cookie

Sizning foydalanuvchi tajribangizni yaxshilash uchun cookie-lardan foydalanamiz. Barchasini qabul qilingยป, bosing, cookie-lardan foydalanilishiga rozilik bildirishingiz talab qilinadi.

avatar

Hormarinta Naftaada

Kanaalka Hormarinta Naftaada waa kanaal aad ka heli karto Qoraalo maalinle ah xikmadaha , dhiiragalinta iyo qisooyiin. Halkan jon dheh๐Ÿ‘‡ @HormarintaNaftaada Facebook-page https://www.facebook.com/Hormarintanaftaada

Ko'proq ko'rsatish
Reklama postlari
531
Obunachilar
Ma'lumot yo'q24 soatlar
Ma'lumot yo'q7 kunlar
-330 kunlar

Ma'lumot yuklanmoqda...

Obunachilar o'sish tezligi

Ma'lumot yuklanmoqda...

"Noqo qof cajiiba! Noqo qof wanagsan, noqo qof caqli badan. Balse waxa ugu muhimsan ee ay tahay inad noqota waa.... Noqo nafsadada oo ha matalin shaqsi aadan ahayn. Taasi waxay dhawici dontaa jiritankaga.!"โ˜
Hammasini ko'rsatish...
๐Ÿ‘ 4
Photo unavailableShow in Telegram
"Sawirkan waxa uu inoo muujinayaa qiimaha akhrisku leeyahay, waa sawir dadka reer Jabaan ay ku barayaan carruurtooda in miisaanka saxda ah ee qofku leeyahay aanu aheyn inta kiilogaraam (KG) ee culeyska jidhkiisa, balse uu yahay inta buug ee uu akhriyayโ€ฆโ€ฆ.Bal eeg ilmahaas yar ee buuggaagtaas waa weyn akhriyay ayaa ka miisaan baddan (ka nafci baddan) ninkan weyn ee buuran balse buuggaa yar uun akhriyay.!"๐Ÿซต
Hammasini ko'rsatish...
โค 2
"Haddii wanaagga iyo khayrka ku jira naftaada iyo shaqadaadu uu bato, aduunka waxa aad ku arkaysaa khayr iyo wanaag le'eg inta naftaadaa ku jirta, haddii se ay badato xumaanta iyo xinka ku jira naftaada iyo shaqadaadu, aduunka oo dhammi waxa uu kuu noqonayaa xumaan iyo xin. Inta uu le'eg yahay wanaagga iyo khayrka ku jira naftaada in le'eg ayaad aduunka ka helaysaa wanaag iyo khayr. Inta ay le'eg tahay xumaanta iyo ximinta ku jirta naftaada iyo shaqadaada in le'eg ayaad aduunkana ku arkaysaa xumaan iyo ximin." ๐Ÿ™ Buugga: Jiraalkay 1 Bogga: 126
Hammasini ko'rsatish...
"Dadku weligood wax wanaagsan kugu maamuusi maayaan haddii ay is beddel nololeed kaa arkaan. Tusaale haddii aad ganacsi furato waxay ku odhanayaan heerkooda ama adeerradii ayaa lacag leh oo u furay. Haddii Grades fiican aad keento waxay ku odhanayaan qish ayuu sameeyay ama macallimiinta ayuu lacag siiyay. Haddii jimicsiga aad wakhti gelisid oo aad physique qurux badan yeelatid waxay ku odhanayaan Steroids ayuu qaatay. Ma jirto cid waxa aad qabatay fal-celin wanaagsan (Positive thoughts) ka dhiibanaysa ee cidna weligaa yey maskax ahaan hadalkoodu kuu saamaynin. Just move on.!" โ€“ younis Abdullaahi Kabuul
Hammasini ko'rsatish...
"Nolashaada go'aankeeda adigaa iska le, ama maalin kasta oo dhalataaba cudur daar iyo marmarsiyo joogta ah wad ama go'aan dhaba qaado oo isbadal samay.!"๐Ÿ“ˆ๐Ÿ“‰๐Ÿค”โ˜
