es
Feedback
Salah Muse Hassan

Salah Muse Hassan

Ir al canal en Telegram
3 833
Suscriptores
-524 horas
-267 días
-6130 días
Archivo de publicaciones
#Suufiyada waxaan rajeynayaa xaqiiqada qaraar ay wahaabiyo la nooshahay in ay arkeen Waa wadaadka kaliya ee suufi ah xabsi u
#Suufiyada waxaan rajeynayaa xaqiiqada qaraar ay wahaabiyo la nooshahay in ay arkeen Waa wadaadka kaliya ee suufi ah xabsi u galay waxaad cadeysay qorshaha #yah_udu lahayd laakin #gaal_raacyada ka dhigayeen mid wanaagsan an diintu diideyn #wahaaboyo #suufiyo #somaliland

Ama inaad diinkiina doorataan ama inaad jiritaanka yahuuda doorataan

Waxaan hadey run yihiin fogaanta fogaan wey dhaaftay Allaw umuuraha toosi
Waxaan hadey run yihiin fogaanta fogaan wey dhaaftay Allaw umuuraha toosi

Guntii iyo gabagabadii, gumaysigii Jabbaan ee Indooniisiya wuxuu tusaale u yahay in hal-ku-dhegyada siyaasadeed ee dhalaalaya ay qarin karaan dambiyo argagax leh, Muslimiinta jasiiradahaas fogna waxay dhiigooda iyo jidhkooda ku bixiyeen qiimo qaali ah dagaal aysan qayb ka ahayn. المراجع: 1. Shigeru Sato, *Japan’s Occupation of Indonesia*. 2. Anthony Reid, *The Indonesian War of Independence*. 3. Yoshimi Yoshiaki, *Comfort Women*. 4. تقارير لجنة الحقيقة الإندونيسية 1942–1945. 5. أرشيف حكومة هولندا – لاهاي Xigasho #Salah_Muse_Hassan

