uz
Feedback
Xirfadlay

Xirfadlay

Kanalga Telegramโ€™da oโ€˜tish

We provide Quality Tutorial, Tips , Courses , Tools and other Resources ๐Ÿ‘‰ Xirfadlay whatspp https://wa.link/mw9jyf ๐Ÿ‘‰ Xirfadlay WhatsApp +252 904620742 ๐Ÿ‘‰ Xirfadlay.com

Ko'proq ko'rsatish

๐Ÿ“ˆ Telegram kanali Xirfadlay analitikasi

Xirfadlay (@xirfadlay) kanali faol ishtirokchi. Hozirda hamjamiyat 20 884 obunachidan iborat bo'lib, Taสผlim toifasida 9 506-o'rinni va Finlandiya mintaqasida 226-o'rinni egallagan.

๐Ÿ“Š Auditoriya koโ€˜rsatkichlari va dinamika

ะฝะตะฒั–ะดะพะผะพ sanasidan buyon loyiha tez oโ€˜sib, 20 884 obunachiga ega boโ€˜ldi.

28 Iyun, 2026 dagi oxirgi maโ€™lumotlarga koโ€˜ra kanal barqaror faollikka ega. Oxirgi 30 kunda obunachilar soni -340 ga, soโ€˜nggi 24 soatda esa -8 ga oโ€˜zgardi va umumiy qamrov yuqori darajada qolmoqda.

  • Tasdiqlash holati: Tasdiqlanmagan
  • Jalb etish (ER): Auditoriya oโ€˜rtacha 3.77% darajada jalb etiladi. Nashrdan keyingi dastlabki 24 soatda kontent odatda umumiy obunachilar sonining 1.12% ini tashkil etuvchi reaksiyalarni toโ€˜playdi.
  • Post qamrovi: Har bir post oโ€˜rtacha 787 marta koโ€˜riladi; birinchi sutkada odatda 235 ta koโ€˜rish yigโ€˜iladi.
  • Reaksiyalar va oโ€˜zaro taโ€™sir: Auditoriya faol: har bir postga oโ€˜rtacha 0 ta reaksiya keladi.

๐Ÿ“ Tavsif va kontent siyosati

Muallif resursni shaxsiy fikrni ifoda etish maydoni sifatida taโ€™riflaydi:
โ€œWe provide Quality Tutorial, Tips , Courses , Tools and other Resources ๐Ÿ‘‰ Xirfadlay whatspp https://wa.link/mw9jyf ๐Ÿ‘‰ Xirfadlay WhatsApp +252 904620742 ๐Ÿ‘‰ Xirfadlay.comโ€

Yuqori yangilanish chastotasi (oxirgi maโ€™lumot 29 Iyun, 2026 da olingan) sababli kanal doimo dolzarb va katta qamrovli boโ€˜lib qoladi. Analitika auditoriya kontent bilan faol hamkorlik qilishini, uni Taสผlim toifasidagi muhim taโ€™sir nuqtasiga aylantirishini koโ€˜rsatadi.

