fa
Feedback
️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan

️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan

رفتن به کانال در Telegram

Halkaan waa Telegramka ️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan

نمایش بیشتر
کشور مشخص نشده استدسته بندی مشخص نشده است
262
مشترکین
+224 ساعت
+127 روز
+2230 روز
آرشیو پست ها
Maxamuud Samow Barre oo katirsanaa Sirdoonka Dowladda Fedaraalka ayaa lagu dilay, howlgal ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen gudaha degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.

Taxane- Halyeeyadii Badar- 225.mp37.65 MB

Dhageyso: Taxane- Halyeeyadii Badar.[225] Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan waxay idiin soo gudbineysaa taxane aan ugu magac darnay Halyeeyadii Bader, taas oo uu Sheekh Cabdul Ilaah Abuu Khaalid kaga waramayo, siirada iyo mawaaqifta tarbawiga ah ee saxaabiyiintii Badriyiinta ahaa ee ka qeyb galay macrakadii Yowmul Furqaan.

Abwaan Suheyb oo gabay ka tiriyay sida uu maamulka la baxay Soomaaliland Yahuudda iyo Shisheeyaha kale ugu beylihinayo dalka.

Dowladda Fedaraalka oo markii ugu horreysay qiratay in saraakiil looga dilay dagaal dhawaan ka dhacay duleedka Beydhabo, iyadoo hanjabaad udirtay mucaaradkeeda.

Beeralayda Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa Cabasho Xooggan ka Muujiyay Dilal Joogta ah oo ay kala Kulmayaan Ciidamada Dowladda Fedaraalka.

Sheekh Xasaan oo ka hadlay suurad xumeynta guurka gabdhaha yaryar, iyo kaalinta ay ku leeyihiin hay'adaha shisheeye ee kusoo duulay muslimiinta.

Xubinta Wararka Caalamka oo ku baxda Barnaamijka Dhuuxa Wareysiyada ee idaacadda Islaamiga ah ee Al-Furqaan, waxaa lagu soo gudbiyaa wararkii ugu dambeeyay ee daafaha Caalamka.

Dhageystayaasha iyo akhristayaasha ku xiran idaacadda Al-Furqaan waxay had iyo goor halkan kala socon karaan Wararka iyo Barnaamijyada ay Idaacaddu baahiso. Caawa waa habeennimo Khamiis ah oo ay taariikhda Hijriguna ay ku beegantahay 04-12-1447 oo waafaqsan 20-05-2026, Barnaamijka Dhuuxa Wareysiyada waxaa caawa soo jeedinaya Yaasir Cabdalla.

Masar iyo Eretariya ayaa kala Saxiixday Heshiisyo u Muuqda inay ku Cadaadinayaan Itoobiya oo uu Khilaaf kala Dhaxeeyo Labada
Masar iyo Eretariya ayaa kala Saxiixday Heshiisyo u Muuqda inay ku Cadaadinayaan Itoobiya oo uu Khilaaf kala Dhaxeeyo Labada Dal. Saacadihii lasoo dhaafay Dowladaha Masar iyo Eretriya ayaa kala saxiixday heshiisyo xoojinaya iskaashigooda Badda Cas, gaar ahaan dhinacyada dekedaha, gaadiidka iyo amniga, xilli Itoobiya ay xusul-duub ugu jirto damaceeda bad-raadiska ah. Xukuumadaha Qaahir iyo Asmara ayaana waxa ay qalinka ku duugeen heshiisyo ay ka mid yihiin isku-xirka dekedaha ay gacanta ku hayaan iyo maraakiibta isaga kala gooshta Badda Cas. Waxaa kale oo ay isla meel-dhigeen in dowladda Masar ay Eritrea ka taageerto horumarinta dekedaha, gaadiidka iyo kaabeyaasha dhaqaalaha. Wararka ayaa intaasi ku daraya, in labada dhinac waa Masar iyo Eritrea ee ay ka wada hadleen ammaanka Badda Cas, iyagoo sheegay in amniga badda ay mas’uul ka yihiin dalalka ku teedsan xeebaha, isla markaana aysan ogolaan faragelin shisheeye, arintaas oo ka xanaajin karo Itoobiya.

