4 090
订阅者
-324 小时
-337 天
-11130 天
帖子存档
4 090
Elon Musk, oo sanado badan ahaa gaal, ayaa ka soo degay gaalnimadii hal jaranjarro.
Wuxuu hore u ahaa diin-laawe (Atheist), kuwa aaminsan in Ilaah dunidan abuuray uusan jirin gabi ahaanba, isla markaana rumaysan in wax walba ay yihiin kuwo iska dabiici ah (natural) oo si kedis ah u jiray abadiyan.
Hadda, wuxuu qaatay diinta baadilka ah ee Kiristaanka, taas oo madaahibteedu ay aaminsan yihiin jiritaanka Alle iyo in ay jirto awood sare oo dunidan qaabaysay.
Xigasho
4 090
Inaad awood leedahay waxay keeneysaa cadawgaada inuu ku ixtiraamo , ga.a.lku ma yaqaano daciif iyo mid taag-darran
4 090
Sheekada xiisaha leh ayaana waxay tahay iney salaada ku tukanayaan bartamaha maqaaxidii la yiri Muslim iyo nin madow masoo gali karo.
Tan ugu daran ayaana ah milkiilihii maqaayada iyo shaqaalihiisaba way fiirinayaan waxna kama qaadi karaan.
Nabiga scw wuxuu yiri "Mu'minka xoogan ayaa ka fiican xag Allaahna laga jecelyahay marka loo eego mu'minka daciifka ah". Muslim baa wariyay.
wll #fallow da ha ilaawin
4 090
Maqaayadaan ninka iska leh wuxuu ku dhajiyay boor ay ku qorantahay "Waa mamnuuc iney maqaayada gudaha usoo galaan Muslimiinta iyo dadka midabka madow".
Feeryahanka caanka ah ee Mike Toyson kaasoo ah muslim madow ayaa gudaha u galay maqaayada waxaana la socday feeryahanka lagu magacaabo Badou Jack kaasoo Sweden u dhashay, sidoo kalana horay ugu guuleystay suunka adduunka haatana ah feeryahanka sanadka Sweden.
Ninka imaamka ah ee salaada tujinayo asigana sidoo kale waa World Champion-ka feerka Kick Boxing, asalkiisa wuxuu kasoo jeedaa dalka Jordan waxaana lagu magacaabaa Caamir Cabdullaahi.
Sadaxda nin waa muslim waana feeryahano oo labo kamid ah waa Boxin World Champion, halka midka kalana yahay Kick Boxing World Champion. Yaa ku dhaco oo u dhawaan karo?
4 090
Feminist waa cudur dumarka bilaa iimaanka ah ku dhaca waa naag cuqdad ka qabta dumarnimada, waa qof isagu is-yasaysa oo is-xumaynaysa, abuurkeeda aan ku qanacsanayn, dadnimadeeda diidan, muraayad qaldan isku aragta, qiimaheeda ka raadinaysa meel ay ceebteedu taalo. halka ay dumarnimada u fahmi lahayd hadiyad wayn oo xagga alle uga timid si u barbaariyo hogaanka ummada islaamka iyo marwada soo saarta culimada islaamka.
Kani waa mid kamid ah fikirrada iyo aragtiyaha qallooca ee ay noo soo dhoofiyeen kuwo bilaa diinta ah iyo gumaystayaashu.
Soo xigtay
4 090
"Inaan qaraxno waxyar ayaa nooga dhiman"!
Aniga iyo saaxibkey Adan Ali Boss ayaa galabta bajaaj ka racnay isgoyska Koronta, maadaama jidka ceelqalow dhisme ka socday, waxaan aadna dhanka iyo wadada Villa Baydhabo, askar joogtay check point u dhow Villa Baydhabo ayaa wadadii oo furay noo diiday inaan marno oo waxay nagu qasbeen inaan wareegano oo aan marno dhanka iyo Nasteexo iyo isbitaal Madiina.
Bajaaj-lahii ayaa wuxuu yiri "taliyaha askartan xukumo Baabur Buruuf ayuu isaga jiraa, dhibka aan marayno kama war qabo, inaan qaraxano waxyar ayaa nooga dhiman, marar badan safaf dhaareer nala geliyaa, furaha ayaa nagala qaataa"
Dhibka haysto bajaajleyda iyo wado xumada ka jiro Muqdisho goormeey ayay dhamaane?