20 884
Obunachilar
-824 soatlar
-897 kunlar
-34030 kunlar
Postlar arxiv
Xirfadlay
20 884
๐Ÿš€ ๐—ช๐—ฒ๐—ฏ ๐——๐—ฒ๐˜ƒ๐—ฒ๐—น๐—ผ๐—ฝ๐—ฒ๐—ฟ ๐—ธ๐—ฎ๐˜€๐˜๐—ฎ ๐˜„๐˜‚๐˜…๐˜‚๐˜‚ ๐—น๐—ฒ๐—ฒ๐˜†๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐˜† ๐—ต๐—ฎ๐—น ๐˜…๐—ถ๐—ฟ๐—ณ๐—ฎ๐—ฑ ๐—ผ๐—ผ ๐˜‚๐˜‚๐˜€๐—ฎ๐—ป ๐—ธ๐—ฎ ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—บ๐—ถ๐—ป..
๐Ÿš€ ๐—ช๐—ฒ๐—ฏ ๐——๐—ฒ๐˜ƒ๐—ฒ๐—น๐—ผ๐—ฝ๐—ฒ๐—ฟ ๐—ธ๐—ฎ๐˜€๐˜๐—ฎ ๐˜„๐˜‚๐˜…๐˜‚๐˜‚ ๐—น๐—ฒ๐—ฒ๐˜†๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐˜† ๐—ต๐—ฎ๐—น ๐˜…๐—ถ๐—ฟ๐—ณ๐—ฎ๐—ฑ ๐—ผ๐—ผ ๐˜‚๐˜‚๐˜€๐—ฎ๐—ป ๐—ธ๐—ฎ ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—บ๐—ถ๐—ป... ๐˜„๐—ฎ๐—ฎ ๐— ๐˜†๐—ฆ๐—ค๐—Ÿ! Haddii aad rabto inaad dhisto Websites, Apps, ama aad noqoto Backend Developer, aqoonta MySQL waa aasaaska kaydinta iyo maamulka xogta. ๐Ÿ’ก Course-kan waxaad ku baran doontaa: โœ… MySQL laga bilaabo zero to hero โœ… Sida loo abuuro loona maareeyo Databases โœ… SQL Queries oo xirfad leh โœ… Projects dhab ah oo ku diyaarinaya shaqada โœ… Casharro fudud oo tallaabo-tallaabo ah Ha noqon developer code qoraya oo aan garanayn halka xogtu ku kaydsan tahay. Noqo developer dhisa systems dhammeystiran. ๐Ÿ“ฉ Isdiiwaangeli maanta oo bilow safarkaaga MySQL Professional. ๐—”๐—ฝ๐—ฝ๐—น๐˜† ๐—ก๐—ผ๐˜„! Nagala soo xiriir WhatsApp link - https://wa.link/mw9jyf naga soo wac: 904 620 742 Booqo Website keena : https://xirfadlay.com/ Ama noogu soo dir fariin toos ah (DM) si aad booskaaga u xajisato

Xirfadlay
20 884
Dunidu waxay u guurtay casri ay tignoolajiyadda AI-da la wareegtay shaqooyin aad u badan. Xilligan aynu ku jirno AI ma aha riyo mustaqbalka la sugayo balse waa xaqiiqo inala nool oo aan maalin walba isticmaalno. Isbeddelkuna sidiisaba cidna ma sugo. Si aad ula jaanqaaddo suuqa shaqada iyo isbeddeladan xawliga ku socda waa inaad AI-ga bartaa... bartaa oo kaliya kugu ma filnee, ee sidoo kale waa inaad si maalinle ah u adeegsataa. Haddaba aan kula wadaago fursad dahabi ah oo aad ku baran karto xirfadda ugu muhiimsan qarnigan. Waa koorsada AI Course Somali oo si buuxda kuugu baraysa ChatGPT, Midjourney, Gemini iyo aalado kale oo muhiim ah. Waa koorso si itus iyo i taabsii ah wax laguugu barayo waxaana ku dhex baran doontaa sida loo adeegsado aaladaha ugu awoodda badan ee AI sida ChatGPT, Google Gemini, Midjourney, Canva iyo Firefly. Waxaad si qoto dheer u baran doontaa habka loo curiyo qoraallada, suuqgeynta casriga ah, SEO iyo sida loo sameeyo sawirro iyo muuqaalo cajiib ah. Sidoo kale waxaad ogaan doontaa sidaad shaqadaada ugu adeegsan lahayd. Waxa ugu quruxda badan ayaa ah inaadan u baahnayn aqoon hore oo dhanka tignoolajiyadda ah si aad koorsadan u fahamto, waxaana dhammaadka ku sugaysa shahaado caddaynaysa xirfaddan aad baratay. Waxa aad maanta barato, waa miraha aad berri guran doonto. Ha lumin wakhti kale, isla hadda booqo bogga koorsada, oo daawo muuqaalkeeda hordhaca ah ka hor inta aadan iska diiwaan-galin: https://xirfadlay.com/courses/full-ai-course-chatgpt-gemini-midjourney-canva-firefly-more/

Xirfadlay
20 884
photo content

Xirfadlay
20 884
Mastering Content Creation course hadda qaado oo noqo qof content sameyn leh sameeya ๐Ÿ‘๐Ÿค Link ๐Ÿ”— course waa kan ๐Ÿ‘‡ https://xirfadlay.com/courses/mastering-content-creation-with-ai/ #Xirfadlay #SomaliTech #SomaliCreators #viral #LearnAI #VideoCreator

