uk
Feedback
DANAB MEDIA

DANAB MEDIA

Відкрити в Telegram

Active

Показати більше

📈 Аналітичний огляд Telegram-каналу DANAB MEDIA

Канал DANAB MEDIA (@danabmedia) у мовному сегменті Сомалійська є активним учасником. На даний момент спільнота об'єднує 13 215 підписників, посідаючи 15 670 місце в категорії Новини і ЗМІ та 608 місце у регіоні Сомалі.

📊 Показники аудиторії та динаміка

З моменту свого створення невідомо, проект продемонстрував стрімке зростання, зібравши аудиторію у 13 215 підписників.

За останніми даними від 24 травня, 2026, канал демонструє стабільну активність. Хоча за останні 30 днів спостерігається зміна кількості учасників на -509, а за останні 24 години на 0, загальне охоплення залишається високим.

  • Статус верифікації: Не верифікований
  • Рівень залученості (ER): Середній показник залученості аудиторії становить 0%. Протягом перших 24 годин після публікації контент зазвичай збирає N/A% реакцій від загальної кількості підписників.
  • Охоплення публікацій: В середньому кожен допис отримує 0 переглядів. Протягом першої доби публікація в середньому набирає 0 переглядів.
  • Реакції та взаємодія: Аудиторія активно підтримує контент: середня кількість реакцій на один пост – 0.

📝 Опис та контентна політика

Автор описує ресурс як майданчик для висловлення суб'єктивної думки:
Active

Завдяки високій частоті оновлень (останні дані отримано 25 травня, 2026), канал підтримує актуальність та високий рівень охоплення публікацій. Аналітика показує, що аудиторія активно взаємодіє з контентом, що робить його важливою точкою впливу в категорії Новини і ЗМІ.

13 215
Підписники
Немає даних24 години
-917 днів
-50930 днів
Архів дописів
Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay deegaanka istiraatiijiga ah ee Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibadooda Ciidamada Uganda ee UPDF ay ka xoreeyeen maleeshiyaadka Khawaarijta, kuna dhigeen casharro lama ilaawaan ah. Intii uu socday kormeerka, Jeneraal Sahal ayaa booqday gododkii iyo xarumihii maleeshiyaadka Khawaarijta laga saaray, halkaas oo lagu arkayay meydad badan oo cadawga ah, hub farabadan iyo saanado kale oo ciidan oo ay ka carareen. Taliyaha Guutada 17-aad ee Kumaandooska Xoogga Dalka, Gaashaanle Cali Cageey, ayaa taliyaha ugu warbixiyay xaaladda amniga iyo sida ay ciidanku u xaqiijiyeen xasilloonida deegaanka. Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa bogaadiyay geesinimada iyo howlkarida Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibadooda UPDF ee qeybta ka ahaa howlgalka, isaga oo ku dhiirrigeliyay inay sii laba-laabaan dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ee dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed.

photo content
+9

photo content
+9

Hubkii ugu badnaa ee laga furtay Khawaarijta ayaa lagu soo bandhigay degaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

photo content
+9

Saraakiisha Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab iyo kuwa Jubbaland ayaa kulan wacyigelin ah la yeeshay s
+7
Saraakiisha Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab iyo kuwa Jubbaland ayaa kulan wacyigelin ah la yeeshay shacabka ku dhaqan deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose. Kulanka oo si heer sare ah loo agaasimay, waxaa ka qeybgalay Taliyaha Guutada Birjeex ee Ciidanka Jubbaland, G/Sare Nuur Cabdi Maxamed (Nuur Ilkacase), iyo Taliyaha Ururka 162-aad ee Kumaandooska Danab, Caarif Hire Salaad. Taliyeyaasha ayaa bulshada ku booriyay inay si dhow ula shaqeeyaan laamaha amniga, si loo ciribtiro cadowga loona sugo nabad waarta. Waxay cadeeyeen in amniga deegaanka uu yahay masuuliyad guud oo cid walba ka saaran tahay, iyagoo shacabka ku dhiirrigeliyay inay si degdeg ah u soo sheegaan cid kasta oo falal amni darro ah ka shaqeynaysa.

Ciidamada deegaanka ee Daaru-nimco ayaa saaka fuliyay howlgal qorsheysan oo lagu bartilmaameedsaday kooxaha Khawaarijta ah, kaasoo lagu dilay horjooge sare iyo maleeshiyaad la socday. Howlgalkaan oo si taxaddar leh loo diyaariyay ayaa si gaar ah loogu beegsaday horjooge Xamse Faracadde, oo ka mid ahaa horjoogayaasha Khawaarijta u qaabilsanaa gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan. Xamse Faracadde waxaa sidoo kale la rumeysan yahay inuu door weyn ku lahaa abaabulka qaraxyada iyo dhagarta kale ee lagu beegsaday shacabka ku dhaqan gobolladaasi. Saraakiisha deegaanka ayaa sheegay in howlgalka uu kusoo dhammaaday guul buuxda, iyadoo lagu dilay horjoogaha iyo tiro maleeshiyaad ah oo la socday.

