MOON-COLLEGE FOR ENGLISH
Відкрити в Telegram
Wisdom: 1.Success is about those who seek it (saying) 2.Quitters never win winners never quit(proverb)
Показати більше1 776
Підписники
-124 години
-37 днів
-1630 день
Архів дописів
📚 Cilmi-baadhis Cusub
🌿 Saamaynta Uu Qaadku Ku Leeyahay Shaqo-wanaaga!
Qaadku waa geed si weyn looga beero loogana isticmaalo Bariga Afrika iyo Jasiiradda Carabta. Caleentiisa ayaa la cunaa si ay u keento firfircooni iyo feejignaan, maadaama ay ka kooban tahay maaddooyin maskaxda saameeya, gaar ahaan cathinone iyo cathine (Al-Hebshi & Skaug, 2005; Balint et al., 2009).
Cilmi-baadhisyadu waxay caddeeyeen in cunista qaadku keento dhibaatooyin caafimaad sida: dhiig-karka, cudurrada wadnaha, niyad-jabka, waallida, iyo isbeddello dhinaca dabeecadda ah (Al-Hebshi & Skaug, 2005; Balint et al., 2009; Abou-Elhamd et al., 2021).
Sidoo kale, daraasado kale ayaa sheegay in qaadku sababo dhibaatooyin bulsho iyo dhaqaale, oo ay ka mid yihiin maamul-xumo xaga waqtiga ah, hoos u dhaca saacadaha shaqada, qanacsanaan la'aanta nolosha qoyska, iyo culays dhaqaale (Omar et al., 2019; Maalim, 2018).
Inkastoo cilmi-baadhisyo kooban ay muujiyeen in isticmaalka dhexdhexaadka ahi uu si ku-meel-gaadh ah u kordhin karo firfircoonida, feejignaanta, iyo kalsoonida shaqada (Gudata et al., 2019; Wood et al., 2024), isticmaalka joogtada ah ayaa guud ahaan lala xidhiidhiyey hoos u dhac ku yimaadda awoodda maskaxda iyo waxqabadka shaqada (Ahmed et al., 2021). Si kastaba ha ahaatee, kahor daraasadan aan samaynay, ma jirin cilmi-baadhis si gaar ah u baadhay xidhiidhka ka dhexeeya cunista qaadka iyo waxqabadka shaqaalaha ha ee Somaliland gaar ahaan Hargeisa oo kamid ah meelaha qaadka ugu badan lagu cuno geyiga Somalida.
Si'aan war sugan uga helo, waxaanu samaynay daraasad quantitative cross-sectional ah oo laga qaaday 150 rag ah oo ka shaqeeya ganacsiyada yaryar ee suuqa badhamaha Hargeysa. Xogta waxaa lagu ururiyey su'aalo habka Likert Scale ah, waxaana lagu falanqeeyey multiple linear regression, iyadoo la xakameeyey variables ka ay ka mid yihiin heerka waxbarashada, xaaladda guurka, nooca shaqada, nooca qaadka, iyo da'da.
Natiijooyinku waxay muujiyeen in cunista qaadku si weyn u yarayso waxqabadka shaqada (β = 0.879, p < 0.001). Halka heerka waxbarashada, xaaladda guurka, nooca shaqada, da'da, iyo nooca qaadka la cuno aysan lahayn saameyn muhiim ah.
Daraasaddu waxay ku soo gabagabaysay in yaraynta cunista qaadku ay kor u qaadi karto wax-soo-saarka shaqaalaha. Sidaa darteed, waxay ku talisay in la xoojiyo wacyigelinta goobaha shaqada, la dejiyo siyaasado iyo barnaamijyo lagu dhimayo isticmaalka qaadka, isla markaana la sameeyo cilmi-baadhisyo dheeraad ah si loo fahmo saamaynta muddada dheer ee qaadku ku leeyahay waxqabadka shaqada.
Kasoo akhriso maqaalka oo dhamaystiran halkan:
👇👇👇 https://peerj.com/articles/21430/
Fadlan nagaga soobiir si'aad nooga mid noqotid whatsApp-ka group kan:✍✍ https://chat.whatsapp.com/HPA3hQbenNgLe0asszHfPH?mode=gi_t
Hadaad rabto inaad bilawdo Englishta bishan April waxa socota isdiwaangelintii.. nagaga soobiir: https://chat.whatsapp.com/HPA3hQbenNgLe0asszHfPH?mode=gi_t
Saamanynta dagaalka Bariga dhexe; Qiimaynta Saamaynta uu Dagaalka Bariga Dhexe ku yeelan karo Geeska Africa Gaar ahaan Somalida.
Marka la eego dagaalka ka holcaya Bariga dhexe oo galay maalintii 3 aad waxa uu saamayn aad uwayn ku yeeshay dunida oodhan.
