cookie

Utilizamos cookies para mejorar tu experiencia de navegación. Al hacer clic en "Aceptar todo", aceptas el uso de cookies.

avatar

Han Maal

Hoyga Kobcinta maskaxda waxaad ka helaysaa qormooyin iyo qisooyin iyo xilmado ku cajab galiya

Mostrar más
Finlandia1 500El idioma no está especificadoNoticias y medios21 312
Publicaciones publicitarias
3 729
Suscriptores
+324 horas
+127 días
+14230 días

Carga de datos en curso...

Tasa de crecimiento de suscriptores

Carga de datos en curso...

Repost from Iman Jama
Photo unavailableShow in Telegram
🚨⚡️Ururka Bisha cas ee Iran oo hoggaaminaya baaritaanka diyaaradda uu la socday Madaxweynaha Iran ayaa beeniyay warar ay warbaahinta dawladda Iran ku sheegtay inau kooxaha gurmadka gaareen goobta ay ku dhacday diyaaradda uu la socday Madaxweyne Raiisi, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Reuters oo xiganaysa telefishinka dawladda Iran.
Mostrar todo...
Repost from Iman Jama
Raisi kaliya maahan madaxweynaha Iran...laakin waxaa la sheegaa inuu yahay dhaxal-sugaha Khamenei. Dhimashada Raisi waxay la macno tahay geerida Hoggaamiyaha Sare Iran ee mustaqbalka.
Mostrar todo...
Repost from Iman Jama
Fallaqeynta dheeraad ah. Xilli la fallanqeynayo muuqaalka ugu dambeeyay ee laga qaaday madaxweynaha Iran isagoo saaray gudaha diyaaradda hadda la waayay ee ah nooca qumaatiga u kaca, waxaa la arkayay inay cimiladu xuntahay, iyagoo farah uu ka da’ay kaymaha hadda lagu waayay diyaaradda ee Dezmar. Haddii diyaaraddu ay ku dhacdo dhulka barafku qariyey oo aanay ku dhicin kaymaha, way adkaan lahayd in la gaaro. Waxaan ku sheegaya hal dhacdo deegaanka ay ku dhacday diyaaradda helicopter-ka ayaa taariikh ahaan loo yaqaanaa goobta ay ciidamada Ruushka u suurtageli weyday inay gaaraan oo ay qabsadaan. Dhab ahaantii, haddii helicopter-ka ay u suurtagashay in ay si nabad ah ugu degto aaggan, waxay ahayd in xilli hore la helo nidaamka tusmada caalamiga ah ee GPS, xataa markaa telefoonnada dayax-gacmeedka ku xiran ayaa sidoo kale shaqayn lahaa , marka aan dib u baaray goobta waxaa isoo baxday in diyaaradaha helicopter-ka ay lagu dejiyo si deg deg ah kuma habboona sababtoo ah waa dhul dhagax ah. Maaddama aysan jirin calaamad GPS-ka oo u shaqeynaya diyaaradda , waxaa jira suurtagalnimada; Duuliyaha inuu si bareer ah u damiyay GPS-ka , diyaaradda inay ku dhacday dhagaxaanta ama inuu diyaarada soo gaaray qarax gudaha ka dhacay, sababto ah suuragal uma aha diyaaradda inay ku degto xaaladda halkaa ka jirtay ee ciiryaamadu ay dabooshay dhulka. Ka warran sida ay dhacdadan ku billaabatay; waxaa la soo sheegay horraantii in diyaaradda Madaxweynaha meel ku degtay ama ku dhacday , halka labo diyaaradood oo kale oo Madaxweynaha la socday la sheegay inay si nabad ah safarka ku dhammeysteen! •Sidee bay diyaaradaha qumaatiga u kaca ee ilaalinaya madaxweynaha uga bixi karaan galbinta diyaaradda helicopter-ka madaxweynaha uu saaranyahay? In ka badan 8 saacadood ayaa laga joogaa markii warka diyaaradda Madaxweynaha Iran la soo sheegay in la waayay; Runtii, waxaan wajahaynaa dhacdo ay wax badan ku qarsoonyihiin!
Mostrar todo...
Repost from Iman Jama
Photo unavailableShow in Telegram
🚨⚡️ Dawladda Turkiga ayaa noqotay dalkii u horreyay gurmad u dira Iran, kaddib markii ay Tehran ka codsatay Turkiga inay usoo diraan diyaaradaha qumaatiga u kaca ee awoodda baaritaannada waqtiga habeenka ah inay sameeyaan, si ay uga qaybqaataan dadaallada lagu baadi goobayo diyaaradda uu la socday Madaxweynaha Iran, sida ay ku dhawaaqday wakaaladda maaraynta masiibooyinka Turkiga ee AFAD. Turkiga waxaa kalo uu goobtaa u diray illaa 32 shaqaale ah oo xirfad u leh howlgallada baadi-goobka ee dhulka buuralayda ah , sidoo kale gaadiid leh nidaam isgaarsiin casri iyo koox kale oo gurmad dheeraad ah ayay sheegtay AFAD inay u diri doonaan goobta uu ka socda howlgalka baadi-goobka.
