Goobo Labs
Открыть в Telegram
5 040
Подписчики
-324 часа
-317 дней
-11930 день
Архив постов
5 039
Ugu dambeyn, waxaan dib-u-cusbooneysiin ballaaran ku sameynnay website-ka Goobo Labs. Waxaan u naqshadeynay muuqaal cusub oo casri ah, qurux badan, isla markaana fudud in la isticmaalo.
Waxaan sidoo kale ku soo kordhinnay qaybaha Datasets iyo Models, kuwaas oo diiradda saaraya horumarinta xogta iyo moodellada Af-Soomaaliga.
Waxa kale oo aad ka heli doontaan model-ka turjumaadda Af-Soomaaliga ee aan dhisnay, kaas oo aad si toos ah u tijaabin kartaan una qiimeyn kartaan tayada turjumaaddiisa.
🌐 Website: https://www.goobolabs.so/
📊 Datasets: https://www.goobolabs.so/datasets
🤖 Models: https://www.goobolabs.so/models
5 039
Siduu u shaqeynaayo iyo dhamaan muuqaal ayeenu ka sameyn se marka hore kuso biira Insha'Allah.
5 039
Discord-kaan ayaan u wareeganay oon ku qaban doonno bootcamp-ka soo socda, kusoo biir:
https://discord.gg/PFBBaAhSA
5 039
Ka faa'ideysta fursaddaan dahabiga ah oo la wadaag cidwalba daneynaysa:
https://www.facebook.com/share/18rGw8G3ez/
5 039
Fursad Dahabi ah, dabcan mar kale inaysan idin soo marin dhici karta 🔥
https://youtu.be/PaLbpm-mtsA?si=eMUiZM5A2II13wX1
5 039
Ciid Mubarak dhammaan umadda islaamka gaar ahaan umadda Soomaaliyeed.
Waxaan idiin rajeynaynaa ciid farxad, midnimo, iyo barako xambaarsan. Farxad ku ciida meel kasta oo aad joogtaan.
#Goobolabs #CiidWanaagsan #eidmubarak
5 039
Ciid Mubarak dhammaan umadda islaamka gaar ahaan umadda Soomaaliyeed.
Waxaan idiin rajeynaynaa ciid farxad, midnimo, iyo barako xambaarsan. Farxad ku ciida meel kasta oo aad joogtaan.
#Goobolabs #CiidWanaagsan #EidMubarak
5 039
Sababta aysan macquul-ka u aheyn in AI bedesho Software Engineering:
https://www.facebook.com/share/p/18PseLEZve/
Qormadaas waa muhiim akhrista.
5 039
Goobo Labs, gaar ahaan qaybta Blockchain-ka, waxay soo gabagabeysay experiment muddo socday oo ku saabsan dhismaha Layer-1 ee blockchain. Muddo aan si qoto dheer uga shaqeynaynay cilmi-baaris, naqshadeyn, iyo tijaabooyin kala duwan ka dib, maanta waxaan soo bandhigeynaa mashruucii aan horumarinaynay oo lagu magacaabo Hanticoin.
Fikradda Hanticoin waxay ka timid baahi dhab ah oo ka jirta nidaamyada lacagta dhijitaalka ah ee maanta la adeegsado. Inta badan nidaamyada jira waa kuwo meel dhexe laga maamulo oo aan si buuxda loo hubin karin cadadka lacagta ku jirta ama sida loo maamulo. Isticmaaluhu ma awoodo inuu si madax-bannaan u xaqiijiyo sahayda guud iyo hufnaanta nidaamka. Taasi waxay kalsoonida ka dhigeysaa mid ku tiirsan hay’ad gaar ah.
Blockchain markii ugu horreysay waxaa dunida kusoo kordhisay Bitcoin, taas oo muujisay in la abuuri karo nidaam lacag dhijitaal ah oo leh xeerar cad, sahay go’an, iyo daahfurnaan buuxda. Mabda’aas aasaasiga ah ayaa noqday dhiirrigelinta Hanticoin.
Hanticoin waa Layer-1 blockchain madax-bannaan oo si gaar ah loogu dhisay lacag-bixin degdeg ah oo kharash yar leh. Ma aha madal guud oo smart contracts lagu dhiso, balse waa nidaam si gaar ah loogu habeeyey wareejinta qiimaha. Sahayda Hanticoin waa mid go’an oo dhan 21,000,000,000 HTC, lehna lix jajab tobanle. Xilliga block- kasta (block time) waa 3 ilaa 5 ilbiriqsi, waxaana uu ku shaqeeyaa habka Proof-of-Stake oo ku dhisan validator staking.
Muddo aan ku hawllannay horumarinta, waxaan diiradda saarnay dhismaha nidaamka asaasiga ah ee blockchain-ka, naqshadeynta habka heshiiska (consensus model) ee ku habboon lacag-bixinta, iyo tijaabooyin dhinacyo badan leh si loo xaqiijiyo xasilloonida iyo amniga shabakadda. Ujeedadu waxay ahayd in la abuuro nidaam leh dib-u-dhac hoose, lacag yar, iyo degdegsiinyo ku habboon isticmaalka maalinlaha ah.
