Kobci Naftaada 🚀📖
Open in Telegram
💡Wᴀxᴀᴀɴ ᴋᴀᴀ ᴄᴀᴀᴡɪɴᴀʏᴀᴀ ɪɴᴀᴀᴅ ʜᴏʀᴜᴍᴀʀɪsᴏ ɴᴀғᴛᴀᴀᴅᴀ ɪʏᴏ sʜᴀᴋʜsɪʏᴀᴅᴀᴀᴅᴀ , ᴡᴀxᴀᴀɴ ᴋᴀᴀ ᴄᴀᴀᴡɪɴᴀʏᴀᴀ ɪɴᴀᴀᴅ ғᴀʜᴀɴᴛᴏ ɴᴀғᴛᴀᴀᴅᴀ ᴏᴏ ᴀᴀᴅ ʜᴏʀᴜᴍᴀʀɪsᴏ ᴄɪʟᴀᴀǫᴀᴀᴅᴋᴀᴀɢᴀ sɪ ᴀᴀᴅ ᴜɢᴜ ɴᴏᴏʟᴀᴀᴛᴏ ɴᴏʟᴏʟ ғᴀʀxᴀᴅ ʟᴇʜ ᴏᴏ ɢᴜᴜʟ ʟᴇʜ.. ʟᴀ xɪʀɪʀ: @Mohydeen
Show more6 223
Subscribers
-424 hours
-337 days
-12530 days
Data loading in progress...
Similar Channels
Tags Cloud
No data
Any problems? Please refresh the page or contact our support manager.
Incoming and Outgoing Mentions
---
---
---
---
---
---
Attracting Subscribers
September '26
September '26
+20
in 0 channels
August '26
+73
in 0 channels
Get PRO
July '26
+64
in 0 channels
Get PRO
June '26
+30
in 0 channels
Get PRO
May '26
+17
in 1 channels
Get PRO
April '26
+22
in 0 channels
Get PRO
March '26
+125
in 1 channels
Get PRO
February '26
+67
in 1 channels
Get PRO
January '26
+66
in 0 channels
Get PRO
December '25
+59
in 1 channels
Get PRO
November '25
+88
in 1 channels
Get PRO
October '25
+92
in 0 channels
Get PRO
September '25
+118
in 1 channels
Get PRO
August '25
+162
in 1 channels
Get PRO
July '25
+188
in 0 channels
Get PRO
June '25
+158
in 0 channels
Get PRO
May '25
+150
in 0 channels
Get PRO
April '25
+182
in 0 channels
Get PRO
March '25
+126
in 0 channels
Get PRO
February '25
+254
in 1 channels
Get PRO
January '25
+304
in 2 channels
Get PRO
December '24
+376
in 1 channels
Get PRO
November '24
+286
in 0 channels
Get PRO
October '24
+403
in 2 channels
Get PRO
September '24
+391
in 2 channels
Get PRO
August '24
+441
in 1 channels
Get PRO
July '24
+526
in 2 channels
Get PRO
June '24
+434
in 2 channels
Get PRO
May '24
+500
in 2 channels
Get PRO
April '24
+481
in 2 channels
Get PRO
March '24
+995
in 2 channels
Get PRO
February '24
+913
in 1 channels
Get PRO
January '24
+328
in 1 channels
Get PRO
December '23
+466
in 55 channels
Get PRO
November '23
+293
in 67 channels
Get PRO
October '23
+585
in 61 channels
| Date | Subscriber Growth | Mentions | Channels | |
| 10 September | +1 | |||
| 09 September | +2 | |||
| 08 September | +1 | |||
| 07 September | +2 | |||
| 06 September | +2 | |||
| 05 September | +2 | |||
| 04 September | +1 | |||
| 03 September | +1 | |||
| 02 September | +6 | |||
| 01 September | +2 |
Channel Posts
Farxad
Way adagtahay in dadka farxadda bixiya ee jawiyada sameeya la farxad geliyo. Marar badan—noloshan—waa dadka u gu culaysyada badan ee u gu adkaysiga badan, noloshooduna waxa ay ku sal haysaa, "Nin la sugayow, adna yaad sugi?" Waa maahmaah macnaheedu yahay; haddii adiga lagu sugayo waa in aadan cid kale sugin, illeen adiga ayaa laguu fadhiyaa oo wax badan lagaaga fadhiyaaye, isla sidaa farxadda cid kama sugaan ee iyaga ayaa abuura.
Tan ilaa ayaantii aannu kulannay, hal erey ayaan ku soo celceliyaa oo aan iyada ku idhaahdaa, "Ii faraxsanaw" marka aan ereygan odhanayo gudaha waxa aan ka dareemayaa farxad la'aan oo si' aan u farxo ayaan farxaddeeda u raadiyaa.
Wax badan oo aan sameeyo haddii la ii samaym lahaa farxad baan heli lahaa. Sida aan dadka u la dhaqmo haddii la ii la dhaqmi lahaa farxad baan heli lahaa. Sida aan u qalbi xaadhanahay haddii la iigu qalbi xaadhnaan lahaa farxad baan heli lahaa. Sida aan daacadda u ahay haddii la iigu ahaan lahaa farxad baan heli lahaa. Sida aan beenta u ga fogaado haddii la iiga ilaalin lahaa farxad baan heli lahaa.
Laaakiin waxa aan og ahay oo aan xaqiiqsan ahay in aanay nolosha ka suuroobayn wax isku beddelashadu, iyada oo ay gobannimaduba saarantahay in aadan falka aad samaynayso wax beddel ah ka sugin.
Waan wadi oo farxadda waan abuuri, dadkaygana waan ka farxin. Maanta laga bilaabana farxaddooda ayaa ah tayda oo marka aan arko iyaga oo faraxsan waan farxi doonaa, marka aan arko iyaga oo qosyalana quusta waan ka dawoobi doonaa.
