Abdirahman Nuur Abukar
Open in Telegram
Director Office of Information & Media Relations, Himilo Qaran Party
Show more4 161
Subscribers
No data24 hours
+167 days
+5530 days
Posts Archive
Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.
Waxaan uga tacsiyeynayaa umadda Soomaaliyeed, si gaar ah caruurtii, qoyskii iyo guud ahaan shacabka Somaliland ee uu ka baxay Allah ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Alle ha u raxmadee, Madaxwayne Siilaanyo, wuxuu leeyahay taariikh wanaagsan oo uu ugu soo adeegay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed.
Waxaan Alle uga baryaa in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, qoyskiisa iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan Alle ha ka siiyo.
Xisbiga Himilo Qaran wuxuu ku bogaadinayaa tallaabada Dastuuriga ah ee uu qaaday Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ee ku aadan magacaabista Guddiga Madaxabannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland.
https://t.me/HimiloQ
Hadii sharcigga aad ku tumaneysaan, danta Qaranka aad boobeysaan, sidee ayaa la idinkugu aamini karaa doorasho Qof & Cod ah ?
+1
Madaxda Qaranku waa inay la yimaadaan aragtidii la isugu wadi lahaa shacabka loogana gudbi lahaa isu adeegsiga awoodda dowladeed.
Qofka qaldan gacanta qabo, Xigtada ha xigsan :-
Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi waxaa ka taagan khilaaf u dhaxeeya safiir Jabriil Ibrahim Abdulle iyo Qunsulka Guud ee safaarada Maxamed Cabdi Aadan (Xoosh).
Labada Masuul mid waxay qaraabo yihiin madaxweyne Xasan Sheekh waana safiir Jabriil, midna waa qunsulka Ugaas Xoosh.
Xasan Sheekh ayaa si lama filan ah ula saftay safiirka ay qaraabada dhow yihiin ee Jabriil, waxaana uu go'aansaday inuu badalo qunsulka.
Xasan Sheekh soo labada Masuul Madaxweyne uma ahan ama xigtada xaq ku leh nidaamka dowladnimada .
Natiijada la sii ogyahay ee ay qorsheeyeen Madaxtooyada iyo Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay ka soo baxdo fadhiga Labada Aqal ee loo ballansan yahay maalinta Sabtida ah 30ka Maarso 2024, waa mid sii cadayneysa in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud uusan danaynaynin wada jirka iyo midnimada umadda Soomaaliyeed, oo uu kashaqaynayo oo kaliya dano u gaar ah.
Qof bukaan ah oo xaalada deg deg ah ayaa salaada saaran oo u baahan Dhiiga B+, Fadlan qeyb ka noqo badbaadinta naftiisa si gaarsii fariintan dadka kale.
Kala xiriir 06122290617
Share ku garab istaag si deg deg loo helo qof dhiiga u shuba.
Maleyshiyaad Khawaarij ah oo ku dhuumaaleysanayay gobolka Jubbada hoose ayaa ciidanka Qaranku adduunka ka qariyey waxaana nolosha lagu qabtay qaar kale.
Maxkamadda G/Banaadir ayaa muddeysay Dacwadda ka dhanka ah Eedeysane Sayid-cali Macalin Daa'uud oo ku eedeysan inuu xaaskiisa oo uur leh uu ku gubay Muqdisho.
Xukun nocee ah ayee maxakmada ku fulin dontaa ayaa is leedahay.
Arooska gabdhahaa soomaaliyeed hamigooda yahay ayaa ka dhacaya todobaadkan ka dhacay dalka Hindiya.
Muddo 5 beri ahna soconaya aroos ay ku bixi doonto 100 milyan oo dollar. Waxaa isku guursanaya wiil uu dhalay nin ka qaarada Aasiya ugu taajiran iyo gabar uu dhalay nin ka labaad ee Hindiya ugu taajirsan.
Aroos kaan ayaa waxaa ku casuman mulkiilaha Facebook, Bill Gates, Hillary Clinton, fanaanad Rihanna (aroos ka ayay ka heesaysaa waxay qaadanaysaa 8 milyan oo dollar), Ivanka Trump, madaxa shirkadda Google, madaxa shirkadda Disney, Amitabh Bachchan iyo dad kale oo dunida caan ka ah.
Dad kaan ayaa lagu keeni doonaa diyaarado khaas ah waxaana la dajin doona huteello 5 star ah. Sidoo kale waxaa loo yeeray 12 ka cunno kariye ee adduun ka ugu sarreeya.
Subax wanaagsan, Hadii ilaahay kugu daray kuwa cafimaad qabka ku soo toosay, ku xamdi ilaahay.
Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa caawa gaaray magaalada Antalya ee dalka Turkiga. Madaxweynaha oo ka qeybgalaya Madasha Diblomaasiyadda Antalya ayaa sidoo kale, wuxuu uu kulamo muhiim la yeelan doonaa ah hoggaanka dalka Turkiga.