Xirfadlay
20 884
๐Ÿš€ Koorso Cusub oo Xirfadlay Lagu Soo Kordhiyay! Ma rabtaa inaad barato sida loo dhiso loona maamulo Database-yada casriga ah? Koorsadan waxaad ku baran doontaa: โœ… SQL Fundamentals โœ… Database Creation โœ… SELECT, INSERT, UPDATE & DELETE โœ… Joins iyo Relationships โœ… Constraints & Indexes โœ… SQL Functions โœ… Views & Database Management โœ… Xirfado loo baahan yahay Web Development-ka iyo Software Development-ka Haddii aad tahay bilow ama qof doonaya inuu xirfadiisa Programming-ka kor u qaado, koorsadan ayaa kuu ah meel wanaagsan oo aad ka bilaabi karto. ๐Ÿ‘‰ Hadda iska diiwaangeli Xirfadlay. https://xirfadlay.com/.../mastering-mysql-from-basic-to.../

Xirfadlay
20 884
Maanta xogtu (DATA) waa awoodda dhaqaajisa ee kala wadda adduunka (ilaahay ka sokow). Ganacsiyada, dawladaha, iyo hay'addaha maanta waxay ku dhawaad si buuxda ugu tiirsan yihiin xog ama Data, si ay u gaaraan go'aamo sax ah oo kobciya shaqadooda ama wax soo saarkooda. Balse xogta iska urursan kaligeed wax macno ah ma sameyso ilaa la helo qof aqoon u leh oo kala shaandheeya, msina falanqeeya, isla markaana u beddela xog la fahmi karo oo go'aan lagu qaadan karo. Waa halka ay ka dhalato baahida weyn ee loo qabo xirfadda Data Analysis. Haddaba ma doonaysaa inaad noqoto qof loogu baahi badan yahay suuqa shaqada? Waxaan kugu bishaareenayaa koorsada casriga ah ee Modern Excel for Data Analysis. Koorsadan oo loogu talagalay dadka bilowga ah iyo xirfadlayaashaba waxay ku baraysaa sida xogta loo nadiifiyo loo falanqeeyo loona naqshadeeyo. Waxaad si qoto dheer leh u baran doontaa aaladaha awoodda badan ee Excel sida PivotTables, Power Query, Power Pivot, DAX iyo weliba sida loo adeegsado sirdoonka macmalka ah ee lagu dhex daray Excel. Waxaad awood u yeelan doontaa inaad sameyso Dashboards qurux badan iyo warbixino xirfadeysan oo xal dhab ah u keenaya caqabadaha ganacsiyada casriga ah. Waxa intaas kuu dheer in marka aad dhammayso koorsadan aad heli doonto shahaado caddeynaysa xirfaddaada cusub ee dhanka Data Analysis iyo Business Intelligence. Waxa aad maanta barato, waa miraha aad berri guran doonto. Ha lumin wakhti kale, isla hadda booqo bogga koorsada, oo daawo muuqaalkeeda hordhaca ah ka hor inta aadan iska diiwaan-galin: https://xirfadlay.com/courses/microsoft-excel-for-data-business-analytics/.

Xirfadlay
20 884
photo content

Xirfadlay
20 884
Dunida tiknoolajiyaddu xawli ayay ku socotaa, baahida loo qabo barnaamij sameeyayaashana marnaba hoos uma dhacayso. Inaad barato qaybta hore ee website-yada oo kaliya kuma filna suuqa shaqada ee maanta. Waa inaad awood u leedahay dhisidda maskaxda iyo matoorka ka dambeeya website-yada. Haddaba haddii aad leedahay aasaaska HTML, CSS iyo JavaScript, waxaan kuu haynaa fursaddii aad ku horumarin lahayd xirfadaada oo aad ku baran lahayd koorsada "Node Js Express Js Course". Koorsadan waxaad si qoto dheer ugu baran doontaa dhisidda qaybta dambe ama backend-ga website-yada. Adigoo adeegsanaya luuqadda JavaScript oo aad horay u taqiinay, waxaad awood u yeelan doontaa inaad samayso barnaamijyada ku shaqeeya Serverka adigoo isticmaalaya Node.js iyo Express.js oo aad u fududeeyay qaabkii koodhka loo qori jiray. Sidoo kale waxaad baran doontaa samaynta iyo habaynta API Routes-ka kala duwan sida Get, Post iyo Delete, qaabka xogta loo abuuro iyo dhisidda Serverka. Markaad koorsadan dhammayso waxaad si rasmi ah u noqonaysaa Backend Developer, waxaana kuu haraya oo kaliya qaybta kaydinta xogta si aad u noqoto Fullstack Developer buuxa oo ku takhasusay MERN STACK. Koorsaduna waxay wadataa shahaado caddaynaysa aqoontaada marka aad soo gabagabayso. Wixii faahfaahin ee intaa ka badan, fadlan booqo bogga koorsada, oo daawo muuqaalka hordhaca ah: https://xirfadlay.com/courses/node-js-express-js-course/, ama nagala soo xidhiidh: "https://wa.me/+252904620742", ama si toos ah ula sheekayso caawiyaheena cusub ee "Xirfadlay AI Support", kaasoo 24-ka saacba heegan kuugu ah dugsigeena XIRFADLAY.

