Goobo Labs
Ir al canal en Telegram
5 181
Suscriptores
-524 horas
-357 días
-12830 días
Archivo de publicaciones
5 179
Ka faa'ideysta fursaddaan dahabiga ah oo la wadaag cidwalba daneynaysa:
https://www.facebook.com/share/18rGw8G3ez/
5 179
Fursad Dahabi ah, dabcan mar kale inaysan idin soo marin dhici karta 🔥
https://youtu.be/PaLbpm-mtsA?si=eMUiZM5A2II13wX1
5 179
Ciid Mubarak dhammaan umadda islaamka gaar ahaan umadda Soomaaliyeed.
Waxaan idiin rajeynaynaa ciid farxad, midnimo, iyo barako xambaarsan. Farxad ku ciida meel kasta oo aad joogtaan.
#Goobolabs #CiidWanaagsan #eidmubarak
5 179
Ciid Mubarak dhammaan umadda islaamka gaar ahaan umadda Soomaaliyeed.
Waxaan idiin rajeynaynaa ciid farxad, midnimo, iyo barako xambaarsan. Farxad ku ciida meel kasta oo aad joogtaan.
#Goobolabs #CiidWanaagsan #EidMubarak
5 179
Sababta aysan macquul-ka u aheyn in AI bedesho Software Engineering:
https://www.facebook.com/share/p/18PseLEZve/
Qormadaas waa muhiim akhrista.
5 179
Goobo Labs, gaar ahaan qaybta Blockchain-ka, waxay soo gabagabeysay experiment muddo socday oo ku saabsan dhismaha Layer-1 ee blockchain. Muddo aan si qoto dheer uga shaqeynaynay cilmi-baaris, naqshadeyn, iyo tijaabooyin kala duwan ka dib, maanta waxaan soo bandhigeynaa mashruucii aan horumarinaynay oo lagu magacaabo Hanticoin.
Fikradda Hanticoin waxay ka timid baahi dhab ah oo ka jirta nidaamyada lacagta dhijitaalka ah ee maanta la adeegsado. Inta badan nidaamyada jira waa kuwo meel dhexe laga maamulo oo aan si buuxda loo hubin karin cadadka lacagta ku jirta ama sida loo maamulo. Isticmaaluhu ma awoodo inuu si madax-bannaan u xaqiijiyo sahayda guud iyo hufnaanta nidaamka. Taasi waxay kalsoonida ka dhigeysaa mid ku tiirsan hay’ad gaar ah.
Blockchain markii ugu horreysay waxaa dunida kusoo kordhisay Bitcoin, taas oo muujisay in la abuuri karo nidaam lacag dhijitaal ah oo leh xeerar cad, sahay go’an, iyo daahfurnaan buuxda. Mabda’aas aasaasiga ah ayaa noqday dhiirrigelinta Hanticoin.
Hanticoin waa Layer-1 blockchain madax-bannaan oo si gaar ah loogu dhisay lacag-bixin degdeg ah oo kharash yar leh. Ma aha madal guud oo smart contracts lagu dhiso, balse waa nidaam si gaar ah loogu habeeyey wareejinta qiimaha. Sahayda Hanticoin waa mid go’an oo dhan 21,000,000,000 HTC, lehna lix jajab tobanle. Xilliga block- kasta (block time) waa 3 ilaa 5 ilbiriqsi, waxaana uu ku shaqeeyaa habka Proof-of-Stake oo ku dhisan validator staking.
Muddo aan ku hawllannay horumarinta, waxaan diiradda saarnay dhismaha nidaamka asaasiga ah ee blockchain-ka, naqshadeynta habka heshiiska (consensus model) ee ku habboon lacag-bixinta, iyo tijaabooyin dhinacyo badan leh si loo xaqiijiyo xasilloonida iyo amniga shabakadda. Ujeedadu waxay ahayd in la abuuro nidaam leh dib-u-dhac hoose, lacag yar, iyo degdegsiinyo ku habboon isticmaalka maalinlaha ah.
