cookie

We use cookies to improve your browsing experience. By clicking «Accept all», you agree to the use of cookies.

avatar

BANAADIR TV

Halkaan waxaan idinkugu Soo gudbineeynaa Diinta Islaamka

Show more
Finland2 949The language is not specifiedMovies93 446
Advertising posts
988
Subscribers
-424 hours
-97 days
-2930 days

Data loading in progress...

Subscriber growth rate

Data loading in progress...

Ibnul Qayyim رحمه الله: “Waan necbahay inaan la kulmo Shakhsi caajis law ah oo madhan, oo aan ka shaqayn nolol adduun iyo mid aakhiro toona. Ruuxaan salaaddiisu faraynin wanaag kana reebin xumaanta. Isaga waxba uma tari doonto; kaliya waxay kordhinaysaa masaafada isaga iyo Alle”. [al-Fawaa’id | Bg. 247]
Show all...
👍 1 1
📌 Xanuunka wixii Takay: Ibnul Qayyim رحمه الله wuxuu yidhi: "(xanuunka) wixii la soo maray Qalbiga lagama saari karo isagoo laga murugoonayo, laakiin kaliya waxaa loo maraa: Ogolaanshaha (yacni in laga raalli noqdo qadarka Allaah) (al-Ridhaa) • Mahadnaq (al-Hamd) • Dulqaad (al-Sabr) • Rumaynta qaddarka (al-Imaan bil-Qadr) iyo odhaahda addoonka ah: “Waa xukun Eebbe, wuxuu doonana wuu falaa” (قَدَّرَ اللَّهُ وَمَا شَاءَ فَعَلَ) [Zaad al-Macaad | 2-327]
Show all...
Odey indheer-garad ahaa ayaa wax laga weydiiyey farqiqa u dhexeeya canaanta iyo cayda. Waxaa uuna yiri. Canaantu waa toosin, lakiinse caydu waa qaloocin. Canaantu waa danayn, laakiinse caydu waa duleyn. Canaantu waa sidan wax ka bedel, laakiinse caydu waa isbedel ma awoodid. Canaantu waa waxaan kula jacelahay wannaag, laakiinse caydu waa waxaan kula necebahay wannag. Canaantu waa horey u soco, laakiinse caydu waa dib u soco. Canaantu waxay ka timaada dadka ku jecel sida: waalidkaaga, walaalada, ehelkaaga, qoyskaaga, saaxiibada iyo qof kasta oo kula jacel horumar. Caydu waxay ka timaada qof kasta oo ku neceb, oo aan kula jecelayn horumar iyo hore u socod. Marka ha moodin ruuxa ku canaanta in uu ku neceb yahay hubaal waa uu ku jecel yahay.!
Show all...
Photo unavailableShow in Telegram
Dhibaatadu weligeed waxay ka jirtaa nolosha; Aad ayaan xasaasi u ahay, kuwa iigu dhawina aad ayay u garanayaan. Waxaan isku dayaa mar walba inaan muujiyo lidka dareenkayga, laakiin nasiib daro, muuqaalada wejigayga, erayadayda iyo habdhaqankayga ayaa i fashilya. Waxaan u fiirsada tafaasiisha ugu yar, erayada ugu yarna way i dhaawacaan, xitaa eegmo ayaan ku fahma qofku waxa uu ula jeedo. Haddii aad aragto aniga gubanaya oo taahaya, ama aan aamuso in muddo ah, ama aan kaa fogaado in muddo ah, ama xaaladdeydu ay isku beddesho xaalad kale, ogow in ay jiraan wax u fudud indhaha dadka, laakiin aniga way i dhaawacayaan. 💔😥 Abdulkadir Uukow
Show all...
Photo unavailableShow in Telegram
7 sano ka hor Jacayl falanqayn jirnay Markaasey ayadoo 2021 ama 2022 Mobilekeeda ugu horeeyo Lo gadey shukaansi iga rabtaa yaab😂😂😂
Show all...