Farxa waa ii farxad e.
| 2 | Kooxda @SYLTEAM10
Waxaan kaa caawinaynaa in Telegram channel-kaaga uu helo koboc, muuqaal iyo aqristayaal badan. Haddii aad rabto in channel-kaagu gaaro dad badan syl team kusoo biir!
🎖️𝗦𝗣𝗢𝗡𝗦𝗢𝗥𝗘𝗗
@SYLTEAM10
@ReadingTheQuraan
Aᴅᴍɪɴ ⤷ @SomaliAd | 21 |
| 3 | 📖 Tatbith – Qur’aan Memorization App
Tatbith wuxuu kaa caawinayaa xifdinta iyo murājaʿada Qur’aanka adigoo adeegsanaya habab kala duwan oo xifdin ah, gaar ahaan Habka Xifdiga (Hifdh Method) — nidaam xooggan oo tallaabo-tallaabo kuu hagaya: dhageysi, ku celcelin, xifdin, isku-xirid iyo murājaʿo.
✅ Habab xifdin oo kala duwan
🎧 Qur’aan dhageysi & ku celcelin
📖 Hifdh Method oo nidaamsan
🔁 Murājaʿo iyo xifdiga oo la adkeeyo
📊 La soco horumarkaaga
💯 100% Bilaash
📖 Habka Subac
Google Play:
https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tatbith.app | 81 |
| 4 | Kooxda @SYLTEAM10
Waxaan kaa caawinaynaa in Telegram channel-kaaga uu helo koboc, muuqaal iyo aqristayaal badan. Haddii aad rabto in channel-kaagu gaaro dad badan syl team kusoo biir!
🎖️𝗦𝗣𝗢𝗡𝗦𝗢𝗥𝗘𝗗
@SYLTEAM10
@ReadingTheQuraan
Aᴅᴍɪɴ ⤷ @SomaliAd | 22 |
| 5 | Kooxda @SYLTEAM10
Waxaan kaa caawinaynaa in Telegram channel-kaaga uu helo koboc, muuqaal iyo aqristayaal badan. Haddii aad rabto in channel-kaagu gaaro dad badan syl team kusoo biir!
🎖️𝗦𝗣𝗢𝗡𝗦𝗢𝗥𝗘𝗗
@SYLTEAM10
@ReadingTheQuraan
Aᴅᴍɪɴ ⤷ @SomaliAd | 51 |
| 6 | 𝗠𝗮 𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗷𝗼𝗼𝗴𝘁𝗲𝘆 𝗔𝗮𝗹𝗹𝗮𝗱𝗮 𝘁𝗲𝗹𝗲𝗴𝗿𝗮𝗺 𝗼𝗼 𝘄𝗮𝗾𝘁𝗶 𝗯𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗺𝗮𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 𝗯𝗮𝘅𝗮𝘆 𝗿𝗮𝗮𝗱𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗸𝗮𝗻𝗻𝗮𝗮𝗹𝗼 𝗳𝗮𝗮𝗶𝗱𝗼 𝗨'𝗹𝗲𝗵 𝗻𝗼𝗹𝗼𝘀𝗵𝗮𝗮𝗱𝗮, 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗻 𝗵𝗮𝗹𝗸𝗮𝗻 𝗸𝘂𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝘅𝘂𝗹𝗮𝘆 𝘄𝗮𝗹𝗮𝗹, 𝗸𝗮𝗻𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗮 𝘂𝗴𝘂 𝗳𝗮𝗮𝗶𝗱𝗮𝗱𝗮 𝗯𝗮𝗱𝗮𝗻 𝘁𝗲𝗹𝗲𝗴𝗿𝗮𝗺 𝗼𝗼 𝗻𝗼𝗼𝗰 𝗸𝗮𝘀𝘁𝗮 𝗹𝗲𝗵, 💯
𝗦𝗵𝗮𝗿𝗮𝗳 𝗶𝘆𝗼 𝗸𝗮𝗿𝗮𝗮𝗺𝗼, 𝗡𝗮𝗴𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝗯𝗶𝗶𝗿 𝗔𝗾𝗿𝗶𝘀𝘁𝗲 𝗼𝗼 𝗸𝗮𝗺𝗶𝗱 𝗻𝗼𝗾𝗼 𝗯𝘂𝗹𝘀𝗵𝗼 𝘄𝗲𝘆𝗻𝘁𝗮 𝗻𝗮𝗴𝘂 𝘅𝗶𝗿𝗮𝗻 👇
@jaceylqore
@Enjoy_boy1
@Cilmu_nafsi_10
@HoygaShekoyinka
@Saxiibka_Nolosha
@HOYGAJACAYLKA
@Aqoonta_kaa_maqan
@Xikmadoiyodhiirigalin
Admin - @Zaxiibka_nolosha
https://whatsapp.com/channel/0029VbBOipoEquiVwbpZGE1Z | 34 |
| 7 | 𝗠𝗮 𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗷𝗼𝗼𝗴𝘁𝗲𝘆 𝗔𝗮𝗹𝗹𝗮𝗱𝗮 𝘁𝗲𝗹𝗲𝗴𝗿𝗮𝗺 𝗼𝗼 𝘄𝗮𝗾𝘁𝗶 𝗯𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗺𝗮𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 𝗯𝗮𝘅𝗮𝘆 𝗿𝗮𝗮𝗱𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗸𝗮𝗻𝗻𝗮𝗮𝗹𝗼 𝗳𝗮𝗮𝗶𝗱𝗼 𝗨'𝗹𝗲𝗵 𝗻𝗼𝗹𝗼𝘀𝗵𝗮𝗮𝗱𝗮, 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗻 𝗵𝗮𝗹𝗸𝗮𝗻 𝗸𝘂𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝘅𝘂𝗹𝗮𝘆 𝘄𝗮𝗹𝗮𝗹, 𝗸𝗮𝗻𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗮 𝘂𝗴𝘂 𝗳𝗮𝗮𝗶𝗱𝗮𝗱𝗮 𝗯𝗮𝗱𝗮𝗻 𝘁𝗲𝗹𝗲𝗴𝗿𝗮𝗺 𝗼𝗼 𝗻𝗼𝗼𝗰 𝗸𝗮𝘀𝘁𝗮 𝗹𝗲𝗵, 💯
