uz
Feedback
Riyaadul jannah

Riyaadul jannah

Kanalga Telegram’da o‘tish

🍂بسم الله الرحمن الرحيم🍂 Aduunka kaga tag raad wanagsan iyo tusaale fican.❤🌻🌸

Ko'proq ko'rsatish
4 444
Obunachilar
-424 soatlar
-127 kun
-3630 kun
Postlar arxiv
بسم الله الرحمن الرحيم السلام عليكم ورحمة الله وبركاته عبد السلام عمر حرسى DHAGAX JABI DHAGAX BAA KA U RAYO . Waxa laga yaaba inaad fahmin u jeedada aan u dooratay ciwaankan dhibmalahan ila joog wax yar anigaa kuu Kala dhig dhigi doone . Sanadku waa 2023 bishii shanaad waxan ka qayb Galay shir ka dhacayay xerada xalane shirkaas wuxuu socaday mudo sadex cisho ah shirka waxa soo abaabulay wasaarada dhalinyarada waxayna ugu magac dartay shirwaynaha qaran ee dhalinyarada soomaliyeed waxay ciwaan oo ga dhigatay doorka ay dhalinyarada ku Lee yihiin nabada iyo hormaka dalka . Shirkaas waxaa ka soo qayb galay madaxya waynta siyaasada sidoo waxa goob joog ka aha beesha shanaad waxa laga yabaa inaad u taqano beesha caalamka . Waxaa la gudo galay furintaankii shirka waxaa meeshas hadalay wasiiro xildhibaano iyo sidoo kale beesha shanaad mid kastoo iyaga kamid ah hadlkiisa wuxuu ku bilowday wax kasheegida waraaradiisa isagoo inoo ga dhigaya wasaarada kaliya ee sida saxda ah u shaqaysa .wax yaabaha cajiibka ah ee ilaa hada maskaxdayda ka gu ila waa Hal wasiir oo in kabadan 7 jeer lagu soo dhaweyay meega ama microphone 🎤 is la wakhtigaas wuxuu ku soo cel celinyaa Hal hadal waxa kaaga sii daran kalmad kasto oo afkiisa ka soo baxda sacabka ayaa is qabsanyo . Qosolkana waa xad dhaaf waxadba mooda caruur aa bahood la ciyaarayso farxad iyo dama shaadka ma qiyaasi kartid waxad ba moo daa inay ku dhax nool yihiin magaladii AFLATOON ee ahayd the prefect city المدينة الفاضلة. Markaan u dul qaadan wayay waxa meesha kasocdo ayaan waxaan bilabay inaan dhalinyarada way diiyo su,aal aan rabo inaan ku ogaado ilaa Heerka garakooda uu garsiisanyahy . Qayb kamid ah su,aalihii aan waydiyay waxay u dhignayd sida tan . 1 : SHIRKAAN MAXAAD KABARATY ? 2: SHIRKAAN MUXUU KUULA MUUQDAA ? Jawabida labadas su,aal waxay I seeyeen ogaal farabadan waxana ii cadaatay in la helay badalkoodi yacni halkas inay ka soo dhax bixi doonan Wasiiro farabadan oo lamid ah Kuwan hada aan ka hadlynay . waxaa igu soo dhacaday 10 qodob oo uu sheegay nin la yiraahdo NOAM CHOMSKY asalhaan waa oaday yahuudi ah lakiin markii dambe noqday American wuxuuna baraty cilmiga luuqadaha. LINGUISTIC . Odaygan wuxuu Lee hay 10 qodob oo shucuubta lagu waalo waxana adeegsado dowladaha iyo dhamaan dadka rabo Inay xukumaan umadaha qodobkiisa kowaad wuxuu Lee yahy sida tan 1 الهاء الشعوب Ama waxa afka qalaad lagu yirahdo DISTRACTION . oo micnaheedu yahy shucubta ama bulshada in la waalo ama dareenkeeda marba dhinac loo jeediyo lagana dhigo bulsho meaningless maskaxdoodana lagu ciyaaro hadan kuu soo kobo waa In sida doqonkii oo kale lagula dhaqmaa . 2 خاطب الناس كأنهم أطفال . Afka qalaadna waxa lagu yirahada TREAT THE PEOPLE LIKE CHILDREN . In bulashada loo la hadlo sida ciyaalka oo kale Isla wakhtigaasna la adeegsado areeyo laab la kac ah sida in la yiraahdo somaliya ha noolato oo kale. somaliya ha is raacdo .Waxa nalaga cafiyay dayntii ugu badnayd Abid .dalka wuxuu u socdaa doorosho qof iyo cod ah . Eeg Hal mar xitaa la isma waydiinin waxa keenay waxaas oo dhan. Soomaliya inay noolato maxaa u diiday? Somaliya inay is raacdo maxa hortaagan ? Daynta intaas la eg yaaqaty ? Doorosho qof iyo cod ah inay dhacdo maxa ku gudban ? Su.aalahs siyasiga wuu og yahy lakiin adiga ayaa la rabaa in lagugu waalo . Halkaas waxa iiga soo dhax baxay ciwaankii aan ku bilabay qormadan kooban Waxan Dib u xasuusatay maansadii abwaan hadrawi ee daba huwan bayd yar oo kamid ah wuxuu yiri abwaanka . Intaan isku duubay been kabuuxaday labada Dacal maxay runi daadi i tidhi . Maxaan arin dowlis dhow ma diido la soo qor qoray ku dabacan baal madow ku daawaday meel madow .waxan duluc sii ridnayn indhuhu ku daraaan dareen ............. Maanta markaad u fiirsato jahawreerka iyo beenta dhalinyarada lagu sasabyo Waxaad moodaa sida inay yihiin kuwo aan waxba akhrin waxban aan qorin . Aniga waxan ku cabiro markaan garn wayay waxan ku soo koobay hadalkayga . MUFTI MUNAAFAQ AH CABDISALAN OMER