Jabbaanku waxay aad u necbaayeen Islaamka, xilligii ay haysteen Indooniisiya intii uu socday Dagaalkii Labaad ee Adduunka, waxay Muslimiinta Indooniisiya ka dalbadeen inay ka tanaasulaan diintooda. Waxay soo rogeen xeerar diidaya ku-dhaqanka Islaamka, gaar ahaan magaalooyinka waaweyn. Sannadihii uu dunida hareeyay dabka Dagaalkii Labaad ee Adduunka, markii ay dagaalladu ku baheen bariga Aasiya ilaa jasiiradaha Bariga Hindiya, Jabbaanku waxay Indooniisiya ku soo galeen hal-ku-dheg markii hore u muuqday mid dhalaalaya: "Xoreynta dadyowga Aasiya ee gumaysiga Reer Galbeedka." balse, hal-ku-dhegaas wejigiisa dhabta ah ayaa dhowaan soo baxay. Gumaysigii Jabbaanku wuxuu noqday mid ka mid ah cutubyada ugu dhiigga badan taariikhda Indooniisiya, isagoo reebay nabar ku yaal xusuusta Muslimiinta oo ilaa maanta raadkiisu muuqdo. Markii uu burburay maamulkii Holland ee ka hor yimid weerarkii Jabbaan sannadkii 1942, dad badan oo Indooniisiyaan ah – oo u badnaa Muslimiin – ayaa moodayay inay eryidda Hollandeyku tahay bilowga waa cusub oo cadaalad iyo nasasho leh, ka dib saddex qarni oo ay ku jireen gacanta Yurub. Laakiin Jabbaanku uma iman xoreyn, ee waxay u yimaadeen sidii xoog ciidan oo aan ka naxariis badnayn kuwii ka horreeyay; xataa saddexdii sano ee ay xukumayeen waxay ka xanuun badnayd tobnaan sano oo ay hoos joogeen Holland. Islaamku wuxuu ahaa awood xooggan oo ku dhex jirtay bulshada Indooniisiya, isagoo dadka dhaqaajin jiray, tuulooyinkana isaga keeni jiray culimada iyo xarumaha diinta hareerahooda. Tani waxay dhalisay in ciidankii Jabbaan uu ka walwalo. Waxay ku bilaabeen inay xakameeyaan hay’adaha diinta: Waxaa la xidhay dugsiyadii diiniga ahaa, waxaa la xaddiday khudbadaha, mana loo oggolayn khadiib inuu minbarka koro ilaa nuxurka khudbadiisa la soo eego. Ururradii Islaamiga ahaa ee "Muxammadiyah" iyo "Nahdatul Ulama" ayaa la geliyey kormeer adag, waayo Jabbaanku wuxuu Islaamka u arkayay dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo kicin kara kacdoon weyn. Masiibadii "Romusha" iyo Gabdhaha La Addoonsaday Dhibaatadii ugu darnayd waxay ahayd nidaamka shaqada qasabka ah ee loo yaqaanay "Romusha". Indooniisiya weligeed ma arag masiibo la mid ah. Tuulooyin dhan ayaa la ururiyay, dhalinyaradii ayaa xoog lagu kaxaystay, waxaana lagu qasbay shaqooyin adag oo buuraha, kaymaha iyo miinooyinka ah. Waxaa halkaas ku dhintay boqolaal kun oo qof, laga yaabo inay ka badnaayeen milyan Muslimiin ah, kuwaas oo u dhintay gaajo, xanuun iyo garaac. Mid ka mid ah meelaha ugu caansan ee dhibaatadu ka dhacday waxay ahayd dhismaha "Waddada Tareenka ee Geerida" (Death Railway) ee u dhaxaysa Burma iyo Thailand. Sidoo kale, ciidanka Jabbaanku waxay kumanaan hablood oo Muslimiin ah u adeegsadeen nidaamka "Comfort Women" (Haweenka Raaxada), kaas oo ahaa nidaamkii ugu weynaa ee addoonsiga galmada ee ay geystaan ciidan qarnigii labaatanaad. Askartu waxay weerari jireen tuulooyinka, iyagoo kaxaysan jiray gabdhaha Muslimiinta ah si loogu addoonsado xeryo gaar ah. Macaluusha iyo La-dagaalanka Diinta Dhaqaalihii Indooniisiya iyaduna ma baxsan. Jabbaan waxay u baahneyd haruur kasta oo bariis ah ciidankeeda darteed, markaasay la wareegeen dalagii beeraha oo dhan. Macaluul baahsan ayaa dhalatay 1944-1945, ilaa dadku ay bilaabeen inay cunaan cowska. Gumaysigu uma naxariisan caalim ama khadiib isku daya inay ka horyimaadaan. Culimo badan ayaa fagaarayaasha lagu dilay, qaarkoodna iyagoo nool ayaa la duugay. Xataa waxbarashadii ayay beddeleen, iyagoo carruurta ku qasbayay inay ku dhawaaqaan halku-dhegyo lagu weynaynayo Imbaraadoorka Jabbaan, laguna amrayay inay u sujuudaan isaga sidii isagoo ilaah ah, iyadoo la mamnuucay barashada Carabiga iyo Qur’aanka. Markii Jabbaan laga guulaystay Ogosto 1945, waxay ka tageen dal burbursan oo gaajaysan, balse sannadahaas qallafsanaa waxay dadka ku abuureen rabitaan weyn oo xornimo ah. Taasina waxay horseedday in lagu dhawaaqo madaxbannaanida Indooniisiya maalmo yar ka dib markii Jabbaan is dhiibtay.