𝗦𝗵𝗮𝗿𝗮𝗳 𝗶𝘆𝗼 𝗸𝗮𝗿𝗮𝗮𝗺𝗼, 𝗡𝗮𝗴𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝗯𝗶𝗶𝗿 𝗔𝗾𝗿𝗶𝘀𝘁𝗲 𝗼𝗼 𝗸𝗮𝗺𝗶𝗱 𝗻𝗼𝗾𝗼 𝗯𝘂𝗹𝘀𝗵𝗼 𝘄𝗲𝘆𝗻𝘁𝗮 𝗻𝗮𝗴𝘂 𝘅𝗶𝗿𝗮𝗻 👇
@jaceylqore
@Enjoy_boy1
@Cilmu_nafsi_10
@HoygaShekoyinka
@Saxiibka_Nolosha
@HOYGAJACAYLKA
@Aqoonta_kaa_maqan
@Xikmadoiyodhiirigalin
Admin - @Zaxiibka_nolosha
https://whatsapp.com/channel/0029VbBOipoEquiVwbpZGE1Z | 23 |
| 8 | 𝗠𝗮 𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗷𝗼𝗼𝗴𝘁𝗲𝘆 𝗔𝗮𝗹𝗹𝗮𝗱𝗮 𝘁𝗲𝗹𝗲𝗴𝗿𝗮𝗺 𝗼𝗼 𝘄𝗮𝗾𝘁𝗶 𝗯𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗺𝗮𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 𝗯𝗮𝘅𝗮𝘆 𝗿𝗮𝗮𝗱𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗸𝗮𝗻𝗻𝗮𝗮𝗹𝗼 𝗳𝗮𝗮𝗶𝗱𝗼 𝗨'𝗹𝗲𝗵 𝗻𝗼𝗹𝗼𝘀𝗵𝗮𝗮𝗱𝗮, 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗻 𝗵𝗮𝗹𝗸𝗮𝗻 𝗸𝘂𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝘅𝘂𝗹𝗮𝘆 𝘄𝗮𝗹𝗮𝗹, 𝗸𝗮𝗻𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗮 𝘂𝗴𝘂 𝗳𝗮𝗮𝗶𝗱𝗮𝗱𝗮 𝗯𝗮𝗱𝗮𝗻 𝘁𝗲𝗹𝗲𝗴𝗿𝗮𝗺 𝗼𝗼 𝗻𝗼𝗼𝗰 𝗸𝗮𝘀𝘁𝗮 𝗹𝗲𝗵, 💯
𝗦𝗵𝗮𝗿𝗮𝗳 𝗶𝘆𝗼 𝗸𝗮𝗿𝗮𝗮𝗺𝗼, 𝗡𝗮𝗴𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝗯𝗶𝗶𝗿 𝗔𝗾𝗿𝗶𝘀𝘁𝗲 𝗼𝗼 𝗸𝗮𝗺𝗶𝗱 𝗻𝗼𝗾𝗼 𝗯𝘂𝗹𝘀𝗵𝗼 𝘄𝗲𝘆𝗻𝘁𝗮 𝗻𝗮𝗴𝘂 𝘅𝗶𝗿𝗮𝗻 👇
@jaceylqore
@Enjoy_boy1
@Cilmu_nafsi_10
@HoygaShekoyinka
@Saxiibka_Nolosha
@HOYGAJACAYLKA
@Aqoonta_kaa_maqan
@Xikmadoiyodhiirigalin
Admin - @Zaxiibka_nolosha
https://whatsapp.com/channel/0029VbBOipoEquiVwbpZGE1Z | 52 |
| 9 | Haddaba, akhriste, haddii aynu ka soo qaadno in aad adigu tahay wankaa Lib-keene ah, ma kula tahay in ay ku anfici doonto waanooyinkaa la siiyay wankaa si uu uga soo kabto niyad jabkii lasoo gudboonaaday, si aad adna uga soo bugsatid dib u dhac kugu yimi?
Bal aynu isku dayno inaynu qodobadii afarta ahaa ee wanka la siiyay adigana ku siinno:
1: Niyaddaada ka saar in uu waqtigu ku hayo, in ay kaa dhammaadeen jaanisyadii aad isku beddeli lahayd, habeenba ma isagaa kaa tegay, illeen adigu qaddarka isuma hayside ha go’aansan in waqtigu kaa buuxsamay kaana idlaadeen fursadihii.
2: Ha ogolaan in aad iska sii candhaadhid kobtii aad ku kuftay, godkii lagaa qaniinay in aad ku sugtid maantana in mar labaad lagaa qaniino. Ogsoonoowna in haddii aad bartan iska sii fadhidid oo aad uga ruqaansan waydid goob ka dhas iyo dhib yar, in hanfigu ku leefi doono, tabta wankaana ay isugu kaa biiri doonaan qodxaha xerada iyo xanuunka qorraxdu.
3: Waad kacaa-kufi doontaa, sibiibaxa iyo silbashaduna way kugu badan doonaan, turaanturro iyo kufniin isdaba joog ahbaad la kulmi doontaa, nafta ayaa isugu kaa iman doonta, dadka ayaa in ku dayrisa iyo in kugu digata u kala qaybsami doona, cidhiidhi dhaqameed baad la kulmi doontaa, balse waxaas oo dhan iyo wixii ku lammaanba waad ka gudbi doontaa, waad soo kaban doontaa, dibna waad uga arrimin doontaa kaalintaadii, balse waa keliya haddii aad adigu quudhid tamarta aad ku istaadhaysid safarkaa, waa haddii aad inta oo aad sababtii la timaadid Allena talada u daysid.
