cookie

Sizning foydalanuvchi tajribangizni yaxshilash uchun cookie-lardan foydalanamiz. Barchasini qabul qiling», bosing, cookie-lardan foydalanilishiga rozilik bildirishingiz talab qilinadi.

avatar

📚Mucjisooyinka Quraanka🌹

📚Ma ogtahay in kanaalkan yahay kanaalka kaliya ee ka hadla mawduuca faca wayn oo ah mucjisooyinka ku dhex jiro Quraanka kariimka ah. 🌍Hadda Kuso biir kanaalkan hadii aad rabtid inaad 🥼khabiir (Aqoonyahan) ka noqotid dhanka diinta iyo maadigaba🤳🙏.

Ko'proq ko'rsatish
Reklama postlari
7 008
Obunachilar
-124 soatlar
-77 kunlar
-2830 kunlar

Ma'lumot yuklanmoqda...

Obunachilar o'sish tezligi

Ma'lumot yuklanmoqda...

50 talooyin caafimaad ah.pdf8.00 KB
👍 9 6
Photo unavailableShow in Telegram
-♥️Eid♥️Mubarak♥️ ❤Eid♥️Mubarak♥️ ❤Eid♥️Mubarak♥️ ❤Eid♥️Mubarak♥️ 💚Eid💚Mubarak💚 💚Eid💚Mubarak💚 💚Eid💚Mubarak💚 -💚Eid💚Mubarak💚 --💚Eid💚Mubarak💚 ---💚Eid💚Mubarak💚 ----💚Eid💚Mubarak💚 -----💚Eid💚Mubarak💚 -----💚Eid💚Mubarak💚 -----💚Eid💚Mubarak💚 ----💚Eid💚Mubarak💚 ---💚Eid💚Mubarak💚 --💚Eid💚Mubarak💚 -💚Eid💚Mubarak💚 💚Eid💚Mubarak💚 💚Eid💚Mubarak💚 💚Eid💚Mubarak💚 👉@mucjisoyinka_Quraanka
Hammasini ko'rsatish...
👍 3 2
Ma ogtahay! Khudbadii U Dambaysay ee Nabi Muxamed (NNKH)Ka jeediyay Carafa..Khudbadiiuu Rasuulku Maalintaas jeediyay waxay ahayd, fariin muhiim ah oo ay waajib tahay in qof walba oo muslim ah oo ugu yaraan hal mar akhriyo kalmadihii Rasuulku maalintaas sheegay. Waxaan idiin soo turjumay Khudabadii Rasuulka (NNKH) Akhri ilaa dhammaadka deedna la wadaag asxaabtaada.—” Dadyohow i dhagaysta, ma garanayo in sanadkaan kadib aanmar dambe halkaan soo istaagi doono. Sidaa daraadeed si fiican u dhagaysta warka aan idiin sheegayo, una sii gudbiya kuwa aysan u suurto galin inay halkaan nala joogaan. Meeshaan barakaysan, maalintaan barakaysan iyo bishaan barakaysan darteed, xasuusnaada inaad dhabtii Rabbigiina lakulmi doontaan, acmaashiinana laydinka xisaabin doono, hadaba digtoonaada. Dadyohow dhiiggiina iyo maalkiinu, waa idinka xaaraansanyahay. Midkii idinka mid ah ee ammaano haya, ha u celiyo qofkii iskalhaa. Ribbo ( Dulsaar) dhammaanteed waa mamnuuc, ha yeeshee faaidadiin idinkaa iskaleh. Qofna ha dulmiyin adigna laguma dulmin doonee. Ha iska aargoosanina, Dhiiggii aad iska daadiseen waqtigii jaahilyadda.Dadyohow iska ilaaliya shaydaanka, wuxuu isku dayi doonaa in uu idinku khaldo waxyaalo yar yar, uga digtoonaada shaydaanka diintiina darteed. Raggoow ogaada in dumarkiinu xaq idinku leeeyihiin, idinkuna aad iyaga xaq ku leedihiin. Xasuunow in aad ku guursatay, Ogolaanshaha ilaahay iyo rumaysnaantiisa. Haweenkiinu waxay xaq idiinku leeyihiin, inaad si naxariisleh u quudisaan uguna labistaan. Ula dhaqan marwadaada si wanaagsan oo naxariis leh, sababtoo ah waa lammaanaagii nolosha iyo mid mar walba ku caawin doonta.Dadyohoow si wanaagsan ii dhagaysta. Caabud Allah (SWT) oo kaliya, si joogta ah u tuko shantaada salaaddood, Soon bisha barakaysan ee soonqaad,ka bixi hantidaadda sakko, soo gudo waajibaadka xajka hadiiaad awoodid.BiniAadamka oo dhammi waxay ka yimaadeenAdam iyo Xaawo, Carabtu kama sarayso kuwa aan carabta ahayn, kuwan aan carabta ahayna kama sareeyaan carabta. Dadka Caddaanka ahi kama sareeyaan kuwa Madoow, Dadka madoowga ahina kama sareeyaan kuwa cad. kaliya waxaa lagu kala sareeyaa waa