en
Feedback
غَـــ«Rixlah»ــزَّة

غَـــ«Rixlah»ــزَّة

Open in Telegram

Rixlah waxaad ka dugsan doontaa fariimo xambaarsan Waano , Dhiirigalin iyo dhanbaalo taabanaya Wacyiga. Rixlah wehel kadhigo inta aad telegram joogto mahadsanid. 𓆝 𓆝 𓆟 𓆞 𓆝 𓆟

Show more
421
Subscribers
No data24 hours
-67 days
-830 days
Posts Archive
𝗞𝗔𝗟𝗔 𝗗𝗨𝗚𝗔𝗡𝗔𝗔𝗡 𝗦𝗛𝗔𝗛𝗔 !! 𝗥𝗔𝗚 VS 𝗗𝗨𝗠𝗔𝗥 > "وَلَيْسَ الذَّكَرُ كَالأُنثَىٰ" "Labku ma aha sida dheddigga." (Aal-Cimraan: 36) Micnaha Qotada Dheer iyo Xikmada Ku Jirta ●Kala Duwanaansho Abuuris iyo Shaqo Lab iyo dhedig labaduba waa muhiim, balse ujeeddada iyo doorarka Alle u kala sameeyey way kala duwan yihiin. Labku wuxuu leeyahay xoog jireed iyo masuuliyad qoys, halka dhedigga ay leedahay daryeel, naxariis iyo korin ummadeed. Xikmada kujirta : Kala duwanaanta maaha mid qiime hoos u dhigaysa gabadha ama sare u qaadaysa wiilka, ee waa "kala shaqo iyo kala mas’uuliyad". ●Kala Duwanaansho Dareen iyo Dhaqan Labku wuxuu inta badan u janjeeraa go'aan qaadasho iyo hormuudnimo, halka dheddiggu uu leeyahay dareen qoto dheer, naxariis iyo samir. Xikmada kujirta :- Lab iyo dhedigu si isku mid ah uma dareemaan xaaladaha nolosha; tusaale, hooyadu way ka dulqaad iyo naxariis badan tahay marka ay la tacaalayso ubad, taasoo aysan badanaa raggu lahayn. ●Kala Duwanaansho Jir iyo Nafsi Quraanku wuxuu aqoonsan yahay in jir ahaan iyo maskax ahaan ragga iyo dumarku ay yihiin laba jinsi oo kala duwan: hormoon ahaan, karti ahaan, iyo awoodda taranka. Xikmada kujirta : Maaddaama ay yihiin kala duwanaansho dabiici ah, isku mid in laga dhigo waxay keenaysaa jab ku dhaca nidaamka Eebbe dhisay (tusaale: in lagu khasbo dumar inay qaadaan shaqooyin culus oo aysan u diyaarsanayn jir ahaan iyo nafsi ahaan). Gunaanad: "Labku ma aha sida dhedigga" waa xaqiiqo ruuxi, nafsi, jir ahaan iyo mid mas’uuliyadeed ba. Micnaheedu waa in Kala duwanaanta loo baahan yahay si noloshu u dhisanto si dheellitiran ,Isla markaana qof kastaa leeyahay doorkiisa gaarka ah oo Alle ugu talagalay. Qalinka :- Cabdinaasir Wanaagsane Mahadsanid halkan hadaad soo gaadhay. https://t.me/rixllah

SOOMAALIDU FAHANKA AY KA HAYSATO JACAYLKA MUXUU YAHAY? Jacaylka Soomaalida aad ayuu ugu adag yahay dhaqanka. Waxaa jira laba aragti: Xagga Suugaanta: Jacaylka wuxuu aad ugu badan yahay gabayada, heesaha iyo suugaanta. Waxaa lagu sifayn jiray dareenyo qoto dheer, xanuun iyo farxadba leh . Xagga Dhaqanka: Badanaa dhaqanka Soomaaliyeed waxa uu jacaylka ku arkaa inuu yahay mid qoyska iyo guurka ka horreeya oo loo baahan yahay in si xishood iyo dhowrsanaan leh loo maareeyo. Xagga Diinta: Soomaalidu waa dad Muslimiin ah waxayna marar badan u arkaan jacaylka aan sharciyaysnayn (ka baxsan nolosha lamaanaha) inuu yahay mid laga xishoodo ama mamnuuc ah. Gunaanad: Jacaylku waa dareen bani’aadanimo ah oo Ilaahay abuuray, laakiin Islaamku wuxuu ina barayaa in jacaylku noqdo mid xalaal ah, xuduud leh oo kheyr iyo barako leh. Haddii uu ka baxo xeerkaas, wuxuu noqon karaa fitno iyo dhib. https://t.me/rixllah