Ciidanka gaarka ah ee kumaandooska Danab ee CXDS ayaa xalay saqdii dhexe howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen tuulada Yuumbis
+9
Ciidanka gaarka ah ee kumaandooska Danab ee CXDS ayaa xalay saqdii dhexe howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen tuulada Yuumbis oo 7KM u jirta deegaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha Hoose, waxa ay ku dileen 8- dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta kuwaas oo qaabilsanaa qaraxyada. Mid kamid ah horgayaasha howlgalkaan lagu qaarajiyay ayaa lagu magacabaa Jaabir, xogaha kale ee warkaan ku saabsan halkaan kala soco, wixii ku soo kordhaa.

Ciidena dhagar qabe ma dhax jogi doone guulayta geesiyasha

Toos u daawo muuqaallada duqeymaha ku socda Khawaarijta

Ciidanka gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa xalay
Ciidanka gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa xalay saqdii dhexe howllgal qorsheysan ka fuliyay Tuulada Baqooqaha., oo qiyaastii 13km dhanka galbeed kaga beegan deegaanka Buulo Xaaji ee gobolka Jubadda Hoose. Howlgalkaas oo si taxaddar leh loo qorsheeyay ayaa lagu khaarijiyay in ka badan 37 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta, waxaana ku jiray horjoogeyaal muhiim ah oo xogtooda iyo magacyadooda si rasmi ah dib laga soo gudbin doono. Ciidankaa Xoogga Dalka gaar ahaan Danab ayaa sii wadaya gulufka lagu ciribtirayo Khawaarijta, waxaana howlgallada noocan oo kale ah ay caddeynayaan sida ay Ciidanka Xoogga Dalka ugu heelan yihiin difaaca dalka, shacabka, iyo xasilloonida guud ee dalka. Wixii faahfaahin dheeri ah, la soco wararkeena xiga. Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida

WAR DEGDEG AH Howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Saaxiibada Caalamka ayaa lagu beegsaday guri ku yaalla xaafadda Howlwadaag ee degmada Aadan Yabaal, kaas oo ay shir ku lahaayeen horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta. Intii uu socday howlgalka, waxaa gurigaas ka kacay dab xooggan, iyadoo la maqlay jug culus oo laga dareemay guud ahaan degmada, taas oo muujinaysa in cadowgu sidoo kale gurigaas u ahaa keydka Qaraxyada iyo Hubka culus.

Waxaad ku bad baadi kartan waa dhimasho khawaarijta arxanka daran

Toos u daawo muuqaallada duqeymaha ku socda Khawaarijta

howlgalkii maanta ka dhacay degmada Aadan Yabaal ee gobalka Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada deegaanka ayaa maanta howlgallo qorshaysan ka fuliyay dhulka howdka ah ee deegaanka Ceel-dheere oo ku yaalla xadka gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan. Howlgalka oo isugu jiray dagaal iyo duqeymo cirka ah ayaa lagu beegsaday goobo ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Khawaarijta. Intii uu socday hawlgalkaasi waxaa lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta, waxaana la burburiyay xarumo ay ku dhuumaaleysanayeen. Duqeeymaha dhanka cirka ah oo lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan ayaa waxaa iska kaashaday ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibada caalamka. Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa xaqiijiyay in Khawaarijtu ay ka carareen goobihii ay deganaayeen, taasoo caddeyneysa in cadaadiska ciidanka xoogga dalka iyo kuwa degaanka uu miro dhalay. Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta, loogana xoreynayo degaanada ay ku dhuumanayaan cadowga ummadda Soomaaliyeed.

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ku Dilay Khawaarij aagga Sabiib iyo Caanoole. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed
+4
Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ku Dilay Khawaarij aagga Sabiib iyo Caanoole. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaannada Sabiib iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu dilay dhagarqabayaal ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta. Howlgalkaan oo uu hoggaaminayey Taliyaha Ururka 251aad ee Guutada 25aad, Maxamed Xasan Abuukar Dhali dheere, ayaa Warbaahinta Ciidamadda u sheegay in howllgalka lagu dilay dhagarqabayaal katirsan Khawaarijta, Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta, laguna xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan.

baqtiga Khawaarijta. lagu xasuuqay degaanka Barjala, ee gobolka Jubada Hoose.
+2
baqtiga Khawaarijta. lagu xasuuqay degaanka Barjala, ee gobolka Jubada Hoose.

Ciidamada Danab ayaa deegaanka Barjalla ee gobolka Jubbada Hoose oo u dhow degmada Afmadow ku qabtay maxaabiis Khawaarij ah oo ay ku dumiyeen godadkii ay ku dhuumanayeen.

"Daawo: Sawirradda dhiig baxa khawaarijta alshabaab ee deganka Tawakal ee gobolka shabelaha dhexe
+9
"Daawo: Sawirradda dhiig baxa khawaarijta alshabaab ee deganka Tawakal ee gobolka shabelaha dhexe