️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan
Открыть в Telegram
Halkaan waa Telegramka ️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan
БольшеСтрана не указанаКатегория не указана
261
Подписчики
+124 часа
+157 дней
+2030 день
Архив постов
Shariif Sh/Axmad madaxweynaha dowladdii kumeelgaar ayaa sheegay inuu ku Wareersan Yahay Diinta ay Haysato Dowladda Fedaraalka.
Maanta waa maalin Talaado, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 16-12-1447 oo waafaqsa 02-06-2026, warka Duhurnimo waxaa soo jeedinaya Cabdukhaaliq Macalin Cabduwali.
Dhallinyaro Lagu Xiray Magaalada Muqdisho ayaa Sheegay, in Dowladda Fedaraalka si Xun ula Dhaqantay.
Dhallinyaradan oo dhawaan xabsiga loo taxaabay kadib markii ay dhaliileen siyaasadaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kadib markii lasoo daayay waxa ay ka warbixiyeen dhibaatooyinkii ay kula kulmeem jeelka.
Noolal xuma, nadaafad darro iyo dhibaatooyin kale ayay sheegeen dhallinyaradan inay kula kulmeen xabsiga, iyagoo intaasi ku daray, in dharka laga dhigay, loona diiday inay gutaaan cibaadaadka oo ay salaadda ugu horrayso.
Xarigga dhallinyaradan ayaa yimid, kadib markii ay dhawaan iska soo duubeen muuqaallo ay aad ugu dhaliilayeen madaxweynaha Dowladda Fedaraalka, kaas oo ay ku eedeeyeen, inuu caburin ku hayo dhallinyarada, siyaasadihiisa qalafsan awgeedna ay dhallintu uga tahriibayaan dalka.
Urur Qaramada Midoobey ayaa Qarka u Saaran inuu Burburo Dhaqaale La’aan Awgeed.
Waxa loogu yeero Qaramada Midoobay ayaa soo saartay war rasmi ah oo ay ku sheegeen, in howlahooda shaqo ay qarka usaaranyihiin iney hakadaan, kadib markii ay lakulmeen dhaqaale xumo dhanka maaliyadda ah.
Antonio Guterres (Antooniyoo Gutarees) oo ah Xoghayaha guud ee ururka Qaramada Midoobay ayaa sheegay, in ay la'yihiin lacago boqolaal bilyan oo Dollar ah, kuwaas oo uga imaan jiray dhanka Shiinaha iyo Mareykanka.
Hogaamiyaha Qaramada Midoobay ayaa intaasi ku daray, in dhaqaala xumada maaliyadeed aawgeed ay joogsadeen kulamo muhiim ah oo uu goluhu yeelan lahaa, sababa laxiriira tarjumaannada ka shaqeeya xarunta magaalada New York oo soo gaabiyay saacadihii ay shaqeynayeen.
Sidoo kale waxaa hoos loodhigay jaranjarooyinka korontada ku shaqeeya ee xarunta ururka Qaramada Midoobay kadib markii la awoodi waayay bixinta lacagta Korontada.
Sarkaal Sare oo Ka Tirsan Booliska Dowladda Fedaraalka ayaa lagu dhex dilay Guri uu ka deganaa magaalada Muqdisho.
Saacadihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ka dhacay dil loo geystay sarkaal sare oo katirsan ciidanka Booliska Dowladda Fedaraalka.
Sarreeye Guute Salaad Maxamed Guuleed ayaa lagu dhex dilay guri uu deganaa oo ku yaalla degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, waxayna wararka la helayo tilmaamayaan iney dilkiisa ka dambeeyeen labo kamid ah ilaaladiisa, kuwaasoo la sheegay in gacanta lagu dhigay.
Ma cadda waxa sababay dilkiisa iyo xataa qaablka uu u dhacay falkan khaarajin ah ee la sheegay iney ka dambeeyeen qaar kamid ah ilaaladiisa.
Madaxweynihii Hore ee Dowladda ku-Meel Gaarka ayaa Sheegay, inuu ku Wareersan Yahay Diinta ay Haysato Dowladda Fedaraalka.
Shariif Sheekh Axmed madaxweynihii hore ee Dowladda ku-meel gaar ayaa xabeenkii xalay meel madal ah si adag uga weeraray Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo uu u jeediyay dhaliillo fara-badan.
Waxa uu Shariif Sheekh Axmed sheegay, in Xasan Sheekh uu ku tuntay wax kasta oo xurmad ku leh diinta Islaamka sida masaajidda, Dugsiyada Qur’aanka iyo dhiigga dadka Muslimiinta.
Shariif Sheekh Axmed madaxweynihii hore ee Dowladda ku-meel gaar ayaa shaaca ka qaaday, in Xasan Sheekh inta uu dhulboobka wado uu burburiyay, 114 masjid iyo 300 iyo dhawr dugsi oo lagu baranayay qur’aanka Kariimka ah.
“Horta Dowladan diinta ay haysato yaa yaqaano ?…. Maxaa aktooda xurmad ka leh ?” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed madaxweynihii hore ee Dowladda Fedaraalka.
Bashiir Axmad Salaad oo ah wadaad u fatwooda DF iyo ciidamada shisheeye ayaa sheegay in diinta islaamku ay ku dayacan tahay dowladda uu qeybta ka yahay.