Marnaba ha dareemin murugo Marxaladaha adag waa weji kamid ah wejiyada nolosha mana sii waari doonaan, waayo noloshu waa wareegto. Xusuusnow waxaad ku dhex sugan tahay bartamaha bad, hirarka baddu wey ku qaadi karaan, haddii aadan laheyn xirfad aad kaga gabbato. Ogow waad ka karti badan tahay kana geesi san tahay sida aad isku maleynayso. Horumarku had iyo jeer ma aha in aad dhawr jiho u booddo si aad hore ugu socoto, balse mararka qaarkood waa tallaabooyin yaryar. Tallaabo kasta, haba yaraato e, waxay kuu soo dhawaynaysaa yoolkaaga. Guuldarradu waa Tallaabo. Waa caadi inaad kufto laakiin waa muhiim inaad mar kale kacdo. Dib u dhac kasta oo kugu yimaada waxa uu ku siiyaa kansho aad wax kaga waxbarato. Goorta aad keligaaga tahay ha dareemin murugo, xusuusnow dayaxuba inuu keligii yahay, hadana waa midka ugu iftiinka badan inta samada ka muuqata. Degnaashuhu keliya ma aha in aad ku adkaysato aamusnaanta. Sidoo kale waa ogaanshaha goorta aad caawinaad waydiisanayso. Waxaan ku leeyahay saaxiib, naftaada u halgan, si kastoo ay u adkaato, weligaa ha ogolaan in aad isdhiibto. Abdulkadir Uukow
Show all...
Joogteynta waa awood xoog leh oo qaabeyn karta nolosheena oo nagu riixi karta horumarinta nafta iyo korriinka shakhsi ahaaneed. Waa go'aan qaadasho aan leexleexad lahayn oo lagu sameeyo ficillo ama caadooyin, lagu fuliyo si anshax iyo go'aan leh, Maalinba maalinta ka dambaysa, Toddobaadba toddobaadka ka danbeeyo, iyo bilba bisha ka dambaysa, ilaa sanadba sanadka xiga. Awoodda joogtaynta waxay ku jirtaa awoodda ay u leedahay in ay ku kordhiso dadaallada yaryar waqti ka dib, si tartiib tartiib ah u dhiseysa fal kasta iyo abuurista saameyn isku dhafan oo horseedi karta natiijooyin cajiib ah. Sida hal dhibic oo biyo ah ay u ekaan karto mid aan macno lahayn, laakiin marka lagu daro kuwa kale oo aan xisaab lahayn waxay samayn kartaa webi dhan oo qulqulaya, Joogtaynta waxay u beddeshaa ficillo u muuqda kuwo aan waxtar lahayn hada oo u beddesha mustaqbalka isbeddel iyo guul wax ku ool ah! Tayada ugu naadirsan ama ugu dhifsan ee bani'aadamku leeyahay waa joogtaynta. Dadaalku wax faa'iido ah malahan hadii aan la joogteeneyn. Dameerka oo ay ku tilmaanaan xayawaanka ugu doqonsan waxa caaqilka ka dhigay markuu ceelka aadayo waa joogteynta iyo ku noqnoqashada ceelka uu maalin walba aado. Waxay dhahaan aadaabta iyo joogtaynta ayaa qofka uga filan inuu gaaro waxwalba uu doonayo. Rasuulka (scw) waa tuu yiri "Camal waxaa Alle agtiisa loogu jecel yahay mida la joogteeyo haba yaraato e'"
Show all...
👍 1
Dayax ma jiro, qalbigaygu wuu olalayaa, dunidu waa mugdi, riyooyinkaygu waa quus. Dayaxu waa haaf, isagaan la kulmay, qalbiga rajo ayaa gashay. Dunida iftiin aan waynayn ayaa ka jira, riyooyinkaygu waa yar yihiin. Dayaxu waa dhammays, qalbigayga jacayl mug leh ayaa dhex jiifa, riyooyin ciidda ka badan ayaan yeeshay. Mar kale dayax ma jiro, qalbigayga wuu jabiyay, dunidii way mugdiyawday riyooyinkiina waa burbureen. Dayaxu waa haaf, xanuunkaygii wuu nusqaamay, cidladaan la qabsaday, dunidu way soo iftiimaysaa, riyooyin cusub ayaa dhashay. Dayaxu waa dhammays, la'aantiis baan aniguna dhammays ahay, dunidu way iftiimaysaa, riyooyinkuna run bay ku dhaw yihiin.
Show all...
Hadii deeq dowlada Bixin lahayd Websiteyada Wasaaradaga quseeyo ayaa Lasoo galin lahaa linkska socdo Fadlan iska jir waa dad doonaya Inay Data Uruursadaan Sida Emailska iyo Numberska hadaba iska jir mahadsanid
Show all...
Diintu maxay ka qabtaa in qof maqan Masaajidka Boos looga sii qabto sida in cimaamad ama kursi loo dhigo. Sidoo kale waxaa dhacda in qof cimaamad dhigto safka hore meel kalena uu fadhiisto isagoo laba boos wada haysta.Culimadu ha inooga
Show all...