4: Waqti bay kugu qaadan doontaa inaad dib u dhacaa kasoo kacdid oo aad kasoo miirawdid, balse haddii aad dhabar adayg la timaadid waxaa hubaal ah inaad dib usoo hanan doontid buuxinta booskaagii banaanaa.
Akhriste, haddaba, waa ku kaase go’aanso inaad qaadatid taladaa wanka la siiyey iyo inaad iska daysid. Dulucda aan sheekadan mala awaalka ah ka lahaana waa uun dhiirrigelin aan kugu guubaabinayo hanashada hankaaga sarreeya eed leedahay, iyo tusid aan ku tusayo inaad noqon kartid Lib-keenaheenna.
Waarsiino—Kaydka qoraayada soomaaliyeed. | 134 |
| 10 | Lib-Keene!
W/Q: Aw Guudcadde, February 6, 2015
Mooge wuxuu danbaabaa jees ka kooban xaaskiisa, Maryama, iyo sagaal ubad ah oo ay u hayso, curradna uu u yahay Mawliid. Qoysku wuxuu wax bar xoolaad sheegta ka hayaa xayn adhi ah oo aan sinnaba toban u dhaafsiisnayn. Adhiga waxaa ku jira wan galaalan oo laba gu’ baarka ka jaray. Wankaas ayuu Mooge aad ugu dhaataa kuna indha kuushaa. Wankaasi wuxuu uga dhigan yahay uguna jiraa kaalinta uu baarqabku ugu jiro ninka geela leh. Wanku idaha, oo adhigu u badnaa, ayuu abaahin jiray. Xayntana isagaa hoggaamiye u ahaa, oo hagi jiray laguna hallayn jiray. Malahaygana waaba sababta uu Mooge u saanyaday wankan. Wuxuuna Mooge wankii u baxshay Lib-keene; isagoo malaha u aanaynaya idahaa uu saarto ee uu tarankooda uu sababta u yahay.
Wax ay sidaa ahaataba, subax subxaha ka mid ah ayuu Mooge isha ku dhuftay Lib-keene oo mooradii ku hadhay, si ay ishu diidaysana u candhaadha. Adhigiina waa ay foofeen ammin horeba oo barqo dheer baaba la taagan yahay. Mooge wuxuu isku deyay inuu wanka kiciyo oo uu xoolihii ka daba geeyo. Laakiinse Lib-keene wuuba laangadhaynayaa! Ma garanayo wax ku dhacay laakiinse waa uun wax u diiday inuu xoolihii raaco, muuqaal ahaan nusqaan ma laha, haddana wuu laangadhaynayaa! Miskaha kama uu jabin’e maskaxduu ka jabay! Wankii isaga ahaa wuxuu isu arkay inuu adhiga u da’wayn yahay isla kolkaana ay adagtahay inuu ka dhex qalaado koox ka wada da’yar oo ay saanta wadaagaan. Wuxuu iska dhaadhiciyay in maanta laga bilaabo aanay ahayn in lagu dhex arko isagoo dhex botarinaya xoolaha ee waa in xerada loogu soo hagaagaa! Mooge warkaa ma hayee wuxuu isku deyay inuu wanka kiciyo, xoog iyo xeeladba wuu xalaashaday inuu u adeegsado.
Sidii uu sidaa u ahaa ee uu la tacaalayay wankii ayuunbuu mar keliya maqlay dhawaaq cod ah oo dhanka wankii ka imanaya. Wuu yar jabaq-joojiyey si uu u hubiyo, saa cidda la hadlaysaa waaba Lib-keene oo kusoo tuuray kelmad nuxurkeedu ahaa “Ii kaadi, ii kaadi”! Mooge waa ka anfariiray, ee dhaqaaq-joogsaday, ee naxnaxay marna nuuxnuuxsaday. Isagoon eray warcelin ah bixin ayuu haddana wankii soo ganay erayo kale oo uu kaga dalbanayay in uu bal siiyo fursad uu ugu waaya warramo. Ninkiibaa inta uu isku deyay inuu is dejiyo ka aqbalay codsigii, dibna inta uu uga gurtay fool-ka-fool usoo abbaaray.
Lib-keene: “Waad iska kay maagaysaaye maad is waydiisay sababta aan uga hadhay asxaabtaydii?”
Mooge: “Kibir uun baan u arkaa, ee maxaad kalood ku daraysaa?”
Lib-keene: “Kibir ka dheer haddaba ee xaaladdu waa kalsooni darro!… (Wuxuu dabada uga galay sababihii aynu kor kusoo xusnay oo nuxurku ahaa in uu wankii is dhiibay)”
Mooge: “Wankaygiiyoow maxaa keenay in aad kalsoonidii beeshid? Maxaad diiday? Sideed u niyad jabi kartaa adigoo Lib-keena ah?”
Lib-keene: “Aniga bes, way iga dhan tahay!”
(Mooge ayaa bilaabay markaa inuu u mariyo waano wan la siin lahaa sidii uu ugu soo noqon lahaa wankii Lib-keene ahaa ee keligii ahaa)
Mooge: “Lib-keenoow i dhegayso, haddii aad dareentid dareenkan didmada ah ee inaad qoqobnaatid ku dhaxalsiinaya, waxaan dardaaran ahaan kuu siinayaa qodobbo haddii aad sida ay yihiin ugu dhaqantid aan doonyo-qaad kaaga noqon karo inaad kalsoonidaadii hore iyo tu’ ka waynba dib usoo hanatid noqotidna wanka dunida ugu qiimaha badan. Isla jeerkaasna ka xorrowdid qoqobnaantaas:
1: Niyaddaada ka saar in aad gabawday, ma adigaa koowba taagan.