JACAYLKA INTA UU UKALA QAYBSAMO. Jacaylka waxaa loo qaybin karaa dhowr nooc, tusaale ahaan: Jacaylka Diinta (xagga Allah): Da
JACAYLKA INTA UU UKALA QAYBSAMO. Jacaylka waxaa loo qaybin karaa dhowr nooc, tusaale ahaan: Jacaylka Diinta (xagga Allah): Dareenka qofka uu Allah iyo Nebigiisa scw u qabo. Jacaylka Nolosha: Kalgacal ka dhexeeya lamaanaha, saaxiibada, ama qoyska. Jacaylka Maslaxadda: Marka jacaylku ku salaysanyahay faa’iido gaar ah sida (lacag, magac iwm). Marka aad maqasho abdinasir jacayl baa haya waa inaad is waydiiso waa mid noocee ah !! Jacaylkiisu ma nid nolosha la xidhiidhaa , ma mid maslaxad baa mise waa mid ilahay iyo Rasuulkiisa scw ah. Dhowr nooc baan la noolahay 😍 https://t.me/rixllah

NAF - LAHADAL ⟿  ⟿  ⟿  ⟿  ⟿  ⟿  ➽ Dhanbaal Muhiim ah. 🍂 Naf - Lahadal. ✦  ◛ •၊၊။‌‌‌‌‌•၊၊။‌‌‌‌‌၊၊• 3:53 ➥ Lawadaag Ehelka & Asxaabta. https://t.me/rixllah Rixlah hadaad naga waydo ●|| https://t.me/loolan4 Baa noo balan ah.

24 saacadood ee nagusoo aadan waxaan baahin doona Cajilad cod oo aan ciwaan uga dhigay "NAF LAHADAL" Waa markii u horaysay oo cajilad aan duubay oo nooceeda ah aan sii daayo. Waxaan rajaynayaa inay horudhac u noqoto raacyo danbe oo aan nafta kula hadli doono. Ha sugi waayin ...... https://t.me/rixllah

DIINTU MAXAY KA QABTAA JACAYLKA.? Islaamka jacaylka wuu aqoonsan yahay, gaar ahaan marka uu ku jiro xuduudaha shareecada. Tus
DIINTU MAXAY KA QABTAA JACAYLKA.? Islaamka jacaylka wuu aqoonsan yahay, gaar ahaan marka uu ku jiro xuduudaha shareecada. Tusaale: Jacaylka Ilaahay: Waa midka ugu qiimaha badan uguna wayn. Qur’aanka waxaa ku xusan: "Ilaahay wuxuu jecel yahay kuwa toobad keena." (Al-Baqara: 222). Jacaylka Walaalnimada:- Waxa uu Nebigu yiri scw: "Midkiinna Imaankiisu ma dhameystirno ilaa waxa uu naftiisa la jecel yahay uu la jeclaado walaalkii." (Bukhaari & Muslim). Jacaylka nolosha: Islaamku wuu ogol yahay in laba qof is jeclaadaan, laakiin wuxuu xeerinayaa in jacaylkaasi uu ku dhammaado guur sax ah oo la ilaaliyo akhlaaqda. Jacaylka xad-dhaafka ah ee denbiga horseeda ama xad-gudubka ku jira wuu mamnuuc yahay. Mowduuca kan xigga. JACAYLKA INTA UU UKALA QAYBSAMO. https://t.me/rixllah

1. JACAYL MAXAA LA DHAHAA? Jacayl waa dareen qoto dheer oo qofka qalbigiisa ku dhasha, kaas oo uu ku muujiyo xiisaha, kalgaca
1. JACAYL MAXAA LA DHAHAA? Jacayl waa dareen qoto dheer oo qofka qalbigiisa ku dhasha, kaas oo uu ku muujiyo xiisaha, kalgacalka iyo danayn uu u hayo qof kale ama wax kale (sida diinta, qoyska, ama Deegaan ). Jacaylku waxa uu noqon karaa mid: Jidheed (romantic): ka dhexeeya lamaanayaal. Ruuxi/Akhlaaqi: sida jacaylka aad u qabto qoyskaaga, saaxiibada, ama dadka kheyrka leh. Diini: jacaylka aad uqabto Ilaahay iyo Nebiga (SCW). Fariinta xigta waxaan kaga hadli doonaa DIINTU MAXAY KA QABTAA JACAYLKA. https://t.me/rixllah

Jacayl maxaa la dhahaa ? Diintu maxay ka qabtaa ? Jacaylku muxuu u qaybsamaa ? Soomaali fahanka ay ka haysato muxuu yahay jacaylka? Dhamaan suaalahan ayaan dul istaagi doonaa saacadaha ilaa maalmaha nagu soo aadan. Fiiro gaar ah :- mowduucaan waxaan uga danleeyahay wacyigalin iyo sixida hab fikirka bulshada. https://t.me/rixllah

Wadaad jacayl ka sheekaynaya waad la yaabteen miyaa kk. Si fiican baan ugu faaganayaa mowduucaas ha la ila socdo.