Repo-ga mashruuca: https://github.com/goobolabs/hanticoin
Warqadda cad (whitepaper) ee mashruuca, oo sharxaysa aragtida, qaabka dhaqaale, iyo mabda’a nidaamka, waxad ka heli kartaa: https://github.com/goobolabs/hanticoin/blob/main/docs/WHITEPAPER.md
Qaab-dhismeedka farsamo ee blockchain-ka (architecture) waxaa si faahfaahsan ugu sharaxnay: https://github.com/goobolabs/hanticoin/blob/main/docs/ARCHITECTURE.md
Sidoo kale, qaabka heshiiska iyo sida ansixiyayaashu u shaqeeyaan waxaan ku faahfaahinay: https://github.com/goobolabs/hanticoin/blob/main/docs/CONSENSUS_MODEL.md
Waxa ay Hanticoin kaga duwan tahay nidaamyada leh maamul dhexe waa in xeerarka lacagta uu maamulo nidaamka laftiisa (protocol). Sahayda lama kordhin karo, diiwaanka xisaabaadka waa mid la hubin karo, waxaana jira nidaam ansixiyayaal ah oo hubiya in xogta si sax ah loo ansixiyo. Tani waxay yaraynaysaa khatarta ka timaadda nidaam ku tiirsan hal xarun ama hay’ad gaar ah.
Waxaa muhiim ah in la caddeeyo in Hanticoin uu weli yahay mashruuc experiment ah. Waa tijaabo farsamo oo muujinaysa in la dhisi karo nidaam baahsan (decentralised) oo loogu talagalay lacag-bixin gudaha Soomaaliya. Ma aha nidaam si buuxda ganacsi ahaan loo hirgeliyey weli, balse waa saldhig adag oo lagu dhisi karo mustaqbalka.
Ka Goobo Labs, waxaan diyaar u nahay inaan la shaqeyno cid kasta oo aaminsan in fikraddan la xaqiijin karo, lagana dhigi karo nidaam dhab ah oo Soomaaliya ka hirgala. Haddii la helo iskaashi sax ah iyo wada-shaqeyn dhab ah, waxaa suurtagal ah in la abuuro nidaam lacag-bixineed oo baahsan, kaasoo si amni leh iyo daahfurnaan ah uga shaqeeya gudaha dalka.
Hanticoin ma aha oo kaliya lacag cusub. Waa isku day lagu dhisayo nidaam lacag-bixineed oo ku dhisan xeerar cad, amni adag, iyo kalsooni ku saleysan teknoolajiyad la hubin karo. Waxaan u aragnaa tani inay tahay bilow, waxaana rajeyneynaa in wadajir looga shaqeyn karo si aragtidan loo gaarsiiyo heerka xiga.
5 179
Anthropic ayaa si weyn u gilgishay dunida tiknoolajiyada kadib markii ay soo bandhigtay research preview cusub oo la yiraahdo Claude Code Security. Waa awood ku jirta Claude Code oo baari karta codebases waaweyn, ogaan karta khaladaadka amniga, kadibna soo jeedin karta sixitaan sida uu sameyn lahaa khabiir amni. Waxay akhrin code-ka iyadoo eegaysa macnaha guud, waxayna heli kartaa daldaloolo qarsoon oo tools-kii hore ay seegi jireen, kadibna waxay soo bandhigtaa patches ay developers-ku dib u eegaan.
Tani ma ahayn product si rasmi ah loo soo saaray. Waa research preview kaliya. Laakiin taas keliya ayaa ku filnaatay inay ruxdo suuqa saamiyada cybersecurity. Saacaddii ugu horeysay kadib markii warka la shaaciyay, shirkadaha cybersecurity-ga ayaa lumiyay ku dhowaad $10 bilyan oo market value ah. CrowdStrike ayaa hoos u dhacay qiyaastii 6.5%. Xitaa Cloudflare ayaa hoos u dhacay ku dhowaad 6%. Sido kale, Okta ayaa iyaduna hoos u dhacday qiyaastii 5.7%.
Hal blog post. Hal saac. $10B hoos u dhac.
Waa markii saddexaad muddo saddex toddobaad ah.
Feb 3: SaaS stocks waxay lumiyeen $300B.
Feb 6: Financial data stocks si xoog leh ayay u dhaceen.
Feb 20: Cybersecurity stocks -$10B.
Industry cusub ayaa hoos u dhacaya qiimihiisa labadii toddobaadba mar.
Claude Code Security ma beddelayso dadka amniga ka shaqeeya. Laakiin baahida loo qabo shaqaale badan oo si manual ah u baaraya khaladaadka way yaraandoontaa. AI toos uma bedeleyso dadka, balse qof adeegsada AI ayaa beddeli doona qof aan adeegsan.
