Axdaath-ta Ramadaan
Open in Telegram
Show more
The country is not specifiedThe category is not specified
394
Subscribers
No data24 hours
No data7 days
No data30 days
Posts Archive
DHACDOOYINKII DHACAY MAALINTA 17-AAD EE BISHA RAMADAAN:
4⃣ Maanta oo kale 17-kii Bishii Ramadaan sanadkii 2-aad ee Hijriyada waxaa Geeriyootay Ruqaya Bintu Muxammad ﷺ, waana gabadhii uu Nabigeena ay u dhashay Khadiija Rc, waxayna dhalatay xilligii abaaraha 7 sano ka hor inta aan nabi nimo loosoo saarin Nabiga ﷺ, waxayna Geeriyootey maalinkii uu dhacay dagaalkii Badar. waxaana ahayd markii geeriyoonaysay xaaska (Zowjadii) Cuthmaan Binu Cafaan Rc oo da'diise xilligaas ahayd 21 sano jir.
DHACDOOYINKII DHACAY MAALINTA 17-AAD EE BISHA RAMADAAN:
3⃣ Maanta oo kale 17-kii Bishii Ramadaan sanadkii 58-dii Hijriyada waxaa Geeriyootay Allaah ka raali noqdee Hooyadii Mu'miniinta, Gabadhii ugu cilmiga badnayd dumarkii Saxaabada, Gabadhii Rasuulka ﷺ ka warisay in kabadan 2-kun oo axaadiith, ahaydna haweeneydii loogu hadal haynta badnaa Waqtigaas, ahan gabadhii uu dhalay Khaliifkii koowaad ee Islaamka, Gabadhii deeqsiyada ahayd, midii xishodka iyo sabarka badnayd, midii la dulmiyay, Xaaskii Nabigeena Muxammad ﷺ Caa'isha Bintu Abii Bakar Rc waxayna ku dhimatay magaalada Madiina iyadoo ay jirto 66 sano waxayna dhimatay xilligii Dowladii Umawiyiinta Habeenimo ay Talaado soo galayso waxaana salaadii Janaazada ku tukaday Abuu Hureyra Rc ka dib Salaaddi Witriga.
DHACDOOYINKII DHACAY MAALINTA 17-AAD EE BISHA RAMADAAN:
2⃣ Maanta oo kale 17-kii Bishii Ramadaan sanadkii 40-aad ee Hijriyada waxaa Geeriyooday Cali Binu Abii Dhaalib Rc Khaliifkii Afaraad ee Muslimiinta wuxuuna u Geeriyooday dhaawac kasoo Gaaray weerar uu kusoo qaaday mid ka mid ah Khawaarijtii ku kacsanayd Saxaabada oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Ibnu Muljim.
1⃣ Maanta oo kale 17-kii bishii Ramadaan Sanadkii 2aad ee Hijriyada waxaa dhacay dagaalkii Badar oo ahaa kii ugu horeeyey ee dhex maray Muslimiinta iyo Kuffaarta. Waxaana dagalkaas uu ahaa kii ugu horeeyey oo mushrikintii qureysh guul-darro dhabarka loo saariyey.
Waxaana saxaabadii dagalkaas ka qayb gashay tiradoodu ahayd 313 Saxaabi muhaajiriin iyo Ansaar oo uu hogaminayo Nabiga ﷺ. Dhinacii gaaladana tiradoodu waxay gaareysey ku dhawad 1000 dagaalyahan gaalo ah oo ay hogaminayen madaxyawenytii ugu sharta badnayd Qureesh.
Natiijada Dagaalki Badar ka dhadhay:
Musliminta waxa ka shahiiday 14 saxaabi.
Gaaladana waxa looga dilay 70 Gaal oo ay ku jiren madaxdii dagaalka hogaminaysay sida Abii Jahal, Umaya binu Khalaf, Waliid Binu Mughiir iyo kuwa kale oo aad u badan. Halka musliminta gacanta ku dhigeen 70 ka mid ah gaaladi Qureysh.
Dagalki Badar waxa uu ahaa dagalki ugu horeyey ee dhex maray Xaqa iyo Baadilka, taso sabab u noqotay in afka dhulka loogu jiiday Gaalada. Waxana dagalka ka qayb qatay 1000 Malaa'ig.
DHACDOOYINKII DHACAY MAALINTA 17-AAD EE BISHA RAMADAAN WAXAA KA MID AH:
Maanta waxaa dhacay mid ka mid ah dagaalladii iyo duulaannadii ugu waa waynaa ee taariikhda diiwaan gelisey ee lagu xasuuqay Kufaaru Qureesh, waana dagaalkii ugu horeeyey ee Muslimiinta iyo Gaalada ama Xaqa iyo Baadhilka dhexmara waana dagaalkii Badar oo Muslimiinta ku guulesteen afka ciida u daraan Gaaladii isqaa qaladka iyo santaagga badnayd ee saxaabada iyo Nabiga ﷺ ka harsanaa waayeen ka dib markii magaaladoodii kasoo eryadeen.
