ar
Feedback
Salah Muse Hassan

Salah Muse Hassan

الذهاب إلى القناة على Telegram

Anigu yaan ahay

إظهار المزيد
4 086
المشتركون
-324 ساعات
-337 أيام
-11130 أيام
أرشيف المشاركات
Qabka soomaalida ayuu sifaynayaa qoraa cadaan ahaa oo xilligii gumaystaha wax ka qoray soomaalida wuxuu ku tilmaamay: "Somali
Qabka soomaalida ayuu sifaynayaa qoraa cadaan ahaa oo xilligii gumaystaha wax ka qoray soomaalida wuxuu ku tilmaamay: "Somalidu ma laha dareenka ah inay ka hooseeyaan cadaanka , cabsi lala indha taago kama qabaan cadaanka , mana caabudaan qaabka iyo sida uu sameeyo cadaanka . Isaga kama baqaan ,qorigan uu haystana kama baqaan xataa cadhadiisa kama baqaan. Waa qawmiyad la gu taamo oo la janto . Xataa haday adagtahay in la jeclaado . Qabkii yaa soo celiya hadda Soo xigtay

Waa naclad labo waji leh
Waa naclad labo waji leh

Rabbiyow abaar baa baryahaan nalagu rookeeyay

Sadax Qolo oo aan dhaliishu loogu dulqaadanin

Cida hogaamiso soomaalida

photo content

photo content

Daraasad
Daraasad

“Qur’aanku waa nuurka nolosha, iyo jidka hanuunka”.
“Qur’aanku waa nuurka nolosha, iyo jidka hanuunka”.

Waligay ma arag muuqaallo ka naxdin badan muuqaallada ka imaanaya maanta maxkamadda degmada Gaalkacyo. Waxaa lasoo bandhigay
Waligay ma arag muuqaallo ka naxdin badan muuqaallada ka imaanaya maanta maxkamadda degmada Gaalkacyo. Waxaa lasoo bandhigay muuqaaladii tacadiga ahaa ee ay gaysatay eedaysane Hodan oo ah Haweenayda aad sawirkeeda aragtaan. " Gacmaha iyo Lugaha ayey ka xiraysaa, Qoorta ayey bac kaga xiraysaa marna maro haddana wey garaacaysaa 😢 waliba si arxan darro ah. Marxuumad Saabiriin oo caadi unaf baxaysa ayaa ka muuqata muuqaallada wallaahi caadi bey naftu ukhuukh leedahay markaas bey eedaysanadu leedahay madaxa meeshaad kasoo qaaday ku celi ".. Muuqaallada qofkii daawada ma dhamaysan karayo, Gabadhaa yari ciqaab Adduun wey aragtay Timaha waa laga xiiray xitaa, Garaaca iyo tacadigu wuxuu ku socday muddo dhowr bilood ah ilaa ay naftu ka baxday. Xigtay

Dumarka qaar waxay toshaan maradooda hadii ay jeexanto si ay isu asturaan, halka dumar kale ay jeexaan maradooda tolan ama ay
Dumarka qaar waxay toshaan maradooda hadii ay jeexanto si ay isu asturaan, halka dumar kale ay jeexaan maradooda tolan ama ay soo gataan maro jeexan si ay isu qaawiyaan. Illaahay hasoo hanuuniyo gabdhaheena intooda lunsan Soo xigtay 👉Iimaankaa la is dheer yahay si ay qaawanaan isaga dhowrto awgeed ayey maryaheeda jeexmay u tolotay.

Markaas bay gabadhii si lama filaan ah u soo weerareen oo dileen (waxay dileen sharaftii si ay ceebtu u noolaato). Waa waxa ay sameeyaan kuwa bulshadeenna musuqa ku dhex jira: Waxay dilaan, go'doomiyaan, oo ay la dagaalaan qof kasta oo sharaf leh, si aanu qofna musuqooda ugu marag furin!! Sabriye Musse

Ciidan baa waxay galeen tuulo, waxayna kufsadeen dumarkii tuulada oo dhan marka laga reebo hal gabar. Gabadhaas ayaa iska caa
Ciidan baa waxay galeen tuulo, waxayna kufsadeen dumarkii tuulada oo dhan marka laga reebo hal gabar. Gabadhaas ayaa iska caabin kala hortimid askarigii xoogi rabay, inta ay dishay bayna madaxa ka jartay. Markii ay askartii dhammeeyeen hawshii loo igmaday oo ay dib ugu laabteen deegaankoodii iyo xeradii ay ka soo duullaan tageen, dumarkii oo dhan baa guryahoodii ka soo baxay, iyaga oo dharkoodii jeexjeexnaa jiidaya, aadna u wada ooyaya, gabadhii mooyee! Waxay ka soo baxday gurigeedii iyadoo madaxii askariga gacanta ku sidata, indhaheedana ay ka muuqato isla weyni, una faanaysa kuwa kale, waxayna ku tiri; "Ma waxaad u malayseen inaan u oggolaanayo inuu i kufsado anigoo aan dilin ama aan is dilin?" Dumarkii tuuladu way is fiirfiiriyeen, waxayna go'aansadeen in gabadha la dilo si aanay sharafteeda ugu faanin oo aanay raggoodu u waydiin markay shaqada ka soo noqdaan, "maxaad u diidi weydeen sideeda oo kale".

