️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan
Ir al canal en Telegram
Halkaan waa Telegramka ️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan
Mostrar másEl país no está especificadoLa categoría no está especificada
260
Suscriptores
+224 horas
+197 días
+1930 días
Archivo de publicaciones
Dowladda Kenya ayaa qiratay in uu khasaare kasoo gaaray weerar ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen dhulka NFD ee ku hoos jira gumeysigeeda.
Saraakiisha amniga ee Dowladda Kenya ayaa warbaahinta dalkaasi u sheegay, inay saraakiil uga dhaawacmeen weerar ay dhawaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Fiinow ee hoostaga degmada Lafeey ee gobalka Mandheera.
Illaa Saddex sarkaal oo booliis ah ayay Dowladda Kenya qiratay inay uga dhaawacmeen weerarkaas, sida saraakiisha amniga u sheegeen warbaahinta gudaha ee Kenya.
Saraakiisha dhaawaca ayay tilmaameen, in weerarka kadib loo qaaday xarumaha caafimaadka si loogu daweeyo, iyagoo aan wax faahfaahin ah ka bixinin xaaladdooda caafimaad.
Saraakiisha ayaa intaasi ku daray, in dagaalyahannada ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay weerarka ku qaadeen xerada ciidamada Kenya iyagoo adeegsanaya qoryaha RPG-ga iyo qoryaha fudud ee boobaha ah sida PKM.
Kacdoon hubeysan oo lagu diidan yahay doorashada uu wado Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka ayaa ka billowday magaalo katirsan gobolka Galgaduud.
Magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud waxaa ka dhacay isku soo bax ballaaran oo ay dhigeen qaar kamid ah dadka ku dhaqan magaaladaas iyo maleeshiyaad hubeysan, kaas oo ay kaga soo horjeedaan doorashada uu wado Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka Xasan Sheekh.
Hub iyo gaadiid dagaal oo ay qoryo ku rakiban yihiin ayay soo bandhigeen dibad-baxayaasha, iyagoona si cad uga soo horjeestay doorashada uu Xasan wato iyo midda uu doonayo inuu ka hirgaliyo deegaannada uu ka arrmiyo maamulka la baxay Galmudug.
Sarkaal katirsan maleeshiyaadka qeybta ka ahaa dibadbaxa ayaa waxa uu goobta ka sheegay, in aysan ogoleyn doorashada uu wado Xasan Sheekh, dagaalna ay kaga hortagi doonaan haddii doorasho lala soo aado.cod
Xukuumada Shiicada ah ee Iiraan ayaa Si Rasmi ah Ugu Dhawaaqday Inay Heshiis Lagusoo Afjaroyo Dagaalka La Gashay Dawaladda Maraykanka. [Falanqayn]
Mid kamid ah Hey’adaha Reer Galbeedka ayaa Sheegtay, inay Xirtay Tobanaan Xarumood oo ay ku Laheed Soomaaliya Dhaqaale La’aan Soo Foodsaartay Awgeed.
Hogaamiyaha Maamulka la Baxay Jubaland ayaa Sheegay, inuusan Aqoonsi Uga Baahneen Dowladda Fedaraalka.
Maraykanka ayaa Ciidamo Ku Daabulay Dalka Kenya Si ay u Taageeraan Qorshaha Lagu Dhisayo Xarun Karantiil oo Lagu Xareeyo Dadka Ameerikaanka ah ee Qaba Cudurka Eboola.
Maanta waa maalin Isniin ah, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 29-12-1447 oo waafaqsan 15-06-2026, warka Subaxnimo waxaa soo jeedinaya Maxamed Daahir.
Warbaahinta Iiraan ayaa baahisay qabyo-qoraalka heshiiska hordhaca ah, kaas oo ka kooban 14 qodob, isla markaana dhidibada u taagaya is-afgarad cusub oo lagu soo afjarayo xiisadaha soo jiitamayay mudada dheer. Sida lagu sheegay wararkaas, heshiiska waxaa ku jira qorshe lagu qaadayo cunaqabataynta badda ee Maraykanku ku hayay Iiraan.
Qoraalka heshiiska ayaa sidoo kale tilmaamaya in la hakiyo cunaqabataynta la saaray dhoofinta shidaalka Iiraan, taas oo la filayo inay albaab u furto dhaqdhaqaaq dhaqaale oo cusub iyo soo kabasho maaliyadeed oo Tehran ay muddo dheer raadineysay.