2: Ha u ogolaan inuu jidhkaagaa quruxda leh ee lagu majeeranayaa iska dhex fadhiyo kuna uskagoowo boodhka xerada isla markaana ay ugu biirto milicda barqada joogtaa.
3: Waad sii luudi doontaa, dacaydana waad laadlaadin doontaa, laakiinse aakhirka waad gaadhi doontaa xayntii aad ka tirsanayd. Waase haddii aad la timaadid amarka ah inaad xeradan iskaga kacdid tallaabada koowaadna aad qaadid.
4: Waqtibay kugu qaadan doontaa inaad hoggaamintii xoolaha dib usoo hantidid, balse haddaad ku mintidid waa hubaal inaad hanan doontid.”
Wankii Lib-keene ahaa wuu qaatay taladii, tubtiina wuu qaaday, taladiina wuu soo ceshaday. | 116 |
| 11 | 𝗠𝗮 𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗷𝗼𝗼𝗴𝘁𝗲𝘆 𝗔𝗮𝗹𝗹𝗮𝗱𝗮 𝘁𝗲𝗹𝗲𝗴𝗿𝗮𝗺 𝗼𝗼 𝘄𝗮𝗾𝘁𝗶 𝗯𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗺𝗮𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 𝗯𝗮𝘅𝗮𝘆 𝗿𝗮𝗮𝗱𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗸𝗮𝗻𝗻𝗮𝗮𝗹𝗼 𝗳𝗮𝗮𝗶𝗱𝗼 𝗨'𝗹𝗲𝗵 𝗻𝗼𝗹𝗼𝘀𝗵𝗮𝗮𝗱𝗮, 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗻 𝗵𝗮𝗹𝗸𝗮𝗻 𝗸𝘂𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝘅𝘂𝗹𝗮𝘆 𝘄𝗮𝗹𝗮𝗹, 𝗸𝗮𝗻𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗮 𝘂𝗴𝘂 𝗳𝗮𝗮𝗶𝗱𝗮𝗱𝗮 𝗯𝗮𝗱𝗮𝗻 𝘁𝗲𝗹𝗲𝗴𝗿𝗮𝗺 𝗼𝗼 𝗻𝗼𝗼𝗰 𝗸𝗮𝘀𝘁𝗮 𝗹𝗲𝗵, 💯
𝗦𝗵𝗮𝗿𝗮𝗳 𝗶𝘆𝗼 𝗸𝗮𝗿𝗮𝗮𝗺𝗼, 𝗡𝗮𝗴𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝗯𝗶𝗶𝗿 𝗔𝗾𝗿𝗶𝘀𝘁𝗲 𝗼𝗼 𝗸𝗮𝗺𝗶𝗱 𝗻𝗼𝗾𝗼 𝗯𝘂𝗹𝘀𝗵𝗼 𝘄𝗲𝘆𝗻𝘁𝗮 𝗻𝗮𝗴𝘂 𝘅𝗶𝗿𝗮𝗻 👇
@jaceylqore
@Enjoy_boy1
@Cilmu_nafsi_10
@HoygaShekoyinka
@Saxiibka_Nolosha
@HOYGAJACAYLKA
@Aqoonta_kaa_maqan
@Xikmadoiyodhiirigalin
Admin - @Zaxiibka_nolosha
https://whatsapp.com/channel/0029VbBOipoEquiVwbpZGE1Z | 4 |
| 12 | 𝗠𝗮 𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗷𝗼𝗼𝗴𝘁𝗲𝘆 𝗔𝗮𝗹𝗹𝗮𝗱𝗮 𝘁𝗲𝗹𝗲𝗴𝗿𝗮𝗺 𝗼𝗼 𝘄𝗮𝗾𝘁𝗶 𝗯𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗺𝗮𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 𝗯𝗮𝘅𝗮𝘆 𝗿𝗮𝗮𝗱𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗸𝗮𝗻𝗻𝗮𝗮𝗹𝗼 𝗳𝗮𝗮𝗶𝗱𝗼 𝗨'𝗹𝗲𝗵 𝗻𝗼𝗹𝗼𝘀𝗵𝗮𝗮𝗱𝗮, 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗻 𝗵𝗮𝗹𝗸𝗮𝗻 𝗸𝘂𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝘅𝘂𝗹𝗮𝘆 𝘄𝗮𝗹𝗮𝗹, 𝗸𝗮𝗻𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗮 𝘂𝗴𝘂 𝗳𝗮𝗮𝗶𝗱𝗮𝗱𝗮 𝗯𝗮𝗱𝗮𝗻 𝘁𝗲𝗹𝗲𝗴𝗿𝗮𝗺 𝗼𝗼 𝗻𝗼𝗼𝗰 𝗸𝗮𝘀𝘁𝗮 𝗹𝗲𝗵, 💯
𝗦𝗵𝗮𝗿𝗮𝗳 𝗶𝘆𝗼 𝗸𝗮𝗿𝗮𝗮𝗺𝗼, 𝗡𝗮𝗴𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝗯𝗶𝗶𝗿 𝗔𝗾𝗿𝗶𝘀𝘁𝗲 𝗼𝗼 𝗸𝗮𝗺𝗶𝗱 𝗻𝗼𝗾𝗼 𝗯𝘂𝗹𝘀𝗵𝗼 𝘄𝗲𝘆𝗻𝘁𝗮 𝗻𝗮𝗴𝘂 𝘅𝗶𝗿𝗮𝗻 👇
@jaceylqore
@Enjoy_boy1
@Cilmu_nafsi_10
@HoygaShekoyinka
@Saxiibka_Nolosha
@HOYGAJACAYLKA
@Aqoonta_kaa_maqan
@Xikmadoiyodhiirigalin
Admin - @Zaxiibka_nolosha
https://whatsapp.com/channel/0029VbBOipoEquiVwbpZGE1Z | 24 |