Hammasini ko'rsatish...
Photo unavailableShow in Telegram
"Aadamuhu uma baahna waddooyin nadiifa, si ay u noqdaan Muxtarimiin( ixtiraam leh), laakin waddooyinku waxay u baahan yihiin dad ixitiraam leh si waddooyinku u noqdaan kuwo nadiifa ah .!" Oraah cajiip ๐Ÿ™
Hammasini ko'rsatish...
โค 1
"Qofka horay u soo shaqeeyey, ee leh shakhsiyad la jaanqaadi karta cayn kasta oo dadka ah ayaa dhabtii laga doorbidin qof aqoontii oo kali ah lehโ€™โ€™. โ€˜โ€™Qofka joojiya waxbarashada oo rumaysta in uusan aqoon kale u baahan doonin dugsiga/jaamacadda kadib, dhabtii qofkaasi koboc badan noloshiisu ma samayso. Waddada guushu waa haynta waddada waxbarashadaโ€™โ€™.๐Ÿ’ฏ๐Ÿ™ Buuga: Think and grow richโœ
Hammasini ko'rsatish...
๐Ÿ‘ 2
00:17
Video unavailableShow in Telegram
"Qofku wax laโ€™aan ayuu yimaadaa, dabadeed wax walba ku dadaala, wax walbana wuu ka tagaa oo waxba ma raacin, wax kastana waa lagula xisaabtamaa.!"๐Ÿ™ Noloshi oo goban Maa Shaa Allah, May Allah make us amongst the successful ones ๐Ÿคฒ
Hammasini ko'rsatish...
1.52 MB
Noqo qof dhiiran: "Kalsoonida naftaadu waa aasaaska aad ku dhisi karto nolol hadaf leh, kasbasho iyo fulin leh. Waa aaminaadda aan leexleexa lahayn ee kartidaada, kalsoonida aan la dhayalsan karin ee xukunkaaga, iyo xaqiijinta joogtada ah ee ah inaad u qalanto guul iyo farxad. Naftaada u sawir sidii kabtanka markabkaaga, adigoo dhex maraya badweynta fursadaha iyo caqabadaha. Sida badmaaxiinta xirfadda leh ay ugu tiirsan yihiin aqoontooda iyo xirfadahooda si ay u dhex maraan biyaha qallafsan, kalsoonidaada naftu waxay kugu hagaysaa qallooca iyo leexashada safarka nolosha. La qabso awoodahaaga, sifooyinkaas gaarka ah ee kaa dhigaya qofka aad tahay. Aqoonso wax qabadkaaga, haba yaraatee, waayo waa jaranjarooyinka horseeda guulo waaweyn. Caqabad kasta oo aad ka gudubto, hadaf kasta oo aad gaadho, waxa ay sii hurisaa dabka aad isku kalsoon tahay.!"
Hammasini ko'rsatish...
๐Ÿ‘ 1
Dhowr daqiiqo kaliya u Quur inaad Qoraalkaan isha mariso, laga yaabaa Inaad Dhiirrigalin ka heshid. Mar marka qaarkood Ma istiraahdaa Nolosheenu waa sida Basasha oo kale? Bal u fiirso, basasha waad ku khasbantahay inaad Lakab walba markiisa goonidiisa U fiiqdo. Sidaaso ay tahayna aad ilmeynaysid adigoo Basasha Fiiqaya, Balse oohintu aysan kaa hor istaagin inaad basasha fiiqisteeda dhamayso, sababtoo ah waad u baahantahay. Sidaas si lamid ahna adayg iyo xanuun maalinle ah ayaa ka sokeeya inaad Himilooyinkaagga xaqiijiso. Balse diidmooyinka iyo dib u dhacyadu waa inaysan kaa hor istaagin dhammaystirka hawshii aad bilowday. Ku xisaabtan Noloshu way kula diriri doontaa marka