Wararku waxay intaas ku darayaan, in heshiisku dhigayo in si tartiib tartiib ah loo sii daayo lacagaha Iiraan uga xayiran dibadda, iyadoo la qorsheynayo in balaayiin doollar lagu wareejiyo muddada lagu guda jiro wadaxaajoodyada xiga. Sidoo kale waxaa lagu heshiiyay in muddo 60 maalmood ah lagu galo wadahadallo dheeraad ah oo ku saabsan arrimaha Nukliyeerka iyo qaadista cunaqabataynta harsan.
Kadib ku dhawaaqista heshiiska, qiimaha shidaalka dunida ayaa hoos u dhacay, taas oo ka dhalatay rajada laga qabo in dib loo furo marinnada muhiimka ah ee ganacsiga iyo dhoofinta tamarta caalamka oo inteeda badan kasoo baxda Dalalka Khaliijka Carabta.
Madaxwaynaha Iiraan iyo Golaha Ammaanka ee dalkaas ayaa xaqiijiyay in la dhammaystiray qoraalka ugu dambeeya ee heshiiska isfaham ee lagu soo afjarayo colaadda u dhexeysa Tehran iyo Washington. Golaha ayaa sheegay in dagaallada ka socda dhamaan furimaha la joojin doono marka uu heshiisku dhaqan galo, isla markaana si buuxda loo qaadi doono cunaqabateyntii iyo go’doomintii dhinaca badda ee lagu hayay Iiraan.
Waxaa faahfaahin laga helayaa dagaalladii lagu jabiyay ciidamada Bangaraaf ee uu Mareykanku ku adeegto ee habeen hore ka dhacay inta udhaxeysa degmooyinka Buulomareer iyo Kurtunwaarrey ee gobolka Sh/hoose.
Tirada dhimashada ee askartaas ayaa gaartay 10 askari halka laga dhaawacay saddex kale, waxaana burbur xooggan yy soo gaaray gaari Cabdi-Bile ah oo ay wateen.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa xaqiijiyay in heshiiska la dhammeystiray, isaga oo ku dhawaaqay in la qaaday xayiraaddii badda ee lagu hayay Iiraan, isla markaana maraakiibta caalamka loo fasaxay inay si xor ah uga gudbaan marin-biyoodka Hormuz.
Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shahbaz Sharif oo kamida ahaa wadamada dhexdhexaadinta waday ayaa dhankiisa shaaciyay in heshiiskan uu dhacay laguna joojinayo dagaallada ka socday dhammaan jihooyinka kala duwan, iyada oo saxiixa rasmiga ah ee is afgaradkan lagu wado inuu ka dhaco dalka Iswiisar Laand maalinta Jimcaha ee soo socota.
Weerar madaafiic ah ayay xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen, xerada ay askarta Dowladda Fedaraalka ku leeyihiin magaalada Buulomareer ee gobolka Sh/hoose.
Laba qarax ayay xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku weerareen, guryo ay dagan yihiin laba sarkaal oo katirsan Dowladda Fedaraalka oo ku yaalla degmada Bardaale ee gobolka Baay, waxaana ku dhaawacmay hal askari.
Xukuumada Shiicada ah ee Iiraan ayaa Si Rasmi ah Ugu Dhawaaqday Inay Heshiis Lagusoo Afjaroyo Dagaalka La Gashay Dawaladda Maraykanka.
Maanta oo ku began maalinkii Boqol iyo sideedaad ee bilaabashada dagaalka Iiraan iyo Maraykanka, Waxay saacado kahor Dawladda Iiraan ku dhawaaqday heshiis rasmi ah oo ay la gaartay Mareykanka, sida uu baahiyay telefishinka dawladda. Ku dhawaaqistan ayaana noqonaysa markii ugu horaysay oo ay Tehraan si cad u shaaciso heshiis buuxa oo ay la gashay Maraykanka, kaas oo lagusoo afjarayo dagaalka soo jiitamayay dhawrka bilood.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xalay 2 qarax ka fuliyay gudaha degmada Bardaale ee gobalka Baay, waxaana qaraxyadan lala eegtay guryo ay degganyihiin laba sarkaal oo ka tirsan maamulka degmadaasi, waxaana ku dhaawacmay hal askari.
MAQAAL: Xaqiiqada Doorka Al-Shabaab: Xaggee Kusii Socotaa Xaaladda Soomaaliya?. (WQ: C/Risaaq Xaaji Xuseen)
Dhageyso: Taxane- Halyeeyadii Badar.[241]
Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan waxay idiin soo gudbineysaa taxane aan ugu magac darnay Halyeeyadii Bader, taas oo uu Sheekh Cabdul Ilaah Abuu Khaalid kaga waramayo, siirada iyo mawaaqifta tarbawiga ah ee saxaabiyiintii Badriyiinta ahaa ee ka qeyb galay macrakadii Yowmul Furqaan
¡Ya disponible! Investigación de Telegram 2025 — los principales insights del año 
