fa
Feedback
️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan

️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan

رفتن به کانال در Telegram

Halkaan waa Telegramka ️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan

نمایش بیشتر
کشور مشخص نشده استدسته بندی مشخص نشده است
262
مشترکین
+224 ساعت
+127 روز
+2230 روز
آرشیو پست ها
Siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa sheegay iney ku jiraan xaalad halis kadib hanjabaaddii shalay kaga timid wasiirka Gaashaandh
Siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa sheegay iney ku jiraan xaalad halis kadib hanjabaaddii shalay kaga timid wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Fedaraalka. Saacadihii lasoo dhaafay mucaaradka ah ee la magac baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa soo saaray war sxaafadeed ay kaga jawaabayaan hadalkii shalay kasoo yeeray Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Fedaraalka Axmad Macallin Fiqi oo ahaa mid hanjabaad badan xambaarsanaa. Mucaaradka ayaa war saxaafadeedkooda ku muujiyay cabsida ay ka qabaan iney ficil isku badasho farriinta loo diray, waxayna ku tilmaameen xaaladda ay ku jiraan haatan mid halis ah, maadaama loogu hanjabay in haddii ay ciidan ugaar ah sameystaan la weerari doono oo waliba la wax yeelleyn doono. Waxay sheegeen in wixii soo gaara uu mas'uuliyadeeda qaadayo Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka Xasan Sheekh Maxamuud oo ay sheegeen in hadlka uu ku hadlay wasiirka Gaashaandhigga uu isagu usoo dhiibay, iyagoo dhanka kale meesha ka saaray inuu yahay mid ku gaar ah wasiirka.

Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka Dowladda Fedaraalka ayaa ka Hadlay Shacabkii ay Maleeshiyaadka Baangaraafta ku Xasuuqeen De
Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka Dowladda Fedaraalka ayaa ka Hadlay Shacabkii ay Maleeshiyaadka Baangaraafta ku Xasuuqeen Deegaanka Kaam-jaroon ee Duleedka magaalada Kismaayo. Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Xildhibaannada Baarlamaanka Dowladda Feadraalka ayaa xaqiijiyay, in maleeshiyaadka Baankaraafta iyo ciidamada Mareykanka oo isgarabsanaya ay dad rayid ah ku xasuuqeen deegaanka Kaam-Jaroon ee udhaw magaalada Kismaayo. Xildhibaanka ayaa xaqiijiyay, in todobo qof oo isku qoys ah ay halkaasi ku xasuuqeen maleeshiyaadka Baankaraafta iyo ciidamada cadaanka ah ee la socday. Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay, inuu soo noqnoqday xasuuqa ay maleeshiyaadkan kula kacayaan dadka rayidka ah, isagoo ku baaqay, in dib u eegis lagu sameeyo waxa uu ugu yeeray sharciyadda ay ku hawlgalayaan.

Barnaamijka Islaamka iyo Bulshada-40.mp343.54 MB

Dhageyso: Barnaamijka Islaamka iyo Bulshada.[40] Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan waxa ay idiin soo gudbineysaa barnaamij ciwaankiisu yahay Islaamka iyo Bulshada, kaas oo ah baarnaamij tarbiyo & towjiih ah, laguna qaadaa dhigayo mawaadiic xiriir la leh jawaanibta kala duwan ee nolosha qofka muslimka ah, iyadoo mar weliba lagu jaan goynayo waxay Shareecada Islaamku ka qabto. Wuxuu barnaamijku xooga saarayaa arimaha xiriirka la leh mucaamalaatka, cilaaqaatka & dhaqanka toosan ee looga baahanyahay qofka muslimk ah, wuxuuna qeyb ka yahay dadaallada wacygelineed ee ay warbaahinta Islaamiga oo ay Al-Furqaan kamid tahay wadaan laguna dooanyo in lgau soo saaro bulsho Islaami ah oo badqab ah, kana fiyow hagardaamooyinka cadowgeedu ku doonayo inuu ku burburiyo. Ciwaanka xalqdaan waa Fadliga iyo Axkaamta Udxiyada, waxaana marti inoogu ah Fadiilatu Sheykh Sheekh C/waaxid Isxaaq Muudey oo kamid ah culimada Diinta Islaamka.

