay, si aan nolosha ugu guulaysano. Dabcan waa inaan fikrado ama hal fikrad oo dahabi ah helno taasoo fursad fiican ina siin karaysa.ย  Soo Taasi ku tusinmeyso inuu jiro xiriir Qoto dheer oo ka dhaxeeya barashada iyo kasbashada maaliyadeed. dabcan haa oo waa tii oraahdii Elon musk ahayd "Learn more, Earn more" Wax badan baro, wax badan kasbo. Xiriirka akhriska iyo horumarka ka dhaxeeya ee dhanka hal-abuurka ganacsi waxaa tusaale qadiimi ah iyo mid casri ahba u ah oo dhiiragalin inoogu filan madax weynta ganacsiyada guuleystay ee Warren Buffett iyo Elon musk . Tusaale ninka lagu naaneyso aabbaha samafalka casriga ah( father of modern philanthropy) waa Buffet' e wuxuu ka hor da'diisii labaatanka ama inta uusan ganacsiga guulo waa wayn ka gaarin uu akhriyay 50kii buug ee ugu fiicnaa majaalka ganacsiga , halka elon musk uu fikradaha shirkadihiisii guulaystay kasoo helay bad weynta akhriska. Ugu dambeyn: Wax badan akhri si aad wax badan u kasbato oo fahanka adduun aragaagu uu u balaarato, waa tii uu garyaqaankii jaynaska ahaa lahaa "reading increases the level of personal understanding". akhrisku waxa uu siyaadiyaa heerka fahamka qofka. #IlaAkhriBook #MaktabadBooks ๐Ÿ“š Xorriyad ayaad dareemi doontaa, markaad barato akhriska! ๐Ÿ“š
Hammasini ko'rsatish...
๐Ÿฅฐ 3
Photo unavailableShow in Telegram
Si qurux badan ayuu Xalay noogu dhammaaday gorfaynta buugga FANKA LA DHAQANKA DADKA, Waxaan u mahadcelinaynaa walaalaha ka qeyb qaatay doodda wiilal iyo hablaba. Buugga Xigga waa WAX AKHRISKU WAA HAB NOLOLEED waxaana la gorfayn doonaa 13/June /2024 insha'allah. Fadlan akhri maalintiiba 8 bog oo kaliya. ๐Ÿ“š Xorriyad ayaad dareemi doontaa, markaad barato akhriska! ๐Ÿ“š
Hammasini ko'rsatish...
๐Ÿ‘ 2
Photo unavailableShow in Telegram
Mahad Eebe weeye inaan dhammeeyo Buugga Fanka la dhaqanka dadka ( How to win Friends and influence people).   Buuggaan waxuu xambaarsan yahay mabaadii culus oo na baraya sidaan xiriir wanaagsan ula yeellan lahayn xubnaha bulshada aan la nool nahay. Waxaan kaliya dhihi karaa haddaad doonayso inaad ka dhigtid xiriirka aad la leedahay dadka kale mid wanaagsan oo ku fadhiya saaxibtinimo,  is afgarad, iskaashi, waa inaad akhrisaa buuggaan qiimaha badan. Fadlan haddaad dhameysay akhriska dhiganahan, soo qor waan dhammeeyay... waxaaan si gaar ah kuugu casuumi doonnaa xubnaha gorfayn doonna buuggan. Mahadsanid. Goorfaynta dhiganahan waxaa lagu qaban doonaa Channelka weyn ee @SomaliBooks insha'allah. Gorfaynta Dhiganihii 2-aad  ee bisha May. Buuga: Fanka La dhaqanka dadka. ๐ŸŽ™Soo jeedintii: ...Xubnaha naadiga. ๐Ÿ—“Taariikhda: 5/June/2024 โฐ ๐Ÿ“Live : 8:00 P.M--fiidnimo. ( waqtiga Geeska Afrika. ๐Ÿ“š Xorriyad ayaad dareemi doontaa, markaad barato akhriska!๐Ÿ“š                  
Hammasini ko'rsatish...
Boshqa reja tanlang

Joriy rejangiz faqat 5 ta kanal uchun analitika imkoniyatini beradi. Ko'proq olish uchun, iltimos, boshqa reja tanlang.