| 13 | 𝗠𝗮 𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗷𝗼𝗼𝗴𝘁𝗲𝘆 𝗔𝗮𝗹𝗹𝗮𝗱𝗮 𝘁𝗲𝗹𝗲𝗴𝗿𝗮𝗺 𝗼𝗼 𝘄𝗮𝗾𝘁𝗶 𝗯𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗺𝗮𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 𝗯𝗮𝘅𝗮𝘆 𝗿𝗮𝗮𝗱𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗸𝗮𝗻𝗻𝗮𝗮𝗹𝗼 𝗳𝗮𝗮𝗶𝗱𝗼 𝗨'𝗹𝗲𝗵 𝗻𝗼𝗹𝗼𝘀𝗵𝗮𝗮𝗱𝗮, 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗻 𝗵𝗮𝗹𝗸𝗮𝗻 𝗸𝘂𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝘅𝘂𝗹𝗮𝘆 𝘄𝗮𝗹𝗮𝗹, 𝗸𝗮𝗻𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗮 𝘂𝗴𝘂 𝗳𝗮𝗮𝗶𝗱𝗮𝗱𝗮 𝗯𝗮𝗱𝗮𝗻 𝘁𝗲𝗹𝗲𝗴𝗿𝗮𝗺 𝗼𝗼 𝗻𝗼𝗼𝗰 𝗸𝗮𝘀𝘁𝗮 𝗹𝗲𝗵, 💯
𝗦𝗵𝗮𝗿𝗮𝗳 𝗶𝘆𝗼 𝗸𝗮𝗿𝗮𝗮𝗺𝗼, 𝗡𝗮𝗴𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝗯𝗶𝗶𝗿 𝗔𝗾𝗿𝗶𝘀𝘁𝗲 𝗼𝗼 𝗸𝗮𝗺𝗶𝗱 𝗻𝗼𝗾𝗼 𝗯𝘂𝗹𝘀𝗵𝗼 𝘄𝗲𝘆𝗻𝘁𝗮 𝗻𝗮𝗴𝘂 𝘅𝗶𝗿𝗮𝗻 👇
@jaceylqore
@Enjoy_boy1
@Cilmu_nafsi_10
@HoygaShekoyinka
@Saxiibka_Nolosha
@HOYGAJACAYLKA
@Aqoonta_kaa_maqan
@Xikmadoiyodhiirigalin
Admin - @Zaxiibka_nolosha
https://whatsapp.com/channel/0029VbBOipoEquiVwbpZGE1Z | 36 |
| 14 | Qofka garaadka badani wuxuu ka fikiraa maalin siddeedaad!
Wax la hubo wed baa jira. Adigagaagan akhrinaya qoraalkan, waad dhiman doontaa. Anniga oo ah ka qorey waan geeriyoon doonaa!
Garaadkeennu wuxuu garanayaa geeri inay lama huraan tahay. Taasi waa xaqiiq.
Haddaba, qofka garaadka badani kama fikiro toddobada ayaamood: Sabti, Axad, Isniin... Balse wuxuu ka fikiraa maalin siddeedaad!
Maxay tahay maalintaasi? Waa maalin daran . Waa maalin weyn. Waa maalin arrinuhu adag yihiin. Aan ku idhaahdo waa MAALINTA QIYAAMAHA.
Afka marka laga leeyahay: Maalin Qiyaame, way iska fududdahay , laakiin sida aad moodday maaha, waa wax aan laga sheekeyn karin dhibaatadeeda.
Marka laga hadlaayo ee la leeyahay: Qiyaame ayaa dhacaya, waxaynu moodnaa maalin fog. Dhabtii maaha maalin kaa fog; Qiyaamahaagu waa maalinta aad dhimato!
Haddaba, qofka garaadka badani ( intelligence) kama fikiro maalmo kale, wuxuu ka fikiraa Maalinta Qiyaame. Wuu kasii tabaabushaystaa. Wuxuu ka fikiraa sida uu u gudbilahaa oo u guuleysan lahaa.
Alloow na badbaadi.
Maxamed Haybe Axmed | 165 |
| 15 | 𝗠𝗮 𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗷𝗼𝗼𝗴𝘁𝗲𝘆 𝗔𝗮𝗹𝗹𝗮𝗱𝗮 𝘁𝗲𝗹𝗲𝗴𝗿𝗮𝗺 𝗼𝗼 𝘄𝗮𝗾𝘁𝗶 𝗯𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗺𝗮𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 𝗯𝗮𝘅𝗮𝘆 𝗿𝗮𝗮𝗱𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗸𝗮𝗻𝗻𝗮𝗮𝗹𝗼 𝗳𝗮𝗮𝗶𝗱𝗼 𝗨'𝗹𝗲𝗵 𝗻𝗼𝗹𝗼𝘀𝗵𝗮𝗮𝗱𝗮, 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗻 𝗵𝗮𝗹𝗸𝗮𝗻 𝗸𝘂𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝘅𝘂𝗹𝗮𝘆 𝘄𝗮𝗹𝗮𝗹, 𝗸𝗮𝗻𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗮 𝘂𝗴𝘂 𝗳𝗮𝗮𝗶𝗱𝗮𝗱𝗮 𝗯𝗮𝗱𝗮𝗻 𝘁𝗲𝗹𝗲𝗴𝗿𝗮𝗺 𝗼𝗼 𝗻𝗼𝗼𝗰 𝗸𝗮𝘀𝘁𝗮 𝗹𝗲𝗵, 💯
𝗦𝗵𝗮𝗿𝗮𝗳 𝗶𝘆𝗼 𝗸𝗮𝗿𝗮𝗮𝗺𝗼, 𝗡𝗮𝗴𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝗯𝗶𝗶𝗿 𝗔𝗾𝗿𝗶𝘀𝘁𝗲 𝗼𝗼 𝗸𝗮𝗺𝗶𝗱 𝗻𝗼𝗾𝗼 𝗯𝘂𝗹𝘀𝗵𝗼 𝘄𝗲𝘆𝗻𝘁𝗮 𝗻𝗮𝗴𝘂 𝘅𝗶𝗿𝗮𝗻 👇
@jaceylqore
@Enjoy_boy1
@Cilmu_nafsi_10
@HoygaShekoyinka
@Saxiibka_Nolosha
@HOYGAJACAYLKA
@Aqoonta_kaa_maqan
@Xikmadoiyodhiirigalin
Admin - @Zaxiibka_nolosha
https://whatsapp.com/channel/0029VbBOipoEquiVwbpZGE1Z | 48 |
| 16 | NOLOSHA DHALANTEEDKA AH!