Maanta waa research preview. Berri dhow, shirkado badan ayaa xal noocan ah qaadan doona oo raaci doona Anthropic oo ay ugu horeyso OpenAI. Waxay xoog saari doonaan AI si toos ah uga shaqeysa amniga computer-ka, laga bilaabo ogaanshaha daldaloolada ilaa soo jeedinta sixitaan degdeg ah. Taas waxay si weyn u bedeli doontaa suuqa shaqada ee cybersecurity-ga.
Haddii aad ku jirto amniga computer-ka, fariintu waa cadahay. AI ma baabi’ineyso shaqadaada, laakiin waxay bedeli doontaa sida shaqada loo qabto. Qofka la jaan qaada AI ayaa sii jiri doona. Qofka ka gaabiya isbeddelka ayaa la kulmi doona tartan adag.
5 179
Ka faideysta courses-kaan bilaash ka ah:
https://www.facebook.com/share/p/1aZfzkyu4f/
5 179
Waxaan dhammaan umadda Islamka, gaar ahaan umadda Soomaaliyeed, ugu hambalyeynayaa dhalashada bisha barakeysan ee Ramadaan.
Ramadaan waa bil cibaado iyo kheyr badan. Waa bil naxariis, dambi dhaaf, iyo isu naxariisasho.
Waxaan Alle ka baryeynaa inuu naga aqbalo ducoyinkeena iyo cibaadooyinkeena. Aamiin.
5 179
Dunida tiknoolojiyadda waxaa jira caqabad weyn oo u dhaxeysa dadka iyo kombuyuutarrada. Dadku waxay ku hadlaan luqado sida Soomaali ama Ingiriis, halka kombuyuutarku uu fahmo oo kaliya lambarro (Zero iyo One). Halkan waxaa soo galaya NLP (Natural Language Processing) oo ah buundada isku xirta labadan dhinac kala duwan. Waa qayb ka mid ah AI-da oo kombuyuutarka baraysa inuu akhriyo, fahmo, oo uu macneeyo luqadda dadka.
Si aan u fahanno, aynu soo qaadanno tusaalaha dalxiise sita qaamuus iyo turjumaan luqadda si fiican u yaqaanna. Haddii kombuyuutarku uu yahay dalxiisaha, wuxuu eray walba u fiirinayaa gooni, taas oo keeni karta inuu fahmi waayo macnaha guud. Laakiin marka lagu daro NLP, wuxuu noqonayaa turjumaan fahmaya nuxurka hadalka, ujeeddada qofka, iyo xitaa dareenka ku jira qoraalka, isaga oo aan ku xirneyn erayga oo kaliya.
NLP ma ahan tiknoolojiyad fog, waana mid aan maalin walba isticmaalno annaga oo aan dareensaneyn. Markaad Gmail-kaaga gasho, wuxuu si toos ah u kala saaraa fariimaha muhiimka ah iyo kuwa "Spam-ka" ah; taasi waa shaqada NLP oo akhrinaysa qoraalka. Sidoo kale, markaad Google Translate u isticmaasho inaad luqad kale ku tarjunto, ama aad Siri iyo Google Assistant la hadasho, waxaad la falgaleysaa nidaamkan fahmaya luqadda dabiiciga ah ee dadka.
Waxa ugu muhiimsan ee NLP qabato waa fahamka macnaha qarsoon. Kombuyuutarka caadiga ah haddii lagu yiraahdo "Waa nabad", wuxuu u qaadanayaa eray ahaan. Laakiin NLP waxay awood u leedahay inay ogaato in qofku uu faraxsan yahay ama careysan yahay iyada oo falanqeynaysa qaabka qoraalka. Tani waxay shirkadaha ka caawisaa inay ogaadaan ra'yiga macaamiisha iyaga oo aan mid mid u akhrin kumanaan faallo.
Ugu dambeyntii, hadafka NLP waa in la gaaro heer aan kombuyuutarka ula hadalno sida aan dadka ula hadalno. Halkii aan ku qorri lahayn koodh adag si aan amar u bixinno, NLP waxay noo suuragelineysaa inaan afkeenna hooyo ku dhahno waxaan rabno, kombuyuutarkuna uu fuliyo. Waa tallaabada ka dhigaysa tiknoolojiyadda mid u adeegta qof kasta, aqoon yahan iyo qof caadi ahba.
¡Ya disponible! Investigación de Telegram 2025 — los principales insights del año 