Repo-ga mashruuca: https://github.com/goobolabs/hanticoin
Warqadda cad (whitepaper) ee mashruuca, oo sharxaysa aragtida, qaabka dhaqaale, iyo mabda’a nidaamka, waxad ka heli kartaa: https://github.com/goobolabs/hanticoin/blob/main/docs/WHITEPAPER.md
Qaab-dhismeedka farsamo ee blockchain-ka (architecture) waxaa si faahfaahsan ugu sharaxnay: https://github.com/goobolabs/hanticoin/blob/main/docs/ARCHITECTURE.md
Sidoo kale, qaabka heshiiska iyo sida ansixiyayaashu u shaqeeyaan waxaan ku faahfaahinay: https://github.com/goobolabs/hanticoin/blob/main/docs/CONSENSUS_MODEL.md
Waxa ay Hanticoin kaga duwan tahay nidaamyada leh maamul dhexe waa in xeerarka lacagta uu maamulo nidaamka laftiisa (protocol). Sahayda lama kordhin karo, diiwaanka xisaabaadka waa mid la hubin karo, waxaana jira nidaam ansixiyayaal ah oo hubiya in xogta si sax ah loo ansixiyo. Tani waxay yaraynaysaa khatarta ka timaadda nidaam ku tiirsan hal xarun ama hay’ad gaar ah.
Waxaa muhiim ah in la caddeeyo in Hanticoin uu weli yahay mashruuc experiment ah. Waa tijaabo farsamo oo muujinaysa in la dhisi karo nidaam baahsan (decentralised) oo loogu talagalay lacag-bixin gudaha Soomaaliya. Ma aha nidaam si buuxda ganacsi ahaan loo hirgeliyey weli, balse waa saldhig adag oo lagu dhisi karo mustaqbalka.
Ka Goobo Labs, waxaan diyaar u nahay inaan la shaqeyno cid kasta oo aaminsan in fikraddan la xaqiijin karo, lagana dhigi karo nidaam dhab ah oo Soomaaliya ka hirgala. Haddii la helo iskaashi sax ah iyo wada-shaqeyn dhab ah, waxaa suurtagal ah in la abuuro nidaam lacag-bixineed oo baahsan, kaasoo si amni leh iyo daahfurnaan ah uga shaqeeya gudaha dalka.
Hanticoin ma aha oo kaliya lacag cusub. Waa isku day lagu dhisayo nidaam lacag-bixineed oo ku dhisan xeerar cad, amni adag, iyo kalsooni ku saleysan teknoolajiyad la hubin karo. Waxaan u aragnaa tani inay tahay bilow, waxaana rajeyneynaa in wadajir looga shaqeyn karo si aragtidan loo gaarsiiyo heerka xiga.
5 039
Anthropic ayaa si weyn u gilgishay dunida tiknoolajiyada kadib markii ay soo bandhigtay research preview cusub oo la yiraahdo Claude Code Security. Waa awood ku jirta Claude Code oo baari karta codebases waaweyn, ogaan karta khaladaadka amniga, kadibna soo jeedin karta sixitaan sida uu sameyn lahaa khabiir amni. Waxay akhrin code-ka iyadoo eegaysa macnaha guud, waxayna heli kartaa daldaloolo qarsoon oo tools-kii hore ay seegi jireen, kadibna waxay soo bandhigtaa patches ay developers-ku dib u eegaan.
Tani ma ahayn product si rasmi ah loo soo saaray. Waa research preview kaliya. Laakiin taas keliya ayaa ku filnaatay inay ruxdo suuqa saamiyada cybersecurity. Saacaddii ugu horeysay kadib markii warka la shaaciyay, shirkadaha cybersecurity-ga ayaa lumiyay ku dhowaad $10 bilyan oo market value ah. CrowdStrike ayaa hoos u dhacay qiyaastii 6.5%. Xitaa Cloudflare ayaa hoos u dhacay ku dhowaad 6%. Sido kale, Okta ayaa iyaduna hoos u dhacday qiyaastii 5.7%.
Hal blog post. Hal saac. $10B hoos u dhac.
Waa markii saddexaad muddo saddex toddobaad ah.
Feb 3: SaaS stocks waxay lumiyeen $300B.
Feb 6: Financial data stocks si xoog leh ayay u dhaceen.
Feb 20: Cybersecurity stocks -$10B.
Industry cusub ayaa hoos u dhacaya qiimihiisa labadii toddobaadba mar.
Claude Code Security ma beddelayso dadka amniga ka shaqeeya. Laakiin baahida loo qabo shaqaale badan oo si manual ah u baaraya khaladaadka way yaraandoontaa. AI toos uma bedeleyso dadka, balse qof adeegsada AI ayaa beddeli doona qof aan adeegsan.
Maanta waa research preview. Berri dhow, shirkado badan ayaa xal noocan ah qaadan doona oo raaci doona Anthropic oo ay ugu horeyso OpenAI. Waxay xoog saari doonaan AI si toos ah uga shaqeysa amniga computer-ka, laga bilaabo ogaanshaha daldaloolada ilaa soo jeedinta sixitaan degdeg ah. Taas waxay si weyn u bedeli doontaa suuqa shaqada ee cybersecurity-ga.
Haddii aad ku jirto amniga computer-ka, fariintu waa cadahay. AI ma baabi’ineyso shaqadaada, laakiin waxay bedeli doontaa sida shaqada loo qabto. Qofka la jaan qaada AI ayaa sii jiri doona. Qofka ka gaabiya isbeddelka ayaa la kulmi doona tartan adag.
