️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan
Відкрити в Telegram
Halkaan waa Telegramka ️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan
Показати більшеКраїна не вказанаКатегорія не вказана
339
Підписники
Немає даних24 години
+927 днів
+9930 день
Архів дописів
Maamulka La Baxay Soomaaliland ayaa Sheegay in Dhaqaatiir Aan Xirfad Wanaagsan Lahayn ay Dad Ku Dhibaateeyeen gobollada Waqooyi.
Waxaa goballada dalka aad ugu soo badanaya dhibaatooyinka la xiriira dhanka caafimaadka, kuwaas oo loo aanaynayo dhakhaatiir aan xirfad u lahayn hawlaha caafimaadka oo dalka soo galay iyaga oo wata shahaadooyin aan sax ahayn, waxayna ogalaansho ka heleen maamulada ka jira dalka.
Cabdiraxman Xuseen Ismaaciil oo kamid ah masuuliyiinta waaxda Caafimaadka ee maamulka la baxay Soomaaliland ayaa sheegay, in ay jiraan dhakhaatiir badan oo ajaanib ah oo dalka usoo shaqo doonta, isla markaana aan lahayn xirfad caafimaad, wuxuuna xusay inuu isaga laftiisa la kulmay dhakhtar ajanabi ah oo watay shahaadooyin iyo dukumentiyo been abuur ah oo dalka u joogay qaab dhakhtarnimo.
Waa Habeennimo Sabti ah taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 19-01-1448 oo ku beegan 03-07-2026, warka Habeen waxaa soo jeedinaya C/Khaaliq Macallin Cabdi-Wali.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa qarax ay ka fuliyeen degmada Qansaxdheere la eegtay fariisin ay ku sugnaayeen askar ka tirsan Dowladda Federaalka, waxaana jira khasaare gaaray ciidamadii halkaas ku sugnaa.
Dhegeyso: Taxane: Khulaaseynta Kutubta Islaamiga ah.[03]
Kani waa taxane aan ugu magac darnay khulaaseynta kutubta islaamiga ah, laguna soo bandhigayo nuxurka kutub gaar ah, taas oo uu soo jeedinayo Al-Ustaad Abuu Muxamed Ash-Shaami oo kamid ah Aqoonyahannada Soomaaliyeed.
Dhageystayaasha iyo akhrisstayaasha ku xiran Mareegta idaacadda islaamiga ah ee Al-furqaan, waxay had iyo goor halkan kala socon karaan wararka iyo barnaamijyada ay idaacaddu baahiso.
Barnaamijka Waxbrashada waa barnaamij todobaadle ah oo Jimco waliba ka baxa warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan, waxaana diiradda lagu saaraa warbarashada, iyadoo lagu soo qaato mowduucyo muhiim ah oo faa’iido u leh bulshada Soomaaliyeed.
Daawo: Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka ayaa sheegay in maamuka la baxay Puntland uu ka go'ay xukuumadda uu hogaamiyo.
Maanta waa maalin Khamiis ah, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 18-01-1448 oo waafaqsan 03-07-2026, warka Duhurnimo waxaa soo jeedinaya Maxamed Sheekh Cali.
Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka ayaa sheegay in maamuka la baxay Puntland uu ka go'ay xukuumadda uu hogaamiyo.
Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka ayaa weerar afka ah ku qaaday Siciid Cabdullaahi Deni, wuxuuna eedeymo kala duwan ujeediyay hogaanka maamulkaas, kuwaas oo ay ugu horreyso inuu maamulkaasi ka go'ay Dowladda Fedaraalka.
Wuxuu sheegay Xasan Sheekh, in maamulka fadhigiisu yahay magaalada Garoowe aysan wax wadashaqeyn ah ka dhaxeyn isaga xukuumadda Villa Soomaaliya marka laga hadlayo maamul ahaan, kaliyana marka siyaasad laga hadlayo uu Dowladda Fedaraalka u soo dirsado dad isaga ka socda.
Xasan wuxuu xusay in xilligan la joogo aysan waxba ka dhaxeyn maamulkaas, kaliyana kamid ahaanshaha uu sheegayo inuu qeyb ka yahay Dowladda Fedaraalka ay tahay mid aan afka dhaafsiisaneyn.
Mid kamid ah maxkamadaha ciidamada Dowladda Fedaraalka ayaa soo bandhigtay kiis muujinaya sida ay askarooda ugu fududyahay daadinta dhiigga dadka shacabka ah ee ay laayaan.
Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha waxaa dhowr bilood ka hor ka dhacay dil iyo uu geystay askari ka tirsan ciidanka loogu yeero Daraawiishka ee maamulka la baxay Hirshabeelle, kuwaas oo uu kula kacay labo nin oo ah dad shacab ah.
Labada nin ee dhaawaca iyo dilka loo geystay waxaa midka dhintay la oranjiray Siciid Cali Nuur Shire oo ahaa nin oday ah, halka ninka dhaawaca ahna lagu magacaabo Aadan Maxamad Ibraahim.
Maxkamadda ciidamada Dowladda Fedaraalka ayaa soo bandhigtay kiiska askarigan oo ah mid laab leh, waxaana halka lagu qabanayay ka soo muuqday nin ku dhaawacmay falka uu ku kacay askarigan.
Daawo: Dowladda Mareykanka ayaa quus galisay duullaanka ay Shisheeyuhu ka wadaan Soomaaliya.
Diiradda Jimcaha, waa barnaamij todobaadle ah oo ka baxa Warbaahinta Islaamiga Al-Furqaan, waxaana lagu falanqeeyaa hadba qodobka ugu weyn ee todobaadkaas taagan, iyadoo mararka qaarna lagu soo gudbiyo mawaadiic gaar ah oo ahmiyad xambaarsan.
Barnaamijka Diiradda Jimcaha waxaa maanta looga hadlay Waxa loogu yeero maalmaha xoriyada ee soomaaliya, waxaana soo jeedinaya Maxamed Daahir.
Xubinta Khadka Teleefannada waxay caruurta ku nool dalka iyo dibadiisu kaga qeybgalaan barnaamijka Tarbiyada Caruurta, iyagoo soo gudbiya waxyaabaha ay jecelyihiin iney ubadka asaagooda ah la wadaagaan, sidoo kalena kaga jawaaba su’aalo iyo hal-xiraallayaal.
Maanta waa maalin Jimco ah, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 18-01-1448 oo waafaqsan 03-07-2026, Barnaamijka Tarbiyada Caruurta waxaa soo jeedinaya Cabdi-Khaaliq Macallin Cabdi-Wali.
Silsiladda Waanada Jimcaha- Sh Abuu Saciid Az-Zeylici- 03.mp314.12 MB
Dhageyso Taxane Waanada Jimcaha.[03]
Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan waxay idiin soo gudbineysaa taxane aan ugu magac darnay ”Waanada Jimcaha” oo uu so jeedinayo Sheekh Abuu Saciid Az-Zeylici, kaasoo Jimco weliba ku baxa wararka Subax, Duhur iyo Fiidnimo, waxaana lagu soo gudbin doonaa waanooyin dhaxalgal ah oo waxtar uleh bulshada.
Dab Geystay Khasaare Naf iyo Maalba leh ayaa Kakacay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Kooxo Hubaysan ayaa Weerar Ku Qaaday Markab Ganacsi oo Marayay Xeebaha Dalka Yemen.
Maanta waa maalin Jimco ah, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 18-01-1448 oo waafaqsan 03-07-2026, warka Subaxnimo waxaa soo jeedinaya Maxamed Sheekh Cali.