Qiimaha shidaaka ayaa sare u kacay maanta oo Isniin ah suuqyada dunida taas oo meelo badan oo caalamka ah laga dareemay. Tusaale 9% ayuu sare u kacay qiimaha shidaalka dunida, halka uu 22% uu sare u kacay meelo badan oo Europe ah gaar ahaan gas ta sida ay shegtay (CNN). Sidoo kale (Reuters, AP news, iyo Business Insider), ayaa sheegay in shidaalka dunida ay foostadi ku sii socoto 100$, iyada oo dhaafi karta waqti dhow (Brent crude, WTI Crude).
Sidoo kale waxa la saadaalinayaa in uu hoos u dhaco dhaqaalaha dunida. Waxa gabaabsi noqon doona; Cuntada, agabka dhismayaasha, dharka. Waxa sida oo kale lahakiyey diyaaradaha mara Bariga dhexe badiba.
Madaama oo dagaal ka socod marin muhiim ka ah ee Hormuz oo uu maro inta lagu qiyaasho 12-15% dhaqaalaha dunida ayaa sababaya masuubo. Sidoo kale bar tilmaameedsiga maraakiiba ka gud-baya biyaha caalamiga kuwaas oo target u noqonaya Iran iyo xulafadeeda ayaa iyana xaalada sii ad keeyey.
Wadamo badan oo Africa ah ayaa laga dareemayaa korodhka shidaalka sida; South Africa, Gana iyo qaar kale oo badan sida ay shegeen (Business Inside Africa, Daily Investor.com, iyo Sunday world).
Khuburadu waxa ay saadaalinayaan in Xaaladu kadari karto hadi aan daagaalku joogsan maalmaha ama saacadaha soosocda.
Geeska Africa ama dhamaan qaarada Africa ayaa intabadan ku tiirsan waxa ay kala soodegaan wadamada kale ee kabaxsan qaarada.
Geeska Africa waxa uu ku tiirsan yahay soo dhoofsiga ama waxa ay wadamada kale ka keen sadaan oo badiba xaga bada u soo mara. Taasina waxay ka dhigtay qaarada mid nugul gaar ahaan Somalida oo sitoos ah ugu tiirsan waxa uga yimaada dunida kale.
Waxay tani sababi kartaa Macaluul baahsan madaama uu aanay lahayn kayd cunto, sidoo Kalena aanay jirin wax ay beertaan oo ku filaan kara ama ay maalmo ku bad baadi karaan.
Dagaalka markin Hormus yo qalaalaasaha ka aloosan ayaa hal beega mar qudha u warejiyey dhinaca kale iyada oo durba ladareemay. Hadaba maxaa suuq yada caalamka iyo kan Africa ba loogu hor dareemi donaa?
1. Shidaalka; madaama uu maantaba shidaalka duni kor ukacay 9% caalamka, 22% Europe.. maxaa laga filan karaa Geeska Africa?
2. Cuntada; Marka laga yimaado shidaalka waxa kor u kac wayni ku imanayaa cuntada, taas oo laga dareemi doona dunida gaar ahaan Geeska Africa, si gaar ah wadamada Somalida.
3. Sidoo kale badeecada ha kale ee caalamka kale kayimaada ayaa iyana kor u kacu saamayn donaa sida; electronics, dharka, agabka dhis-maha IWM.
Markal laga yimaado in wadamo badan oo dhaqaale ahaan iyo xadaarad ahaan ba koray ay ku waayo arkeen dhibta noocan oo kale ah, isla markaana ay ka gashaan teen iyaga oo intabadan samaystay kaydad shidaal iyo cunto ah, wax abadan na kabeerta wadan kooda. Somalidu oo maqadaan ma dhergaan ah, ayaa xaladu aad u samayn kartaa, taas oo aan wax qorshe ah kalahayn masibooyin ka noocan oo kale ah. Majirto kayd cunto, mid shidaal ama diyaar garawga dhacdooyinka noocan oo kale ah.
Somalidu badi waxay ku tiirsan tahay xoolaha oo ay u dhoofiso wadamada carabta, majirto ama aad bay u yar yihiin wax ay bertaan oo ay kaga badbaadi karaan masiibooyinka noocan oo kale ah.
Tan ayaa ku soo beegmaysa iyada oo abaaro aad u darani kataagan yihiin isla markaana roobabkii lawaayey sanado badan. Xaalka reer miyiguna u dhaxeeyo geeri iyo nolol.
Dhibtan waxa laga bad-baadi karaa musqablka dhow iyo kan dhow ba dhawr hab:
1. In wax beerashada xooga lasaaro halkii xoolo dhaqashada oo qudha xooga la saari lahaa.
2. In lasameyo kayd cunto iyo mid shidaal oo lagu bad-baadi karo waqtiyada noocan oo kale ah.
3. In warshadaha la maal geliyo kuwaas oo soosaari kara badiba waxa debeda laga soo iibsado.
--------------------DHAMAAD-----------------------------------
Sahan Research & Studies Center
#PoliticalAnalysis #Geopolitics #Research #MiddleEast #Somalia #GlobalEconomy
✨ Bushaaro! ✨ majeceshahay inaad barato luuqada Englishta si free ah.