Eid mubarak Acmaasha wanagsaned Allah naga aqbalo.🤲🌼
Eid mubarak Acmaasha wanagsaned Allah naga aqbalo.🤲🌼

Maxaa ka fiican inaad ramadaan iyo habeen jumco ah isla heshay, aduun iyo aakhiro badi saliga nabiga ﷺ♥️

Alhamdulilaah Ramadaan Mubarak asxaabta❤️ Alle Hana waafajiyo Camalka Wanaagsan Kuwii ka Faa'idaysta Allah naga dhigo, "Aamii
Alhamdulilaah Ramadaan Mubarak asxaabta❤️ Alle Hana waafajiyo Camalka Wanaagsan Kuwii ka Faa'idaysta Allah naga dhigo, "Aamiin".🙏 #Ramadan2024 #happy ❤️❤️🌙🕌 🌙 مُبارٓكٌ علٓيْكم شّٓهرُ رٓمٓضٓان

اللهم بارك لنا في شعبان وبلغنا رمضان 🌙❤️. اللهم امين
اللهم بارك لنا في شعبان وبلغنا رمضان 🌙❤️. اللهم امين

- Better days are coming! ❤️🌙💯 اللهم بلغنا رمضان.🤲✨️ #Ramadan2024
- Better days are coming! ❤️🌙💯 اللهم بلغنا رمضان.🤲✨️ #Ramadan2024

قال رسول الله ﷺ: ❪الْبخِيلُ مَنْ ذُكِرْتُ عِنْدَهُ، فَلَم يُصَلِّ علَيَّ.❫ رواهُ الترمذي Rasuulku (ﷺ) wuxuu yidhi: ❪Bakhayl waxa ah ka agtiisa la igu xuso oo aan igu sallin.❫ Xadiiskan waxaa laga qaadanayaa in salliga Nabiga (ﷺ) lagu dedaalo gaar ahaan marka Nabiga la soo hadal qaado ama sifadiisa ama magaciisa in lagu salliyo. Culimada qaar waxay ka daliishadeen mar kasta oo Nabiga (ﷺ) la xuso ama la soo qaadaa in lagu salliyaa inay waajib tahay. صَلُّوا۟ عَلَى ٱلنَّبِیِّ ﷺ ...اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ عَلَى نَبِيِّنَا مُحَمَّدٍ.