---------------------------------------'
Dhalinyar badani maanta waxay ku hoos nool yihiin cadaadisyo aan cidna u muuqan. Cadaadiska isbarbardhigga joogtada ah, filashooyinka sarreeya iyo sawirrada quruxda badan ee maalin walba la soo bandhigayo, kuwaas oo u muuqda nolol dabiici ah iyo xaqiiqo dhab. Dabadeetana qofkii dhalinyarta ahaa wuxuu is arkayaa isaga oo danaynaya in uu degdeg u guulaysto, in uu muddo kooban ku hirgeliyo waxqabadyo waaweyn, in uu bato dakhligiisu iyo in uu ku dhex xasilo noloshan oo uu keliya wada helo baahiyihiisa.
Noloshan, waxaad mooddaa tartan leh bardhammaad keliya oo ruuxii ka habsaamaa uu khasaaray, hase yeeshee dhabtu waa in qayb weyn oo ka mid ah cadaadiskani aanu ka dhalan waaqica ee uu yahay humaagyo ay samaysatay bulshadu amaba ay buunbuuniyeen baraha bulshadu.
Dadku keliya waxay arkaan natiijada, balse uma muuqdo hayaankii aynu u soo galnay. Guusha ayay daalacdaan ee ma arkaan sannadihii daalka iyo diifta watay ee ka horreeyay. Libinta ay gaadheen dadka kale ayaa u muuqata ee ma tixgeliyaan duruufihii kala duduwanaa ee loo soo maray. Sidaas awgeed, ayay dhalinyar badani u dulmiyayaan nafahooda marka ay noloshooda ku halbeegayaan halbeegyo aan ku munaasib ahayn duruufahooda, ama ay bilawga noloshooda ku dhereriyaan shakhsiyaad ka da' iyo duruufaba duwan.
Bislaanshaha dhabta ahi wuxuu bilaabmayaa kolka uu insaanku ogaado in uu leeyahay marin gaar ah iyo in aan qiimihiisa lagu qiyaasayn waxqabad degdeg ah balse uu ku jiro tayada dedaalka iyo joogtaynta koboca.
Gar ma aha in ay dadku isku wada mid noqdaan oo ay da' keliya ku wada hirgeliyaan hadafyadooda, laakiin qof walbaa duruufo, caqabado, fursado iyo goor u gaar ah ayuu leeyahay. Qofka dhalinyarta ahina maanta uma baahna cadaadis dheeraad ah, balse waa in uu kalsooni buuxda ku qabaa dhismaha dhabtii in uu u baahan yahay waqti iyo in horumarka deggani uu ka khayr badan yahay eryadka aan jihada lahayn ee filashooyinka dadka kale, sababta oo ah noloshan dhexdeeda, cidna kulama jirno tartan ee waa hayaan aynu ku daahfaydayno awoodaha uu Alle siiyay insaanka iyo weliba ka shaqaynta kobcintooda iyo korintooda degdeg la'aan.
Ruuxii intaas fahmaa wuxuu ka xoroobayaa cadaadisyo badan oo aan loo baahnayn maanta, docda kalena wuxuu bilaabayaa in uu tamartiisa ku bixiyo keliya shaygii uu ka beddeli karo naftiisa, aqoontiisa, shaqadiisa iyo mustaqbalkiisa.
Prof. Bakaar | 180 |
| 17 | Wacyiga: Saldhigga Xorriyadda Maanka
Wacyigu waa iftiinka gudaha ee qofka ka caawiya in uu naftiisa, dunida, iyo jihada noloshiisa si qotadheer u fahmo. Qofka aan wacyiga lahayni waxa uu la mid yahay markab badda dhexdeeda sabbaynaya oo aan lahayn jiheeye, oo kolba dhinac u dhaqaaqaya, meel uu u socdana aan garanayn. Koboca maanku kuma yimaaddo da'da qofku jiro, balse waxa uu ku yimaaddaa heerka uu qofku baraarug u leedahay, fikirkiisa, ficilladiisa, iyo ujeeddooyinkiisa.
Wacyigu waa awoodda shakhsigu uu isku qiimeeyo, isku shaybaadho, kuna saxo jidka saxda ah. Qofku marka uu iswayddiiyo wayddiimo sida:
"Yaan ahay?", "Maxaan doonayaa?", "Maxaa iga qaldan?", ama "Sidee qof wanaagsan u noqdaa?", waxa uu bilaabayaa safarkiisa koboca maanka. Wayddiimayani ma aha kuwo warcelin keli ah lagu helo,balse waa albaab qofku kaga baxo nolol uu caadi u arkayey, uguna gudbo nolol uu si miyir leh u maamulo.
Doorka wacyigu ka qaato koboca maanku waa mid aad u weyn. Wacyigu waxa uu qofka baraa in uu kala saaro xaqiiqda iyo mala-awaalka, dareenka iyo garashada, iyo rabitaanka degdegga ah iyo danaha fog. Qofka wacyiga leh waxa uu fahmaa in xanaaq kastaa aanu mudnayn jawaab degdeg ah, in guuldarro kastaa tahay cashar, iyo in fikir kasta oo maskaxda ku soo dhacaa aanu run noqon karin. Sidaas darteed, maankiisu waxa uu noqdaa mid deggan, si qotadheer u fekera, oo awood u leh in uu go’aammo miisaan leh qaato.