Xalay ayaan ku qoray status whatsappkayga "Amaan kugu filan ma helo Umu mushtaaq" durbadiisa waxaan la kulmay falcelino. Kalmadii iigu naxdinta badnayd waxay ahayd "Wadaad Update ah" iyo "Version Wadaadnimo ee udanbeeyey". Rasuulka scw ayaa caaisho kulahaa "Caaisho waanku jeclahay" anigu yaan ahay waa suaale . Culimada qaarba kutalaxtagey oo bahalka baalasha ka rifay iyagoo iska aruurinaya inay kudhawaaqaaan kalmadaa Rasuulka scw kudhawaaqay. Dhaqamo soomaalidu leedahay oo ah ha igusoo dhisin naagta ama jiljilleec ha umuujin iyo aragti wadaad fahankii ka qaloocday baa bulshada ragaadiyay. Kalmada jacaylka xanbaarsan ee raxmada ah ee ninku xaaskiisa si toos ah u leeyahay dumarka waxay ka kadhigta kuwo dagan oo qabow kadib na farxad iyo naxariis bay kaga falceliyaan. https://t.me/rixllah

Jacayl marka la sheego bulshada inteeda wacan way kasoo boodaan kk sabab?? Waxaa laga fahma dareen khaldan . War bahalka naga update gareeya.

Majiro shay la diiday haba la jeclaado ilaa waxaa loo diiday dhibta uu leeyahay. Manajiro shay la baneeyey haba la dhibsadee ilaa waxaa loo baneeyey dheef kujirta. Halka wanaaga iyo khayr kujiro alle ayaa og isagaana isku waajib yeelay inuu adoomadiisa u naxariisanayo .

Biyaha Istaaga lagu cabo. Rasuulka scw wuu reebay biyaha istaaga lagu cabo , waxaan baadhay sababta loo diiday ama dhibta ka dhalan karta haduu sunada la khilaafo. Baadhitaan kadib. Waxaan soo ogaaday in hadii la istaago oo biyaha la cabo in biyuhu toos ugu dhacayaan caloosha oo ay samayn karaan booggo/Nabro taaso oo keeni karta inu qofku qaado Xanuunka Gaaska ama uu ku koco Gaasku. Waxay kaloo sababi kartaa in qofku lalaboodo oo uu katago maadaama calooshiisu qasmayso ay noqonayso weel biyo ay kagasoo daayeen meel sare oo kale. Waxaa dhici karta inay dheefshiidka khal khal galiyaan. Arimahaan iyo arimo badan oo cilmiga insaanku gaadhin ayaa loo reerbay arintan. Qofkii khilaafa:- Qofkii khilaafa waxaa isugu darmaysa 2 shay inu caafimaad daro ka qaado iyo in alle ku ciqaabo sababta uu khilaafay sunnadii. https://t.me/rixllah

Sawiradii ugu saamaynta badnaa ee dhoolatuskii ciidamadii soomaaliland . Ciroooooo - caaaaac. https://t.me/rixllah
+2
Sawiradii ugu saamaynta badnaa ee dhoolatuskii ciidamadii soomaaliland . Ciroooooo - caaaaac. https://t.me/rixllah

Waa mid kamid qudaarta dalka dibadiisa looga keenay dalkeena soomaalia. Waxaa eeraboodka Muqdisho lagu arkay moos lagasoo daj
Waa mid kamid qudaarta dalka dibadiisa looga keenay dalkeena soomaalia. Waxaa eeraboodka Muqdisho lagu arkay moos lagasoo dajiyay si loogu iib geeyo soomaali oo moos ku u yahay qudradooda 1aad. Aduun macaankii ka dhamaaday. https://t.me/rixllah

ومهرها ....... https://t.me/rixllah
ومهرها ....... https://t.me/rixllah

Q02-Xog-Waran-Xaab-Qaad-Ismaan-Dhaafka-Islaamiyiinta-Suniyii.m4a45.23 MB