en
Feedback
Axdaath-ta Ramadaan

Axdaath-ta Ramadaan

Open in Telegram

Show more
The country is not specifiedThe category is not specified
394
Subscribers
No data24 hours
No data7 days
No data30 days
Posts Archive
DHACDOOYINKII DHACAY MAALINTA 22-AAD EE BISHA RAMADAAN: 3⃣ Maanta oo kale 22-kii Bishii Ramadaan sanadkii 559-aad ee Hijriyad
DHACDOOYINKII DHACAY MAALINTA 22-AAD EE BISHA RAMADAAN: 3⃣ Maanta oo kale 22-kii Bishii Ramadaan sanadkii 559-aad ee Hijriyada Ciidamadii Muslimiinta ee uu horkacayo Nuuradiin Zinki waxaa goobta loo yaqaano Xaarim kaga guuleysteen Saliibiyiintii Yurub.

DHACDOOYINKII DHACAY MAALINTA 22-AAD EE BISHA RAMADAAN: 2⃣ Maanta oo kale 22-kii Bishii Ramadaan sanadkii 1182-dii Hijriyada
DHACDOOYINKII DHACAY MAALINTA 22-AAD EE BISHA RAMADAAN: 2⃣ Maanta oo kale 22-kii Bishii Ramadaan sanadkii 1182-dii Hijriyada Boqortooyadii Cusmaaniyiinta ayaa waxay weerar kedis ah ku qaadday dalka Yukreen, xilligaas oo aad usocday dagaalkii u dhexeeyey Cusmaaniyiinta iyo Ruushka.

DHACDOOYINKII DHACAY MAALINTA 22-AAD EE BISHA RAMADAAN: 1⃣ Maanta oo kale 22-kii Bishii Ramadaan sanadkii 8-aad ee Hijriyada
DHACDOOYINKII DHACAY MAALINTA 22-AAD EE BISHA RAMADAAN: 1⃣ Maanta oo kale 22-kii Bishii Ramadaan sanadkii 8-aad ee Hijriyada waxay Muslimiintu xareereeyeen magaalada Dhaa'if ka dib markii Mushrikiintii Hawaazim iyo Thaqiif lagu jabiyay Dagaalkii Xuneyn ka dib markii ay halkaas ka dhigteen Gabaad ay kaga dhuuntaan seefaha iyo Falladhaha Muslimiinta.

DHACDOOYINKII DHACAY MAALINTA 21-AAD EE BISHA RAMADAAN: 5⃣ Maanta oo kale 21-kii Bishii Ramadaan sanadkii 1-aad ee Hijriyada waxaa dhashay Marwaan Binul Xakam oo Haa Khaliifkii Afaraad ee Khilaafadii Umawiyiinta ahaana Aas'aasihii Dowladdii Umawiyiinta labaad.

DHACDOOYINKII DHACAY MAALINTA 21-AAD EE BISHA RAMADAAN: 4⃣ Maanta oo kale 21-kii Bishii Ramadaan sanadkii 1275-tii Hijriyada waxaa bilaabatay qodista Kanaalka Suweys taasoo socotay muddo ku siman 10 sano oo xiriir ah. Waxaana qodistiisa ka qayb qaadatay 60-kun beeralley Masaari ah.

DHACDOOYINKII DHACAY MAALINTA 21-AAD EE BISHA RAMADAAN: 3⃣ Maanta oo kale 21-kii Bishii Ramadaan sanadkii 1403-dii Hijriyada waxaa ku geeriyooday daacigii waynaa ee Sheekh Ibraahim Ciisaad oo ka mid ahaa Mashaa'ikhdii ugu caansanaa ee kasoo muuqday dalka Masar Rubacii u danbeeyey ee Qarnigii 20-aad ee Miilaadiga. Sheekh Ciisaad wuxuu kaaljn wayn ku lahaa faafinta diinta Islaamka waxaanna lagu tiriyaa inuu ka mid yahay culimadii ugu saamaynta badnayd xilligiisa.

DHACDOOYINKII DHACAY MAALINTA 21-AAD EE BISHA RAMADAAN: 2⃣ Maanta oo kale 21-kii Bishii Ramadaan sanadkii 841-aad ee Hijriyada waxaa Geeriyooday Caalimkii waynaa ee Calaawu Diin Ibraahim Al-Xanafi oo ahaa Caalim aad u yaqaano kutubka Fiq-higa aadna ugu xeel dheeraa Culuumta kala duwan.

