cookie

We use cookies to improve your browsing experience. By clicking «Accept all», you agree to the use of cookies.

avatar

AHLUL_KHEYR

@AHLULKHEYR يقول النبي ﷺ: مَن دلَّ على خيرٍ فله مثل أجر فاعله❤️🥰🌸🥀

Show more
Finland1 578The language is not specifiedReligion & Spirituality25 520
Advertising posts
3 607
Subscribers
-524 hours
+547 days
+22130 days

Data loading in progress...

Subscriber growth rate

Data loading in progress...

Repost from N/a
🎁🦋KOOXDA MIDNIMO🦋🎁 Halkaan waxaa isugu keenay🧭 Kanaalada somalida ugu wanaagsan Uguna tayada sareeyo si aad waxbadan uga faa'iido kubiir.⬇️ https://t.me/Qalbitabat14 @Qalpijaceyl42 💔😢 @Lamaane24h 🫂💝 @Erayojaceyl23 ❤️‍🩹 @Riyooyinkeena56? @NAFTEENNA1 ⬇️KU BIIR ⬇️ https://t.me/addlist/wdDvsbTm6IY2ODRk
Show all...
MIDNIMO

Gud Kooxda Midnimo invites you to add the folder “MIDNIMO”, which includes 88 chats.

AnimatedSticker.tgs0.49 KB
🌙 ( وَلِتُكْمِلُواْ ٱلْعِدَّةَ وَلِتُكَبِّرُواْ ٱللَّهَ عَلَىٰ مَا هَدَاكُمْ وَلَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ ) Ciida waa farxad lagu farxayo, iyo Mahad naq Cibaadadii la soo dhamaystiray . Labada Ciid ee Muslimiinta waxee yimaadaan marka la dhamaystiro Laba kamid ah Tiirarka islaamka oo kala ah #Soonka iyo #Xajka. Ciidul Fitriga waxee timaadaa Marka la dhameesto Cibaadada Soonka. Ciida Carafadana waxee timaadaa Marka la Guto Cibaadada xajka. Waqtiga Salaadda Ciida waa xiliga Qorraxdu Soo baxdo ilaa Qorraxdu Samada bartankeeda soo gaarto. Salaada Ciida waa Laba Rak-cadood , tan hore waxaa la takbiirsanayaa Toddoba Takbiirood oo aanay ku jirin tan xirashadu, Rak-cadda dambe marka imaamku ka soo kaco waxa la takbiirsanayaa #Shan takbiirood oo aanay ku jirin tan soo kicista . ◇ #Salaada_Ciidul_Fidriga xoogaa dib ayaa loo dhigaa si dadku isaga bixiyaan Sakadii , waqtigeeduna aanu ciriiri ku noqon. ◇ #Salaada_Ciidul_Adxaha waa la dedejiyaa si Dadku u gawracaan Udxiyada. Alle ha inaga Aqbalo Dhamaan Acmaashii wanaagsaneed.
Show all...
Repost from Baro xadiiskan
Eid mubarak dhamantiin walalayaal, Farxad iyo cafimmaad ku ciida, Alle ha inaga aqbalo acmaasha wanaagsan🤲. عيد مبارك 🍂عيد الاضحى الله أكبر، الله أكبر، الله أكبر، لا إله إلا الله، الله أكبر، الله أكبر، ولله الحمد
Show all...
Repost from آثـر"🤎🍁
00:29
Video unavailableShow in Telegram
🥹🥹waxwalba oo aad samaynayso Allah ayaa ku arkaya marwalba Allah ka baq una toobad keen maxa yelay Allah waa danbi dhaaf badane naxariis badan الله اكبر🥹🥹
Show all...
7.60 MB
3
Repost from آثـر"🤎🍁
Photo unavailableShow in Telegram
Ducadan waxay leedahay ajar iyo xasanaad aad uweyn ajar يا رب لك لحمد كما ينبعي لجلال وجهك و عظيم سلطانك الله اكبر 🌸 waa duco aad ugaaban lakin ku fadhida ajar iyo xasanaad aad uweyn
Show all...
Repost from Baro xadiiskan
Khudbadii uu Rasuulka ﷺ Maalintaas jeediyey waxey eheyd, mid ximbaarsan dhambaal muhiim ah, oo ay waajib tahay in qof walba muslim ah uu qaato dardaaranka Rasuulkeena Muxammad ﷺ maalintaa noo soo jeediyey. 𝗞𝗵𝘂𝗱𝗯𝗮𝗱𝗶𝗶 𝗥𝗮𝘀𝘂𝘂𝗹𝗸𝗲𝗲𝗻𝗮 𝗠𝘂𝘅𝗮𝗺𝗺𝗮𝗱 ﷺ:- Wuxuu yiri Rasuulkeena Muxammad ﷺ: (( Dadyohow i dhageysta, garan maayo in sanadkaan kadib aan mar kale halkaan soo istaagi doono. Sidaa daraadeed si fiican u dhagaysta warka aan idiin sheegi doono, una sii gudbiya kuwa aysan u suurtagalin iney halkaan nala joogaan. Rabbi wuxuu idin leeyahay: " maanta ayaan idin dhameystiray diintiina, nimcooyinkeygana waan idin taam yeelay, Islaamkaa diin ahaan raali idin kaga noqday". قال تعالى: "ٱلۡیَوۡمَ أَكۡمَلۡتُ لَكُمۡ دِینَكُمۡ وَأَتۡمَمۡتُ عَلَیۡكُمۡ نِعۡمَتِی وَرَضِیتُ لَكُمُ ٱلۡإِسۡلَـٰمَ دِینࣰاۚ". Sidoo kale Nabigeena