Tiro Arday ah ayaa ku Dhaawacmay Rasaas ay Ciidamada Maamulka la Baxay Puntland Ku Fureen Goob Waxbarasho.
Jabhadda Itoobiya ee TPLF ayaa ku Hanjabtay, inay Qaadayso Halgan ay Sheegtay inay ku Xoraynayso Dadka Tigrayga.
Xiisad u Dhexeyso Ciidamo ka Wada Tirsan Maamulka la Baxay Koonfur Galbeed ayaa ka Taagan Degmada Afgooye.
Maanta waa maalin Talaado ah, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 16-12-1447 oo waafaqsan 02-06-2026, warka Subaxnimo waxaa soo jeedinaya Maxamed Daahir.
Dhageyso: Taxane- Halyeeyadii Badar.[230]
Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan waxay idiin soo gudbineysaa taxane aan ugu magac darnay Halyeeyadii Bader, taas oo uu Sheekh Cabdul Ilaah Abuu Khaalid kaga waramayo, siirada iyo mawaaqifta tarbawiga ah ee saxaabiyiintii Badriyiinta ahaa ee ka qeyb galay macrakadii Yowmul Furqaan
Dawladda Kenya oo Ku Dhawaaqday Xeerar Halis Galinaya Dugsiyada Lagu Barto Quraanka.
. [Warbixin]
Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa ka hadashay, sababta ay Madaxda iyo Siyaasiyiinta Dawlada Fadaraalka uga shiri la'yihiin arimahooda, halkii ay arintoda ahaan lahed mid hoostaala Ajaanibta xalane kusugan
Hanjabaadda Culimada Yahuuda diidan ayaa wali kasii socota Hargeysa, maamulka Cirro ayaana u hanjabaya culimada si ay Yahuudiyeynta uga aamusaan.
Xubinta Wararka Caalamka oo ku baxda Barnaamijka Dhuuxa Wareysiyada ee idaacadda Islaamiga ah ee Al-Furqaan, waxaa lagu soo gudbiyaa wararkii ugu dambeeyay ee daafaha Caalamka.
Dhageystayaasha iyo akhristayaasha ku xiran idaacadda Al-Furqaan waxay had iyo goor halkan kala socon karaan Wararka iyo Barnaamijyada ay Idaacaddu baahiso.
Caawa waa habeennimo Talaado ah oo ay taariikhda Hijriguna ay ku beegantahay 16-12-1447 oo waafaqsan 01-06-2026, Barnaamijka Dhuuxa Wareysiyada waxaa caawa soo Cabdisamad Cabdullaahi.
Tiro Arday ah ayaa ku Dhaawacmay Rasaas ay Ciidamada Maamulka la Baxay Puntland Ku Fureen Goob Waxbarasho.
Wararka ka imaanaya Gobolka Nugaal ayaa ku waramaya, in illaa saddax arday ay ku dhaawacmeen rasaas ay askarta maamulka la baxay Puntland ku fureen arday ku sugneed goob waxbarasho.
Dhacdadan ayaa si gaar ah uga dhacday Iskuul ku yaalla Degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal, kaas oo la sheegay, inay ku sugnaayeen arday imtixaan u fadhiday.
Ardayda ku dhaawacantah rasaastaas ayaa loola cararay xarumaha caafimaadka, iyadoo aan warbaahinta lala wadaagin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xaaladooda.
Rasaas ayaa la sheegay, inuu furay hal askari oo ka tirsan ciidamada maamulka la baxay Puntland, iyadoo aan la ogayn sababta uu ardayda u rasaaseeyay.
Balse warar horudhac ah ayaa tilmaamaya, in askariga iyo ardayda uu khilaaf soo kala dhexgalay kadib u rasaas oodda uga qaaday.
Taliska Booliiska maamulka la baxay Puntlanda ugu magacaaban magaalada Burtinle ayaa sheegay, inay baarayaan dhacdadaas.
Jabhadda Itoobiya ee TPLF ayaa ku Hanjabtay, inay Qaadayso Halgan ay Sheegtay inay ku Xoraynayso Dadka Tigrayga.
Guddiga Dhexe ee Jabhadda Tirgayga ee TPLF ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray kulan ay saacadihii lasoo dhaafay ku yeesheen magaalada Maqalle ee xarunta gobalka Tigrayga, kaas oo ay kaga arinsanayeen xaaladda gobalkaaas iyo maamulkooda cusub.
TPLF ayaa war-saxaafadeedkeeda ku sheegtay, inay qiimayn ku samaysay xaaladda hadda jirta gobalka Tigrayga, awooddeeda ciidan iyo shaqooyinka u qabsoomay garabkeeda siyaasiga ah.
Waxa ay TPLF ku goodisay, inay galayso halgan lagu ilaalinayo shacabka Tigrayga iyo madaxbanaanidooda, marka intaasi lagu daro, in guryahooda lagu soo celiyo dadka Tigreega ee ku barakacay dagaalladda, sida lagu sheegay bayaankaan oo kasoo baxay Guddiga Dhexe ee Jabhadda Tirgayga ee TPLF.
Sidoo kale, TPLF waxa ay ku hanjabtay, inay dadaal ugu jirta sidii shacabka Tigrayga iyo dhulka ka maqan ay uga xorayn laheed soo duulayaasha oo ay ula jeedda ciidanka Millatariga Itoobiya.
Уже доступно! Исследование Telegram 2025 — ключевые инсайты года 