Ha ka quusanin naxariista Alle
Ha ka quusanin naxariista Alle

"Markaan daawashada guud Dayaxiyo cadceeddiyo Dildillaanka fadadkiyo Onkodkiyo dayaankiyo Danab laba dhacaayiyo Dardaraa hill
"Markaan daawashada guud Dayaxiyo cadceeddiyo Dildillaanka fadadkiyo Onkodkiyo dayaankiyo Danab laba dhacaayiyo Dardaraa hillaaciyo Arko hogol darroortaa Runtu igu duxdaayoon Derejada Ilaahay Dib u soo xusuustaa. Haddaan doogga cawskiyo Deegaantu saarrayn Dhulku duug ma yeesheen, Diihaal ma reebeen, Qofna kuma danaysteen Rabbiyow dushiisoo, Dunidaada Eebbow, Adigaan cid diran baad Toddobaad ku dadabtoo, Iyadoo danbarisoo Sida doonnan gabadheed Inta timaha loo dabay Dunta lagu afmeershaa Laga furay daboolkoo, Dalaggaad ku beertaa Qofba weel darsanayaa." — Daryeel | 1978.

Ha niyad jabin
Ha niyad jabin

photo content

Ilmahaan yar dambiga ay galeen muxuu yahay oo aan ahayn in ay yihiin soomaali muslim mareekan iyo daba-dhoonkiisa ayaa dadkey
+2
Ilmahaan yar dambiga ay galeen muxuu yahay oo aan ahayn in ay yihiin soomaali muslim mareekan iyo daba-dhoonkiisa ayaa dadkeyga laayay

Dalka Pakistan, waxaa warbaahinta iyo baraha bulshada lagu wadaagay dhacdo naadir ah, markii tuug u galay tukaan oo durba qaatay wixii uu u baahna si lama filan ah dareenkiisu isku beddelay , markii Gabar yar oo tukanka ku sugneyd ay si deggan ugu dhiibtay nacnac ay gacanta ku heysay, iyadoo arkeysay sida Aabbaheed uu ugu dhibay tuugan wixii jeebkiisa ku jiray, xaaladan waxay tuuga gelisay inuu celiyo dhammaan alaabtii uu qaatay , isagoo ka hor inta uusan tukaanka ka bixin madaxa ka dhunkaday gabadha yar..!

Dunida sayniska caafimaadka waxaa gilgilay aragti sheegaysa in daawada kansarka la helay. Horumar cusub ayaa laga soo sheegayaa kaas dib u qaabayn kara daawaynta kansarka, saynisyahannadu waxay ogaadeen in sunta shinbiraha ay burburin karto 100% unugyada kansarka naasaha ee xoogga leh in ka yar 60 daqiiqo, Furaha waxa uu ku jiraa iskudhis awood leh oo loo yaqaan melittin oo laga helo sunta shinnida. Cilmi baadhayaashu waxay suntan ku tijaabiyeen noocyada kala duwan ee unugyada kansarka naasaha ee ku sugan suxuunta shaybaadhka waxayna ogaadeen in melittin u dhaqmo sida hub wax lagu dilo. Waxaa la arkay suntan daleelisa xuubabka unugyada kansarka, taasoo keenta in unugyadu ay dhaqso u dhintaan, taas xitaa rajo ka badan leh abuurtay, iyada oo la soo jeedinayey in loo isticmaali karo daawaynta waxyeellooyin ka yar kiimoterabiga ama shucaaca kaladuwan. Melittin ayaa si gaar ah waxtar ugu yeeshay kansarka naasaha ee HER2, oo ah kamid ah labada nooc ee ugu adag in la daweeyo. Daah-furkaani wuxuu furayaa albaabo cusub si loo horumariyo daawaynta kansarka ee si badbaado leh iyaga oo bartilmaameedsanaya iyadoo la isticmaalayo isku-dhisyada dabiiciga ah. Qoray ✍️ Eng-Abdihalim Hillaac