Muxammad ﷺ isagoo khudbada sii wato, wuxuu yiri: Dadyohow dhiiggiina, maalkiinu iyo cirdigiina xaaraan buu idin ka yahay sida maalintiina oo tan ah ay xurmad u leedahay, magaaladiina oo kan ah xurmad ay u leedahay, bishiina oo kan ah ay xurmad u leedahay. Ee midkii idin kamid ah oo ammaano haya, ha u celiyo qofkii ammaanada leh. Raggoow ogaada in xaasaskiinu xaq ay idin kuleeeyihiin, idinkuna aad iyaga xaq aad ku leedihiin. Dumarka yeysan soo gelin guriga seygeeda qof uu nacayo illaa idin fasaxo isaga mooye, dumarow hala imaanin arin-xun, haddey layimaadaan, raggoow waaniya xaasaskiina, haddey waano waxba u tarin, Alle wuxuu idin fasaxay raggoow in aad gogasha ugu haajirtaan, haddeynaan waxba u tarin gogol-haajirida, qaraaca qaraacid aan barar-laheyn "dhiig iyo laf-jibin midna laheyn". Haddey iyagu hagaagaan oo idin adeecaan, waxey idin ku leeyihiin si wanaagsan inaad u masaruuftaan iyo una iibisaan dhar ay xirtaan. Xaasaskiinu ammaanu ayey idin ku yihiin, ee waxaad ku xalilateen budcigooda kelmadda Alle, ee Alle ugu cabsada ilaalinta xaqooda, wanaagna ugu dardaarma. waan idin sheegay ee ILaahow marqaati iga ahow. Dadyahow Rabbigiinu waa waaxid, aabihiinu waa waaxid, dhammaantiina waxaad ka timaadeen Aadam CS, isaguna wuxuu ka yimid carro, qof-carab ah kama fadli badna qof-cajami ah "aan carab eheyn", Sidoo kale qof-cajami ah kama fadli badna qof-carab ah, kan idin ku wanaagsan Alle agtiis waa kan idin ku cabsida badan, waan idin sheegay ee ILaahow marqaati iga ahow " )). Ahmed Abdi Ali
Show all...
Repost from Baro xadiiskan
Maanta oo kale ayaa Rasuulkeena Muxammad ﷺ ku dul istaagay dhagaxaan markii 100,000 saxaabi ujeedinaayey "خطبة الوداع" khudbadii sagootinta, wuxuu ku hoos yaala buurta layiraahdo Jabalu-raxma "جبل الرحمة", waxeyna u jirtaa magaaladda Makka 23-km, Mina 10-km halka ay Muzdalifa ay u jirto 6-km, waxey eheyd maalintaa ee Nabigeena Muxammad ﷺ khudbada jeedinayey 9/dul-hijjah/10-Hijriyada. Kani waa dhagax ku sharafoobay ku dul istaaga Nabigeena Muxammad ﷺ, isagoo khudbadiisii ​​sagootinta u jeedinayey muslimiin lagu qiyaasay tiradooda 100,000 saxaabi ah (RC). Wuxuuna geeriyooday Nabigi Muxammad ﷺ xajka sagootinta "حجة الوداع" kadib wax ku dhow 3-dex bilood. Waxey u eheyd Rasuulkeena Muxammad ﷺ xajkiisii ugu horeeyey uguna dambeeyay ee uu soo gutay. Waxeynu ognahay in Nabigeena Muxammad ﷺ uu 4-jeer soo cumraystay, balse hal mar keliya xajiyey.
Show all...
🍀#Fadliga_Maalinka_Carafa. Rasuulku (ﷺ) wuxuu yidhi:«Maalin ay ka badantahay ilaahay addoon inuu naar ka xoreeyo ma jirto maalinka Carafa.» 🔸#Soonka_maalinta_Carafa: Rasuulka (ﷺ) waxaa la weydiiyay Soonka maalinta Carafo? Wuxuu yidhi: «Waxaa lagu dhaafaa (dambiga) Sannadkii tagay iyo sannadka soo socda.» Xadiiska kale wuxuu tilmaamayaa: Rasuulku (ﷺ) wuxuu yidhi: «Soonka maalinta Carafo waxaan ilaahay ka rajaynayaa inuu ku dhaafo (dembiga) sannadkii hore iyo sannadka dambe.» 🤲#Ducada_Maalinka_Carafa: Rasuulku (ﷺ) wuxuu yidhi:«Duco waxa ugu khayr badan ducada maalinta Carrafo, waxaana ugu khayr badan waxaan idhaahdo aniga iyo Nabiyadii iga horreeyayba: {لا إلهَ إلاّ اللّهُ وَحَدُّهُ لَا شَرِيكَ لَهُ، لَهُ الْمُلْكُ وَلَهُ الْحَمْدُ وَهُوَ عَلَى كُلِّ شَيْءِ قَدِيرِ.} Maalinta Carafo waa tiirka ugu weyn xajka Rasuulku (ﷺ) wuxuu yidhi:«Xajku waa Carafa.» 📌Maalinka Carafo ee sidaa u fadli badan wuxuu ku beeganyahay maalinka Sabtida oo beri ah markaa waa in Laga faa'idaystaa Insha  Allah.
Show all...
Repost from Baro xadiiskan
Photo unavailableShow in Telegram
صلّوا عَلى مَن تَدخُلون الجنّة بشَفاعتِه❤️🌿
Show all...