Xirfadlay
20 884
photo content

Xirfadlay
20 884
Dunidan xawaaraha ku socota, qofkii aan isagu is-barin sida wax loo barto mar walba dib-u-dhac baa ku imanaya. Wax is-bariddu waa awood aan la dhayalsan karin, oo qayrkaa in badan oo badan ku dhaafin karta. Dad badan waxay aaminsan yihiin in waxbarashadu tahay uun fasal la fariisto iyo macalin ku hortaagan oo cashar ku siiya. Hase ahaatee xaqiiqada dhabta ah ee suuqa shaqada xorta ah ka jirta ayaa ah in sidoo kale wax is-bariddu tahay xirfad lama huraan ah. Ma aha in aad sugto cid ku tusta waddada, ee waa in aad adigu smararka qaar iyo marar badanba is hagtaa, oo aad is carbisaa. Isku day in aad maanta doorato hal xirfad oo aad doonayso in aad is-barto. Qor halka aad ku baran lahayd iyo wakhtiga aad galin lahayd. Xusuusnow saddexdan qodob: 1. Wax is-bariddu waa xirfad la barto ee ma aha hibo. 2. Sida aad wax u barato ayaa go'aamiya natiijada ama Outcome-ka soo baxaysa. 3. Qofka iskii wax u barta wuxuu ka xoroobaa ciriiriga suuqa shaqada. Suuqa internet-ka maanta waxaa ka buuxa meelo badan iyo platforms aad u tiro badan oo kaliya sugaysa qofkii is-xilqaama, oo aynu anaga ka #Xirfadlay ahaan ka mid nahay, anagoo maanta marti galinayna ku dhawaad 60 xirfadood oo kala jaad ah, oo qaarkood suuqa shada baahi weyn ka taagan. Midna xasuusnoow safarakani waa safar aad adigu kaligaa hogaaminayso oo aad daadihinayso, oo aad kali ku tahay, oo marar badan aysan jirin cid ku wehelisaa. SIdaa darteed waxaa lagaaga baahan yahay dhabar adayg aad u weyn, iyo ka go'naanshiyo dhab ah. Natiijadu eebe idamkii waxay noqon doontaa mid aad mahadiso.

Xirfadlay
20 884
photo content

Xirfadlay
20 884
Luuqadda Ingiriisigu waa furaha isgaarsiinta caalamka ee xilligan, ha noqoto goobaha shaqada, waxbarashada, ama xiriirka ganacsiga. Balse in badan oo inaga mid ah waxay ku dhibtoodaan naxwaha iyo adeegsiga saxda ah. Ma isku aragtay adigoo ka labalabaynaya inaad hadasho ama qorto fariin shaqo cabsi aad ka qabto inaad qalad gasho awgeed? Ma kugu adag tahay inaad kala saarto goorta la isticmaalayo "Past Perfect" iyo "Present Continuous"? Khaladaadka naxwaha waxay hoos u dhigaan kalsoonidaada waxayna dhaawici karaan qaabka aad u gudbiso fariintaada iyo xirfaddaada shaqo. Haddaba ha welwelin. Koorsada "Complete English Grammar & Tenses: Beginner to Advanced" ayaa si gaar ah loogu talagalay inay kaa caawiso dhisidda aasaas adag oo dhanka luuqadda ah, laga soo bilaabo heerka ugu hooseeya ilaa kan ugu sarreeya ๐Ÿš€ Koorsadan oo si heersare ah loo diyaariyay waxaad si fudud ugu baran doontaa: โœ… Dhismaha weedho sax ah oo naxwe ahaan dhammaystiran โœ… Isticmaalka saxda ah ee Tenseska sida Past, Present, iyo Future si aad si kalsooni leh ugu hadasho โœ… Farqiga u dhexeeya "Active Voice" iyo "Passive Voice" โœ… Xeerarka muhiimka ah ee xarakaynta qoraalka sida Hakadka, Labadhibcoodka, iyo Semicolonka si aad u noqoto qoraa xirfadle ah โœ… Sida loo saxo qaladaadka waaweyn ee qoraalka iyo inay si weyn kaaga caawiso u diyaargarowga imtixaanaadka caalamiga ah sida IELTS iyo TOEFL Haddii aad tahay arday, xirfadle, ama qof doonaya inuu si fasax ah u hadlo oo u qoro luuqadda Ingiriisiga, koorsadani adiga ayay ku sugaysaa. Marka aad dhammayso waxaad heli doontaa shahaado caddaynaysa xirfaddaada. FG: koorsadani waxaa loogu talo galay qof ay hore wax uga baxsan yihiin af ingiriisiga, ma ahan qof bar bilaw ah, waxaana kuu dhigaya macalin qalaad, oo u dhashay afka uu dhigayo Safarkaaga aqooneed halkan ha ka bilowdo. Booqo bogga koorsada, oo halkaa ka daawo muuqaalka hordhaca ah ee ku saabsan koorsada: https://xirfadlay.com/courses/complete-english-grammar-tenses-beginner-to/. Wixii talo iyo caawimaad ahna kala-sheekayso caawiyaheena cusub ee "Xirfadlay AI Support", kaasoo 24-ka saacba heegan kuugu ah dugsigeena XIRFADLAY, wixii intaa dhaafsanna nagala soo xidhiidh email-keena: "info@xirfadlay.com", ama WhatsApp-keena: "https://wa.me/+252904620742".

