cookie

Sizning foydalanuvchi tajribangizni yaxshilash uchun cookie-lardan foydalanamiz. Barchasini qabul qiling», bosing, cookie-lardan foydalanilishiga rozilik bildirishingiz talab qilinadi.

avatar

Han Maal

Hoyga Kobcinta maskaxda waxaad ka helaysaa qormooyin iyo qisooyin iyo xilmado ku cajab galiya

Ko'proq ko'rsatish
Reklama postlari
3 726
Obunachilar
-224 soatlar
+97 kunlar
+12130 kunlar

Ma'lumot yuklanmoqda...

Obunachilar o'sish tezligi

Ma'lumot yuklanmoqda...

Repost from Iman Jama
🚨🚨 Saacado ka hor, Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa ku qaabbilay Aqalka Cad Madaxweynaha Kenya , William Ruto oo booqasho rasmi ah ku tagay Mareykanka, taaso soo afjartay 16 sanno oo Madaxweyne Afrikan ah uusan ku tagin Aqalka Cad booqasho rasmi ah. Horey, Aqalka Cad ayaa u sheegay ujeeddada Ruto, loogu fidiyay martiqaadka booqashada rasmi ah in diiradda lagu saarayo saddex qodob; in lasoo afjatro muddo 16 sanno ah oo hoggaamiye Afrikaan ah aan si rasmi ah loogu casuumin Aqalka Cad, mabaadii’da dimoqraadiyadda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay, iyo tan ugu muhiimsan oo ah go’aankii dhowaan Kenya ku gaartay inay kun askari u dirto dalka Haiti.
Hammasini ko'rsatish...
👍 1
Repost from Iman Jama
00:47
Video unavailableShow in Telegram
Madaxweyne ku xigeenka iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Turkiga ayaa iyagana ka qeybgalay munaasabadda duca ee madaxweynihii geeriyooday ee Iran
Hammasini ko'rsatish...
Repost from Iman Jama
01:23
Video unavailableShow in Telegram
Ra’iisul wasaare ku xigeenka Afgaanistaan ee dawladda ay hoggaamiyaan Taalibaan ayaa ka qaybgalay munaasabadda duca ee Madaxweynaha geeriyooday ee Raisi
Hammasini ko'rsatish...
Repost from Iman Jama
00:45
Video unavailableShow in Telegram
Wasiirka Arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa ka qaybgalay munaasabadda ducada ee Madaxweynaha geeriyooday ee Iran.
Hammasini ko'rsatish...
Repost from Iman Jama
Fiiro gaar ah; Heshiiska ay CNN ku sheegtay inay fashilisay Masar, kaddib isbeddel ay ku sameysay soo jeedinta ay ansixisay, wuxuu ahaa heshiiskii u horreyay oo ay aqbashay Xamaas, tan iyo xabbadjoojintii hore ee labada toddobaad, dhinaca Israa’iil ayaa heshiiska diidday , iyadoo Masar ku eedeynaysa inay u xag-lisay Xamaas oo soo jeedintu tahay mid xambaarsan doonista Xamaas, dhab ahaantiina cidda heshiiska fashilisay waxay ahayd Israa’iil oo si cad u diidday soo jeedinta u gogol-xaaraysay soo afjarista si dhammeystiran dagaalka.
Hammasini ko'rsatish...
Repost from Iman Jama
Photo unavailableShow in Telegram
🚨🚨🚨 Wargeyska Israa’iil ee Yedioth Ahronoth; “ Israa'iil waxay ka fikiraysaa inay xirto safaaradeeda Ireland, sababtoo ah waxay aqoonsan tahay dawladda Falastiin.” Fiiro gaar ah; Ireland, waxay ka mid tahay dalalka Yurub ee hadda doonaya dalalka Midowga Yurub inay aqoonsadaan dawladda Falastiin, waxayna ka mid ahayd saddex dal oo Yurub ah, Norway iyo Spain oo shalay si rasmi ah ugu dhawaaqay aqoonsiga Falastiin, tan oo ay ku sheegeen inay tahay xalka kaliya ee lagu soo afjari karo colaadda, Israa’iilna ay nabadgelyo ku helayso, laakin ma ay doonayso Tel Aviv in la aqoonsado Falastiin. Xaaladan waxay ku soo aadaysa, xilli markii u horreysay Aqalka Cad ee Mareykanka uu saacado ka hor si cad u qiray inay Israa’iil la kulmayso cadaadis caalami ah hoosna uu u dhacay taageerrada iyo sumcada ay caalamka ku lahayd.