Ciidamada Bangaraf ayaa dad isku qoys ahaa ku laayay kuwa kalana ku qafaashay weerar ay ku qaadeen deegaan udhaw magaalada Kismaayo

Xildhibaan katirsan Dowladda Ingiriiska ayaa madax ka noqday machad loo xil saaray aqoonsi uraadinta maamulka la baxay Soomaaliland.

Haweenka Soomaalida ee ka Dhoofa Garoonka Diyaaradaha ee Caasimadda Itoobiya ayaa la Sheegay, inay la Kulmaan Tacadiyaad Kala Duwan.

Mareykanka ayaa Xayiraad Cusub Ku Soo Rogay Socdaalka Dhawr Dal oo Afrikaan ah Sababo La Xiriira Cudurka Ebola.

Kusoo biir page-ka cusub ee Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan ee Facebook. 👇👇👇 https://www.facebook.com/profile.php?id=61590296066260

Maanta waa maalin Khamiis ah, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 04-12-1447 oo waafaqsan 21-05-2026, warka Subaxnimo waxaa soo jeedinaya Maxamed Daahir.

Ciidamada Mareykanka iyo maleeshiyaadka uu tababartay ee Bangaraaf ayaa weerar ku qaaday, qoys xoolo-dhaqato ah oo ku dhaqnaa deegaanka Kaam-jaroon ee dhaca duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada/hoose. Ciidamada huwanta ah ayaa xilli habeen ah waxay weerarka ku qaadeen qoyska oo hurdayay, waxayna halkaas ku laayeen qoys ka kooban aabe, labadiisa gabdhood iyo wiil uu dhalay, iyagoo sidoo kale qafaashay hooyada dhashay ninka ay dileen oo da' aheyd, xaaskiisa, wiil uu dhalay iyo nin marti u ahaa qoyska la weeraray.

Maxamuud Samow Barre oo katirsanaa Sirdoonka Dowladda Fedaraalka ayaa lagu dilay, howlgal ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen gudaha degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.

Taxane- Halyeeyadii Badar- 225.mp37.65 MB

Dhageyso: Taxane- Halyeeyadii Badar.[225] Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan waxay idiin soo gudbineysaa taxane aan ugu magac darnay Halyeeyadii Bader, taas oo uu Sheekh Cabdul Ilaah Abuu Khaalid kaga waramayo, siirada iyo mawaaqifta tarbawiga ah ee saxaabiyiintii Badriyiinta ahaa ee ka qeyb galay macrakadii Yowmul Furqaan.

Abwaan Suheyb oo gabay ka tiriyay sida uu maamulka la baxay Soomaaliland Yahuudda iyo Shisheeyaha kale ugu beylihinayo dalka.

Dowladda Fedaraalka oo markii ugu horreysay qiratay in saraakiil looga dilay dagaal dhawaan ka dhacay duleedka Beydhabo, iyadoo hanjabaad udirtay mucaaradkeeda.

Beeralayda Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa Cabasho Xooggan ka Muujiyay Dilal Joogta ah oo ay kala Kulmayaan Ciidamada Dowladda Fedaraalka.

Sheekh Xasaan oo ka hadlay suurad xumeynta guurka gabdhaha yaryar, iyo kaalinta ay ku leeyihiin hay'adaha shisheeye ee kusoo duulay muslimiinta.

Xubinta Wararka Caalamka oo ku baxda Barnaamijka Dhuuxa Wareysiyada ee idaacadda Islaamiga ah ee Al-Furqaan, waxaa lagu soo gudbiyaa wararkii ugu dambeeyay ee daafaha Caalamka.

Dhageystayaasha iyo akhristayaasha ku xiran idaacadda Al-Furqaan waxay had iyo goor halkan kala socon karaan Wararka iyo Barnaamijyada ay Idaacaddu baahiso. Caawa waa habeennimo Khamiis ah oo ay taariikhda Hijriguna ay ku beegantahay 04-12-1447 oo waafaqsan 20-05-2026, Barnaamijka Dhuuxa Wareysiyada waxaa caawa soo jeedinaya Yaasir Cabdalla.