Taariikhda
Taariikhda

Midka khamriga cabay hambalyadiisaa ka fudud hambalyada ciid karismiska https://youtube.com/shorts/PLq-cjqPByM?si=UnPkVcTyEkdS8TOu

3 :
3 :

2:
2:

1:
1:

photo content

Elon Musk, oo sanado badan ahaa gaal, ayaa ka soo degay gaalnimadii hal jaranjarro. Wuxuu hore u ahaa diin-laawe (Atheist), k
Elon Musk, oo sanado badan ahaa gaal, ayaa ka soo degay gaalnimadii hal jaranjarro. Wuxuu hore u ahaa diin-laawe (Atheist), kuwa aaminsan in Ilaah dunidan abuuray uusan jirin gabi ahaanba, isla markaana rumaysan in wax walba ay yihiin kuwo iska dabiici ah (natural) oo si kedis ah u jiray abadiyan. Hadda, wuxuu qaatay diinta baadilka ah ee Kiristaanka, taas oo madaahibteedu ay aaminsan yihiin jiritaanka Alle iyo in ay jirto awood sare oo dunidan qaabaysay. Xigasho

Caqliyada mulxudka
Caqliyada mulxudka

Inaad awood leedahay waxay keeneysaa cadawgaada inuu ku ixtiraamo , ga.a.lku ma yaqaano daciif iyo mid taag-darran

Sheekada xiisaha leh ayaana waxay tahay iney salaada ku tukanayaan bartamaha maqaaxidii la yiri Muslim iyo nin madow masoo gali karo. Tan ugu daran ayaana ah milkiilihii maqaayada iyo shaqaalihiisaba way fiirinayaan waxna kama qaadi karaan. Nabiga scw wuxuu yiri "Mu'minka xoogan ayaa ka fiican xag Allaahna laga jecelyahay marka loo eego mu'minka daciifka ah". Muslim baa wariyay. wll #fallow da ha ilaawin

Maqaayadaan ninka iska leh wuxuu ku dhajiyay boor ay ku qorantahay "Waa mamnuuc iney maqaayada gudaha usoo galaan Muslimiinta
Maqaayadaan ninka iska leh wuxuu ku dhajiyay boor ay ku qorantahay "Waa mamnuuc iney maqaayada gudaha usoo galaan Muslimiinta iyo dadka midabka madow". Feeryahanka caanka ah ee Mike Toyson kaasoo ah muslim madow ayaa gudaha u galay maqaayada waxaana la socday feeryahanka lagu magacaabo Badou Jack kaasoo Sweden u dhashay, sidoo kalana horay ugu guuleystay suunka adduunka haatana ah feeryahanka sanadka Sweden. Ninka imaamka ah ee salaada tujinayo asigana sidoo kale waa World Champion-ka feerka Kick Boxing, asalkiisa wuxuu kasoo jeedaa dalka Jordan waxaana lagu magacaabaa Caamir Cabdullaahi. Sadaxda nin waa muslim waana feeryahano oo labo kamid ah waa Boxin World Champion, halka midka kalana yahay Kick Boxing World Champion. Yaa ku dhaco oo u dhawaan karo?

Feminist waa cudur dumarka bilaa iimaanka ah ku dhaca waa naag cuqdad ka qabta dumarnimada, waa qof isagu is-yasaysa oo is-xu
Feminist waa cudur dumarka bilaa iimaanka ah ku dhaca waa naag cuqdad ka qabta dumarnimada, waa qof isagu is-yasaysa oo is-xumaynaysa, abuurkeeda aan ku qanacsanayn, dadnimadeeda diidan, muraayad qaldan isku aragta, qiimaheeda ka raadinaysa meel ay ceebteedu taalo. halka ay dumarnimada u fahmi lahayd hadiyad wayn oo xagga alle uga timid si u barbaariyo hogaanka ummada islaamka iyo marwada soo saarta culimada islaamka. Kani waa mid kamid ah fikirrada iyo aragtiyaha qallooca ee ay noo soo dhoofiyeen kuwo bilaa diinta ah iyo gumaystayaashu. Soo xigtay