fa
Feedback
DANAB MEDIA

DANAB MEDIA

رفتن به کانال در Telegram

📈 تحلیل کانال تلگرام DANAB MEDIA

کانال DANAB MEDIA (@danabmedia) در بخش زبانی سومالی بازیگری فعال است. در حال حاضر جامعه شامل 13 215 مشترک است و جایگاه 15 670 را در دسته اخبار و رسانه‌ها و رتبه 608 را در منطقه الصومال دارد.

📊 شاخص‌های مخاطب و پویایی

از زمان ایجاد در невідомо، پروژه رشد سریعی داشته و 13 215 مشترک جذب کرده است.

بر اساس آخرین داده‌ها در تاریخ 24 مه, 2026، کانال فعالیت پایداری دارد. در ۳۰ روز گذشته تغییر اعضا برابر -509 و در ۲۴ ساعت گذشته برابر 0 بوده و همچنان دسترسی گسترده‌ای حفظ شده است.

  • وضعیت تأیید: تأیید نشده
  • نرخ تعامل (ER): میانگین تعامل مخاطب 0% است و در ۲۴ ساعت نخست پس از انتشار، محتوا معمولاً N/A% واکنش نسبت به کل مشترکان کسب می‌کند.
  • دسترسی پست‌ها: هر پست به طور میانگین 0 بازدید دریافت می‌کند. در اولین روز معمولاً 0 بازدید جمع‌آوری می‌شود.
  • واکنش‌ها و تعامل: مخاطبان به‌طور فعال حمایت می‌کنند؛ میانگین واکنش به هر پست 0 است.

📝 توضیح و سیاست محتوایی

نویسنده این فضا را محل بیان دیدگاه‌های شخصی توصیف می‌کند:
Active

به لطف به‌روزرسانی‌های پرتکرار (آخرین داده در تاریخ 25 مه, 2026)، کانال همواره به‌روز و دارای دسترسی بالاست. تحلیل‌ها نشان می‌دهد مخاطبان به‌طور فعال با محتوا تعامل دارند و آن را به نقطه اثرگذاری مهم در دسته اخبار و رسانه‌ها تبدیل کرده‌اند.

13 215
مشترکین
اطلاعاتی وجود ندارد24 ساعت
-917 روز
-50930 روز
آرشیو پست ها
Ciidanka xooga dalka Soomaliyeed gaar ahaan Ururka 252-aad Guutada 25-aad Qeybta 27-aad CXDS ayaa maanta howlgalo kasameeyay
+7
Ciidanka xooga dalka Soomaliyeed gaar ahaan Ururka 252-aad Guutada 25-aad Qeybta 27-aad CXDS ayaa maanta howlgalo kasameeyay dhulka howdka ah ee hoosyimaada deganada sabiid caanole Bariire tisxiile iyo waraabole ee gobolka shabellaha hose. Howlgalkan ayaa lagu xaqiijinayay amaanka deeganada iyo dhulka miiyiga ah oo ay kooxda khawaariijta alshabaab si dhuumaaleysi ah ugu dhibaateeynayeen dadka shacabka ah ayagoo miinooyin wadada u galiya xoolaha iyo dadka reer guuraga ah. Ciidamada xooga dalka waa kuwa utaagan caawinta dadka shacabka ah iyo kahortagida dhagarta kooxdaan khawaariijta ah. Taliyaha ururka 252-aad guutada 25-aad CXDS Maxamed xasan abuukar dhala dheere oo hogaaminayay howlgalka ayaa sheegay inta ay Koxda khawaarijta alshabaab kusugantahay taako kamida dhulka somalia 🇸🇴 ah ineysan ka caajiseeynin baacsiga khawaariijta alshabaab

Hawlgal uu hogaaminayay Taliyaha Ururka 252-aad Guutada 25-aad Qeybta 27-aad CXDS Maxamed xasan abuukar dhala dheere Ayaa Lag
+4
Hawlgal uu hogaaminayay Taliyaha Ururka 252-aad Guutada 25-aad Qeybta 27-aad CXDS Maxamed xasan abuukar dhala dheere Ayaa Laga Sameeyey deegaano Hoos yimaada Degmoyinka afgooye iyo owdhegle ee Gobalka shabellaha hose Hawlgalka Ayaa si gooniya uga dhacay deegaanada shabeleey cismaan dure Boolo doonka bangaleey waan daasha Oo ay khawaarijta ku lahayeen Goobo Ay ku dhibateeyaan Shacabka, Taliye dhala dheere Ayaa sheegay in Hawlgalka u jeedkiisu aHaa Burburinta Goobaha gabaadka u ah Khawaarijta isagoona Shacabka Ka Codsaday in ay la Shaqeeyaan Ciidanka Si Xidida Loogu Siibo Kooxdan Gabalkeedu Dhacay.