“Aduunyadan shaqo la qabto waxa ugu qiimo iyo ayaan badan shaqadii Nabigeena ﷺ oo ah in ummadda wanaaga la faro xumahana laga reebo ❤️🌻"

Dulmigu mugdiyo ayuu noqonayaa maalinta qiyaame ee aad iska ilaali !.

Sow lagama yaabo in risqigaaga uu yahay inaa ka caafimaad qabto cuduro badan, ama qaladaad badan ood gashay Alle kuu asturay, sow lagama yaabo inuu risqigaaga yahay in Allah kugu hareereysiiyay qalbiyo ku jecel iyo dad ku garab taagan, sow lagama yaabo in risqigaaga uu yahay dhib yar oo kugu dhacay oo lagaaga badbaadiyay dhib weyn oo kugu soo socday. Arsaaqda wey fara badantahay ee ha u maleyn in ay tahay maal iyo maadi kaliya. #marwo

Sow lagama yaabo in risqigaaga uu yahay inaa ka caafimaad qabto cuduro badan, ama qaladaad badan ood gashay Alle kuu asturay, sow lagama yaabo inuu risqigaaga yahay in Allah kugu hareereysiiyay qalbiyo ku jecel iyo dad ku garab taagan, sow lagama yaabo in risqigaaga uu yahay dhib yar oo kugu dhacay oo lagaaga badbaadiyay dhib weyn oo kugu soo socday. Arsaaqda wey fara badantahay ee ha u maleyn in ay tahay maal iyo maadi kaliya. #marwo

Sunooyinka maalinka Jumcaha 📌 🌼 Qubeyska 🛀 🌼 Is carfinta 🌸 🌼 Cadayga 🥰 🌼 Labiska qurxoon 👔👗 🌼 Suuratul Kahfi 📖 🌼 Saliga Nabigaﷺ 🌼 Ducada 🤲

"Hadaad rabto nolol degan inaad ku noolaato, Nolol aan warwar iyo walbahaar lahayn Salliga Nebiga (ﷺ) iyo tasbiixda badsada."

Never Skip Salah because>> 1. Fajar increase beauty🤎 2. Zohar increase income🤲🏻 3. Asar improves health 💖 4. Maghrib release tention🌻 5. Isha gives peaceful sleep.🌙

Haddii ay gabadha jaahil ka tahay culuumta diinta, ninkeeda wey dhibtaa, caruurteedana wey fasaadisaa, umaddana wey halaagtaa. Ibnul qayyim.

" Haddii jannadu tahay meesha qofka loogu nimceeyo, cadaabtuna tahay meesha qofka lagu ciqaabo, ogoow adduunyaduna waa meesha qudha ee bani'aadamka lagu imtixaano." ~Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil.

Wuxuu yidhi Nabiga ﷺ: "Qofkiii ku waa bariista reerkiisa isagoo oo nabad qaba, Caafimaad qaba, maalinkaa wuxuu cunni lahaa haysta, wuxuu lamid yahay qof aduunyoo dhan halkiisa ugu timid".🪴 W/W: Tirmidi 📚. اللهم لك الحمد على كل نعمة أنعمتنا بها.

Asluubta aad dadka kula dhaqmaysaa waxay matalaysa heerka ay gaarsiisantahay shakhsiyadaada 🙋‍♂💯.

Aduunyada 1 Jano aya dhex taala Waa Zawjad saalixad ah♥️🧕 Illaahayﷻ weydiista🤲