Sidoo kale, koboca maanku waxa uu ku xidhan yahay awoodda qofku u leeyahay in uu aqbalo isbeddelka. Wacyigu waxa uu qofka ka saaraa ad'adaygga fikirka, isaga oo bara in aqoontu korodho marka qofku diyaar u noqdo in uu wax cusub barto. Qofka miyirka leh ma rumaysto in uu wax walba yaqaan; waxa uu ogyahay in maskaxdu korto marka ay su’aalo dhaliso, dhegaysato, oo ay qaladkeeda saxdo.
Ugu dambayn, wacyigu waa saldhigga xorriyadda maanka. Qofka baraarugsan ma noqdo addoon ay kaxeeyaan caadooyin, cabsi, ama fikir uu bulshada ka soo guuriyay isaga oo aan falanqayn; waxa uu noqdaa qof si miyir leh u doorta waxa uu rumaysan yahay, waxa uu samaynayo, iyo qofka uu doonayo in uu noqdo. Sidaas darteed, koboca maanku ma aha keli ah in maskaxdu xog badan urursato, balse waa in qofku yeesho wacyi ka dhigaya aqoontiisa mid noloshiisa iyo dadnimadiisa iftiimisa. | 205 |
| 18 | Dhallinyarnimadu waa marxalad uu qofku leeyahay riyooyin, himilooyin, hammi sare, rabitaan xooggan, iyo abdo/rejo nololeed; sidoo kale waa xilliga ay jiraan jaahwareer, iswaa, qaladaad, iyo raadinta qofnimada dhabta ah. Dadka badankiisu waxa uu arkaa dhallinyarnimada xilliga farxadda iyo xorriyadda, balse xaqiiqadeedu way ka qoto dheertahay taas.
Qofka dhallinyarada ahi wuxuu inta badan dhex joogaa laba adduun: mid uu doonayo in uu noqdo, iyo mid bulshadu ka filayso. Halkaas ayuu ka dhashaa dagaalmaskaxeedka ugu weyni.
Mararka qaar wuxuu dareemaa in uu wax walba qaban karo, mararka qaarna wuxuu dareemaa cabsi iyo hubantila'aan.
Xaqiiqada ugu weyn ee dhallinyarnimadu waa in wakhtigu si degdeg ah u socdo. Maalmaha aad dayacdo, aqoonta aad iska indhatirto, iyo fursadaha aad lumiso—dhammaantood waxa ay noqdaan xasuus ku dabasocota oo maankaaga iyo maskaxdaada mirata. Sidaas darteed, marxaladda dhallinyarnimadu ma aha oo keli ah waqti lagu raaxaysto; waa waqti lagu dhiso mustaqbalka.
Warka oo kooban, dhallinyarnimadu waa itixaan qarsoon. Qof kastaa wuu maraa, balse natiijadu way kala duwantahay. Da'yarya qaar waxa ay dhigtaan buundo ay ku gaadhaan mustaqbal wanaagsan oo ifaya, qaar kalena waxay lumiyaan waqtigooda dahabiga ah si ulakac ah. Markaa, dhallinyarnimadu waa hantida qudha ee aad hayso, qiimaheedana waxa garan kara qofka waayeeloobay ee itaalka gabay. | 231 |
| 19 | 𝗠𝗮 𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗷𝗼𝗼𝗴𝘁𝗲𝘆 𝗔𝗮𝗹𝗹𝗮𝗱𝗮 𝘁𝗲𝗹𝗲𝗴𝗿𝗮𝗺 𝗼𝗼 𝘄𝗮𝗾𝘁𝗶 𝗯𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗺𝗮𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 𝗯𝗮𝘅𝗮𝘆 𝗿𝗮𝗮𝗱𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗸𝗮𝗻𝗻𝗮𝗮𝗹𝗼 𝗳𝗮𝗮𝗶𝗱𝗼 𝗨'𝗹𝗲𝗵 𝗻𝗼𝗹𝗼𝘀𝗵𝗮𝗮𝗱𝗮, 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗻 𝗵𝗮𝗹𝗸𝗮𝗻 𝗸𝘂𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝘅𝘂𝗹𝗮𝘆 𝘄𝗮𝗹𝗮𝗹, 𝗸𝗮𝗻𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗮 𝘂𝗴𝘂 𝗳𝗮𝗮𝗶𝗱𝗮𝗱𝗮 𝗯𝗮𝗱𝗮𝗻 𝘁𝗲𝗹𝗲𝗴𝗿𝗮𝗺 𝗼𝗼 𝗻𝗼𝗼𝗰 𝗸𝗮𝘀𝘁𝗮 𝗹𝗲𝗵, 💯
𝗦𝗵𝗮𝗿𝗮𝗳 𝗶𝘆𝗼 𝗸𝗮𝗿𝗮𝗮𝗺𝗼, 𝗡𝗮𝗴𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝗯𝗶𝗶𝗿 𝗔𝗾𝗿𝗶𝘀𝘁𝗲 𝗼𝗼 𝗸𝗮𝗺𝗶𝗱 𝗻𝗼𝗾𝗼 𝗯𝘂𝗹𝘀𝗵𝗼 𝘄𝗲𝘆𝗻𝘁𝗮 𝗻𝗮𝗴𝘂 𝘅𝗶𝗿𝗮𝗻 👇
@jaceylqore
@Enjoy_boy1
@Cilmu_nafsi_10
@HoygaShekoyinka
@Saxiibka_Nolosha
@HOYGAJACAYLKA
@Aqoonta_kaa_maqan
@Xikmadoiyodhiirigalin
Admin - @Zaxiibka_nolosha
https://whatsapp.com/channel/0029VbBOipoEquiVwbpZGE1Z | 11 |
| 20 | Hi, guys, Muxyaddiin waaye! Inaad fiican tihiinaa rajaynaa. ☺️ | 293 |