Warbixin kooban oo diiradda ku saari doono macrikadaas iyo Natiijada ka dhakatay kala socda halkaan Inshaa'Allaah:
👇👇👇👇👇
https://t.me/Axdaathta
DHACDOOYINKII DHACAY MAALINTA 16-AAD EE BISHA RAMADAAN:
4⃣ Maanta oo kale 16-kii Bishii Ramadaan sanadkii 2-aad ee Hijriyada waa maalinkii Nabiga ﷺ iyo asxaabtiisa ay kusoo dageen Agagaarka Badar oo ah meesha ay ka dhici doonto macrikadii ugu horeysay ee Islaamka iyo kufri dhexmaray. Ciidankii Nabiga oo ahaa ugu yaraan 314 Saxaabi ayaa soo dageen daanta ama dhinaca Waqooyi ee Badar halka Mushrikiintii Qureesh iyagana soo dageen dhinaca Koonfureedbiyaga oo taradooda gaaraysay ku dhawaad 1000-askari. Waxayna u diyaar garooneen labada dhinac duulaankii waynaa ee Badar oo la sheego inay ahayd macrikadii Xaqa iyo Baadilka Allaah uu kala saaray .
DHACDOOYINKII DHACAY MAALINTA 16-AAD EE BISHA RAMADAAN:
3⃣ Maanta oo kale 16-kii Bishii Ramadaan Khaliifkii Faadhimiyiinta Al-Xakam Bi'amrillaah ayaa wuxuu soo saarey go'aan uu shaqada uga joojiyay Xuseen Binu Nucmaan ka dib markii uu in badan ku arkay isla weyni xad ka bax ah.
DHACDOOYINKII DHACAY MAALINTA 16-AAD EE BISHA RAMADAAN:
2⃣ Maanta oo kale 16-kii Bishii Ramadaan sanadkii 845-aad ee Hijriyada waxaa Geeriyootay Axmed Binu Cali Almaqriisi oo ahaa Sheekh wayn oo Caalim ah aadna ugu dheereeya Taariikhda qorayna kutubo badan.
DHACDOOYINKII DHACAY MAALINTA 16-AAD EE BISHA RAMADAAN:
1⃣ Maanta oo kale 16-kii Bishii Ramadaan sanadkii 409-aad ee Hijriyada waa markii ugu horeysay ee ay islaameen isla markaana soomeen Shacabka reer Kashmiir ka dib markii uu furtey Maxmuud Qasnaawi.
DHACDOOYINKII DHACAY MAALINTA 15-AAD EE BISHA RAMADAAN:
4⃣ Maanta oo kale 15-kii Bishii Ramadaan sanadkii 3-aad ee Hijriyada waxaa magaalada Maka ku dhashay Xasan Ibnu Cali Ibnu Abii Dhaalib Rc waxaanna dhashay Gabadhii Nabigeena Muxammad ﷺ ee Faatima Bintu Rasuulillaahi Sallaahu Caleyhi Wasallam. Xasan waxaa awoowe u ahaa Nabiga ﷺ oo aad ayuu Nabigu u jeclaa, waxaana Laga soo wariyay Nabiga ﷺ in isaga (Nabiga) oo sajuudsan uu dhabarkiisa ku ciyaarayay, halka Nabigana uu sajuuddii dheereeyey.
DHACDOOYINKII DHACAY MAALINTA 15-AAD EE BISHA RAMADAAN:
3⃣ Maanta oo kale 15-kii Bishii Ramadaan sanadkii 138-aad ee Hijriyada oo ku beegnayd dhanka kale 20 Febraayo 756-dii Miilaadiga ayaa Cabdiraxmaan Ad-daakhil (Saqru Qureesh) badda uga talaabay dhanka Andalus si uu halkaas uga Aas'aaso Khilaafadii Umawiyiinta ka dib markii magaalada Dimishiq ay la wareegeen Cabaasiyiinta isla markaanna la ridey Dowladdii Umawiyiinta. Cabdiraxmaan Ad-daakhil wuu ku guuleystay in Andalus uu dib uga Aas'aaso Umawiyiinta ka dib markii si wayn halkaas loogu soo dhaweeyey markii uu tagay Andalus.
DHACDOOYINKII DHACAY MAALINTA 15-AAD EE BISHA RAMADAAN:
2⃣ Maanta oo kale 15-kii Bishii Ramadaan sanadkii 37-aad ee Hijriyada Maxamed Binu Abii Bakar Sadiiq ayaa wuxuu madax ka noqday Masar, Asagoo Guddoomiye uga ahaa Khaliifkii Afaraad ee Muslimiinta Cali Binu Abii Dhaalib Rc.