4 090
Waxaa ku sugan labada Saxiix (Bukhaari & Muslim) in Cumar ibn Khaddaab (RC) uu yiri:
“Ilaahay baan ku dhaartaye waxaan ogahay inaad tahay dhagax wax dhibi karin oo waxna tari karin. Haddaanan arkin Rasuulka Alle ﷺ oo ku dhunkanaaya, anigu kuuma dhunkan lahayn.”
4 090
1. Sheekha in lagu tarax tagay darteed miyaad ilaahii weynaa oogu gaftay naftaadana u dulmisay🤔??
2. Waxa aad sheegtay sheekha waa lagu sameeyay mooyee isagu ma ogoleyn, in lagu sameeyayna kama dhigna inay saxan tahay sheekhana ogol yahay.
3. Maxaa sababay sheekha in sidaas loogu xadgudbo ? Waxaa sababay jaahilnimada dadka iyo fahan sax ah oo aanay shareecada ka heysanin maxaa yeelay sababka sheekhaba uu xirnaa dhamashadiisa ka hor waxay eheed fatwo tan oo kale.
"Culimada waxay isku raaceen in qofka booqda qabriga Nabi Muxammad ﷺ ama qabuuraha anbiyada kale, saalixiinta, saxaabada, Ahlul-Baytka iyo cid kale toona inaan la taabansanin, aan la dhunkan, sababtoo ah ma jiro wax ka mid ah dhagaxyada ama shayada aduunka ku yaal oo la sharciyeeyey in la dhunkado marka laga reebo Xajarul-Aswadka.
4 090
Nabigii ilaahey in saaxir waaye lagu dhaho ayey awoodeen gaaladaan hadda maxay kula tahay oo beenaalayaasha ay bateen wariye iyo idaacad loo sameystay been awgeed.
4 090
#Arooskii geerida isu badalay
Warbaahinta Suudaan ayaa ku warrantay mid ka mid ah dagaalyahannada kooxda RSF ee ka dagaallanta Suudaan , oo go’aansaday inuu guursado gabar uu horey kufsi ugu geystay, inta lagu jiray munaasabadda arooskiisa in saaxiibkiis oo isagana ka tirsan RSF ayaa ninkaa arooska u tagay si uu ugu hambalyeeyo, wuxuu iskudayay inuu xabbado dabaal-deg ah kor u rido, balse xabbadii waxay ku dhacday ninka arooska oo meesha ku geeriyooday, xaaladan waxay dhalisay dagaal toos ah oo ka dhex qarxay ninka xabbada kama’da ah ku dilay arooska iyo qoyska ninka arooska ahaa ee geeriday, waxaana isku dhacaa ka dhashay dhimashada 57 qof.
Soo xigtay
4 090
Heesaha lagu faafiyo “story-ga/ TikTok WhatsApp Facebook messenger 🎵
1. Kow: Waa dembigaaga!!
2. Laba: Waa dembigaaga qof kasta oo heestaas maqla!!
3. Saddex: Waa dembigaaga qof kasta oo heesta jeclaada dabadeedna raadiya oo dhageysta!!
4. Afar: Waa dembigaaga qof kasta oo qaata heestaas kadibna isagana ku faafiya storygiisa qof kastoo ka maqla ayaana dembigiisu adu kuu kordhayaa!!❤️🩹
5. Miyaadan u arag dembigaaga inuu kugu filan yahay, haddana aad dembiyada dadka kale isku raacdo adigoo ku caasiyoonaya, Ilaahay ku asturay ? !!
6. Intaas waxaa dheer, waxaa jira dad naftooda kula dagaallamaya inay heeso dhageystaan, adigoo adigu faafinaya waxaad ku ridaysaa dembi ay laga yaabo inaad dhimatid adigoo dembigaas lagu qorayo inta aad qabriga ku jirto!!🤍
7. Xusuusi dadka kale… waayo kii dadka ku hanuuniya wanaagga wuxuu la mid yahay kii falay share tabo sii loo wada Arko .
#Qisas_Aldikir #Zuhur_Gulied
Soo xigtay
现已上线!2025 年 Telegram 研究 — 年度关键洞察 
