️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan
Ir al canal en Telegram
Halkaan waa Telegramka ️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan
Mostrar másEl país no está especificadoLa categoría no está especificada
260
Suscriptores
+224 horas
+217 días
+2130 días
Archivo de publicaciones
Faahfaahin ayaa Laga Helayaa Shil ay Dhimasho iyo Dhaawac Ku Noqdeen in ka Badan 20 Ruux oo ka Dhacay Gobalka Nuugaal ee Waqooyi Bari Soomaaliya.
Gaari Xamuul oo ay saarnaayeen dadka kor u dhaafaya Labaatameeya ruux ayaa waxyar ka hor maqribnimadii shalay ku rogmaday, inta u dhaxeyso deegaannada birta dheer iyo deegaanka Kalabayr ee hoostago degmada Garoowe ee xarunta gobalka Nuugaal.
Maamulka Degmada Garoowe ayaa xaqiijiyay, in ugu yaraan Labo qof ay ku dhinteen shilkaas, halka ay ku dhaawacmeen 19 kale kuwaas oo lagu dabiibaya xarumaha caafimaadka ee magaaladaasi.
Gaariga oo siday khudaar iyo dadka saarnaaba ayaa la sheegay, inay ka yimaadeen degmada Qalaafe oo ka tirsan dhulka Soomaali Galbeed ee ay xoogga ku haysato Dowladda Xabashida Itoobiya.
Maxamuud Saciid Yuusuf oo kamid ah taliyaasha ciidamada Booliiska Maamulka la baxay Puntland ee ka hawlgala magaalada Garoowe ayaa faahfahin ka bixiyay dhacdadas.
Itoobiya ayaa Markale Duqeymo ku Garaacday Gobalka Tigrayga, Iyadoo TPLF ay si Kulal uga Hadashay Weeraradaas.
Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa habeenkii xalay markale duqeymo dhanka cirka ah la beegsatay deegaanno dhaca galbeedka gobalka Tigrayga, sida ay kusoo warameen ilo-wareedyo maxalli ah.
Duqeymahan oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheen ee Xabashida ayaa la tilmaamay, in markale lala beegsay aagag ku dhow magaalada Shiraro oo ku taalla waqooyi-galbeed ee gobolka Tigray, iyadoo aan wax faahfaahin ah laga helin khasaaraha ka dhashay.
Geeska kale, jabhadda qowmiyadda Tigrayga ee TPLF ayaa war kasoo saartay duqeymo ay shalay Itobiya ka geysatay deegaanno dhaca isla nawaaxiga magaalada Shiraro ee gobalkaasi.
Qoraal lagu daabacay bogga Facebook ee xafiiska madaxweynaha Tigrayga ayaa lagu eedeeyay Itoobiya, inay fulisay weerarka, iyadoo TPLF sheegtay, inuu sababay weerarka khasare isugu jira dhimasho, dhaawac, iyo burbur hantiyeed oo soo gaaray askarta Tigrayga ee aagga Shiraro.
Wasiirkii Hore ee Amniga ee Dowladda Fedaraalka ayaa Xasan Sheekh Ku Eedeeyay, inuu Weeraray Hoteel uu Ku Leeyahay Muqdisho.
Hogaanka Ciidanka Itoobiya ayaa Sheegay, in Dalkooda ay Kusoo Duuleen Xoogag isa soo Gaashaanbuursaday.
Sarkaal Sare oo Ka Tirsanaa Sirdoonka Dawladda Kenya ayaa Maydkiisa Laga Helay Guri uu Daganaa.
Maamulka la Baxay Soomaliland ayaa Xabashida Itoobiya Usoo Bandhigay, inay Qadato Qeybo Kamid Xeebaha Waqooyi ee Dalka.
Maanta waa maalin Axad ah, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 21-12-1447 oo waafaqsan 07-06-2026, warka Subaxnimo waxaa soo jeedinaya Maxamed Daahir.
Dhageyso: Taxane- Halyeeyadii Badar.[234]
Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan waxay idiin soo gudbineysaa taxane aan ugu magac darnay Halyeeyadii Bader, taas oo uu Sheekh Cabdul Ilaah Abuu Khaalid kaga waramayo, siirada iyo mawaaqifta tarbawiga ah ee saxaabiyiintii Badriyiinta ahaa ee ka qeyb galay macrakadii Yowmul Furqaan
Loollanka Xasan Sheekh Iyo Mucaaradka: Siyaasad, Shidaal Mise Dano Shisheeye? Halkee ayay ku dambeyn kartaa colaada u dhaxaysa DF iyo mucaaradka?
Fagaare ku yaalla magaalada Bu'aale ee Wilaayada Islaamiga ah ee Jubbada-dhexe ayaa lagu dilay koox basaasiin ah oo lagu eedeeyay inay la shaqeynayeen Dowladda Fedaraalka iyo Maamul goboleedyada.
Dadki taageeri jiray Xasab Sheekh oo si isdaba joog ah usoo bandhigaya dhaliilaha Dawlada Fadaraalka iyo fashilkeeda islamarkaana muujinaya iney kasoo horjeedaan kuwaasoo ay wadaado kamid yihiin.
Mid kamid ah Raisaalwasaarihii DF soo maray oo ku calaacalay oo ku calaacalay hadii lataariigi lahaa Jihaadkii sayid Maxamad Cabdulle xasan in xiligan uusan Soomaaliya Shisheeye sii heysan leheyn.