camaladiina. Ogaada Muslimiinta oo dhammi waa walaalo, IslaamniMaduna waxay ku dhisantahay walaaltinimo.Dadyohoow Ogaada ma jiro Rasuul ama Nabi aniga gadaashayda imaan doona, sidaadaraadeed si fiican U dhuuxa warkayga, waxaan idiinka tagaylaba waxyaalood oo kala ah, Quraanka iyo Sunnadayda. haddii aad labbadas ku dheganaataan waligiin lumi maysaan. Intiina i dhegaysanaysaaywarkayga usii gudbiya inta aan nala joogin, waxaa laga yaabaa kuwa warkaygu gaaro inay ka fahmi ogyihiin kuwa toos u dhagaysanaya.Intaas kadib Rasuulka ( NNKH ) wuxuu khudbadiisii raaciyay Aayaad Quraan ah oo markas toos ugu soodegay oo ay kamid ahaayeen (Maantaan idiin kaamilay Diintiinna, waxaana idiin taamyeelay korkiina nimcadayda, waxaana idiinka raali noqday islaamka diin ahaan)Ugu dambayna gabagabadii khudbadiisa ayuu Rasuulkeenii Suubannaa (NNKH) isagoo Codka kor u qaaday, wuxuu yiri ”iLaahayoow Markhaati ka ahoow inaan fariintaadii u gudbiyay Dadakaaga”—– DHAMAATEEN AAN IS CAFINO. RUUX KASTAA WALAALII HA SAAMAXO.. Wq/ Aisha Ahmed Hassan
Hammasini ko'rsatish...
6
Photo unavailableShow in Telegram
*💫 Yaa rabbi naga ajiib ducoyinkeena sirta ah oo caafi kuweena jiran una naxariiso kuweena dhintay ✨ *Ilaahow wadanka no hagaaji🥺🤲🏽 oo qalbiyadeena Diinta ku adkey🤲🏽 Ilaahow Muslimiinta dhibka ka qaad🥺🤲🏽 oo Dowlad islaami ah nasii🤲🏽 Ilaahow Muslimiinta danbigooda dhaaf🥺🤲🏽 oo Qalbiyadooda isku fur🤲🏽 Allahuma --aameen 🏵️🌸
Hammasini ko'rsatish...
Afkaagu maanta yaanu ku ciilin Alle aad u bari,oo u ducee Naftaada, Ehelkaaga,Deriskaaga, Dalkaaga, iyo umadda Muslimka ahba,ogowna mar walba oo aad ducada balaadhisid waa marka aad u dhawdahay in lagaa aqbalo. Eebbe aad haloo baryo oo wax walba oo aad jeceshahay oo khayr aduun iyo mid aakhiro ahba waydiiso ducadana haka daalin.
Hammasini ko'rsatish...
3👍 1
Photo unavailableShow in Telegram
Caafimaadku waa shay qaali ah, waxa uuna ka mid yahay nimcooyinka aad u wayn oo ilaahay SW ina siiyey. Waxaana dareemi kara nimcadaas wayninkeeda qofka aan haysan oo xanuunsan. Waxaa inala gudboon in aan mar waliba ilaahay uga mahadnaqno nimcadaas. Sidoo kale waxaa inala gudboon in aan ku dadaalno sidii aan u ilaalin lahayn caafimaadkeena. Kani waa buug kaa caawinaya sidii aad u ilaalin lahayd caafimaadkaaga misna kaaga digaya waxayaabaha dhaawici kara caafimaadkaaga. waxa uuna ku siinayaa Talooyin qiimo badan oo aad ku ilaalin karto caafimaadkaaga, waxaana qoray caalimkii waynaa ee ibnu qayyim. Waxa aan jeclaystay in aan ku turjumo afkeena hooyo, waana turjumay ilaahay fadligiis. Inshallah dhawaan ayaan halkaan idin kula wadaagi doonaa isaga oo pdf ah.
Hammasini ko'rsatish...
24👍 6🥰 1👏 1😱 1
00:59
Video unavailableShow in Telegram
💎Tafsiirka suurada Al_Masad 🎤Sh maxamed cabdi umal
Hammasini ko'rsatish...
4.13 MB
11👍 2🥰 1😁 1
00:52
Video unavailableShow in Telegram
3.64 MB
14👍 6👏 3🥰 2😁 1
00:54
Video unavailableShow in Telegram
💎Tafsiirka suurada Al_Falaq 🎤Sh maxamed cabdi umal
Hammasini ko'rsatish...
3.81 MB
16🥰 2👍 1😁 1
00:54
Video unavailableShow in Telegram
💎Tafsiirka suurada al_Naas 🎤Sh maxamed cabdi umalu
Hammasini ko'rsatish...
3.76 MB
12👍 2🥰 2
Boshqa reja tanlang

Joriy rejangiz faqat 5 ta kanal uchun analitika imkoniyatini beradi. Ko'proq olish uchun, iltimos, boshqa reja tanlang.