cookie

Мы используем файлы cookie для улучшения сервиса. Нажав кнопку «Принять все», вы соглашаетесь с использованием cookies.

avatar

Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed

This is the official account of Somali news agency, you get more news and information about Somalia

Больше
Рекламные посты
16 524
Подписчики
+2424 часа
+1167 дней
+40030 дней

Загрузка данных...

Прирост подписчиков

Загрузка данных...

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Nairobi ee wadanka Kenya. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray dalka Kenya ,waxaana garoonka diyaaradaha Magaalada Nairobi kusoo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan dowladda Kenya oo uu ugu horeeyo Wasiirka difaaca wadankaasi Aadan Barre Ducaale.
Показать все...
👍 11 5
01:04
Видео недоступноПоказать в Telegram
Wasiir Maxamed Cabdi Barre “Wasaaradda Dhalinyarada XFS waxey ku dadaaleysaa sidii bulshada looga wacyigeli lahaa khaladaadka ka dhaca baraha Bulshada.”
Показать все...
11🔥 1
05:01
Видео недоступноПоказать в Telegram
Degmada Aadan-Yabaal oo ka soo kabanaysa dhibaatadii ay badeen Khawaarijta. Warbixin.
Показать все...
👍 2
04:17
Видео недоступноПоказать в Telegram
Muxudiin Maxamed oo kamid ah odayaasha Aadan–yabaal “Khawaarijtii degmadaan laga xoreeyey waxay ku duugeen dad ka badan labo kun oo ruux.”
Показать все...
👍 19👌 5 2👏 2
Dhagarqabe Cabdulqaadir Xaaji Eenoow ayaa caawa lagu dilay howlgal ay fuliyeen ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan ururka 26-aad, guutada 6-aad ee qeybta 60-aad, howlgalka ayaa ka dhacay deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellada Hoose. Taliyaha ururkaas Dhamme Faarax Maxamuud Xirsi ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in xogta dhagarqabahaan ay lasoo wadaageen shacabka ku nool tuulooyinka u dhow Golweyn, iyagoo caawa ku guuleystay inay khaarajiyaan.
Показать все...
👍 25 9👎 7🔥 7🙏 5👏 3👌 2
02:48
Видео недоступноПоказать в Telegram
Muuqaalka duqeyn lagu laayey Khawaarij isbaaro u taallay Tuulada Furuqley ee gobolka Sh/Hoose.
Показать все...
👍 32 17👏 10
Фото недоступноПоказать в Telegram
Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa fashiliyey isku day dil oo labo dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta ay ka fuli rabeen degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir. Ciidamada ayaa helay xogta labada dhagarqabe, kadibna waxaa lagu sameeyey dabagal inta aysan gaarin bartilmaameedkoodii, waxaana halkaas lagu dilay mid kamid ah dhagarqabayaashii, iyadoo kii kale nolosha lagu qabtay, isagoo dhaawac ah. Ciidamada NISA ayaa soo bandhigay meydka dhagarqabaha la dilay, dhaawaca kan nolosha lagu hayo iyo labo bistooladood oo ay ku hubeysnaayeen, isla markaana ay qorsheynayeen inay dil ku geystaan.
Показать все...
👍 33 10👏 4🔥 2👎 1
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyed Gaar ahaan Urarada 46-aad iyo 47-aad Ee Guutada 8-aad qeybta 60aad Ayaa Caawa Howlgal Qutsheysan Waxay Kafuliyeen Degaanada Kala Ah Sarmaan Dheere iyo Degaanka Mooro Bus Bus ee Gobalka Baay maleshiyadka lagu Diley Degaanadan ayey U qabilsanayeyen Qaadida Lacag Benaadka ka Shacabka lagu Qaado Ee Isticmaala Wadooyinka Baay Iyo Gado Abdullah Aliyow iyo Emed Najiib Abdi salaan ayaa Saaka lagu Ciibadeystey Werarkan oo Qursheysanaa. Howlgalkan waxaa siwada jir ah U Hogaaminayey Taliyasha Ururada kala ah 47aad iyo 46aad Ee Guutada 8aad Qeybta 60aad Ee CXDS.
Показать все...
👍 25 7🔥 7
02:50
Видео недоступноПоказать в Telegram
Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir oo go'aan kasoo saareysa Racfaankii uu soo qaatay Eedeysane Sayid Cali Macalim.
Показать все...
👍 4 2
09:44
Видео недоступноПоказать в Telegram
Agaasimaha Hey’adda NISA Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo ku sugan xuduudaha Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan ayaa bulshada deegaanka ku booriyay in ay joojiyaan colaada dhaxdooda ah ayna u diyaar garoobaan baacsiga Khawaarijta.
Показать все...
👍 25👏 6👌 5 4