Salah Muse Hassan
Ir al canal en Telegram
3 833
Suscriptores
-524 horas
-267 días
-6130 días
Archivo de publicaciones
3 832
"Inaan qaraxno waxyar ayaa nooga dhiman"!
Aniga iyo saaxibkey Adan Ali Boss ayaa galabta bajaaj ka racnay isgoyska Koronta, maadaama jidka ceelqalow dhisme ka socday, waxaan aadna dhanka iyo wadada Villa Baydhabo, askar joogtay check point u dhow Villa Baydhabo ayaa wadadii oo furay noo diiday inaan marno oo waxay nagu qasbeen inaan wareegano oo aan marno dhanka iyo Nasteexo iyo isbitaal Madiina.
Bajaaj-lahii ayaa wuxuu yiri "taliyaha askartan xukumo Baabur Buruuf ayuu isaga jiraa, dhibka aan marayno kama war qabo, inaan qaraxano waxyar ayaa nooga dhiman, marar badan safaf dhaareer nala geliyaa, furaha ayaa nagala qaataa"
Dhibka haysto bajaajleyda iyo wado xumada ka jiro Muqdisho goormeey ayay dhamaane?
3 832
Waxaa ku sugan labada Saxiix (Bukhaari & Muslim) in Cumar ibn Khaddaab (RC) uu yiri:
“Ilaahay baan ku dhaartaye waxaan ogahay inaad tahay dhagax wax dhibi karin oo waxna tari karin. Haddaanan arkin Rasuulka Alle ﷺ oo ku dhunkanaaya, anigu kuuma dhunkan lahayn.”
3 832
1. Sheekha in lagu tarax tagay darteed miyaad ilaahii weynaa oogu gaftay naftaadana u dulmisay🤔??
2. Waxa aad sheegtay sheekha waa lagu sameeyay mooyee isagu ma ogoleyn, in lagu sameeyayna kama dhigna inay saxan tahay sheekhana ogol yahay.
3. Maxaa sababay sheekha in sidaas loogu xadgudbo ? Waxaa sababay jaahilnimada dadka iyo fahan sax ah oo aanay shareecada ka heysanin maxaa yeelay sababka sheekhaba uu xirnaa dhamashadiisa ka hor waxay eheed fatwo tan oo kale.
"Culimada waxay isku raaceen in qofka booqda qabriga Nabi Muxammad ﷺ ama qabuuraha anbiyada kale, saalixiinta, saxaabada, Ahlul-Baytka iyo cid kale toona inaan la taabansanin, aan la dhunkan, sababtoo ah ma jiro wax ka mid ah dhagaxyada ama shayada aduunka ku yaal oo la sharciyeeyey in la dhunkado marka laga reebo Xajarul-Aswadka.
3 832
Nabigii ilaahey in saaxir waaye lagu dhaho ayey awoodeen gaaladaan hadda maxay kula tahay oo beenaalayaasha ay bateen wariye iyo idaacad loo sameystay been awgeed.
3 832
#Arooskii geerida isu badalay
Warbaahinta Suudaan ayaa ku warrantay mid ka mid ah dagaalyahannada kooxda RSF ee ka dagaallanta Suudaan , oo go’aansaday inuu guursado gabar uu horey kufsi ugu geystay, inta lagu jiray munaasabadda arooskiisa in saaxiibkiis oo isagana ka tirsan RSF ayaa ninkaa arooska u tagay si uu ugu hambalyeeyo, wuxuu iskudayay inuu xabbado dabaal-deg ah kor u rido, balse xabbadii waxay ku dhacday ninka arooska oo meesha ku geeriyooday, xaaladan waxay dhalisay dagaal toos ah oo ka dhex qarxay ninka xabbada kama’da ah ku dilay arooska iyo qoyska ninka arooska ahaa ee geeriday, waxaana isku dhacaa ka dhashay dhimashada 57 qof.
Soo xigtay
3 832
Heesaha lagu faafiyo “story-ga/ TikTok WhatsApp Facebook messenger 🎵
1. Kow: Waa dembigaaga!!
2. Laba: Waa dembigaaga qof kasta oo heestaas maqla!!
3. Saddex: Waa dembigaaga qof kasta oo heesta jeclaada dabadeedna raadiya oo dhageysta!!
4. Afar: Waa dembigaaga qof kasta oo qaata heestaas kadibna isagana ku faafiya storygiisa qof kastoo ka maqla ayaana dembigiisu adu kuu kordhayaa!!❤️🩹
5. Miyaadan u arag dembigaaga inuu kugu filan yahay, haddana aad dembiyada dadka kale isku raacdo adigoo ku caasiyoonaya, Ilaahay ku asturay ? !!
6. Intaas waxaa dheer, waxaa jira dad naftooda kula dagaallamaya inay heeso dhageystaan, adigoo adigu faafinaya waxaad ku ridaysaa dembi ay laga yaabo inaad dhimatid adigoo dembigaas lagu qorayo inta aad qabriga ku jirto!!🤍
7. Xusuusi dadka kale… waayo kii dadka ku hanuuniya wanaagga wuxuu la mid yahay kii falay share tabo sii loo wada Arko .
#Qisas_Aldikir #Zuhur_Gulied
Soo xigtay
3 832
Qabka soomaalida ayuu sifaynayaa qoraa cadaan ahaa oo xilligii gumaystaha wax ka qoray soomaalida wuxuu ku tilmaamay:
"Somalidu ma laha dareenka ah inay ka hooseeyaan cadaanka , cabsi lala indha taago kama qabaan cadaanka , mana caabudaan qaabka iyo sida uu sameeyo cadaanka . Isaga kama baqaan ,qorigan uu haystana kama baqaan xataa cadhadiisa kama baqaan.
Waa qawmiyad la gu taamo oo la janto . Xataa haday adagtahay in la jeclaado .
Qabkii yaa soo celiya hadda
Soo xigtay