Muqdisho, 27 Oktoobar 2025 – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya saaxiibbada caalamka ayaa duqeyn qorshaysan oo ka dhacday 26-ka Oktoobar 2025 magaalada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe ku dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta, kaas oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Cabdi Xaamud, kuna magac dheeraa Jacfar Gurey. Dhagarqabe Jacfar Gurey wuxuu ka mid ahaa asaasayaashii Khawaarijta, isagoo saaxiib dhow la ahaa horjoogayaashii isaga ka dambeeyay hoggaanka Khawaarijta, Axmed Cabdi Godane iyo Axmed Diiriye, kuwaas oo uu muddo dheer la soo shaqeeyay. Wuxuu hore u soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid ahaayeen, Madaxa Amniga Dibadda, Madaxa Amniga Madaxda Khawaarijta, iyo Madaxa Dabagalka, dhammaan xilalkaas oo la xiriiray hawlaha sirdoonka, qorsheynta weerarrada, iyo dilalka arxan darrada ah ee Khawaarijta. Dhagarqabahan ayaa door muuqda ku lahaa maalgelintii iyo dhismahii hore ee Khawaarijta, isagoo qayb ka ahaa lacag laga soo dhacay shirkad Itoobiyaan ah oo uu la socday horjoogihii hore ee kooxda, Axmed Cabdi Godane, taas oo lagu maalgeliyay aasaaskii ururka Khawaarijta. Howlgalka guuleystay ee lagu khaarijiyay dhagarqabe Jacfar Gurey wuxuu ka tarjumayaa wada-shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibbada caalamka ee ku aaddan la dagaallanka Khawaarijta, si loo xaqiijiyo amniga, xasilloonida, iyo nabadda shacabka Soomaaliyeed. Dowladda Soomaaliya waxay mar kale u xaqiijinaysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed in howlgallada qorsheysan ee ka dhanka ah Khawaarijta ay sii socon doonaan ilaa dalka laga xoreeyo haraadiga kooxaha argagixisada, si shacabka Soomaaliyeed ay ugu noolaadaan nabad, xasillooni, iyo horumar waara.

Ciidanka Kumaandooska Danab oo Khudbadda Jimcaha Ka Jeediyay Masaajidka Magaalada Awdheegle, una Jeediyay Baaq Wacyigelin iyo Wadajir Bulsho #Danab #hiilka#shacabka

photo content

Ciidamada geesiyaasha ah ee Degaanka Gobolka Hiiraan ayaa caawa howlgal qorsheysan ku dilay horjoogihii Khawaarijta ee lagu magacaabi jiray Cali Axmed Guure, oo loo yaqiin Cali Qoyane, kaasoo lagu beegsaday deegaanka Mabaax ee hoos taga degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan. Horjooge Cali Qoyane ayaa ahaa horjooge muhiim ah oo ka tirsan kooxda Khawaarijta, wuxuuna ka masuul ahaa falalka gubista gaadiidka shacabka iyo dhibaateynta dadka rayidka ah ee ku nool degaannada Gobolka Hiiraan arrintaas oo keentay in shacabka gobolkaasi ay kacdoon adag kaga hortagaan Khawaarijta. Sidoo kale, Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ayaa horey xukun dil ah ugu ridday Cali Qoyane isagoo maqane ah, kaddib markii la helay caddaymo muujinayay doorkiisii tooska ahaa ee falal argagaxiso oo lagu beegsaday shacab iyo masuuliyiin. Howlgalka caawa lagu dilay horjoogahan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee ay Ciidamada Degaanka iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka wadaan Gobolka Hiiraan, si loo ciribtiro haraadiga Khawaarijta iyo cadowga shacabka Soomaaliyeed.