Dhageystayaasha iyo akhristayaasha ku xiran idaacadda Al-Furqaan waxay had iyo goor halkan kala socon karaan Wararka iyo Barnaamijyada ay Idaacaddu baahiso.
Caawa waa habeennimo Axad ah oo ay taariikhda Hijriguna ay ku beegantahay 2112-1447 oo waafaqsan 05-06-2026, Barnaamijka Dhuuxa Wareysiyada waxaa caawa soo Cabdisamad Cabdullaahi.
Wasiirkii Hore ee Amniga ee Dowladda Fedaraalka ayaa Xasan Sheekh Ku Eedeeyay, inuu Weeraray Hoteel uu Ku Leeyahay Muqdisho.
La taliyihii hore ee Xasan Sheekh siyaasiga lagu magacaabo Cabdullaahi Maxamed Nuur oo sidoo kale soo noqday wasiirka amniga ayaa sheegay, in ciidamo taabacsan Xasan Sheekh ay gudaha u galeen hoteelkiisa Elite ee magaalada Muqdisho, islamarkaana ay si buuxda ula wareegeen
Qoraal uu siyaasigani ku daabacay baraha bulshada ayaa waxa uu ku yiri “Elite Hotel oo ah goob Gancsi ayaa waxaa xoog ku galay Ciidamo ku hubaysan hub aad u cuslus oo ay ku jiraan walxaha Qarxa sida miinooyin iyo kuwa dhismayaasha lagu dumiyo waxayna lawareegeen gabi ahaan Hotelka, ayaga oo ilaaladi iyo shaqaalihi koobnaa ee gudaha ku jiray isugu geeyay goob gaar ah, una sheegay, in ay baarayaan hotel-ka balse hubka culus oo ay gudaha lagaleen waxaa uu muujinayaa, in aan qorshuhu ahayn baaritaan balse uu yahay in Hotel-ka la burburiyo lana boobo dhammaan hantida taala gudaha Hotel-ka”. Ayuu qoraalkiisa sii raaciyay
Sarkaal Sare oo Ka Tirsanaa Sirdoonka Dawladda Kenya ayaa Maydkiisa Laga Helay Guri uu Daganaa.
Mas’uul sare oo ka tirsanaa hay’adda sirdoonka ee Kenya ayaa saacadihii lasoo dhaafay meydkiisa laga helay hoygiisa rasmiga ah oo ku yaalla magaalada Nyamira, iyada oo ciidamada ammaanku ay bilaabeen baaritaan lagu ogaanayo sababta rasmiga ah ee ka dambaysay geeridiisa.
Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray David, kana mid ahaa saraakiisha sare ee hay’adda sirdoonka Kenya, ayaa la sheegay in meydkiisa laga helay gudaha gurigiisa, iyada oo ay ka muuqdaan calaamado muujinaya jirdil loo gaystay kahor inta uusan dhiman.
Sarkaalkan ayaa la filayay inuu safar ugu ambabaxo magaalada Nairobi, balse xiriir ay la sameeyeen saraakiil isaga ka hooseysay oo fashilmay ayaa lagu ogaaday xaaladiisa, waxayna go’aansadeen in albaabka hoygiisa la jebiyo.
Hogaanka Ciidanka Itoobiya ayaa Sheegay, in Dalkooda ay Kusoo Duuleen Xoogag isa soo Gaashaanbuursaday.
Birhanu Jula oo ah taliyaha Guud ee Ciidamada Itoobiya oo khudbad ka jeediay xaflad loo qabanayay ciidamadiisa ayaa sheegay, in xoogag cadaw ah ay Itoobiya si wadajir ah ugu soo duuleen, isaga oo aan si toos ah farta ugu fiiqin cidda ay yihiin.
Hogaamiyaha Millatariga ayaa intaasi ku daray, in Itoobiya ay wajahayso duulaan gudaha iyo dibadda ah, kaas oo uu ku tilmaamay, inuu yahay shirqool soo bilaabmay muddo fog.
"Cadawgeenna maanta sida wadajirka ah noogu soo duulay ma aha kuwo maanta un bilaabay qorshahan, balse waa shirqool soo bilowday tan iyo 1960-meeyadii, oo ah xilligii aan weynay Badda Cas” ayuu yiri Birhanu Jula taliyaha Guud ee Ciidamada Itoobiya.
Sarkaalkan oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi ku daray, in cadawgaas soo jireenka ah ee Itoobiya ay maleegeen waxa uu ugu yeeray khaa'imiin gudaha ah iyo quwado shisheeye, isagoo ku goodiyay, in ay hada diyaar u yihiin inay tallaabo qaadaan.
Jabhadda Amxaarada ee Faano ayaa si Adag uga Hortimid Qiimeyn uu Ururka Midowga Afrika ku Sameeyay Doorashada Itoobiya.
Waa Habeennimo Axad ah taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 21-12-1447 oo ku beegan 05-06-2026, warka Habeen waxaa soo jeedinaya Cabdisamad Cabdullaahi.
Maxaan ka Ognahay Halisyada ay Tahriibayaasha Kala Kulmaan Dalka Liibiya?[WARBIXIN]
¡Ya disponible! Investigación de Telegram 2025 — los principales insights del año 
