️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan
Відкрити в Telegram
Halkaan waa Telegramka ️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan
Показати більшеКраїна не вказанаКатегорія не вказана
258
Підписники
-224 години
+197 днів
+1930 день
Архів дописів
Dad badan oo Shacab ah oo lagu dilay gudaha Dalka Suudaan kuwaas oo aan wax ba galabsan.
Tobonaan qof oo ku dhintay Qarax ka dhacay Wadanka Myanmar ee Qaarada Aasiya.
In ka badan 10 qof oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Weerar Diyaaradeed oo Dowladda Ukraine ku qaaday Dalka Rusuhka.
Dowladda Fedaraalka ayaa ka Hadashay Kulankii ay Yahuudda kula Yeelatay Dalka Kenya.
Maamulka Islaamiga ah ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa Soo Bandhigay Askar Kasoo Goostay Maamulka La Baxay Jubbaland.
Waxaa Isa soo Taraya Culimada Ku Nool Goballada Waqooyi ee Sida Adag Uga Hadlaya Safaaradda uu Maamulka La Baxay Soomaalilad Ka Furtay Magaalada Yahuuduu haysato ee Al-Qudus.
Maamulka la Baxay Jubbaland ayaa Xukuumadda Xasan Sheekh Kala Wareegay Deegaanno Horleh oo ka Tirsan Gobalka Gedo.
Maanta waa maalin Isniin, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 15-12-1447 oo waafaqsa 01-06-2026, warka Duhurnimo waxaa soo jeedinaya Maxamed Sheekh Cali.
Waxaa Isa soo Taraya Culimada Ku Nool Goballada Waqooyi ee Sida Adag Uga Hadlaya Safaaradda uu Maamulka La Baxay Soomaalilad Ka Furtay Magaalada Barakaysan ee Al-Qudus.
Mid kamid ah culimada ku nool deegaannada uu ka arrimiyo maamulka la baxay Soomaaliland ayaa si adag ula hadlay madaxda maamulkaas ee Yahuudda ku faraq xirtay.
Waxa uu Sheekha bidhaamiyay khatarta ay Muslimiinta ku keeni karta aqoonsi ku sheega ay isweydaarsadeen maamullada Cabdiraxmaan Cirro iyo Binyamiin Netanyaahu.
Sheekha oo hadalkiisa sii wata ayaa cadeeyay waxa ay ka dhigan tahay safaaradda uu Maamulka la Baxay Soomaalilad ka furtay magaalada Barakaysan ee Al-Qudus.
Dowladda Fedaraalka ayaa ka Hadashay Kulankii ay Yahuudda kula Yeelatay Dalka Kenya.
Dhawaan Jibriil Ibraahim Cabdulle oo ah Safiirka Dowladda Fedaraalka u qaabilsan wadanka Kenya ayaa magaalada Nairobi kula kulmay safiirka Yahuudda ee dalka Kenya.
Markii ugu horaysay dowladda Xasan Sheekh ayaa ka hadashay ajandaha ay labada dhinac ka wada hadleen waa safiirkeeda iyo kan Yahuudda'e.
Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Fedaraalka ayaa warbaahinta u sheegay in dowladda Xasan Sheekh ay la socotay ka qeybgalka safiirka ee Shirka, islamarkaana ay Yahuudda kala hadleen arrimo uu sheegay, inay la xiriiraan ganacsiga.
“Safiir Jibriil Ibraahim Cabdulle wuxuu shirka uga qeyb galay isaga oo gudanaya waajibaadkiisa diblomaasiyadeed ee Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya. Shirku wuxuu ahaa mid la xiriiray beeraha iyo ganacsiga,” ayuu Wasiirka arrimaha dibadda ee Dowladda Fedaraalka u sheegay warbaahinta, isagoo ku sugan dalka Kuuriyada Koofureed.
Maamulka la Baxay Jubbaland ayaa Xukuumadda Xasan Sheekh Kala Wareegay Deegaanno Horleh oo ka Tirsan Gobalka Gedo.
Macluumaadka inaga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maamulka la magacbaxay Jubbaland uu Dowladda Fedaraalka kala wareegay degmada Luuq.
Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Axmed Madoobe ayaa gaaray degmada Luuq halkaas oo ay kula kulmeen saraakiil ciidan.
Ku xigeenka maamulka la baxay Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo guuddoomiyaha degmada Dooloow ayaa degmada Luuq ka sheegay in ay ka shaqeyn doonaan sidii siyaasadda maamulka Jubbaland looga hirgelin lahaa degmooyinka gobolka Gedo.
Dhawaan ayay aheyd markii uu maamulka degmada Garbahaarey ku dhawaaqay, in uu taageersan yahay Axmed Madoobe isla markaana uu qaadacay doorashada ay kooxda Xasan Sheekh qorshaynaysay in ay Gedo ka hirgeliso.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa howlgal lagu dilay askari ka tirsan Dawladda Fadaraalka ka fuliyay gudaha magaalada Jowhar ee gobalka Shabellada dhexe, iyagoo kula wareegay qori uu ku hubeysnaa askariga la dilay.
Dibad-baxyo Sabababay Khasaare Nafeeed ayaa ka Dhacay dalka Koonfur Afrika, Xilli Banaan-baxyada ka Socda Dalkaas ay Saamayn ku Yeesheen Ajaanibta ay Soomaalida Kamidka Tahay.
Dab Xooggan oo Khasaare Dhaliyay ayaa Mar Kale Ka Kacay Xarun Waxbarasho oo Ku Taalla Dalka Kenya.
WarbaahiNno iyo Hey’ado Reer Galbeed ah ayaa Walaac ka Muujiyay Dagaallada ka Socda Gudaha Itoobiya.
Maanta waa maalin Isniin ah, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 15-12-1447 oo waafaqsan 01-06-2026, warka Subaxnimo waxaa soo jeedinaya Maxamed Daahir.
Dhageyso: Taxane- Halyeeyadii Badar.[229]
Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan waxay idiin soo gudbineysaa taxane aan ugu magac darnay Halyeeyadii Bader, taas oo uu Sheekh Cabdul Ilaah Abuu Khaalid kaga waramayo, siirada iyo mawaaqifta tarbawiga ah ee saxaabiyiintii Badriyiinta ahaa ee ka qeyb galay macrakadii Yowmul Furqaan
Dad shacab ah oo ay dhaawac iyo xadgudub ugeysatay Dowladda Fedaraalka ayaa ka Warbixiyay dhibaatada loo geystay.
Xubinta Wararka Caalamka oo ku baxda Barnaamijka Dhuuxa Wareysiyada ee idaacadda Islaamiga ah ee Al-Furqaan, waxaa lagu soo gudbiyaa wararkii ugu dambeeyay ee daafaha Caalamka.
Вже доступно! Дослідження Telegram за 2025 — головні інсайти року 