Mostrar todo...
Repost from Iman Jama
00:38
Video unavailableShow in Telegram
🎥 Muuqaalkii u dambeeyay ee telefishinka Iran uu ka baahiyay diyaaradda uu la socday Madaxweynaha Iran oo sidoo kale uu dhinac fadhiyay wasiirkiisa arrimaha dibadda, waa muuqaal ka duubay inta ay diyaaradda ka deggaysa; Biyo-xireenka Qiz Qalasi, oo ku yaalla meel u dhow xudduudka dalka Asarbayjaan, halkaa oo si wadajir ah ay maanta u fureen Madaxweynaha Iran iyo dhiggiisa Asarbayjaan, waxaana hirgeliyay biyo xireenkan labada dal.
Mostrar todo...
Repost from Iman Jama
Photo unavailableShow in Telegram
🚨⚡️ Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Ruushka , Maria Zakharova ayaa goor dhow ku dhawaaqday inuu Ruushka diyaar u yahay inuu ka qaybqaato howlgalka baadi-goobka diyaaradda uu la socday madaxweynaha Iran iyo saraakiil sare oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha dibadda , iyadoo intaa ku dartay inay xataa Moscow hadda diyaar u yahay inay gacan ka siiso Tehran baaritaanka la xiriira dhacdada. Dhinaca kale , Dawladda Sacuudiga ayaa sheegtay inay sidoo kale diyaar u yihiin sidii ay gacan uga siin lahaayeen dawladda Iran baadi-goobka ay uga jirto diyaaradda uu la socday Madaxweyne Raisi.
Mostrar todo...
Repost from Iman Jama
Photo unavailableShow in Telegram
🚨⚡️ Waxaa la joojiyay diyaaradaha qumaatiga u kaca ee ka qaybqaadanayay baadi-goobta diyaaradda uu la socday Madaxweynaha Iran , sababo la xiriira cimilada oo xun oo aysan ku duuli karin diyaaradaha, sida uu ku dhawaaqay taliska lixaad ee ciidanka cirka Iran. Fiiro gaar ah ; Xaaladda ka jirta goobta lagu waayay diyaaradda siday Madaxweynaha Iran , waa mid aad u adag waxaana roobabka iyo ciiryamada xirtay goobta oo ah dhul buuro iyo kaymo ah ay halis ugu jirta hadda howlgalka socodka ee lagu raadinayo diyaaradda madaxweynaha Iran inuu istaago, waxaa soo muuqatay inay Iran aragtay inaysan ku filnayn baadi-goobka Madaxweynaha iyo saraakiisha kale ee diyaaradda la saarna, taa oo ku qasabtay inay qaylo dhaan u diraan caalamka, iyadoo Midowga Yurub uu ku dhawaaqay in dayax-gacmeedkooda xaaladaha deg deg ah ka howlgelinayaan goobta diyaaradda lagu waayay.
Mostrar todo...
Repost from Iman Jama
Photo unavailableShow in Telegram
🚨⚡️Horraantii maanta dawladda Jamhuuriyadda dimuqraadiga ah ee Congo (DRC), ayaa ku dhawaaqday inay ka hortageen iskuday afgembi oo ay ku eedeyeen inay ku lug lahaayeen saraakiil reer galbeed ah , waxay sheegtay dawladda in la dilay hoggaamiyihii isku dayga afgembiga waday iyo tiro kale , halka la xiray illaa 50 qof oo ay ku jiraan saddex qof oo u dhashay Mareykanka. Dhacdada ayaa ku billaabatay weerar lagu qaaday madaxtooyadda DRC ee ku taalla magaalada caasimadda ah ee Kinshasa, balse sida ay saraakiisha sheegeen waxaa la iska caabiyay kooxaha afgembiga waday.
Mostrar todo...
Repost from Iman Jama
Dawladda Turkiga ayaa dhankeeda ku dhawaaqday goor dhow inay ka qaybqaadan doonaan howlgalka baadi-goobka oo u muuqda illaa subaxa hore ee berri haddii aan natiijo laga helin inuu noqon karo howlgal caalami ah , xilli ay soo baxayso Biden inuu amray ciidanka cirka Mareykanka inay ka qaybqaadan karaan howlgalka haddii codsi uga yimaado dawladda Iran.
Mostrar todo...
Repost from Iman Jama
Photo unavailableShow in Telegram
🚨🚨 Diyaaradda uu la socday Madaxweynaha Iran ee baadi-goobkeeda lagu jiro, waxaa la sheegay inay ahayd nooca qumaatiga u kaca ee Bell UH-1N Twin Huey, taaso ah diyaarad duug ah oo Mareykanka uu howlgeliyay sannadkii 1970, sida warbaahinta Ruushka ee TR, ay ka soo xigatay sarkaal ka tirsan dawladda Iran.
Mostrar todo...