📚 Sahan wuxu si rasmi ah u qaadanayaa100 arday 🎓 kuwaas oo si bilaash ah loogu barayo Luuqadda Ingiriisiga hadaad rabto inaad kamid noqoto nagaga soobiir:
👇👇👇👇👇👇 https://chat.whatsapp.com/HPA3hQbenNgLe0asszHfPH?mode=gi_t
✨ Hadii aad barato Englishta ✨
👉 Waxay kuu fududaynaysaa qaybo badan oo nolosha ah sida:
🎓 Waxbarashada
💼 Shaqada
✈️ hadii aad Safar ubaxayso
📈 hadii aad Ganacsi leedahay
📘 Sahan ayaa kuudiyaariyey courses wax ku ool ah, sida:
🔹 1. Beginner
🔹 2. Elementary
🔹 3. Intermediate
🔹 4. Speaking specialist
🔥 Waxan samaynay qiimo dhis 70% ah.
📲 Si'aad information dheraad ah u hesho kusoobiir group kan: https://chat.whatsapp.com/HPA3hQbenNgLe0asszHfPH?mode=gi_t
✨ Hadii aad barato Englishta ✨
👉 Waxay kuu fududaynaysaa qaybo badan oo nolosha ah sida:
🎓 Waxbarashada
💼 Shaqada
✈️ hadii aad Safar ubaxayso
📈 hadii aad Ganacsi leedahay
📘 Sahan ayaa kuudiyaariyey courses wax ku ool ah, sida:
🔹 1. Beginner
🔹 2. Elementary
🔹 3. Intermediate
🔹 4. Speaking specialist
🔥 Waxan samaynay qiimo dhis 70% ah.
📲 Si'aad information dheraad ah u hesho kusoobiir group kan: https://chat.whatsapp.com/HPA3hQbenNgLe0asszHfPH?mode=gi_t
Barashada Englishtu waxay kuu abuuraysaa fursado kaladuwan sida, hadii aad ganacsi leedahay, shaqo raadinayso, dalka kabaxayso ama aad wax baranayso. Waxa socota isdiwaangelinta courses ka kaladuwan ee Englishta. Bilaw hadda si'aad noloshaada wax badan uga bedesho.
https://chat.whatsapp.com/HPA3hQbenNgLe0asszHfPH?mode=gi_t
Caawa ayuu bilaab mayaa nagaga soobiir: https://chat.whatsapp.com/DJgn150ZwMKFqVVKQp6RyA
✨ Maxay muhiim u tahay inaad barato Xirfad waqtigan? ✨
🎓 Sahan ayaa marti-gelinaya kulan aqoon-iswaydaarsi ah oo ku saabsan barashada Xirfad iyo sida ay u beddeli karto noloshaada!
📌 Waxa wax laga eegi donaa dhinacyada:
🔍 Cilmi-baadhista
🤖 AI-ga
💻 ICT-ga
🌾 Beeraha
🧵 Farsamada gacanta (sida dharka, laydhka, iwm)
📈 Shaqooyinka haatan ka bannaan suuqa
🐄 Xoolaha
🐟 Kalluunka
⛏️ Macdanta
➕ iyo kuwo kale oo badan dhammaantoodna muhiim u ah nolosha.
🧠 Kulankan waxa aad ka heli doontaa:
✅ Talooyin wax ku ool ah.
✅ Cilmi iyo falanqayn ay soo bandhigi doonaan Khuburo aqoon u leh.
❓ Haddaba adigu feild kee tahay?
📡 Kulanku waxa uu ku dhacayaa qaab LIVE ah
🏠 Adiga oo gurigaaga jooga ayaad wax badan ogaanaysaa! Maxaad rabtaa inaad wax ka ogaato?
👉 Naga soo biir WhatsApp Group-kan:https://chat.whatsapp.com/DJgn150ZwMKFqVVKQp6RyA
✨ Maxay muhiim u tahay inaad xirfad barato waqtigan la joogo?
🤔 Bilaa xirfad, noloshaadu sidee ayay noqon kartaa?
🌍 Maxay saadaashu ka sheegaysaa sanadaha soo socda dunidan casriga ah?
🛠️ Xirfad nocee ah ayaad u baahan tahay inaad barato?
📌 Su’aalahan iyo boqolaal kale ayaa si qoto-dheer looga doodi doonaa. 🎤 Bar-kulan gaar ah oo uu qabanayo *Sahan*
👨🏫👩🏫 Waxa marti ku ah:
⭐ Khubaro aqoon durugsan u leh arrimahan,
🌐 kana kala socda meelo (fields) kala duwan, si arrinta jihooyin badan looga eego!
🔴 Kulanku wuxuu u dhacayaa si LIVE ah
📅 Khamiista habeenka Jimcuhu soo galayo
🕣 Waqtiga: 8:30
📆 Taariikh: 22.01.2026
👉 Haddaba, si aad uga mid noqoto👇👇👇👇:https://chat.whatsapp.com/DJgn150ZwMKFqVVKQp6RyA