DHACDOOYINKII DHACAY MAALINTA 21-AAD EE BISHA RAMADAAN: 1⃣ Maanta oo kale 21-kii Bishii Ramadaan sanadkii 1278-dii Hijriyada waxay Ciidamadii Cusmaaniyiintu qalcadda Sifaasko oo ku taalo Yukreen Jab xoogan ugu geysteen Ciidankii Ruushka, dagaalkaas oo loo yaqaano dagaalkii Qaram ayaa waxaa lagu diley in ka badan 20kun Askar Ruushiyaan ah.

DHACDOOYINKII DHACAY MAALINTA 20-AAD EE BISHA RAMADAAN: 1⃣ Maanta oo kale 20-kii Bishii Ramadaan sanadkii 8-aad ee Hijriyada oo dhinaca kale ku beegnayd 10-kii January 630-kii Miilaadiga Nabigeena ο·Ί iyo Asxaabtiisa waxay furteen Magaalada Xurmada badan ee Makka Al-Mukarama xilligaas oo Muslimiintu u yeesheen inay qabsadaan Maka, jabiyeenna Musrikiintii Qureesh oo looga taag roonaadey isku daygoodii ahaa inay magaalada Difaacdaan. Tirada Saxaabada oouu hogaaminayay Nabiga ο·Ί ayaa maalinkaa waxay gaarayeen 10-kun oo dagaalyahan ayaa Allaah wuxuu usuura geliyay inay magaalada Maka si nabad galya ah kula wareegaan Magaallada ka dib Markii Allaah uu siiyay Nasri iyo Guulweyn oo Furashadii Maka u ahayd Nabiga iyo Saxaabadiisa.

DHACDOOYINKII DHACAY MAALINTA 19-AAD EE BISHA RAMADAAN: 4⃣ Maanta oo kale 19-kii Bishii Ramadaan sanadkii 665-aad ee Hijriyada wxaa magaalada Dimishiq lagu diley Sheekh Shihaab Ad-dihri oo ka mid ahaa Culimadii ugu caansanaa ee waqtigiisii Noolaa.

DHACDOOYINKII DHACAY MAALINTA 19-AAD EE BISHA RAMADAAN: 3⃣ Maanta oo kale 19-kii Bishii Ramadaan sanadkii 222-kii Hijriyada waxaa magaalada Qurdhuba ee Andalus ka barakacay dad gaaraya 15-kun oo qof iyaga oo ka baxsanayeen kaligii taliskii lagu magacaabi jiray Xakam Binu Hishaam oo Dhibaatooyin badan uu ku haay Muslimiintii halkaa daganeyd.

DHACDOOYINKII DHACAY MAALINTA 19-AAD EE BISHA RAMADAAN: 2⃣ Maanta oo kale 19-kii Bishii Ramadaan sanadkii 784-aad ee Hijriyada Suldaan Daahir Sayfu Diin waxaa loo caleema saaray inuu madax ka noqdo Dowladii Mamaaliikta ee xukumi jirtay Masar iyo Shaam.

DHACDOOYINKII DHACAY MAALINTA 19-AAD EE BISHA RAMADAAN: 1⃣ Maanta oo kale 19-kii Bishii Ramadaan sanadkii 1027-dii Hijriyada Safaawiyiintu waxay ku guuleysteen dagaalkii Bulshigta ee Boqortooyadii Cusmaaniyiinta la galeen. Waxaana Dagaalkaas ku dhimatay ku dhawaad 15 kun oo qof oo u badnaa Ciidamadii Cusmaaniyiinta.

DHACDOOYINKII DHACAY MAALINTA 18-AAD EE BISHA RAMADAAN: 6⃣ Maanta oo kale 18-kii Bishii Ramadaan sanadkii 539-aad ee Hijriyada waxaa la Aas'aasay Dowladii Muwaxidiinta ka dib dagaallo socday Rubac Qarni oo dhiig badan uu ku daatay oo ay la galeen ee Dowladii Muraabidhiinta Marooko, oo ugu danbayntiina meesha ka saareen.