Sawirradii Ugu Horreyay ee Gudaha Degmada Awdheegle Geesiyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Ciidamada AUSS
+4
Sawirradii Ugu Horreyay ee Gudaha Degmada Awdheegle Geesiyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Ciidamada AUSSOM ayaa Calanka Buluugga ah dib ugu taagay gudaha degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Waa Sidee Xaalada Degmada Awdheegle Oo Saaka uun Khawaarijta Laga Saaray

photo content
+9

Liiska magacyada horjoogayaashii Khawaarijta looga dilay Ceeldheer iyo tirada khasaaraha oo kordhay

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Sareeye Guuto Sahal Cabdullahi Cumar "Ganeraal Khaalid" ayaa Maanta Gaaray Deegaanka Ba
+9
Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Sareeye Guuto Sahal Cabdullahi Cumar "Ganeraal Khaalid" ayaa Maanta Gaaray Deegaanka Bariire ee Gobalka Shabellaha Hoose, Taliyaha ayaa halkaa u gaaray Sare u qaadida howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta, Ganeraal Khaalid Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa markii uu gaaray Bariire waxa uu kormeer ku sameeyay Deegaanka Goobaha uu gaaray waxaa ka mid ah Buundada Bariire oo dib u dayactir Macmal ah ey ku sameeyeen Geesiyada Ciidanka Xoogga Isaga oo Ciidamada kaga mahad celiyay sida Shacabka ey dhan waliba u garab taagan yihiin Geesta kale waxa uu kulan gaar ah la qaatay Saraakiisha Ciidanka Xoogga iyo Saraakiisha Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka (AUSSOM) waxa uuna kaga mahad celiyay Doorka naf hurnimada leh ey qaateen Ugu dambeyn Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa tilmaamay in howlgalka Duufaanta Aamusan uu si dardar leh kaga socdo Goobaha ey Gabaadka ka dhiganayaan Khawaarijta lagana saari doono Maalmaha so aadan .

Taliyaha Ciidanka XDS S/Gaas Odawa Yusuf Rage oo tababar usoo Xiray Cutubyo ka tirsan Ciidanka Sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska Danab XDS Mohamed Muse Mohamed

Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM, General Dagvin R.M. Anderson oo wareysi siiyey SNTV, ayaa aad u ammaanay Ciidamada Danab ee Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Odaawa Yuusuf Raage ayaa xerada Balidoogle ee Gobolka Shabeellaha Ho
+8
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Odaawa Yuusuf Raage ayaa xerada Balidoogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska Danab, Taliye Odawaa ayaa kula dardaarmay Ciidanka inay u diyaar garoobaan ka qeyb qaadashada Ciribtirka Khawaarijta.

"Difaaca Qaranku Waa Sharaf – Ciidanka Waa U Horseed Gusha"
"Difaaca Qaranku Waa Sharaf – Ciidanka Waa U Horseed Gusha"

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Odawa Yuusuf Raage, ayaa maanta tababar gaar ah usoo xiray dufcadd
+8
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Odawa Yuusuf Raage, ayaa maanta tababar gaar ah usoo xiray dufcaddii ugu horreysay ee Layli Saraakiil ah oo qaatay tababar Kumaandoos ah.

photo content
+4

Munaasabad xilwareejin ah ayaa maanta lagu qabtay xarunta Guutada 16-aad ee Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyee ee Danab. h
+9
Munaasabad xilwareejin ah ayaa maanta lagu qabtay xarunta Guutada 16-aad ee Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyee ee Danab. halkaasi oo ay xilka ku kala wareegeen taliyihii hore ee guutada 16-aad Danab, G/le dhexe Cayadaruus Maxamed Xuseen, iyo taliyaha cusub ee guutada 16-aad, G/le dhexe Cabdi Casiis Xuseen Maxamed. Ugu horreyn, taliyihii hore ee guutada 16-aad Danab ee Ciidanka XDS G/le dhexe Cayadaruus Maxamed Xuseen ayaa uga mahadceliyay Dowlada Mareekanka taageerada ay markasta la garab taaganyihiin dowladda Soomaaliya, gaar ahaan ciidanka Danab. Wuxuuna taliyaha cusub ku soo dhaweeyay xilka, isaga oo Alle uga baryay inuu u fududeeyo waajibaadka horyaalla. Taliyaha cusub ee guutada 16-aad Danab, G/le dhexe Cabdi Casiis Xuseen Maxamed, ayaa ka hadlay munaasabadda, isagoo ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono sidii ciidanka Danab ay u sii xoojin lahaayeen guulaha ay ka gaareen dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta.

Ciidamada gaarka ah ee Danab Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada taageerada cirka, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose. Intii uu howlgalka socday, ciidamada ayaa ku burburiyay godod iyo gabaadyo ay Khawaarijtu ku dhuumanayeen, halkaasna waxaa lagu dilay in ka badan 100 dhagarqabe oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta. Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dagaalka socda ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta, isla markaana lagu xaqiijinayo amniga shacabka Soomaaliyeed.

photo content
+9