aad Hamiyo fog leedahay, maalin walbana mawjaduhu way ku dharbaaxi doonaan, loomasa baahna inaad dharbaaxooyinkaas u qaadatid kuwa shakhsiyan kuu gaar ah, ee waa qayb muhiim ah oo ka mid ah nidaamka ay guusha usoo maraan kuwa guulaystay. Fudayd iyo Jileec marna kama mid ah doorashooyinka ku horyaal si aad Hamigaas ugu sii dhawaatid. Haddii aad dariiqaas kusii socotid,Si fiican warkayga u dhuux, aan digniino dhowr ah kusiiyee! Haa oo Noloshu way Adkaan doontaa, Iskoolka waad ka hari mar marka qaar, oo shaqada waa lagaa cayrin mar marka qaar, oo Reerka xaalkiisu wuu kugu adkaan mar marka qaar, Jeebku wuu ku ciilin marar badan, Balse haddii aad inyar cagaha dhulka kusii haysid, dadka kale warkoodana aadan dhag jalaq usiin, waa Hubaal maalmo badan oo farxad iyo dhoola cadayni ka buuxdo waa kaa horeeyaan. Haddii weli uusan qoraalkaygu macno kula yeelan, malaha dee qolyaha aan la hadlayo baadan ku jirin e, bal su'aalahaan is weydii. Maxay Tahay Riyadaadu? Maxaad nolosha uga baahantahay? Maxay baad doonaysaa in beri lagugu xasuusto? Haddii aadan Su'aalahaas jawaabo cad-cad u hayn, shan daqiiqo kaligaa docdaas u bax oo haddeerba kawada jawaab. Wax walbo oo aad go'aansato inaad hadaf iyo himilo ka dhigato, kaliya waxaa kaa xiga inaad inyar madaxaaga kor u hayso, maskaxddana aad galiso in awooddii rumayn lahayd riyadaas ay adiga uun kugu jirto. Kaliya tallaabada koowaad haka baqin, inta dambe safarku isagaa is wadi doonee. Haddii aad mar iyo labo kuftid, waayi maysid qof horay kuusii hinjiya balse iska ilaali in aad ku biirtid qolyaha noloshu caadiga u tahay, ee sidii uu saaka u kacay doonaya inuu caawanana ku seexdo, noloshooduna aysan lahayn jiho ay u jeedo. Si aad u hubisid inaad Hibaddaadii soo bandhigtay kaliya waa inaadan istaagin, waxaad ku khasbantahay inaad muujisid Hamuumnaan saaid ah iyo inaad u oomantahay halka aad u socoto. Laabtanna ka dhaadhici in fashilka iyo dib u dhacydadu ay yihiin tijaabo ay khasab tahay inaaad wajahdid. Haddii aadan mar iyo labo dib u dhicin, see ku ogaanaysaa inaad dib u kici kartid? Haka baqin guuldaradda koowaad, sababtoo ah qorshaha ayayba qayb ka tahay, kuwa guusha u hamuumanna si kasta oo ay ku qaadato waa kuwii soo taabta halka ay calaamadsadeen. Ugu yeer qoraalkan yar saaxiibkaa, Saaxiibtaa, walaalkaa, walaashaa iyo dhammaan qof walba aad isleedahay maalin uun buu noqon doonaa hal door guulaystay oo lagu daydo, u muuji inaad ku kalsoontahay inuu guulaysandoono. Younis Abdullaahi Kabuul โœ Mahadsanidiin Saaxiibayaal <3
Hammasini ko'rsatish...
Boshqa reja tanlang

Joriy rejangiz faqat 5 ta kanal uchun analitika imkoniyatini beradi. Ko'proq olish uchun, iltimos, boshqa reja tanlang.