DHACDOOYINKII DHACAY MAALINTA 18-AAD EE BISHA RAMADAAN: 5⃣ Maanta oo kale 18-kii Bishii Ramadaan sanadkii 124-aad ee Hijriyada waxaa Geeriyooday Imaam Zuhri oo ka mid ahaa Taabiciintii waa weynaa, soonka saaray Arday aad u badan.

DHACDOOYINKII DHACAY MAALINTA 18-AAD EE BISHA RAMADAAN: 4⃣ Maanta oo kale 18-kii Bishii Ramadaan sanadkii 484-aad ee Hijriyada waxa uu Taliye Yuusuf Binu Taashfiin isku keeney Muslimiintii Andalus wuxuuna meesha ka saaray kala qaybsanaantii madaxda reer Andalus.

DHACDOOYINKII DHACAY MAALINTA 18-AAD EE BISHA RAMADAAN: 3⃣ Maanta oo kale 18-kii Bishii Ramadaan sanadkii 40-aad ee Hijriyada waxaa heshiis lala galay Xasan Ibnu Cali si uu madax ugu noqdo Muslimiinta ka dib markii Aabihii u Geeriyooday Dhaawac uu kasoo Gaaray weerar uu kusoo qaaday Cabdiraxmaan Ibnu Muljim oo ahaa Nin ka tirsan Khawaarijta. Ugu yaraan 6 bilood ka dib Xasan Ibnu Cali xilkii uu haayay wuu iskaga tanaazulay.

DHACDOOYINKII DHACAY MAALINTA 18-AAD EE BISHA RAMADAAN: 2⃣ Maanta oo kale 18-kii Bishii Ramadaan Waxaa lasoo dajiyay Kitaabka
DHACDOOYINKII DHACAY MAALINTA 18-AAD EE BISHA RAMADAAN: 2⃣ Maanta oo kale 18-kii Bishii Ramadaan Waxaa lasoo dajiyay Kitaabka Zabuur waxaana lagu soo dajiyay NABI Daa'uud Cs.

DHACDOOYINKII DHACAY MAALINTA 18-AAD EE BISHA RAMADAAN: 1⃣ Maanta oo kale 18-kii Bishii Ramadaan sanadkii 21-aad ee Hijriyada
DHACDOOYINKII DHACAY MAALINTA 18-AAD EE BISHA RAMADAAN: 1⃣ Maanta oo kale 18-kii Bishii Ramadaan sanadkii 21-aad ee Hijriyada waxaa Geeriyootay Khaalid binu Waliid Rc oo ahaa ninkii jabiyay quwadihii ugu waa waynaa xilligaas ee Furus iyo Ruum. Waana shakhsiga koowaad ee dunida ay isku raacsan tahay inuu ahaa Khabiir Dagaal midkii ugu caansanaa ee Dunida soo mara. Waana Ninkii Furtay Ciraaq iyo Shaam. Wuxuuna caan ku ahaa Akhlaaqda wanaagsan isla markaana aad u jecel Sadaqada iyo caawimta dadka danta yar. Wuxuu ahaa geesi Dagaal yahan sooma jeeste ah. Abuubakaru Sadiiq Allaah ka raali noqdee wuxuu yiri hadalkii Caanka ahaa ee ahaa: "Dumarka ma awoodaan inay dhalaan wiil sida Khaalid oo kale ah". Nabiga ο·Ί waxa uu ku naanaysay 'Sayfullaahil Masluul'. Wuxuu ka dagaalamay Shaam, Ruum iyo Furus, waxa uuna ku dhintay maanta oo kale laguna aasay magaalada Ximsi ee dalka Suuriya.

DHACDOOYINKII DHACAY MAALINTA 17-AAD EE BISHA RAMADAAN: 5⃣ Maanta oo kale 17-kii Bishii Ramadaan sanadkii 95-aad ee Hijriyada waxa geeriyoday Xajaaj Binu Yuusuf oo gacan bir ah ku xukumi jiray Ciraaq, Iiraan iyo dhulka u dhow dhow muddo rubac qarni ah, waxaana lagu tilmaamaa inuu ka mid yahay hogaamiyaashi ugu caansanaa ee soo maray Umawiyiinta.