Haweenka Soomaalida ee ka Dhoofa Garoonka Diyaaradaha ee Caasimadda Itoobiya ayaa la Sheegay, inay la Kulmaan Tacadiyaad Kala
Haweenka Soomaalida ee ka Dhoofa Garoonka Diyaaradaha ee Caasimadda Itoobiya ayaa la Sheegay, inay la Kulmaan Tacadiyaad Kala Duwan. Warbaahinta gaarka loo leeyahay ee Itoobiya ayaa soo tabisay tacadiyaad iyo dhibaatooyin lagu hayo haweenka Soomaalida ee ka dhoofa Garoonka Diyaaradaha ee magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa, gaar ahaan kuwa haysta baasaboorka Itoobiya. Xoga iyo wareysiyo la qaaday ayaa tilmaamaya, in haweenka Soomaaliyeed gaar ahaan gabdhaha ku safraya baasaboorka Itoobiya laga reebo diyaaradaha kadibna lagu hayo gudaha garoonka diyaaradaha ee Addis Ababa gaar ahaan qeybta laanta socdaalka. Warbaahinta gaarka loo leeyahay ee Itoobiya ayaana ku warantay, in hablaha Soomaaliyeed lagu hayo qolal ku yaalla gudaha Garoonka Diyaaradaha ee Addis Ababa, halkaas oo ay kula kulmaaan tacadiyaad gaarsiisan fara-xumayn iyo kufsi.

Mareykanka ayaa Xayiraad Cusub Ku Soo Rogay Socdaalka Dhawr Dal oo Afrikaan ah Sababo La Xiriira Cudurka Ebola. Dowladda Mare
Mareykanka ayaa Xayiraad Cusub Ku Soo Rogay Socdaalka Dhawr Dal oo Afrikaan ah Sababo La Xiriira Cudurka Ebola.    Dowladda Mareykanka ayaa ballaarisay xayiraadaha socdaalka, iyada oo si gaar ah u adkaysay gelitaanka dadka ka yimaada saddex dal oo Afrikaan ah oo ay ka jiraan xaalado caafimaad oo la xiriira faafitaanka cudurka Ebola. Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo Washington ay sii waddo siyaasado socdaal oo adag oo saameynaya dalal badan oo Afrikaan ah.   Sida lagu sheegay warbixin ay soo saareen xarumaha caafimaadka ee Mareykanka xayiraaddan cusub ayaa si gaar ah u saameynaysa dadka booqday Uganda, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo, iyo Koonfurta Suudan 21-kii maalmood ee la soo dhaafay. Dadkaas ayaa laga mamnuucay inay galaan Mareykanka muddo 30 maalmood ah.

Xildhibaan katirsan Dowladda Ingiriiska ayaa madax ka noqday machad loo xil saaray aqoonsi uraadinta maamulka la baxay Soomaa
Xildhibaan katirsan Dowladda Ingiriiska ayaa madax ka noqday machad loo xil saaray aqoonsi uraadinta maamulka la baxay Soomaaliland. Dowladaha Shisheeye ayaa wali dardar galinaya qaabkii ay ukala goyn la'aahaayeen dalka, iyadoo xubno katirsan dowladaha reer-galbeedka ay iminka hogaaminayaan qorshahaan. C/raxmaan Cirro oo ah hogaamiyaha maamulka la baxay Soomaaliland ayaa magaalada Hargeysa uga dhawaaqay, machad uu sheegay inuu diiradda saari doono aqoonsi uraadinta maamulkiisa. Machadkaan ayuu Cirro tilmaamay inuu madax ka yahay Xildhibaan katirsan Dowladda Ingiriiska, ayna wehliyaan shisheeye kale oo qeyb ka ah olalaha lagu kala goynayo dalka.

Waa Habeennimo Khamiis ah taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 03-12-1447 oo ku beegan 20-05-2026, warka Habeen waxaa soo jeedinaya Sakariye Cumar.

Maxaa ka Dhalan Kara Faragalinta uu Mareykanku ku Hayo Cuba?[WARBIXIN]

In ka Badan 50 qof oo Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqday Duqaymo Diyaaradeed oo ka Dhaacay Dalka Suudaan. Dalka Maraykanka oo Markale Laga Helay Kiis Cusub oo Cudurka Ebola ah, Qodobadaasi iyo kuwo kale ku dhegeyso Xubinta Qalinka Saxaafadda ee ku baxda Barnaamijka Dhacdooyinka Dunida.

Barnaamijka Dhacdooyinka Dunida waa barnaamij maalinle ah oo ka baxa Idaacadda islaamiga ah ee Al-Furqaan, marka laga reebo maalinta Jimcaha, waxaana lagu soo gudbiyaa dhacdooyinka ka taagan Caalamka gaar ahaan Dunida Islaamka.

Malaayiin lacag ah ayaa loo uruuriyay qoyska halyeey Muslim ah oo la dilay isagoo difaacaya Muslimiin badan oo ku sugnaa masjid ku yaalla Mareykanka oo dhawaan la weeraray.

Shabeellaha Hoose ayaa Marti-gelinaysa Tartankii Ugu Horreeyay ee Cuntooyinka Wax Soo Saarka Dalka Lagu Tartamo.