️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan
رفتن به کانال در Telegram
Halkaan waa Telegramka ️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan
نمایش بیشترکشور مشخص نشده استدسته بندی مشخص نشده است
263
مشترکین
+124 ساعت
+157 روز
+2030 روز
آرشیو پست ها
Sarkaal iyo Askar kasoo Goostay Dowladda Fedaraalka ayaa ku Biiray Ciidamo Daacad u ah Lafta-gareen oo ku Sugan Duleedka Baydhabo.
Jabhadda Tigrayga ee TPLF ayaa Qaaday Tallaabo u Muuqata Diyaar Garow Dagaal, Xilli Laga Diyrinayo Xaaladda Gobalkaasi Dhaco Waqooyiga Itoobiya.
Maanta waa maalin Jimco ah, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 05-12-1447 oo waafaqsan 22-05-2026, warka Subaxnimo waxaa soo jeedinaya Maxamed Sheekh Cali.
Dhageystayaasha iyo akhristayaasha ku xiran idaacadda Al-Furqaan waxay had iyo goor halkan kala socon karaan Wararka iyo Barnaamijyada ay Idaacaddu baahiso.
Caawa waa habeennimo Jimco ah oo ay taariikhda Hijriguna ay ku beegantahay 05-12-1447 oo waafaqsan 21-05-2026, Barnaamijka Dhuuxa Wareysiyada waxaa caawa soo jeedinaya Yaasir Cabdalla.
Sarkaal iyo Askar kasoo Goostay Dowladda Fedaraalka ayaa ku Biiray Ciidamo Daacad u ah Lafta-gareen oo ku Sugan Duleedka Baydhabo.
Saacadihii lasoo dhaafay waxaa duleedka Baydhabo lagu soo bandhigay askar la sheegay iney kasoo goosteen ciidamada Dowladda Fedaraalka ee ku sugan degmada Qansax-dheere ee gobalka Baay.
Askartan ayaa waxaa horkacayay sarkaal lagu magacaabo Ibraahim Shaah, kaas oo la tilmaamay inuu ahaa taliyaha booliska ee degmada Qansax-dheere, balse uu go’aansaday inuu biiriyo safka ciidamada daacadda u ah hogaamiyihii hore ee maamulka la baxay Koonfur Galbeed Cabdi Caziiz Lafta-gareen.
Waxaa duleedka Baydhabo kusoo dhaweeyay wasiirkii amniga iyo afhayeenki Lafta-gareen iyo maleeshiyaad ay wataan oo ku sugan halkaas.
Waa Habeennimo Jimco ah taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 05-12-1447 oo ku beegan 21-05-2026, warka Habeen waxaa soo jeedinaya Sakariye Cumar.
Ruushka iyo Shiinaha: Isbahaysiga Dhaqaale iyo Siyaasadeed ee Dib u Qaabeynaya Nidaamka Caalamiga ah.[WARBIXIN]
Dowladda Yaman ayaa ku dhawaaqday in ay doo riday Diyaarad ay leedahay kooxda Xuuthiyiinta.Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday Dilka labba qof oo lagu eedeeyay in ay koox cusub ka aas aaseen gudaha wadankaas.Qodobadaasi iyo kuwo kale ku dhegeyso Xubinta Qalinka Saxaafadda ee ku baxda Barnaamijka Dhacdooyinka Dunida.
Barnaamijka Dhacdooyinka Dunida waa barnaamij maalinle ah oo ka baxa Idaacadda islaamiga ah ee Al-Furqaan, marka laga reebo maalinta Jimcaha, waxaana lagu soo gudbiyaa dhacdooyinka ka taagan Caalamka gaar ahaan Dunida Islaamka.
Siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa sheegay iney ku jiraan xaalad halis kadib hanjabaaddii shalay kaga timid wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Fedaraalka.
Dibad-baxyada ka Socda Dalka Koonfur Afrika ayaa Sii Xoogaystay kuwaasoo saameeyay dadka soo gaootiga ah oo ay Soomaalidu kamid yihiin.
Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka Dowladda Fedaraalka ayaa ka Hadlay Shacabkii ay Maleeshiyaadka Baangaraafta ku Xasuuqeen Deegaanka Kaam-jiroon ee Duleedka magaalada Kismaayo.
Maanta waa maalin Khamiis, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 04-12-1447 oo waafaqsa 21-05-2026, warka Duhurnimo waxaa soo jeedinaya Sakariye Cumar.
Jabhadda Tigrayga ee TPLF ayaa Qaaday Tallaabo u Muuqata Diyaar Garow Dagaal, Xilli Laga Diyrinayo Xaaladda Gobalkaasi Dhaco Waqooyiga Itoobiya.