DHACDOOYINKII DHACAY MAALINTA 15-AAD EE BISHA RAMADAAN:
1⃣ Maanta oo kale 15-kii Bishii Ramadaan sanadkii 37-aad ee Hijriyada waa Geeriyooday Cubeydullaahi Binu Cumar Binu Khadhaab Rc waxaana dhalay Khaliifkii labaad ee Raashidiinta (Muslimiinta) Cumar Binu Khadhaab Rc kana mid ahaa Halyeeyadii Muslimiinta Allaah ka raali noqdee.
DHACDOOYINKII DHACAY MAALINTA 14-AAD EE BISHA RAMADAAN:
6⃣ Maanta oo kale 14-kii Bishii Ramadaan sanadkii 630-kii Hijriyada waxaa Geeriyooday Mudafirudiin kowkaboori oo ka mid ahaa Taliyaashii ugu furfircoonaa ee Ciidankii Salaaxu Diin, waqtigisi danbe waxa uu madax ka ahaa Magaalada Arbil oo ku taala Dalka Ciraaq.
DHACDOOYINKII DHACAY MAALINTA 14-AAD EE BISHA RAMADAAN:
5⃣ Maanta oo kale 14-kii Bishii Ramadaan oo ku beegnayd 23-kii Bishii Abril 687-dii Miilaadiga waxaa la diley Mukhtaar Abuu Cubeyd As-saqafi oo muddo dheer dalka Ciraaq Madax ka ahaa waayihiisa horena waxa uu ahaa nin wanaagsan oo taqi ah, balse waqtiyadii danbe ee geeridiisa soo dhawaatay ayaa isbadalay oo waxa uu sheegtay in Allaah U waxyoodey isagoona qaatay mad-habka Shiicada waxa uuna magaallada Koof ka bilaabay inuu faafiyo Mad-habka Shiicada, waxa uuna ahaa nin haystay in kabadan 20-kun oo Ciidamo ah. Waxayna ciidankiisu Dagaal qaraar la galeen Muscab Binu Zubeer oo asna ciidan badan kala tagay magaalada Maka sidii uu uga hortagi lahaa fikraddan Shiicada ee kusii faafaysa Ciraaq, waxaanna usuura gashay inay jabiyaan Ciidankii uu watay Ninkaan Shiicada Faafinaya ee ah Mukhtaar Abuu Cubeyd As-saqafi isagiina halkaa ayaa lagu diley.
DHACDOOYINKII DHACAY MAALINTA 14-AAD EE BISHA RAMADAAN:
4⃣ Maanta oo kale 14-kii Bishii Ramadaan sanadkii 359-kii Hijriyada waxaa la dhaga dhigay oo la biloowey Jaamacadda Al-azhar, waxana dhismaha Jaamacadda Socday ku dhawaad 2 sano oo xiriir ah.
DHACDOOYINKII DHACAY MAALINTA 14-AAD EE BISHA RAMADAAN:
3⃣ Maanta oo kale 14-kii Bishii Ramadaan sanadkii waxaa Geeriyooday Caalimkii waynaa ee lagu Magacaabi jiray Cabdikariim Binu Cabdullaahi Abuu Muxammad Iskandaraani oo ahaa Sheekh Caalim ah oo uu qoray Kutubo badan oo ka mid ah: SharXu Tahdiib, Mukhtasaru Tahdiib iyo kuwo kale.
DHACDOOYINKII DHACAY MAALINTA 14-AAD EE BISHA RAMADAAN:
2⃣ Maanta oo kale 14-kii Bishii Ramadaan sanadkii 132-aad ee Hijriyada ayaa Cabdullaahi Cabaas ayaa gudaha u galey isaga iyo Ciidamadiisa Magaalada Dimishiq oo ahayd Caasimaddii Umawiyiinta iyaga oo la wareegeen Guud ahaan Magaalada, waxaanna halkaas ku burburtay Dowladdii Umawiyiinta, Khaliifkii u danbeeyey ee Umawiyiinta waxa uu ahaa Marwaan Ibnu Maxamed waxaana lagu diley dagaalkii dhexmaray Cabaasiyiinta iyo Umawiyiinta.
DHACDOOYINKII DHACAY MAALINTA 14-AAD EE BISHA RAMADAAN:
1⃣ Maanta oo kale 14-kii Bishii Ramadaan sanadkii 748-dii Hijriyada Suldaan Xasan Bin Naasir Maxamed Binu Qalaawuun waxaa loo caleema saaray inuu madax ka noqdo Dowladii Mamaaliikta oo ka talinaysay Masar iyo Shaam. Waxaana Masar maanta ku yaala Iskuul Asaga loogu magac daray (madrasada Suldaan Xasan Al-qalaawuun) oo ah mid ay maanta ku aruursan yihiin qaar badan oo raadadkii Taariikheed ee Muslimiintii hore iyo Dowladihii Islaamka ay lahaayeen. Sidoo kale waxaa magaalada Qaahira ee Caasimadda Masar ku yaala Masjid loogu magac daray Suldaan Xasan Al-Qalaawuun