Hammasini ko'rsatish...
Repost from Iman Jama
Photo unavailableShow in Telegram
🚨🚨🚨 Telefishinka Israa’iil ee Channel 12 oo xiganaya sarkaal ka tirsan maamulka Israa’iil, wuxuu ku warramay; “Waa inaan ka fikirnaa joojinta dagaalka Qasa xilli dhow ama mustaqbalka… Waxa laga filayaa in Wasiirrada Golaha Dagaalku ay si wada jir ah u taageeraan wada-xaajoodka Xamaas oo ku salaysan soo jeedinta cusub.” Fiiro gaar ah; Netanyahu, ayaa la xaqiijiyay inuu koox cusub u dirayo si dib loogu billaabo wadahadallada xabbadjoojinta iyo sii deynta maxaabiista.
Hammasini ko'rsatish...
Repost from Iman Jama
00:36
Video unavailableShow in Telegram
Madaxa siyaasadda Xamaas oo isagana ka qaybgalay munaasabadda ducada ee Madaxweynaha dhowaan geeriyooday ee Iran.
Hammasini ko'rsatish...
Repost from Iman Jama
Photo unavailableShow in Telegram
🚨🚨 CNN ayaa soo bandhigtay warbixin ay ku sheegtay inay Masar fashilisay heshiiskii u dambeeyay ee Xamaas iyo Israa’iil, si loo sii daayo maxaabiista , xabbadana loo joojiyo. Warbixinta oo xiganaysa ilo aan la magacaabin ayaa ku eedeysay taliye ku-xigeenka sirdoonka Masar, Abdel Khaleq inuu ahaa qofka beddelay heshiiska oo Xamaas qodobbo u sheegay , dhinaca Israa’iilna qodobbo kale u sheegay, jahwareerka taa ka dhashana wuxuu fashil u horseeday heshiiska oo si kumeel-gaar ah dagaalka u joojin lahaa, sida ay CNN sheegtay. Laakin, Masar ayaa si dhaqso ah uga jawaabtay warbixinta oo ay sheegeen mid aan sal iyo raad toona lahayn, iyadoo Qaahira ay intaa ku dartay; “Masar waxa laga yaabaa in lagu qasbo inay ka baxdo doorka dhexdhexaadinta ee wadahadalka xabbad joojinta ee Qasa haddii ololaha aflagaadada reer galbeedku sii socdo.”
Hammasini ko'rsatish...
Repost from Iman Jama
00:53
Video unavailableShow in Telegram
Ruushka, wuxuu soo muujiyay mar kale dhaqdhaqaaqiisii Febraayo 2022 , markii duulaankii ugu sarreeyay uu ku qaaday Ukraine, kaddib markii mar kale dib loo arkay tareenka militariga Ruushka oo daabulaya gaadiidka dagaalka, kuwa saadka iyo hub , xilli uu ka gudbayay magaalada Yefremov ee gobolka Tula oo ku sii jeeda Koonfur-bari ee xadduudka gobolka Sumy ee waqooyi-bari Ukraine. Dhaqdhaqaaqa Ruushka , wuxuu soo muujiyay xilli sirdoonka reer galbeedka ay sheegeen inuu Ruushka qorsheynayo duulaan ballaaran inuu ku qaado mar kale Ukraine inta lagu jiro bartamaha illaa dabayaaqada sannadkan, suurtagalnimada tana waxaa muujiyay qalabka militari ee tareenka uu sido oo la jaanqaadaya weerarro dhulka oo baaxad leh inay ciidanka Ruushka fuliyaan, sida dhowaan lagu arkay markii ciidanka Ruushka ay jabiyeen jiidaha dagaalka ee ciidanka Ukraine ay ku lahaayeen gobolka dhaca waqooyi-bari.
Hammasini ko'rsatish...