Maamul gobaleedka cusub ee ay TPLF ka hirgelisay gobalka Tigrayga ee Waqooyiga Itoobiya ayaa la tilmaamay, inuu qaadayo tallaabooyin iyo go’anno u muuqda xaalad dagaal oo uu qarka u saaran yahay gobalkaasi.
Warbaahinta Itoobiya ayaa ku warantay in maamulka cusub ee TPLF ay albaabada iskugu dhufteen amaba ay xireen dhamaan goobaha waxbarashada ee gobalkaas, xilli uusan dhamaanin sanad-dugsiyeedka iskuullada.
Waxaana la tilmaamay, in muddo ka badan Labo Bilood ay xirnaan doonaan Iskuullada deegaanka Tigrayga ee Waqooyiga dalkaas, iyadoo aan la sheegin sababta.
Inkasta oo aysan TPLF wax war ah oo rasmi ah kasoo saarin go’aanka xiridda waxbarashada gobalka Tigrayga, hadana warbaahinta Itoobiya ayaa si weyn u baahinaya khabarkan la xiriira in TPLF ay maamullada Iskuulaatka ku amartay inay albaabada u laabaan.
Dibad-baxyada ka Socda Dalka Koonfur Afrika ayaa Sii Xoogaystay, Heer Boqalaal Ajaanib ah oo ay Soomaali Kamid Yihiin ay Maciin Bideen Xeryaha Ciidanka iyo Xarumaha Dowladda ee Dalkaas.
Gobollada kala duwan ee waddanka Koonfur Afrika waxaa kusii fidayo mudahaadyo waa weyn oo looga soo horjeeda dadka aan u dhalanin dalkaas oo ay Soomaalid kamidka tahay.
Dibad-baxyadan oo ay hogaaminayaan ururro caan ku ah cunsiriyadda ayaa waxay beegsanayaan meel kasta oo ay ku sugan yihiin dadka ajaanibta ah.
Arrintaan ayaana keentay in dadka aan u dhalanin dalkaas ay guryahooda iyo xarumahooda ganacsiga ka cararaan iyagoo badbaado iyo hoy u raadsaday saldhigyada Booliiska iyo xarumaha Dowladda Koonfur Afrika.
Boqolaal ajaaniib ah oo ay Soomaali kamid tahay ayaa labadii habeen ee lasoo dhaafay ku hoyday saldhigyada ciidanka iyo xarumaha Dowladda Koonfur Afrika, Waxayna sheegeen in kooxaha ka soo horjeeda ajaanibta ay cabsi geliyeen islamarkaana ka eryeen guryahooda.
Siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa sheegay iney ku jiraan xaalad halis kadib hanjabaaddii shalay kaga timid wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Fedaraalka.
Saacadihii lasoo dhaafay mucaaradka ah ee la magac baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa soo saaray war sxaafadeed ay kaga jawaabayaan hadalkii shalay kasoo yeeray Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Fedaraalka Axmad Macallin Fiqi oo ahaa mid hanjabaad badan xambaarsanaa.
Mucaaradka ayaa war saxaafadeedkooda ku muujiyay cabsida ay ka qabaan iney ficil isku badasho farriinta loo diray, waxayna ku tilmaameen xaaladda ay ku jiraan haatan mid halis ah, maadaama loogu hanjabay in haddii ay ciidan ugaar ah sameystaan la weerari doono oo waliba la wax yeelleyn doono.
Waxay sheegeen in wixii soo gaara uu mas'uuliyadeeda qaadayo Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka Xasan Sheekh Maxamuud oo ay sheegeen in hadlka uu ku hadlay wasiirka Gaashaandhigga uu isagu usoo dhiibay, iyagoo dhanka kale meesha ka saaray inuu yahay mid ku gaar ah wasiirka.
Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka Dowladda Fedaraalka ayaa ka Hadlay Shacabkii ay Maleeshiyaadka Baangaraafta ku Xasuuqeen Deegaanka Kaam-jaroon ee Duleedka magaalada Kismaayo.
Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Xildhibaannada Baarlamaanka Dowladda Feadraalka ayaa xaqiijiyay, in maleeshiyaadka Baankaraafta iyo ciidamada Mareykanka oo isgarabsanaya ay dad rayid ah ku xasuuqeen deegaanka Kaam-Jaroon ee udhaw magaalada Kismaayo.
Xildhibaanka ayaa xaqiijiyay, in todobo qof oo isku qoys ah ay halkaasi ku xasuuqeen maleeshiyaadka Baankaraafta iyo ciidamada cadaanka ah ee la socday.
Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay, inuu soo noqnoqday xasuuqa ay maleeshiyaadkan kula kacayaan dadka rayidka ah, isagoo ku baaqay, in dib u eegis lagu sameeyo waxa uu ugu yeeray sharciyadda ay ku hawlgalayaan.
اکنون در دسترس! پژوهش تلگرام ۲۰۲۵ — مهمترین بینشهای سال 