Xirfadlay
20 884
photo content

Xirfadlay
20 884
Website kasta oo aad maanta booqato oo leh is-dhexgal ama la-falgal waxaa ka dambeeya hal luuqad oo kaliya, oo awood badan oo la yidhaahdo "JavaScript". Waa luuqadda ugu muhiimsan dhanka Web Development-ka, waana xirfad asaas u ah qof kasta oo raba inuu noqdo barnaamij sameeye xirfaddiisu sarreyso. Dad badan ayaa ku dhibtooda barashada luuqaddan maadaama aysan helin hanaan sax ah oo isku xiran, balse caqabadaas xal waafi ah ayaan kuu haynaa. Kusoo dhawoow koorsada "Modern Javascript Master Course". Tani ma aha koorso iska caadi ah ee waa safar aqooneed oo kaa soo kaxaynaya meel eber ah kuna gaarsiinaya heer aad si madax bannaan u dhisi karto barnaamijyo casri ah. Haddii aad qaadato koorsadan uma baahnaan doontid koorso kale oo JavaScript ah, waayo qayb walba oo luuqaddan ku saabsan si qoto dheer ayaan ugu soo darnay. Koorsadan dhexdeeda waxaad ku baran doontaa: โœ… Aasaaska JavaScript: Variables, Functions, Arrays, Loops, iyo Objects. โœ… DOM Manipulation: Sida bogagga HTML iyo CSS looga dhigo kuwo shaqaynaya oo qofka la falgalaya. โœ… Xirfado Sarsare: Barashada API yada, JSON, iyo HTTP Methods. โœ… 8 Mashruuc oo dhab ah: Si aad aqoontaada ugu tijaabiso waxaan wada dhisi doonaa mashaariic waaweyn oo ay ka mid yihiin Xisaabiye, Barnaamijka โœ… Cimilada, Text to Converter, iyo xitaa dhisidda shabakad u eg LinkedIn. Si aad koorsadan ula jaanqaado waxa kaliya ee lagaa rabaa waa inaad aqoon aasaasi ah u leedahay Computerka iyo waliba HTML iyo CSS. Marka aad si guul ah ku dhamaysatidna waxaad heli doontaa shahaado caddaynaysa heerka xirfaddaada. Xirfadda Web Development waa mid ka mid ah kuwa loogu doonista badan yahay suuqa shaqada caalamka. Maalgashiga ugu weyn ee aad samayn karto waa inaad maskaxdaada ku quudiso aqoon noloshaada wax ka bedeli karta. Safarkaaga aqooneed halkan ha ka bilowdo. Booqo bogga koorsada, oo halkaa ka daawo muuqaalka hordhaca ah ee ku saabsan koorsada: https://xirfadlay.com/courses/modern-javascript-master-course/. Wixii talo iyo caawimaad ahna kala-sheekayso caawiyaheena cusub ee "Xirfadlay AI Support", kaasoo 24-ka saacba heegan kuugu ah dugsigeena XIRFADLAY, wixii intaa dhaafsanna nagala soo xidhiidh email-keena: "info@xirfadlay.com", ama WhatsApp-keena: "https://wa.me/+252904620742".

Xirfadlay
20 884
photo content